Soomaalida
Minnesota oo DFKMG u Ballan
aaday In ay u Iibinayaan Idaacad
ay Dawladu kaga Hor tageyso "Beenta
BBC-da"
Wasiirka Maaliyadda ahna
Ra'iisul wasaare Xigeenka labaad, Wasiirka Boostada &
Isgaarsiinta, iyo Agaasimaha guud ee Boostada & Isgaarsiinta
oo booqasho ku yimid Minnesota....
- Minneapolis |
SomaliTalk.com | Oct 2, 2005
Shir xalay lagu qabtay
magaalada Minneapolis, kaas oo lagu soo dhoweynayey madax
kasocota DFKMG oo booqanaya Minnesota, ayey Soomaalida
Minneasota waxay ballan qaadeen in ay Dawlada Federaalka
Kumeelgaarka ah u iibinayaan Idaacad.
Arrintaas waxaa shaaca ka
qaaday Maxamed Cabdi Faarax oo ah oday Soomaaliyeed oo reer
Minnesota ah. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri :
Waxaan farriin reer Minnesota uga sidaa waftigii
madaxweyanaha DFKMG oo dhowaan booqashada ku yimid New York.
Farriirntaas oo ah in waftigaasi ay reer Minnesota ka
codsadeen in ay u iibiyaan idaacad.
Arrintaas markii uu ka
hadlayey Maxamed Cabdi Faarax waxa uu arar ahaan u sheegay
in ay jiraan warar badan oo been ah oo la faafiyo, waxana uu
yiri "BBC-da anigu maba dhegeysto" waxaana lagu sheegayay
"Been Been Sii".

Maxamed Cabdi Faarax "Anigu
BBC-da maba dhegeysto"...
Maxamed Cabdi waxa uu xusay
in aan kharash badani uusan ku baxayn iibinta idaacada,
isagoo sheegay in tiro kabadan 30,000 oo Soomaali ah ay ku
nool yihiin Minnesota taas oo uu yiri haddii 3,000 oo keliya
ay min $20 doolar bixiyaan ay hir gelin karaan dhismaha
idaacada.
Kaddib dadkii shirka joogey
ayuu su'aal weydiiyey ahayd in ay ballan qaadayaan iibinta
Idaacadaas. Hal mar ayaa dadkii istaageen iyagoo dhehaya 'haa
waa ballan qaadeynaa". Markaas ayuu Maxamed Cabdi jalleecay
dhinaca wasiirka Maaliyada DFKMG ahna Ra'iisul wasaare ku
xigeenka labaad, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, wasiirka
Boostada & Isgaarsiinta, Cali Axmed Jaamac "Jangeli" iyo
Agaasimaha Guud ee Boostada & Isgaarsiinta, Axmed Maxamed
Aaden oo kamid ahaa waftiga DFKMG ee booqashada ku yimid
gobolka Minnesota oo ahaa kuwii xaflada loogu qabtay xaafada
Cedar ee magaalada Minneapolis oo ah xaafada ay Soomaalidu
ku badan yihiin (sida Islii), waxana uu (Maxamed Cabdi
Faarax) yiri Reer Minnesota waxay hortiina ku ballan qaadeen
in ay dawlada FKMG u iibinayaan Idaacad oo ah idaacadii "ay
Dawladu ku beenin lahayd waxay sheegeyso BBCda (British
Broadcasting Corportaion) -(Af-Soomaaliga ku hadasha)",
oo ay dawladu dadka ku hanuunineyso.

Bixid: Axmed Maxamed Aaden
(Agaasimaha Guud ee Boostada), Prof. Saalim Caliyow Ibrow (Wasiirka
maaliyada Ahna ra'iisul wasaare xigeen), Cali Axmed Jaamac "Jangeli"
(Wasiirka boostada & isgaarsiinta) iyo C/rashiid Aaden Seed
(oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha DFKMG)
Nin Soomaaliyeed oo xaflada
joogey ayaa yiri "Haddii DFKMG ay garato habkii ay dadka uga
jeedin lahayd dhegeysiga Beenta BBC-da waxay noqoneysaa
dawladii Soomaaliyeed oo ilaa xorriyada la qaatay fahamta
sababtii markii hore loo asaasay BBCda in ay ahayd in
gumeysigii uusan ka suulin dalka oo maskax ahaan loo
gumeysto Soomaalida weligeed."
Kulankii xalay ee waftiga
DFKMG lagu soo dhoweeyey sidii uu u dhacay iyo hadaladii ay
kasoo jeediyeen madaxdiika socotey DFKMG kala soco
SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 2, 2005
HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA
- 18kii Luuliyo,
1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda
bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer
toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura.
Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi.
[1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya,
si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii
bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada
midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in
10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa
talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu
xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii
ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
- Sebtembar 1958kii
ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta,
waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii
Soomaaliya.
[Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee
Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo
tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
- 1dii Luulyo,
1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey
xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho
30-daqiiqo.
[1 July
1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo
israacii Woqooyi iyo Koonfur]
- 25kii Maarso
2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa
waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo
1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah.
[August
26, 2000
waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
-
Sannadka 2002 waxaa
lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado
dheeraad ah eeg:
BBC.11:00 |
BBC.14:00 |
BBC.16:00 |
BBC.18:00.[Waxaa
soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta
Soomaalida]
Shariif
Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka
Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...
Guji...
Sept 30
Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud...
Guji...
Sept 30 Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir
Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.
Guji..
Sept 30
Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo...
Guji...
Sept 30
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |