Furitaanka Markaska Imaamu
Shaafici ee magaalada Burco
15/08/1426H
20/09/05 M

Maalintii ay taarikhdu ahayn 20/09/05 Waxaa magaalada Burco ka dhacay xaflad balaadhan,
taas oo lagu furay Markas loogu magac daray Imaamu Shaafici oo uu dhismihiisu yahay 2 fooq oo ka kala kooban:
-
Qaaco loogu tala galay seminaarada
iyo wax kasta oo bulshada nafac u leh.
-
Maktabad isteeriyo oo laga heli
karo muxaadarooyin iyo duruus maqal iyo muuqaalba leh.
-
Maktabad lagu daalacan karo
kutubta diiniga ah iyo kuwa maadigaba.
-
Xafiisyo maamul oo ka kooban 2 qol.
-
Fasalo waxbaraso oo ka kooban 5
fasal.
-
Qol loogu tala galay qaabilaada
martida.
-
Kafeteeriye.
Waxaana qaybta ugu wayn ee dhisitaanka Markaska ka qayb
qaatay hay’adda Al-Xikmah ee dalka Danmark, sidoo kale jaaliyadaha Soomaliyeed
ee dalalka Skandinavianka iyo dadka reer Burco, mahad oo dhanna Ilaah ayaa leh.
Dadka kasoo qayb galay furitaanka xafladda:
Furitaanka Markaska waxaa kasoo qayb galay dad aad u fara
badan, meeshuna ay qaadi wayday. Waxaana dadkaa ka mida:
-
Gudoomiyaha Burco Cabdi Maxamed
Iidle (Cabdi Burco).
-
Suldaan Maxamed Guuleed.
-
Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen.
-
Suldaan Cabdiraxman Qodax.
Sidoo kale waxaa marti sharafka kasoo qayb galay ka mid ahaa
culumaa’u diin ay ka mid yihiin:
-
Sh. Cali Warsame Xasan.
-
Sh. Maxamed Idriis.
-
Sh. Cabdinaasir X. Axmed
-
Sh. Cabadulaahi Makaawi.
-
Sh. Cabdulaahi Sh. Nuur.
Iyo akhyaar kale oo ka kala timid wadanka qeybihiisa kala
duwan iyo dibadiisa sida Yurub, Hindiya, Pakistan
iyo Carabaha.
Nadwo cilmi ah:
Xafladii furitaanka kadib Markaska waxaa lagu furay oo kale
nadwooyin culuum kala gadisan diini iyo maadi iyo dawraad khaas ah oo loogu
tala galay:
-
Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka
iyo kuwa caadiga ahba.
-
Dulaabta cilmiga iyo ardayda
dugsiyada.
-
Dumarka magaalada.
-
Dawrooyin ku salaysan Maamulka iyo
Computereska.
Yaa loogu tala galay Markaskan muxuuse qaban doonaa?
Qof kaste oo naga mida oo soo akhriyay qoraalkan qeybihiisa
hore, wuxuu si fiican u qiyaasi karaa hawsha loogu tala galay in Markaskan uu
fuliyo. Hadaan sii faahfaahino waxaa ka mid ah:
Markasku wuxuu qaadan sanadka ugu horaysa arday cadadkoodu
le’eg yahay 150 – 200 haduu Rabbi idmo.
Mahad celin iyo baraarujin:
Mar labaad mahad oo dhan Allah kaligii ayaa leh. Tan xiga
waxaa mahad leh jaaliyada Denmark
iyo hay’addooda Alxikmah,allaah ha
barakeeyo, walaalaha Scandiniavinka iyo dadka reer Burco ee sida wacan uga qayb
qaatay hawshaan. Waxaaan soomalida oo dhan ku baraarujin lahayn inay
mashaaariicda khayrka ah ee umadda waxtarka u ah ka qayb qaataan gacan lixaad
lehna ka gaystaan meel kaste oo ay dunida ka joogaan. Middaas oo waxtar u leh
Aakhiro iyo aduunba.
Wixii ku saabsan faahfaahin intaa dheer oo qusaysa Markaska
waxaad kala soo xiriiri kartaan magacyada iyo telefonada hoos ku qoran.
C/laahi Daahir Jaamac (cbaashe)
002522435012 ama
002522710253
Email:
cbaashe@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 3, 2005
Shariif
Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka
Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu
Hogaaminayo ayaa...
Guji...
Sept 30
Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud...
Guji...
Sept 30
Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha
Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir
Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka
Nuclear-ka”.
Guji..
Sept 30
Dagaallo
cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo...
Guji...
Sept 30
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |