Somaaliland.
dawlad. Qaran, Riyaale Madaxweyne
Kudayasho. Mudan..???
|
Marxuum Cigaal |
|
"Ramadan Kariim"alaa
mahadleh alhihii iisahlay inaan qoro maqaalkaan
xasaasigaa xiisahanabadan ahna maqaal dhabta
kahadlaaya oo aan caadifadi ku dheeh nayn.
dhammaan waan salaamayaa
akhris tayaasha sharafta leh
waxaan lee yahay gacmo
farxad kudheehan tahay iyo waji walaal nimo ugu soo
dhawaada maqaalkayga.
waxaan kubilaabayaa alaa
mahadleh alihii awooda lahaa inawada abuuray dhamaan
tayo. sida lawada og soon yahay
somaliland waa maamul
kajira dhinaca waqooyi ee Dalka somaaliya
somaaliyana kagoostay 1993 markii ay arkeen in
somaaliya aysankasoo socon wax natiijaa oo aan
ka ahayn bur bur iyo
dagaalo sokeeya.
madaxdii waq tigaas
joogtay ee somaliland ee ay kamid ahaayeen
madaxweynihii sharafta lahaa ee geeriyooday mudane
maxamed ibraahim cigaal iyo madax wey nihii ka sii
horeeyey mudane cabdiraxmaan tuur alaha labadaba
unaxariistee, waxey go.aan ku gaareen in ay dad
kooda iyo dhulkoodaba ay utashadaan oo ay ka gooyaan
somaalidaan is laynaysa maalintaas waxaalagu
dhawaaqay magacaan aad wada maqlaysaan aad na wada
barateen loona yaqaan SOMALILAND.magacii waxa
uunoqday magac caana oocaalamkoo dhan laga barto
somaali is kabadaaye.
Sanado kadib somalilan
waxey noqotay meesha ugu nabad wanaagsan somaaliya
inteeda kale waxey noqotay dal nabada oo ay is
kuhaleeyaan madaxda aduunka somalilan waxaa
kadhacay doorasho aan lamaqal o haryna aan loogu arag
AFrika inteeda kale doorshadaas oo ahady midii
uukusoo baxay madaxweynaha haatan Mudane daahir
riyaale kaahin.
alaha unaxariistee
dhimashadii maxamed ibraahim cigaal kadib dad ka
somaaliyeed iyo waliba kuwa somaliland waxey
moodayeen in somalilan ay dhimatay oo ay raacday
alaha unaxariistee Mr MaXamed ibraahim cigaal,
laakiin ale mahadii somaliland wey tashatay oo wey
sii socotay dibna maeegin ee dawlad qaran oo lahubo
bay noqotay maalin tii ay dhacaysay doorashadii
somaliland ee uu kusoo baxayey mr daahir riyaale
kaahin meel aan fadhiyey oo ay joogeen rag siyaasiina
waxey dhahayeen haatan bay somaliland udhamaatay
waayo waxaa soo baxay ninlaga xoog roon yahay oo
aan wax ba asan ka ahayn beeshiisu somaliland.
somaliland waxey
leedahay maanta madaxweyne qaran madaxweyne kuxigeen
baarlamaan iyo waliba arin kaloo cajaaiba calamka
ka qaar kiis aan xataa .aysan.kajirin oo ah sadex
xisbi mucaarada oo waxey rabaan sheegi kara cid ay
kabaqayaana aysan jirin. waa wax kudayasho mudan
xaalka ay maanta marayso somaliland.
waxaa lagaybaa qof kastoo
akhrisanaaya maqaal kaan inuu is dhaho nin ka
maqaalkaan qoray waa nin reer hargaysaa daacadii
aniga somaliland uma dhalan mana ahi laakin
wanaagooda ayaan rabaa inaan caalamka tusiyo. ee
kuma hadlaayo magac qabiil iyo mid beel toona iyo mid
maamul toona kuma hadlaayo ee waxaankahad layaa xaqiiq
da jirta ee yaan lamoodin inaan reer hargaysa ahay
oo faaninaayo gobolkayga
HARGAYSA waacaasimada
maamulka somaaliland waa magaalo nabadataalo aad
layaabayso waa magaalo si xora aad ugu dhex nolaan
karto una dhexmari karto waa magaalo lagadareemaayo
inay caasimad utahay dawlad Qaran hargaysa aad bay
amaan umudan tahay hadii aan laxaqirayn daacadna ay
jirto.
talo kusocota dad ka somaaliland..
waxaan lee yahay dad ka
somaaliland is eega oo isla dhista wadankiina aqoonsi
wax uun idin kala maqan yahay majirtee hadii aduun ku
idin aqoonsadana ALLaamahadleh hadii Kalana kadaalik
oo yaanlays ku murjin aqoonsi
daacadii dadka
soomaalilan aqoonsi waad helaysaan hadii aad sii
wadaa dadaal kaan aad ugu jirtaa wadankiina hadii
aad siiwadaan nabadaan waxaa ,hubaala in laydin
aqoonsoan doono waaxaqiiq lahubo.
reer somaaliland ha is
dhihinina dal kiinii wa idiin nabad oo ha is
kaseexanina ee mar wal ba wadan kiina cadwga
kadifaacda oo dadaal muujiya hadaad is dhigataan
daad kaa idin qaadaaya waa. hubaal lahubo.
reer somaaliland far
kaliya fool madhaqdo dawlada hadiinan lashaqayn wax ay
qaban karto majirto ee lawada shaqeeya oo nabada la
ilaaliya.
reer somaaliland is
kadayaa oo haku faka rinina inaad dalkiina is kabur
burisaan waayo LAMA HURAAN WAA HARGAYSA ee yaan
lanicin hooy hooy hooy..,
talo kusocota madaxweyne
riyaale
mudane madaxweyne waad
mahad san tahay mudane waxaan kaaraali galinayaa
kalmadaan ah talo kusocota madaxweyne riyaale mudane
karaali noqo iga mahan xumaan ee waxaan is iri
madaxweynahu maadaama uu Dimuquraadiyahay talo ujeeda
mudane madaxweyne waxaan
kulee yahay dad kaaga iyo dalkaaga labadaba wanaaji
oo mar naba haku fakarin inaad dulayso waa yo ayagaa
kasoo jeda a kuna dhiibtay xilkaan adag. mudane
madaxweyne ku dadaal sidii aad umuuujinlahayd nabada uu
dalkaaggu gaaray waxaa lagayabaa in aad aqoonsi
kuheshee taasna mudane waxaa kuu sahli karaaya adoo
saxaafada daaya oo aan caburin.
mudane madaxweyne waxaa
kaloo aqoon si dalkaagu ku gaari kara a oo xisbiyada
mucaaradka a xor kadhiga oo caburinta kadaaya mudane
qof kastoo reee somaliland u aqoon so ilmahaaga oo
kale. una qiimee sida aad uqiimayn lahayd
ilmahaaga oo kale. Mudane Madaxweyne dad kaaga iyo
dalkaaga udadaal oo uraadi aqoonsi caalamiya.
talo kusocota xisbiyada
mucaaradka
kulmiye |
ucid |
alaa mahadleh. waxaan ku
waanin lahaa xisbiyada mucaaradka somaaliland in ay
calyadooda dib uliqaan oo ay dantooda gaar ka kahor
mar shaan danta guud ee Dad weynaha ay kadhasheen.
waayo taas baa uwanaagsan guulna ay kugaarayaan
waxaan kawaaninayaa madaxda xisbiyada mucaaradka
somaliland in ay sirta wadankooda aysan banaan ka gayn
.
waxaan dhihi lahaa wax
walba oo qalada oo u geysto maamulku haku sab reen
ayagoo eegaya somaliland sharafteeda si uusan ugu
farxin cadawgu labada xisbi ee siyaasada waxaan dhihi
laaha dantiina gaar ka ka hor marsha dantiina guud.
talo kusocota saxaafada
somaaliland
saxaafada somaaliland hor
mar bay gaartay waa saxafada aad uqiimo bada. waxaan
dhihi lahaa saxaafada somaaliland hajoojiso
barabogaandada ay dad keeda iyo dawladeeda kuwado.
waayo waxay kakeenayso oo natiija amajirto.saxaafadu
waxey kamid tahay adunka wax yaalaha laga qiimeeyo
saxaafadu waa furaha dalkasta hor mar gaar siinkara
ama colaad dhex dhigikara dad ka hal kaas kunool.
saas darteed waxaan lee yahay saxaafada somaliland
hanoqoto saxaafaddaacada dhex dhexaada dad kana u
adeegaysa iyo dawlada.
talo
kusocota jaaliyadaha somaliland
Waan hubaa dad badan ayaa
ila yaaban oo soomaalida waxan oo kale loogama baran in
ay Wanaag isku sheegaan,anigu waxaan ahay shaqsi kasoo
jeeda Soomaaliya hadana si kalgacal ku jiro unbaan wax
idiin ku sheegayaa maadama aad tihiin dad dadaalay.
waxaan salaamayaa dhamaan
dad ka somaaliland gaar ahaan jaaliyadaha kunool
banaanka waxaan leeyahay walaalahayga reer somaalilad
ee kunool qurbahow dalkiina dhista oo gacmo wada jir
bay wax ku gooyaane wada jir wax ugu qab ta dalkiina
hooyo
udhisa iskuulo isbitaalo
is kudaya ianadwadamada aad joogtaan aqoonsi uga
raadisaan dalkiin. waayo waasuuragal ah in laidin ka
ogolaado. oo laidiin aqoonsado a ya a suura gala
marwalba dhalinyarada
wax bara oo kuwa tabaalaysan wax uqabta ilaa heer
jaamacadeedna geeya waad u aayi doontaane marna qabiil
wax ha ku qabanina eeqaran nimo wax ku qabta
dakiina wax bartay qaarkooddalka dib haugu soo noqdaan
oo wax hakadhigaan goobaha waxbarashada.
maqaalkayga oo aan rabey
inaan arimo badan kaga hadlo wakhtiga a iidiiday ee
halayga raali noqdo hadal badanina haan mabuuxsho
waxaa qoray saxafi
somaaliyeed jamaal maxamuud axmed shuuriye
Ramadaan kariim
Kenya ___ Nayrobo
alaaweyn. oo awoodleh
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 28, 2005
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |