Barlamanka
cusub iyo isbahaysiga Axsaabta
mucaaridka Somaliland.
Saeed Abdillahi duale
Preston University
Ramadan Karim
Marka hore, waxaan halkan
dhambaal hambalyo ah uga dirayaa , guddida doorashooyinka,axsaabta
qaranka, iyo shacbiga somaliland sidii ay uga hawlgeen
in ay suurto geliyaan doorashadii u danbeeysay ee ka
dhacday guud ahaan wadanka 29 sep, 2005.
Doorashadii u danbeysay ee
ka dhacday somaliland waxay tahay mid ay ku diirasadeen
meel kasta oo ay joogaan dadka somaliland guddo iyo
dibed ba, dhamaystirtayna hanaankii geedi socodka
Dumqaaridyada Somaliland ( Somaliland democratic process
) , waxaanay tusaale wacan u tahay hanaanka
dumquraadiyada ee geeska afrika, iyo Guud ahaan dunida.
Haddaba,waxa beryahan
danbe indhahaygu ka halacsanayeen shabakadaha wararka
soo laliya akhbaar sheegaysa axsaabta mucaaridka (Kulmiye iyo
Ucid) oo samaystay isbahaysi si ay u qeybsadaan shir
gudoonka golaha cusub iyo Xisbi al xakimka Dawlada ( Udub)
oo Geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii ay u kala
kicin lahaayeen heshiiskaas una arka mid ka hor iman
kara maamulka ay hadda gacanta ku hayaan.
Haddaba, Aan ku horeeyo
heshiiska ay wada gaadheen Ucid/ kulmiye oo ah in ay
qaataan kaalin mucaaridnimo ayaa waxa uu yahay runtii
talaabo la soo dhaweeyo kaas oo keeni kara dheelitir
dhinaca siyaasada ( somaliland political balance) ah
marka la eego sida imika uu yahay xaalka guud ee
wadankeena. waxaana heshiiskan laba xisbi ay wada
gaadheen uu horseedi doonaa in la wada xisaabtmo oo aan
qolo kaliya meel banaan ordin, waayo waxa hore u jiray
in aanay jirin dheelitir siyaasadeed oo cid kaliya ay
goyn jirtay arrin kasta oo saamayn ku lahaa wadanka
guddo iyo dibbed ba laakiinse imika wixii ka danbeeya ay
soo mari doonaan wax kasta oo la qabanayo Barlamankan oo
ah mid ka duwan kii hore kuna jiraan aqoonyahano,
xisaabyahano, siyaasiyiin, waxgarad , culimo ,
suxufiyiin iwm kuwaas oo metela shacbiga somaliland
qeybaha uu ka kooban yahay oo dhan. waxaana barlamankani
uu kaga duwanaan doonaa kii hore iyada oo la tayayan
doono guddi hoosaadyada barlamanka ( an effective
mobilization of parliamentary committee), guddiyadaas oo
midkasta ka hawl geli doono in uu qiimayn ku sameeyo arrimaha
soo socoda ee uu qaabilsan yahay kuwaas oo ah :
1. guddida hoosaadka
barlamanka ee qaabilsan arrimaha dibeda ( foriegn
affairs parliamentary committee).
2.guddida hoosaadka
qaabilsan caafimaadka ( health committee)
3.guddida qaabilsan
arrimaha dhaqaalaha ( finance committee).
4.guddida qaabilsan
bii'ada, cuntada, miyaga, iwm ( environment, food and
rural affairs committee).
5. guddida qaabilsan
difaaca ( defense committee).
6. guddida qaabilsan
dhaqanka, saxaafada, ciyaaraha ( culture, media and
sports committee)
7. guddida qaabilsan
arrimaha dastuurka ( constitutional affairs committee).
Guddiyadaas iyo kuwo
kalaba waxay noqon doonaan kuwo ku sameeya qiimayn
qaybaha ay qaabilsan yihiin oo dhan kuwaas oo marka
danbe na horkeeni doona kalfadhiyada uu yeelan doono
barlamanka cusub si loo la faguro wixii qabsoomay ,
wixii aan qabsoomin, wixii la lunsaday, xagii ay mareen,
iyo wixii ay ku baxeenba iwm. taasina waxay u fiican
tahay shacbiga somaliland oo u doortay barlamankan cusub
mid noqda tiir horseeda maamul wacan oo ku fadhiya
xisaabtan cad. ( good governance and accountability)
Haddba, heshiiskan wuxuu
yahay mid soo dhaweyn muddan laakiin se istaahilin in in
loo turjumto mid lagu ridayo Dawlada ee loo arko inuu
yahay mid loogu shaqeynayo bulshada reer somaliland
horumarkeeda, ictiraaf u doonkeeda, maamul fiicnaanteeda,
iyo gaadhista himiladeeda siyaasadeeda ka soke &ka fog
labdaba ( somaliland long & short term policy).
Ugu danbeyntii, waxaan
talo ku soo jeedinayaa in axsaabta mucaaridku ku
tageeraan dawlada wixii wanaagsan saxaana khaldaadka si
salmi ah oo ay ku jirto danta dadka iyo dalkuba.
xildhibaanada barlamankana
waxaan u soo jeedinayaa in ay ka duwanadaan kuwii iyag
ka horeeyay ee ay ragaadisay musuq maasuqu, qabyaalada, laalushka,
cid garabsiinta, noqdaan kuwo u hiiliya shacbiga siiyay
codkooda si aad wehel ugu noqtaan himiladooda ay
doonayaan in ay gaadhan.
Saeed Abdillahi duale
Preston University
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 28, 2005
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |