Xiridda Garoonka
Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii
Qeybdiid
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Oct 28, 2005
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Maxaa faraqa oo u dhexeeye garoonka Cisiley iyo kan Deyniile?
Ma mid baa howl qaran lagu qabtaa? Xildhibaannaa mar hore
madaxweynaha ku yiri: dagaaloogayaasha Xamar ma aha dadkii
reer Puntland ee aad sidaad rabtay ka yeeli jirtay. Waxaa
taas u daliil ah, hal sano buu ka caalwaayey inuu tiisa
marsado. Ra’iisul wasaaraha oon wax saas ah ka aqoon
siyaasadda khaarijinta qofkii kaa horyimaadda ayaa xoogga
saaraya inuu dhanka dhaqaalaha ka soo galo. Markii
dagaaloogayaasha Xamar ay wadeen iney wax ka qabtaan
isbaarooyinka Xamar yaala waxaa madaxweynaha, Geeddi iyo
Xuseen Ceydiidba sheegeen in iyadoon dhaqaalo iyo shaqo loo
helin wiilasha qoriga heysta aan isbaaradooda laga hadlin.
Laakiin waxaanan ilaa hadda fahmin sida loo qaadi karo
isbaarada (garoonkooda ama dekeddooda macmalka ah). madaxda
wiilashaas iyagoon bedel loo samayn. Mise waa aabboow kan
yar iga celi, kan weyn aan iska celiyee? Wiilasha yar yaraa
waxaad la sugeysaan markii dhaqaalo la helo halka aad
“kibaarta” si fudud wax uga qaban kartaan!
Maxay Soomaalidu u aliftey maahmaahda ah: shimbirtii halka
maalin dabka qaaday ee buulkeedii ku gubtay? Waxaa loo
daliishadaa marka inta qof damco inuu howl qabto ama wax
hagaajiyi is dhaho uu dhib u keeno gurigiisa iyo degaankiisa.
Dhowr waxyaaloodba wuu ku khaldamey ra’iisul wasaaruhu:
-
Maaddaama uusan ahayn wasiirka gaadiidka hawada ama wax
u dhigma sidoo kalana uusan ahayn wasiir amni waxay ku
fiicneyd inuu arrinta u dhiibo wasiir howshaas ku shaqo
leh oo u hadla.
-
Soomaalidu dib-u-heshiin bey fileysay. Waxaa wax lagu
qeybsaday qabiil. Hogaamiye kooxeed kasta iyo garoomada
ama dekedaha uu gacanta ku hayo waxaa fiirsanaya qabiil
dhan marka Geeddi waxuu u banbaxay qabiil dhan.
-
Qanyare wuxuu leeyahay xulufo siyaasadeed oo awood weyn
ku leh Xamar. Marka sina raalli uga noqonmaayaan in
saaxiibkood sidaas loo galo ileyn waa: ninkii qeyrkiis
loo xiirayoow soo qoyso.
-
Waxaa garoom iyo dekedo gacanta ku haya dad kale oo
qaarkood dagaalooge yahay oo ay Geeddi isku heybyihiin;
maaddaama aan kuwaas la xireyn waxay u ekaaneysaa in
Geeddi rabo wixii Deyniile qaadijireen in reer tolkiis
qaadaan.
-
Geeddi waxaa la rabay inuu kasbado quluubta shacabka iyo
ganacsatada isticmaala Deyniile ama soo rarta
dayuuradaha yimaada. Haddii taasi dhici lahayd waxaa
dhib yarayd in ay dadka iyo ganacsatadu doortaan inay ka
degaan ama alaab u rartaan garoon aan kan Deyniile ahayn.
Marka haddii Deyniile diyaarado imaanwaayilahaayeen ma
jirteen wax Qanyare u dhaho waxaa soo socda dagaal
sokeeye.
-
Waxaa shaki gelayaa qolada ay ka wada tirsanyihiin
Geeddi iyo Qanyare oo is weydiinaya maxaa Geeddi annaga
keliya na dabodhigey? Shalay Hiiraan iyo Banaadir buu
guddoomiyayaal u sameeyey; shidaalka Puntland,
garoomadooda iyo dekedahoodana shuqul kuma lahee maxaa
hadda Dayniile laga rabaa?
-
Taariikhda laguma arag arrin la mid ah tan Soomaaliya oo
kale oo sidaas lagu xashay. Ee mar walba waxaa la rabaa
talo-ruugid iyo caqli dheeraad ah. Wataas ay mar horaba
ay leeyihiin: diyaaraddii dhaafta meeshay ku degijirtay
waa lasoo ridayaa!
-
C/Qaasim iyo C/hi waxay awoodeen iney xulufo samaystaan
sida Barre-hiiraale iyo Maxamed-dheere laakiin Geeddi
waa awoodi la’ yahay inuu la heshiiyo wax dhaafsiisan
jufadiisa. Marka hadduu Jowhar garoon ka samaystay,
caqligal ma ahan inuu yiraahdo wixii Deyniile ka degi
jiray haka dageen Cisiley!
-
Diyaaradaha Kenya jooga iyo waxay soo qaadaan waxaa leh
shirkado iyo dad u dhashay ama sharci ku leh Kenya. Qaad
Miirow laga soo guray haddaan meeshii loogu talogalay la
geyn waxaa khasaaraya dad Kenya u dhashay. Haddii
diyaaraduhu qaadiwaayaana waxaa khasaaraya shirkado laga
leeyahay Kenya. Marka wey adagtahay in siyaasad looga
faa’iideysto.
-
Waxaa ka sii daran waxaa la arkayaa awood la’aanta
Geeddi oo caalamkoo dhan u muuqaneysa! Waa sidee? Marba
hadduu Geeddi nimankaas Xamar wax uga qaadiwaayey; inuu
Kenya inta la shiro yiraahdo: nimankaas u diida iney
Kenya soo galaan ama diyaaradahiinu ka degaan meeshay
xukumaan waa liidnimo.
-
Geeddi oo loo arkidoono inuu yaqaan warqad-qorid iyo
dhuumasho-kula- shirid waddamo kale! Waxaa saxaafadda
Australia qortay in Geeddi uu warqad u qoray suuqa kala
badalka Australia isagoo leh: yaan la yeelin shidaalka
Puntland ka hadleyso halka uu isla waqtigaas wafdi ka
socda Puntland uu ka lahaa waan is-afgarannay! Hadda
wakaas leh: Kenya baan heshiisyo ka dhan ah
dagaaloogayaasha Xamar la galay. Meeye xubnihii
baarlamaanka oo loogu talogalay in lala tashado?
Marar badan baan iftiimiyey dhibta ka imaankarta degdegga
iyo tashi la’aanta heysata mas’uuliyiin sheeganeysa inay ugu
sarreeyaan dowladda. Run ahaantii, ani waa ii simanyihiin
garoomada Deyniile iyo Cisiley mana jirto mid aan taageero
oo labadaba waxaan u arkaa labo dagaalooge. Waxaa intaas sii
dheer, haddii dagaal uu ka qarxo Xamar waxaa iska yar dhib
aan uga baqayo qabiilkeyga maxaa yeelay waa ka hayaameen
Xamar. Marka waxaa i damqaya waa muslinnimo iyo Soomaalinimo.
Marka waxaan isha ku heynayaa waxa ay culumada,
hogaamiye-dhaqameedyada, aqoonyahannada kale iyo shacabka
qabiilooyinkaas ka soo jeeda ay ka dhahaan arrintaas. Anigu
waxaan arkaa iyadoon loo fiirin qabiil iyo jufo hoose in ay
baarlamaanku ceyrshaan Geeddi! Maxaa yeelay waxaa loo
igmaday inuu Xamar wax ka qabto ee arrintu ma ahayn inuu
qabiilkiisa dab sii gasho oo uu isku diro.
Marka, dadka Xamar degen ha isu diyaariyeen iney goostaan
mirahooda uga soo go’aya (dagaal dhexdooda ah) doorashadii
ra’iisul wasaarahooda.
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 28, 2005
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |