SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab Suufiyada iyo Bisha Soon

mahad oo dhan allaah ayaa iska leh naxariis iyo nabad galyo Nabi Muxamad allaah yeelo waxaan doonayaa in aan ka jawaabo maqaalkii wiilka fahad la yiraahdo uu kaga hadlay soonka.

marka hore qof walba oo islaam ah waxaa looga baahan yahay barashada diinta islaamka iyo wax ku saabsan soonka markaas ayuu qofku ogaan karaa qolada saxan iyo qolada qaldan.

hadalka fahad waxaa ka muuqda caadifad in uu qolo in uu ku leexiyay in ay wax khaldayaa asagiina nooma uusan  sheegin hal daliila ah oo sheegaya in la raaco sacuudiga ma aqaan maka aqoon daraa mase sida ayay ka noqotay.

hadaba shaqo ma isku leeyihii in kacbada barakaysan xageeda loo tukado  iyo in soonka oo cibaado gaar ah lagu raaco? jawaabtu waa maya oo kacbada in aan u tukano illaahay ayaa na amray laakiin nalama amrin in aan soon iyo salaad midna wakhtigeeda ku raacno.

taasna waxaa ka hadlay cabdulaahi bin cabaas oo uu nabi muxamad u bixiyay caalimkii umadaan

:::FAHAD & ISNIINTA:::
SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...

kurayb R.C  ayaa  gabdha la yiraahdo umul fadli bintu xaarith u dirsatay Mucaawiye oo shaam(ciraaq) jooga wuxuu yiri kurayb R.C waxaan soo galay Shaam(ciraaq) howsheedii  ayaan dhamayeeyay, waxaana igu dhalatay bishii soon aniga oo shaam (ciraaq) jooga waxaa aragnay habeen jamce ka dib waxaan soo galay madiina bisha(soon) dhamaadkeedii waxaan Cabullaahi Bin Cabbaas ayaa i weydiiyay goormaad bisha aragteen? waxaan ku iri waxaan aragnay habeen jamce markaas ayuu yiri ma adiga ayaa arkay? markaas ayaan ku iri haa dadka oo dhana way arkeen wayna soomeen Mucaawiyena wuu soomay,Cabullaahi BIn Cabaas ayaan ku jawaabay laakiin anaga waxaan aragnay habeen sabti soonka ma joojinayno illaa aan aragno ama aan sodonka bisha soon dhamaysano markaas ayaan ku iri oo miyaadan ku kaaftoomaynin aragtida Mucaawiye iyo soonkiisa markaas ayuu yiri Cabullahi Bin Cabaas maya sidaan ayuu Rasuulkii illaahay na faray(in aan aragno ama aan sodonka dhamaysano)" waxaa wariyay muslim.

marka u fiirso xadiiskan ciraaq iyo madiina maxay isku jiraan?  kuma uusan soomin sidaas ayuuna ugu adkaystay wiilkan fahad ah ma waxa uu hada na barayaa in aan hadiiska tuurno oo warkiisa qaadano mase xadiiskan ayuusan arag haduusan arag

mida kale oo uu suufiyada ka hadlay waxaan ka leeyahay hadalkii imaamu  Shaafici uu ka yiri oo ahaa"suufiyada ayaan la saaxiibay waxaan ka bartay wakhtigu waa seef hadaadan adiga go'ayn  (aadan cibaadad allaah ku dhamayn)asaga ayaa ku go'aynaya".

:::WAHAABIYADA:::
WAHAABINIMO MISE ISLAAMNIMO?
Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qore: Xoday

imaamu shaafici sidaas ayuu yiri fahadna wax kale ayuu sheegayaa illaahay ha u toobad keeno fahad ayaan leeyahay aflaagaadada uu u gaystay culimada aadka loo qadariyo

  isha allaaah mar dhan ayaan ka hadli doonaa suufiya iyo wahaabiya wax ay kala yihiin iyo culimada islaamka wax ay ka yiraahdeen

.wabbillahi towfiiq

C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne
inahusein@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2005


»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD