Aqoon Kororsi
Midabkee ayaad jeceshahay?
Zahra Abdi Hesri
Holland
umubakar@hotmail.com
Midabka uu
yahay dooqaagu ama aad
jeceshahay wuxuu ka
turjumaya shakhsiyadaada ama
dadnimadaada dhabta ah,
haddaba ka doondoon midka uu
yahay midabkaagu midabadan
hoos ku qoran si aad u
ogaatid shakhsiyadaada ama
danimadaada dhabta ah sida
ay inoo sheegayaan culumada
cilmi nafsiga u kuurgala.
Midabka
Casaanka
ama guduudka ah:
Waxaad
tahay qof karti
leh,caadifiyad ama emotion
badan,dhaqdhaqaaq
badan,gardarada neceb
haseyeeshe meel ka caraysan
waliba caro gaamurtay ama
soo jireen ah ku jirto.
Pink
ama midabka
casaan xigeenka ah:
Waxaad
tahay ruux naxariis badan,
gambasho aan aqoon, jaceylka
aaminsan,noloshana ku
raaxaysta ama reer murugo
aan ahayn
Midabka
Orangeda
ama
Burtuqaaliga
ah:
Waxaad
tahay qof caafimaad
qaba,hanweyn,talooyinkiisa
ay fiican yihiin,wax
abuura,farxad badan.
Midabka
Huruuda
ama Jaalaha ah:
Waxaad
tahay,qof cilmi
leh,tayadiisu sarreyso,had
iyo goor rajadiisu wanaagsan
tahay ama suga in wax kheyr
leh imaan doona, awood
badan,haseyeeshe
kalsoonidiisu sidaas u
buurneyn
Midabka
Buluugga
ah:
Waxaad
tahay qof caqli
badan,deggan,nabadda
jecel,dareen fiican leh ama
wax dhaqso u dareemi og,
cayaar badan, kaftan badan,
kalsoonida uu isku qabana
aad u badan tahay.
Midabka
cagaark ah:.
Dadka
midabkan jecel waa dad
furfuran,maalinba maalinta
ka dambeysa sii koraya ama
wax siibaranaya, kalgacalow
ah ama dadka kalgacal u
qaba,dadka u
kaalmeeya,noloshiisana tahay
mid dheellitiran.
Midabka
Casaanka iyo Buluugga isku
dhafanka ah ama
violet:
Qofka
midabkan jecel ayaa ah,qof
bani’aadanimada
yaqaan,xaaladdiisa nafsadda
ay fiican tahay ama wax
badan qaadan karo,dadka isku
xira ama xiriir fiican la
leh,naxariistiisuna badan
tahay.
Midabka
Kafayga
ah ama Brown:
Haddii aad midabkan
ka heshid ama jeceshahay
waxaad tahay,qof dabiici ah
ama ka nadiif ah waxyaalo
badan sida cuqdada ama qof
aad xumaan u qaadin, xasaasi
ah, wax badan xafidi kara
isla markaana ah qof nool
ama noloshiisuna muuqato.
Midabka
boorka
u eg ama
Greyga
ah:
Haddii uu
midabkan midabkaagu yahay
waxaad tahay,qof aan dadka
soo dhex gelin,cabsi
badan,ay adag tahay in uu
go’aan gaaro,qasan ama isku
dhex yaacsan, tabartiisana
yar tahay ama aan waxbadan
awoodin.
Midabka
Madowga ah:
Midabkan ma
yahay midabkaagii,haddii ay
jawaabtu tahay haa waxaad
tahay qof leh
dabeecadahan:qof tabartii
laga dhuuqay ama laga
miirtay, shaki badan,dhaawac
badan ama markasta dhaawac
uu soo gaaro,jiroolow
ah,cadho xirxiratay,
doonayana in uu la falgalo
ama ilaabo murugo soo
gaartay.
Midabka Caddaanka ah:
Midabkan
dadka jecel inkastuu
leeyahay qaar ka mid
dabeecadaha midnimada oo
dhan haddana waxaa gaar u
ah,in uu yahay qof warkiisa
cad yahay,gudaha ka
qanacsan,ama ku qanacsan
waxa uu haysto,neceb in uu
galo khalad,tabar ka buuxda
ama leh Energy badan, jecel
wixii la soo dhaafay in la
ilaawo oo wax cusub la
bilaabo,ilaalin badan ama
taxadir badan leh.
Zahra Abdi Hesri
Holland
umubakar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct
27, 2005