Goormuu
dhashay Kacaankii Siyaab Barre
C/laahi Axmed Diiriye Boore
boore3@hotmail.com
Kacaankii
Ciidanka Qalabka Sida ee soomaaliya Waxuu dhashay 21kii
Oktobar'1969kii, waxaana la afganbiyey Xukuumadii sharciga
ahayd ee dalak soomaaliya, Xukuumada oo uu dhisay
Raiisulwasarihii dalka, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo uu
magacaabay Madaxweeynihii dalka ee Xilligaas Cabdirishiid
Cali sharmaarke.
Sababihii gundhigga u ahaa
oo dhaliyey kacaankii 21 Oktobar waxaa kamid ahaa
maamulxumadii Xukuumadihii aan isdhaamin oo mudda 9k sano
ahayd dalka maamulayey iyadoo xiisaddu gaartay heer naxdin
leh bishii maarso 1969kii halkaas oo doorashadii
baarlamaanka oo kadhacday, uu ka biloowday qalalaaso iyo
qaranjab waxaana dalka qasay xasiloonidiisii 69 xisbi oo ku
dhisnaa beelo iyo qabeel.
Kacaankii 21 Oktoobar
waxaa soo dedejiyey dilkii madaxweeynihii dalka marxuun
Cabdirisaaq Cali sharamaarke iyo iyada oo markii uu dhintay
madaxweeynihii dalka oo dhana laga soo rogay bandow
ciidankii oo habeenkii aan la isku soconkarin Iyadoo aan
wali la aasin madaxweeynihii dalka ayaa xaruntii dhexe ee
Xisbiga SYL waxaa ka biloowday looltan iyo khilaaf ku
sabsan doorashada madaxweynaha Cusub iyo ciddii noqon lahayd.
Maxamad Siyaab Barre oo
ciidamada qalabka sida Hoggaaminayey waxuu si wayn u ga
faa'idaystay ciidamadii qalabka siday oo xilligaas ahaa
xubinta kaliya oo ka nabadgashay saamaytii qabyaaladda iyo dalka
oo hoggaan la'aan kusoo baxay markii uu madaxweeynihii
ladilay waxaana markii ladilay maadaxweeynaha dalka,
Maxamax Xaaji Ibraahim cigaal booqasho ugu maqnaa dalka
dibidiisa.
Markii Radio Muqdsihow 21
Oktoobar 1969kii ku dhawaaqay in dalka uu u dhashay Kacaan
oo ciidanka qalabka sidau ay hoggaaminayaan ayaa waxaa is ku
soo baxay shacabkii oo caleemo qoyan roxayey..
Markii kacaanku dhashayba
wuxuu ballan ku qaaday in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa
iyo qabyaaladda uuna soocelinayo nidaamkii iyo kala
danbeentii waxaa la baahiyey darsuurkii dalka, waxaa la
kala diray baarlamaakii iyo golihii Wasiirada oo qar
badan oo kamid ah xabsiga loo taxaabay iyaga oo aan wax
maxkamad ah la sootaagin.
Waxa lagu dhawaaqay Golihii
Sare ee kacanka oo u badnaa Saraakiisha ciidanka Qalabka
siday. Waxaa kale oo la abuuray Xoghayaasha dowladda oo ka
dhigan Wasiiro waxeyna u badnayeen dhalinyaro Jaamacado
dibidda ah kasoo qalinjabiyey oo lugu doortay aqoontooda..
Sanadihii Ugu horreeyey
kacaanku wuxuu ku socday xowli layaab leh oo loo bogay
waxaana hormar lataaban karo laga xaqiijiyey Xogga
dhaqaalaha iyada oo qofwalba oo ka soobaxay dugsi Sare uu
haystay ballanqaad shaqo iyo meelayn. waxaa dalka ka
bilowday mashaariic lixaadleh oo ah xaga beeraha, warshada badahaba.
Wax qabadkii kacaanka waxaa
ugu weynaa qoriddii iyo hirgalintii barshada farsoomaaliga,
iyadoo ololihii hormarinta reer miyiga ee xaga barashada
uu ahaa mid aayatiin fiican keenay, waxaana lagaga xoroobay
afafkii qalaad oo dadyar oo qur ah ay yaqaaneen waxaana
bilowday in buugaagtii cilmiga ee dugsiyada laga dhigi jiray
oo dhan lagu turjumo afka soomaaliga, Dugsiyadii hoose,
dhexe iyo sareba ay ku qaateen afkoodii hooyo .
Horumarkii kale oo kacaanku
xaqiijiyay waxaa ka mid ahaa Bacaad celintii iyo Dejintii
dadka badan 125000 oo ah kuwii abaaruhu ey waxyeelada u
geysteen.
Guulihii kacaanka waxa ka
mid ahaa abuuristii jaamacada umadda o yeelatay ilaa sagaal
kuliyadood oo lagu barto cilmiga casriga ayna kasoo
qalinjebinjireen sanad walba Takhaatiir, Injineero,
Dhaqaaloyahano, joolooyijiin, takhaatiirta xanaanada xoolaha,
Agronomayaal IWM.
Markii kacaanku dhashay
golaha wasiiradu waxay ku urursanaayeen hal dhismo oo loo
yiqiin ''Ufficio Governo'' oo kedib noqotay xaruuntii
dowlada Hoose, waxaana dhacday markii dambe wasaarad walba
iyo wakaalad walba ey yeelatay xaruun bilicsan oo iyada gaar
u ah.
Dhinaca Arimaha Dibadda
waxaa kacaanka sumcad fiican u keenay dalka Soomaaliya oo
sanadkii 1974tii lagu qabtay Shirweynihii ururka Midowga
Afrika shirkaas oo kamid ahaa kuwii ugu fiicnaa xagga
abaabulka iyo marti gelinta lama soo koobi karo guulihii
kacaanka oo aad utiro badnaa haseyeeshee waqtiga oo aan nagu
simeyn intaas ayaan ku deyneynaa ...
Waxaa jiray siyaasado
maldahanoo aan muuqan oo kacaanku hoos kawatay iyo
ujeedooyin uqarsoonaa oo inyar oo dad ahi ey xogogaal u
aheyd; taas ooy ugu weyneyd Takhaluska cidkasta oo Siyaad
Barre u arko in ey xukunkiisa Khatar ku yihiin sida Dilkii
loo geystay Allaha u naxariistee Sarkaalkii caanka ahaa oo
ee ay Ka mid ahaayeen Caynaanshe, Dheel iyo Salaad Gabeyre
wuxu kale oo jagadii iyo xilalkii militarinimada ka fogeeyay
qaarkoodna xabsiga u taxaabay oo Saraakiil Sare oo uu si
gaar ah u necbaa waxaana ka mid ah:-
-
· General Max’ed Abshir
-
· General Max’ed Cali
Mire
-
· General C/laahi
Faarax Hoolif
-
· General Cismaan
Sabriye Sokorow
-
· General Jaamac ow
Muse
-
· General Cali Xaashi
-
Iyo
kuwa kale
Dhibaatadi ugu weyneyd iyo mucaaradnimadii shacbiga wuxuu
kala kulmay Jaalle Siyaad dilidii 1975tii Culumadii ka hor
timid xeerkii Qoyska ee Kacaanka soo saaray, Culumadii oo
dhaliishay Sharcigaas oo qura.
Dagaalkii
Itoobiya iyo Soomaaliya oo bilowday1977dii oo Qasaaro weyn
soo gaaray ciidamadii markaas dib loogu soo celshay xuduudii
ay ka duuleen waxey keentay niyad jab iyo bur bur ku dhaca
nidaamkii iyo hanaankii ciidan bishaa Aprill 1978dii Waxaa
qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida oo uu hogaaminaayo
Col. Cirro ay ku sigteen in ay sameeyaan Cinqilaab najaxa
Maalintaas ka dib Siyaad Barre wuxuu u arkay ciidamada
Qalabka sida in ay yihiin Cadaw aan la isku aamini Karin
wuxuuna u iishay xooga Qabiilka asigoo is bedel xoog leh ku
sameeyay Ciidamadii ilaalinaayay iyo kuwii joogay meelaha
istaraatiijiga ah oo uu u dhiibay rag ay isku heyb yihiin
iyo kuwa uu aaminsan yahay arintaas oo keentay in laga
taqaluso badii ahaan saraakisha waxa soo baratay oo xirfad
ciidan laheyd laguna bedelo kuwa aan aqoon ciidan laheyn oo
lagu kalsoon yahay
Waxa
Xaaladu hadba meel soo marta arinta Soomaaliya Cakirantay oo
faraha ka baxday 1986dii Markaa oo shil aad u ah halis uu
galay Siyaad Bare markaas iyo wixii ka danbeeyay waxaa
Siyaad Bare olole u galay sidii uu u abuuri lahaa ciddii
xukunka ka bedeli laheed marka uu geeriyoodo.
Inkastoo
ay soo baxayeen in caafimaadka iyo miirka Max’ed Siyaad
Barre uusan kaamil aheyn shilkii ka dib ayna koox tashatay
oo ah Caa'ilada iyo Qoyska Reer Barre ee awooda dalka sida
ay doonaan ugu takri falayeen.
Siyaad
Barre dhibaatooyinka ugu waaweynaa ee uu Dalka ka geystay
waxaa kale oo ka mid ahaa:-
1. - Xasuuqii ka dhacay
Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya Siyaad Bare uu amar ku
bixiyay Ciidamadii Cirka oo fadhiyay Garoonka Hargeysa ay
garaacaan magaalada Hargeysa Madaafiicda Goobtana lagu
fooraariyo Shacbigii Magaalada ku noolaa.
2. -Gumaadkii Ciidamada
Qalabka sida ay todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii ka
geysteen Gobolada Nugaal iyo Mudug
3. -Dilkii 1989kii Ka
dhacay Xeebta Jasiira oo lagu xasuuqay dad wax aan galabsan
iyo dilal-kii qaarjinta ahaa oo Siyaad Barre geystay intii
uusan ka bixin Magaalada Muqdisho.
Taariq Nololeed Kiisa
Iyo Xiligii Uu Ku Soobiiray Ciidanka
Degmada
Dhuuso Mareeb wuxuuna ugu horeyntii yimid Magaalada
Beledweyne wuxuuna nasiib wanaag la kulmay askar halkaa lagu
qoraayay oo uu ka mid noqday dadkii ciidamadii dhibowga
1936dii ku galay xerada tababarada ee Beledwenye.
Max’ed
Siyaad Barre Markii tababarkii uu dhammaaday waxaa loo soo
badelay Magaalada Muqdisho waxaana la keenay si uu tababaro
dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xeradii Ciidamada ee ku
taalay degmada Xamar-Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Max’ed
Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada 1939kii Ka
dib markii loo soo sheegay Geeridii laba adeeradiis ah oo
kale ahaa Jaamac Barre iyo Max’ed Barre wuxuuna aaday
deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuuso-Mareeb oo
ciddiisu degenaayeen.
Max’ed
Siyaad Barre miyiga ayuu degey wuxuuna ku guursaday
Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo jiray Faadumo aw
Muse Sanadkii 1941dii markaas oo Ingiriisku kala wareegay
awooddii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii
aduunweynaha labaad looga itaal roonaaday, Max’ed Siyaad
Barre isla sannadkaas wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska
wuxuuna dalacaaddii ugu horreysay oo aheyd Alifle helay
Sanadkii 1941dii Alifkii labaadne wuxuu qaatay Sanadkii
1944tii waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada Nairobi
Dugsiga la yiraahdo “ Gin School ” waxaana tababarkaas ka
dib uu noqday Kormeere Koowaad 1950kii Markii talyaaniga
Dalka ku soo noqday Max’ed Siyaad Barre oo sedex xarigle ah
waxaa loo qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1952dii .
16kii
October 1954tii ayuu Siyaad Barre qaatay Xiddigtii ugu
horreysay uuna noqday Sarkaal, Siyaad Bare wuxuu laba
xidigle u dalacay sannadii 1955tii asigoo sannadki 1957dii
noqday Kabtan ama Dhamme ka dib 1958dii waxaa Max’ed Siyaad
Bare noqday Dhamme oo ka tirsan Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed waxaana loo magacaabay xafiiska Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed.
1960kii
waxaa la dhisay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya uuna
hoggaaminaayay Generaalkii sida aadka ah loo jeclaa Generaal
Daauud C/laahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii
1965tii uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Max’ed
Siyaad Barre asigoo noqday taliyihii Xoogga dalka Soomaaliya
oo xukunka hayay mudo 21 sano ah wuxuu ku geeriyooday Dalka
Nigeria oo uu Magangalyo ku joogay ilaa iyo sanadkii
1995tii.
Lama
yaqaan waqti cayiman oo uu dhashay General Max’ed Siyaad
Barre sababtoo ah wuxuu ku dhashay MIYI, xataa waxaa dood ka
taagan tahay halka uu ka dhashay inkastoo warbaahinta
rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay
deegaanka Baardheere waxaa la qiyaasayaa in Max’ed Siyaad
Barre uu dhashay sanadkii 1912kii in kastoo wargeysyada
rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay sanadkii
1920kii
Max’ed
Siyaad Barre hooyadiis waxaa la oran jiran Shaqlan Warfaa
waxeyna geeriyootay asigoo sideed jir ah aabihiisna wuxuu
geeriyooday 2 sano ka dib Max’ed Siyaad Barre oo 10 jir ah
waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Barre iyo ayeeydiis
Sacdiyo wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Barre oo lagu
naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne” inkastoo ay dadku
yaqaane Max’ed Siyaad Barre ayaa sheegay in aabihiis Siyaad
Barre la dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii Colkaas
waxaa Raadiyo Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaanku qori jireen
in Siyaad Barre ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa
ciidamadii uu hoggaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii
Talyaanigu la dagaalamayay una shahiiday aada Ceel Mirikh oo
ku yaalo deegaanka Dhuuso Mareeb 1930kii .
Xeris
Barre oo ahaaa Max’ed Siyaad Barre adeerkiis ahana ninkii
gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashadii
Siyaad Bare abaarihii sanadkii 1933dii .
Sanadkii
1936dii ayaa Max’ed Siyaad Barre ka soo tagay Xoolihii
MIYIGA oo uu xanaaneyn jiray iyadoo xilligaas cidahooda aay
degenaayeen aage Ceel-gaab
C/laahi
Axmed Diiriye Boore
boore3@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Jariidad Deenish ah oo
Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |