SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya



  • C/wahaab Cali Aadan oo helay abaalmarin lacageed oo gaareysa Kun Doolar kadib markii uu ku guuleystey kaalinta Koowaad tartan Quraan Akhris ah ..
  • Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo shaaca ka qaadey in uu yahay Musharaxa Maamulka Gobolka Banaadir
  • Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka oo geeryooday..
  • Xuseen Caydiid oo shalay wareejiyay Saddex Kun oo Miino ah..
  • Xus loo sameeyay Sanadguuradii 3-aad ee ka soo wareegtay Istarliin Cabdi Caruush..

  • Wasiirka amniga qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Qanyare ayaa sheegay inuusan taageeri doonin heshiis ay wadaan Xubno katirsan Baarlamaanka.

  • Kismaayo Xiisad ka dhalatay dhakhtar shalay lagu dilay magaalada Kismaayo..

  • Ra"iisul Wasaari Cali Maxamed Geedi Oo kusii jeeda magalada Jowhar,

  • Tacsi Marxuum: C/Risaak Jamac Barre oo ku geeryooday Magalada Kampala ee Dalka  Uganda  &  marxuum Xirsi Nuur Maxamuud Shabeel  oo ku geeryooday Magaalada Galkacyo

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo Talaadda U Safraya Jawhar

Warar SomaliTalk kasoo garey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi ay sheegay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey, Francois Lonseny Fall, uu Jawhar u safri doono maalinta Talaadada (Oct 25) si uu wadahadal ula soo yeesho madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waa sida warku u dhigaye. Safarkani waxa uu ku saabsan yahay isku dayga Qaramada midoobey ay isku deyeyso in la isku soo dhoweeyo labada garab ee DFKMG ee kala jooga Jawhar iyo Xamar. | ISHA: UN Nairobi

C/wahaab Cali Aadan oo helay abaalmarin lacageed oo gaareysa Kun Doolar kadib markii uu ku guuleystey kaalinta Koowaad tartan Quraan Akhris ah ..

Waxaa isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:- Amiinkhasaaro@hotmail.com

            Waxaa maalintii shalay ahayd Masjidka Abaa Hureyra lagu soo gebangabeeyay tartan Qur’aan aqris ah oo muddo sagaal maalmood ah halkaasi ka socday, waxaana soo qaban-qaabiyay Jimciyadda Qur’aanka Kariimka ah ee Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay 59 arday oo ka kala socotay gobalada Dalka iyo Gobalka Banaadir.

            Tartankaan Qur’aan akhriska ah oo lagu tartamayay qaybaha kala duwan ee Qur’aanka ayaa maalin walba waxaa u dhageysi tagi jiray boqolaal Soomaaliyeed  oo la socon jiray maadaama lagu guda jiro bisha bareykeysan ee Ramadaan oo ah bishii uu soo degay Qur’aanka Kariimka ah.           

  XAAFID QUR'AAN
cFataxCabdul Fatax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey Guji
 

 Waxaa halkaasi ka hadlay mas’uul ka tirsanaa jimciyadda oo sheegay in tartankaan ay ugu talagaleen in ay ku dhiirageliyaan dakda Soomaaliyeed, ayaa waxaa kaalinta koowaad gelay C/wahaab Cali Aadan oo helay Kun Doolar, kaalinta labaad waxaa galay Khaliil sheikh Max’ed oo isna helay shan boqol oo doolar, kaalinta saddexaad waxaa galay Cali Xuseen Nuunow oo helay saddex boqol oo doolar, waxaana abaalmarinta ardayda gudoonsiiyay wasiirka arrimaha Diinta iyo Ow-qaafta Cumar Max’ed Maxamuud (Cumar Finish) o isagu u mahadceliyay intii soo qabanqaabisay tartankaani, waxa uuna sheegay in Dowladdu ay ka qaybqaadan doonto sidii ay carruurta Soomaaliyeed ugu dhiiragelin lahayd barshada Qur’aanka Kariimka, dhinaca kale wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/naasir Shiikh Max’ed ayaa galay kaalinta lixaad tartan Qur’aan akhris ah oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta kaasoo ay ka qaybgaleen dhamaan wadamada Caalamka, waxaana abaalmarino la gudoonsiinayay tobanka ugu horeeya tartamayaasha, iyadoo wiilka Soomaaliyeed ee Abaalmarinta la gudoonsiiyay uu gacan qaaday qadiibka masjikda Xarameynka Dr. C/raxmaan Al-Sudais iyo wailba wasiirka Gaashaandhiga ee wadanka Imaaraadka oo isagu ahaa ninkii soo qaban-qaabiyay tartankaani .

EHELKAAGA LACAG MA U DIREYSAA CIIDA... ADEEGSO KAAH EXPRESS

Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo shaaca ka qaadey in uu yahay Musharaxa Maamulka Gobolka Banaadir


Maxamuud Xuseen Gudbaaye

Waxaa maamahan  lgu howlanaa sidii maamulm mideysan loogu sameyn lahaa gobolka Banaadir  waxaana ku howlan guddiyo loo xilsaaray oo uu gudoomiye u yahay wasiirka ganacsiga Xaaji muuse Suudi Yalaxow iyadoo taasi ijiro ayaa Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha Mataan Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, "Anigu waxaan ahay Musharraxa u taagan jagada Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaallada Muqdisho" ayuu yiri Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo la hadlayay Warbaahinta Muqdisho, isagoo intaasna ku sii daray in uu rajo weyn ka qabo ku guuleysashada Xilkaas  

Mudane  Gudbaaye waxaa uu sheegay in haddii uu ku guuleysto tartanka doorashada Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir uu wax badan ka beddelayo maamulka Gobolka, haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Nabadgelyada, Adeegga Bulshada iyo tashiilaadka kale ee uu Gobolku u baahan yahay iyo weliba dib u soo celinta Bilicdii Caasimada Muqdisho.

Maxamuud Xuseen Gudbaaye mar wax laga weydiiyay musharraxnimadiisa waxa ay soo kordhineyso maadaama Gobolka ay ka jiraan laba maamul oo aan is aqoonsanayn waxa uu yiri "Anigu kama hadlayo wixii mas’uuliyiin ah ee aan Xamar ku sugneyn, balse waxaan ka hadlayaa Maamulka Xamar ka jira ee hoos taga labada Gole ee Dowladda Federaalka, iyaga ayaana gacanta ku haya diyaarinta Maamulka cusub ee loo dhisayo Gobolka Banaadir, aniguna maamulkaasi ayaan u sharraxanahay, waxaana ka soo jeedaa Beesha xaqa u leh Maamulidda Gobolka".

Mar wax laga weydiiyey sheegada madaxtinimo ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey iyo C/llaahi Xasan Ganeey Firimbi ayuu sheegay in mas’uuliyiintaas ay hoggaansan yihiin go’aannada ka soo baxa xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka kuwooda Muqdisho ku sugan, wuxuuna intaas ku sii daray in aysan tartankan la geli doonin dad badan bacdamaa sida uu yiri uu ka soo jeedo Beesha xaqa u leh qabashada xilalkaas.

Musharaxnimada Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi horay ugu soo magacaabay Md. Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo isagana ka soo jeeda Beesha Mataan Cabdulle, inkastoo maamulkaas ay ka soo horjeedaan Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo sheegay in aan si sharci ah loo soo magacaabin

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ah ugu hamuun qaba sidii ay u heli lahaayeen maamul wax ka qabta  dib u soo nooleynta  adeegyadii Blshada ee dhinaca Caafimaadka , Biyaha , waxbarashada iyo Korontada.

Ma Deggan Tahay Woqooyiga Ameerika, Ma u socotaa Xajka... Adeegso SALAAMA.... GUJI

Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka oo geeryooday..

Wasiir ka tirsan Dawlada Fedaraalka Soomaaliya oo geeriyoodey
Muqdisho
 24.Oct Wararka ka imaanaya Magaalada Jawhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in uu geeriyoodey wasiir ka tirsan Dawlada Federaala KMG ah ee Soomaaliya.

Wasiirkii Batroolka ee Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Max’ed Xaraare ayaa xaley ku geeriyoodey magaalada Sydney ee wadanka Austarlia.

Allaha u naxariistee Yuusuf Max’ed Xaraare ayaa in mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ku xanuunsanaa magaalada Sydney

Magaalada Jawhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe oo haatan fariisin u ah DFKMG ah ayaa waxaa saacado ka hor laga xaqiijiyey geerida Wasiirka Batroolka, waxaana Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geedi dhambaal ay soo gaarsiiyeen saxaafada tacsi u direen qoyska iyo eheladii uu ka geeriyoodey Marxuum Yuusuf Max’ed Xaraare.

Wasiirka ayaa ka soo jeeday Gobolka Nugaal gaar ahaan degmada Burtinle.

WD:  C/laahi Axmed Boore | boore3@hotmail.com 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayan in mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaladaasi lagu soo wargeliyay in uu geeryooday wasiirkii badroolka Yuusuf Max’ed Haraare.

Wasiirka ayaa waxa uu ku geeryooday Magaalada Sydney ee Wadanka Australia waxaana in uu muddo halkaasi uu ku xanuunsanaa, wasiirka ayaa la sheegay in xitaa uusan ka qaybgalin Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federalka C/llaahi Yuusuf, isagoo yara xanuunsan ayaa loo magacaabay wasiirka badroolka.

Allaha u naxariistee Harare ma uusan imaan xitaa Magaalada Jowhar oo haatan xarun ah u qayb ka mid ah Dowladda Federaalka, waxaana halkaani tacsi uga diraya Ra’isul wasaaraha Dowlaladda Federaalka Cali Max’ed Geedi.

Dhawaan ayaa Magaalada Jowhar waxaa diyaar laga saaray guddoomiye ku xigeenkii Golaha Baarlamanaka Prof, Max’ed Cumar Dhalxa, kaddib markii uu xanuun ku soo booday, wuxuuna haatan ku sugan yahay Isbitaalka ku yaala wadanka Kenya.  

Xuseen Caydiid oo shalay wareejiyay Saddex Kun oo Miino ah..

Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ka dhacday xarunta Madaxtoonyada Filla Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxayna xafladaasi ku saabsaneyd wareejinta 3500 oo miino ah, waxaana wareejiyay ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Faarax Caydiid oo isagu gacanta ku hayay miinadaasi.

Miinadaan ayaa waxaa lagu wareejiyay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ee dhinaca ka hortaga miinada oo lagu magacaabo Col, Max’ed Caraale, waxaana uu u mahadceliyay Xuseen Max’ed Faarax Caydiid oo uu sheegay in talaabada uu qaaday ay tahay mid ku dayasho mudan loona baahan yahay in dhamaan hoggaamiyaasha Soomaaliyeed ay ku daydaan.

Xuseen Max’ed Faarax Caydiid oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sababaha ay miinadaani u wareejiyeen ay tahay in caalamka ay la qaybsadaan ka hortaga iyo baabi’inta miinada.

Sarkaalkii ka socday Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in hogaamiyaal ay ka mid yihiin Maxamuud Siyid Aadan, Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Max’ed Ibraahim Xaabsade ay wareejiyeen miinooyin, balse Miinada Xuseen Caydiid oo ku jirtay sanaadiiq ayaa waxa horey u soo gaarsiiyay Dowladda Eritrea waxaana loogu talagalay in la siiyo kooxo mucaarad ku ahaa Dowladda Itoobiya.

ADEEGSO :::: Global Money Transfer, Ehelkaaga gaarsii Sakatul Fidriga

Xus loo sameeyay Sanadguuradii 3-aad ee ka soo wareegtay Istarliin Cabdi Caruush..

Waxaa shalay xarunta IIDA ee Magaalada Muqdisho ka dhacay xaflad balaaran oo lagu xusayay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dilkii Allaha u naxariistee Istarliin Cabdi Caruush, waxaana xafladaani ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo in aysan bilaabanin qodbaduhu ayaa ka qaybgalayaasha waxaa loo qaybiyay qoraal lagu faahfaahinayo wax qabadkeedii wuxuuna u qornaa sidatan:

            Shalay oo taariikhdu ku beegneyd 24-ka October 2005, kun beegneyd geerdii Marxuumad Isrtarliin Cabdi Caruush oo ay ka soo wareegtay muddo saddex sano ah , ayaa dad badan oo ku kala firirsan Qaaradaha adduunka cid walbana leh, ay u tahay maalin ay la qashuucaan yihiin xsuus tiiraanyo leh, Gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo ay u tahay xusuus murugo leh oo ay ku waayeen halgamaa wayn oo qaali ka ahayd dalka gudahiisa iyo dibadaba, waxaan aanta halkan isugu nimid in aan xusno maalintii murugada lahayd una qashuucno marxuumada.

            Allah u naxariistee, istarliin waxa ay ahayd samafal wayn oo ku howlaneed wadiiqooyin aasas u ah xasilooniada iyo jiritaanka dadka iyo dalka, waxay waqtigeeda u hurtay in ay kaalmayso bulshada inteeda aadka u nugu, himiladeedu waxay ahayd dib u dhis iyo nabad ka dhalata gayigga Soomaaliya.

            Sida la wada ogsoon yahay Istarliin waxay u istaagtay, wax u qabashada qeybaha kala duwan ee bulshada dagaalka halakeeyey iyo dhalinyarada hubeysa, oo iyagoo ku jira da’dii ay wax baran lahaayeen duruufta dagaalka keenay awgeed naf ka jiriyey qoriga oo ka dhigatay saaxiib.

            Si ay wax uga qabato mustaqbal la’aanta dhalinyarada hubeysan, waxay ku dadaashay hirgalinta mashruuca qoriga dhig qalina qad, mashruucaas oo nasiib wanaag lagu guuleystay in hubka looga dhigo, 150 wiil oo saddex sano lagu xareeyey xarunta IIDA ee degmadda Marka.

            Dhalinyarada akhris iyo qoraal kaddib waxaa la baray xirfado ay ku shaqeystaan, kaddibna waxaa loo kala jiheeyey tacabka beeraha iyo jillaabshada kheyraadka badda, oo ay iyaga kala doorteen.

            Sanadkii ugu dambeeyay waxbarshadooda waxay ahayd baraatiko iyo shaqadii oo ay qabtaan oo lagu kormeero, gabagabadi mashruuca waxaa lagu maalgeliyay doonyo kuwi badleeyda noqday iyo dhul beereed loo ijaarey loona maalgeliyey kuwi beerleyda noqday.

            Mashruucaas guul ayuu noqday meel walbana waa laga ammaanay, haaddii lagu daysan lahaa runtii soomaaliya way dagi laayd, hase yeeshee dad badan ayaa waqtigaas wali u soo jeedin nabadda.

            Si aan u hiigsano fikradihii marxuumad Istarliin ee ku wajahnaa wax u qabshada dalka iyo dadka ayaa “STARLIN FONUNDATIYON” go’aansaday in snaad waliba fikradaheedi mid laga qaato laguna maamuso xuskeeda.

            Hadda sanadkaan ayaan waxaanu ku maamusaynaa hadkudhigga ah (U Hur Shillinkaaga Dhaqancelinta Maleeshiyooyinka Si Aad Nabad Ugu Noolaato)

            tarlin onundation wuxuu go’aansaday n uu ballan qaado nolo maalmeedka hal wiil oo hubeysa muddo hal sao h kua wareejiyo lacag dhan $1,200 SWEA iyo HINNA oo ah labo ururu haweeyn oo qeyb libaax ka qaateen xareeynta iyo hub ka dhigista dhalinyaradii hubeeysneed ee Gobalka Banaadir.

            Runtii maaha lacag badan, laakiin waa baraarujin weyn oo lagu dhiirigalinayo muwaadin kasta oo Soomaali ah meel kastaba ha jooge in uu ku deysado fikraddaan waxaana hubaal ah in ay mira noqoneyso.

            Xubnihii ka hadlay xafladaasi waxaa ka mid haa Maryan Maxamuud Gacal oo iyadu si aad ah uga warbixisay waxqabadkii Istarliin Cabdi Caruush waxaa kallo ka hadashay Xabiibo Xaaji Jimcaale oo iyadu sheegtay in Istarliin Cabdi Caruush ay ahayd qof ku shaqeynayay xaalad adag si ay bulshadu u hesho nabadgelyo, waxaa kalloo ka hadlay C/qaadir Ibraahim Cagal Abkow oo sheegay in Istarliin ay gacan ka gaysatay kor u qaadista Isboortiga.

            Xaflad tan la mid ah iyana waxay ka dhacday xarunta Istarliin Peace Development Center waxaana xuskaasi soo qabanqaabiyay ardadydii ay wax bartay Istarliin, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ciise Cismaan Maxamuud oo sheegay in aysan marnab hilmaami doonin.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:- Amiinkhasaaro@hotmail.com

MA OGTAHAY IN DALSAN AY HESHAY SHARCIGA GOBOLO BADAN OO MARAYKANKA AH ...GUJI


Kismaayo Xiisad ka dhalatay dhakhtar shalay lagu dilay magaalada Kismaayo..

C/laahi Axmed Boore
boore3@hotmail.com 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaaladaasi Kismaayo.Xiisaddan ayaa timid kadib markii nin hubaysan uu toogasho ku dilay nin dhakhtar ah oo goob caafimaad ku haystay mid kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Maamulka iyo booliska magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigayaan gacan kudhiiglihii dilkaan gaystay oo ay sharciga hor keenayaan.

Dilka dhaqtarkan ayaa lagu sheegay inay laxiriirto arimo aano qabiil oo dhowr goor ka horay uga dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Dadwaynaha magaalada Kismaayo ayaa aad ula yaabay dilkan dhacay xilli wali lagu jiro baaritaanka dilkii masuul ushaqayn jiray hay'adda UNDP.

Xaaladda guud ee magaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa ayadoo shacabkuna walaac joogto ah ay ka muujinayaan arintaasi.

Waxaa jira sharci ay horay u kala saxiixdeen odayaasha dhammaan beelaha daga magaalada Kismaayo kaasoo ay ku heshiiyeen in qofkii qof dila la qisaaso si xal loo gaaro taasina waxay u muuqatay in beeluhu aysan hir galin

Ra"iisul Wasaari Cali Maxamed Geedi Oo laguwado Saacadaha Soo sucda in uu soo gaaro magalada Jowhar,

Wararka aan kaheleeyno magalaada Noirobe ayaa sheegaya in maanta lagu wado in uu soo gaaro magalaada jowhar Say"iisul Waraaha dowlada federaalka somaliya cali maxaam geedi iyo xubno katirsan Baar lamaanka Somaliya ee horay u gusug naah magalaada Nairobe.

Ray;iisul wasaare cali maxamed geedi ayaa in dhawaalaha ku sugnaa magalaada nairobe. ayaa ololale ugu jiray siddi xildhibaanada ku sugan magaalaada nairobe uu uga dhaa dhac siinlaah qorshe ladoonayo in xildhibaana la is kugu keeno magalada jowhar.

Qorshaha uu soo bandhigay Prof,Geedi ayaa siweyn ay u soo dhaweeyeen xildhibaanadii ku sugnaa magalaada nayroobi ayadoo dhanka kana lagu wado in ay soo raaci doonaan xildhibaano ka sootagay magalaada muqdisho iyo kuwa horay u joogay magalaada nairobe. ilaa iyo hada si rasmi ah loo mashaacin inta ay dhanyihiin xildhibaanada safarka kuwehelindoonan ra"iisul wasaaraha Dowlada federalka soomaliya prof cali maxamed geedi. Laakiin warar ku dhow dhow oo aan ka soo xiganay ra"iisul wasaarah aya sheegayo in ay xildhibaanada ay gaarayaan ilaa 25.xildhibaan.

MURTI & SHEEKOOYIN: Buug Cusub - C/Qadir  

Wasiirka amniga qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Qanyare ayaa sheegay inuusan taageeri doonin heshiis ay wadaan Xubno katirsan Baarlamaanka.

Wasiirka amniga qaranka dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay dibu heshiisiinta ay wadan  xubno katirsan baarlamaanka Somaliya iney kadhex sameynayaan labadda garab ee dowladda kula sugan muqqdisho iyo jowhar, uu san aqoon saneen mirihee kasobaxa uuna ka soo horjeedo  dibu heshiisiinta  Wasiirka ayaa in taas kudaray in uu taageersan yahay  dadaalada ay wadaan wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobey iyo xubno katirsan beesha caalamka.

Wasiirka ayaa hadalkii saan ku soobeegmay xili ay wadaan xubnaha Baaarlamaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku dhex dhexaadinayaan labadda dhinac, iyadoo qaarkood meesha ka saarey in Beesha Caalamka iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay boos uga banaaney  iney dhex dhexaadin ka sameeyaan xubnaha dowlada ee kusugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Wasiirka amniga Maxamed Qanyare Afrax oo u waramayey War baahinta gudaha  ayaa sheegay inuusan waxba kala socon arrintan ay wadan xildhibaanada, Asagoo in taas kudaray in  marka laga hadlayo dibu heshiisiin ka madax banaan Beesha Caalamka uu isagu og yahay midkii ugu horey  uu soo bandhigey wasiirka dibu dhiska iyo Dib udajinta dowladda federaalka somaliya Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale', taasi  uu ku tilmaamay mid  usocan wayday.

Wasirka Amriga Maxamed Qanyare ayaa sheegay ineysan iyagu u cuntameynin wada hadal ama dibu heshiisiin aysan hor boodeynin wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Francois Fall iyo xubnaha Beesha Caalamka, taasina ay kahor yimaadeen buu yiri xubnaha dowlada federaalka ee kusugan magaalada Jowhar.Maxamed Qanyare Afrax ayaa dhanka kale sheegay nuxurka arrintan ugubka ah iney soo bixi doonto, haddii xubnaha wada ee iminka u ololeynaya ee xildhibaanada ah ay soo hor dhigaan arrintaasi fadhiga baarlamaanka federaalka somaliya ee magaalada Muqdishow.

.Xildhibaanadan la sheegay iney bilaabi doonaan safaro ay ugu kicitimayaan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ayaa wararka laga helayo magaalada Jowhar waxa ay sheegayaan in maamulka Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ee halkaasi ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay ugu diyaar garoobayaan soo dhoweynta wafdigaasi, inkastoo magaalada Muqdisho ilaa iyo hadda aysan ka muuqan wax dhaqaaq ah, iyadoo xildhibaanada halkaasi u amba baxey ay kamid yihiin xildhibaan Caraale iyo xildhibaano kale oo iyagu la sheegay iney ka qeyb qaadanayaan hawsha soo if baxdey ee dibu heshiisiinta ah.

Dhanka kale Cabdala Xaaji Cali oo kamid ah xildhibaanada u olaleenayo arrintan dhex dhexaadinta xubnaha dowlada ee khilaafka u dhaxeeyo, ayaa waxa uu ka hadley xildhibaanada kale ee hawshani la wada, isagoo sheegay in  Ray'iisul Wasaraaha Dowladda federaalka somaliya cali maxamed geedi iyo guddoomiyaha baarlamaankana uu arrintani soo dhoweeyey.

C/laahi Axmed Boore


TACSI: Innaa Lill'laahi Wa'innaa Illaahi Raajicuun 

ASW, Waxaan Halkaan Tacsi Tiiraanyo leh ugu diraynaa Dhammaan Reer Jaamac Barre Iyo Reer Xirsi Nuur Maxamuud Shabeel oo ay ka kala geeryoodeen Xalay iyo Saaka Labada(2) Marxuun ee Kala ah:

 
C/Risaak Jamac Barre oo ku geeryooday Magalada Kampala ee Dalka  Uganda
 
                                                  &
 
Xirsi Nuur Maxamuud Shabeel  oo ku geeryooday Magaalada Galkacyo ee Somalia
 
Illaahay waxan oga baryaynaa Labadaas Marxuun ee dhintay Bisha Ramadaan ee Barakaysan in alle khayrkiisa aaqiro  haleeshiisiiyo marxuunadas, Illaahay waxan oga baryaynaa markale inuu danbidhaaf siiyo, janadiisana ka waraabiyo AAMIIN.
 
Tacsidan waxa si wada jir ah u diraya .
 
1) C/Qaadir Faarax Bootaan & Caruurtiisa
2)Sacdiyo Cali Nuur (Khaareey) & Caruurteeda
3)Xaliimo Aadan Shiikh & Caruurteeda
4)maryan Cabdi Bootaan & Caruurteeda
5)Istaahil Cabdi Bootaan iyo Saygeeda
6)Saciid Cabdi Bootaan iyo Xaaskiisa
7)Cabdi-Nuur Aaden F Bootaan Iyo Xaaskisa
8)Wardi Faarax Bootaan Iyo Caruurteeda
9)C/Rashiid M Bootan Iyo Caruurtiisa
10) Maxamed Cabdi Faarax Bootaan (Shiike)
 
Iyo Dhammaan Ehelada kale ee aanan magacyadooda halkan kusoo koobi karin oo idil waxay si wdaa jir ah tacsidaas ugu dirayaan Qaraabadii iyo Caruurihii iyo xigaaladii ay ka tageen labadas marxuum.
 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2005

Shariif Xasan oo Xalay la hadlay Soomaalida London, UK
UK: Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyay Hall weyn oo ku yaala Bariga magaalada London oo... Guji... Oct 24

Cambaarayn Dilkii Dr. Cabdi Maxamed Aaden
Warsaxaafadeed kaso baxay Afhayeenka Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose ayaa cambaareeyey dilkii... Guji... Oct 24

LAFIHII QUBUURAHA TALYAANIGA OO MAANTA LAGA DHOOFIYEY B/DOOGLE
Waxaa Axad xiligii duhur-nimadii  laga duuliyey garoonka B/Doogle lafihii dadkii laga soo... Guji... Oct 23

Abwaan Yam-Yam oo ku Geeriyoodey Shil Gaari
Waxaa dalka Mareykanka gaar ahaan Gobalka Ohio shil baabuur ku geeryooday Allaha u naxariistee C/qaadir xirsi (Yam yam) oo...
Guji... Oct 22

Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22

Taariikh Kooban oo Soomaaliya

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD