SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN



Shariif xasan oo Xalay la hadlay 100laal Soomaali ah.  

Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London
ridwanhaji@yahoo.com

Oct 24, 2005

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aden ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyay Hall weyn oo ku yaala Bariga magaalada London oo ay kasoo qaybgaleen 100laal dadwayne Soomaaliyeed oo ka yimid guud ahaan Britain sidoo kale Daawo Sawiradii xalay warka kadib.

Khudbadaasi waxaa ka horaysay in goobtaasi la isku dhaafsaday Afkaar ku saabsan khilaafka dawladda , waxaana is waydaarsanayay Dadwayne u muuqday dhex dhexaad, kuwa taageersan Garabka Jowhar iyo kuwo iyaguna taageersanaa Shariifka Xasan Sheikh Aden oo doodahaasi isna dhainiciisa ka dhagaysanayay.
Shariif Xasan Sheikh Aden waxaa uu ugu danbayntii la wareegay Khudbadiisii oo ay sugayeen kasoo qaybgalayaashii Xafladaasi waynayd ee isugu jiray Aqoonyahanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha gaar ahaana Britain oo xiisaynayay khudbadaasi.
Shariif Xasan waxaa uu ka hadlay khilaafka Dawladda waqtigii uu soo bilawday oo uu ku sheegay in ay ahayd markii Madaxweynaha uu ogolaanwaayay in uu dhowro go'aankii baarlamanka ee ahaa in inta aan loo codayn Ciidan daris ah la sugo xildhibaanada aan joogin goobntaasi ama maalmo kooban Codsaday .
Mana ahayn ayuu yiri in anagoo Dawlad ku dhisanay dal shisheeye hadaan aan isku qabqabsano nagaoon waliba aan ka baaraandagin halkeen iskula guurnaa si aan u howlgalno , waana nasiib xumo na haysata ayuu yiri Shariifku kadibna waxaa uu xusay in wixii la soo dhisay aysan wanaagsanayn in la dumiyo.
Gudoomiyaha Baarlamanku waxaa kaloo uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in la heshiiyo hadii lagu guulaysto dadaalka ay wado Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay mid aad u wanaagsan isla markaana ay dhankooda diyaar u yihiin xili kasta iyo meel kasta oo lagu qabto.
Waxaan isku haysano waa halkeen dagnaa iyo yaan la keenin Ciidamo Dawladaha dariska ah oo dhibaato ay ka iman karto sida uu dastuurkuba qabo , mana ahayn in loo diido xildhibaanada in ay akhriyaan dastuurka ka hor inta aysan u codayn oo xaq ayay u leeyihiin ayuu intaasi ku daray.
Waxaan u baahanahay anagu in la isku keen keeno laakiin uma baahnin sababtoo ah waa ay adagtahay in anaga aan isku imaano, laakiin waxa heshiinaya waa uun Soomaali oo ma ahan cid kale ayuu yiri Shariif xasan Sheikh Aden gaba gabadii khudbadiisa.
Shariifku waxaa uu xusay in 6dii bari ee la'isku haystay Ansixintii Dastuurka ay dhashay 6 bilood oo la kala maqanyaahay, mana wanaagsanayn ayuu yiri in si sahlan looga talaabsado Dastuurka noo dagan aniguna Runtii qof aan qof kale ka jeclahay ma jirto oo ilaahay ayaa igu og ayuu kusoo gaba gabeeyay Shariif Xasan Sheikh Aden.
Waxaa kaloo iyana halkaasi ka hadlay Mas'uuliyiin ka tirsan Baarlamanka Dawladda Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Caasha Cabdalla, Zakariye , Cabdi Dhuxuloow iyo Ra'isul wasaarihii hore ee Dawladii Carta lagu soo dhisay Cismaan kaluun oo dhamaantood xusay sida ay muhim u tahay in la dhowro sharciga iyo in aan dalka la keenin ciidamo ka socda Dawladaha dariska ah .
Shariif Xasan oo u joogay London maalmahanba shir uu kaga qaybgalayay oo looga hadlayay Dimoqraadiyada iyo Dhaqaalaha qaarada Afrika ayaa dib ugu laaban doono todobaadkan dalka Soomaaliya oo uu in muda ah ka maqnaa
Waxaana uu socdaalo kusoo bixiyay dalal dhowr ah oo kala ah Maraykanka, Canada , Sweden, Kenya iyo Dawlado Carbeed oo uu ii sheegay in dhamaantood uu kala hadlayay xaaladda dalka soomaaliya iyo sidii lagu gaari lahaa nabadayn buuxda.
Warbixintan waxaan ka xiganay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2005

Cambaarayn Dilkii Dr. Cabdi Maxamed Aaden
Warsaxaafadeed kaso baxay Afhayeenka Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose ayaa cambaareeyey dilkii... Guji... Oct 24

LAFIHII QUBUURAHA TALYAANIGA OO MAANTA LAGA DHOOFIYEY B/DOOGLE
Waxaa Axad xiligii duhur-nimadii  laga duuliyey garoonka B/Doogle lafihii dadkii laga soo... Guji... Oct 23

Abwaan Yam-Yam oo ku Geeriyoodey Shil Gaari
Waxaa dalka Mareykanka gaar ahaan Gobalka Ohio shil baabuur ku geeryooday Allaha u naxariistee C/qaadir xirsi (Yam yam) oo...
Guji... Oct 22

Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22

Taariikh Kooban oo Soomaaliya

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD