KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK
Waxan dhowaan akhriyay maqaal uu walaalkay Abdiqani Qorane ku soo daabacay
somalitalk oo la yiraa " jariidad deenish ah oo aflagaadeysay nabiga scw".
Waxan si weyn uga damqaday dhibaatada joogtada ah ee ay deenishku ku hayaan
muslimiinta. Waxan dib u xusuustay barnaamij documentary ah oo uu sii dayay
tvga sweden muddo dhowr sano ka hor ah kaasoo looga hadlayay cunsiriyada
baahday ee denmark. Waxyaabihii aan ku arkay waxaa ka mid ahaa jaraaidka
dalkaasi iyo dulmiga joogtada ah ee ay ku hayeen muslimiinta gaar ahaan
somalida iyagoo weyn uga cabanaysa cunsuriyada iyo dacaayada ba' an ee lagu
hayo. Somalidaasi waxay cabasho u gudbiyeen UNka hayaadihiisa mid kamid ah
oo aanan imika xasuusan.
Waxa ka mid ahaa waxyaabihii ay la yaabka lahaa ee aan ku arkay sida tooska
ah ee ay siyaasiyiin reer danmark ah ugu dhawaaqayeen hadalada cunsuriyadu
ay ku dheehan tahay iyo sida ula kaca ah ee ay u qaadeen talaabooyin ay ku
waxyeelaynayaan somalida oo ay u arkaan dad islaamnimadoodu ay tahay mid
xagjir ah. Talaabooyinkaa qayaxan waxa ka mid ahaa Alle dulee isku sheegay
inuu yahay gudoomiyaha degmada bröndby, waa xaafad Copenhagen ka tirsane oo
aan filayo inuu xiligaa ka socday xisbiga socialdemocratiga oo yiri "
somalida ayaa dhibaato nagu haysay waayo waa dad mashaqeystayaal ah hadana
dhala caruur badan, si aan uga hortagno soomalidaa ku soo qulqulaysa bröndby
waxan dib u dhisnay aqalada qolalka badan leh oo aan u badalnay kuwa leh
qoljiif kaliya! sidaa ayaan uga hortagnay somalida ku soo qulqulaysay
bröndby ee reeraha caruurta badan leh". Hadaladaa markuu ku dhawaaqayay
alla duleegaa siyaasiga isku sheegay waxa wajigiisa ka muuqatay farxad iyo
guul iyo inuu yahay nin caqli badan oo helay xalka mushkilad ay u
caalwaayeen siyaasiyiinta Denmark. Waxa iyana jira barnaamijyo khasab ku ah
dadka ku nool yabooha ay siiso ceydha oo lagu cadaadinayo. Waxa aqalada
laga soo saaraa haween soomliyeed oo wali nuujinaya ubadkooda. Waxa lagu
khasbaa inay tagaan xarumo amma gobo lagu sheegay in loogu diyaarinayo inay
la qabsadaan bulshada oo ay noqdaan kuwa iyagu isdabara, shaqeysta oo aan
ku tiirsanayn ceydha. Ubadkii oo ay dadoodu aad u yartahay mararka
qaarkoodna aanan sanad gaarin ayaa la geeyaa xanaanada. Taana cawaaqibxumada
ay leedahay akhristow waad garan kartaa.
Waxa kale oo aan ku arkay barnaamijkaa haweeneyda hogaamisa xisbiga cunsurka
ah ee pia karsgård oo wax laga weydiinayay waraaqo xayeysiin ah oo ururka
dhalinyarada xisbigeedu daabaceen kuwaasoo ay ku sawirnaayeen gabar xijaaban
oo somaliyad ah sawirkeeda iyo halkudhigyo aad u xun oo loo nisbayno
muslimiinta iyo soomalida. Waxay ku adkaysatay in dhalinyaradaasi xaq u
leeyihiin inay fikiradahooda si xor ah u cabiraan oo arrintani aanay ahayn
mid xadgudub ah. Waxay kaloo haweneydaa hogaamisa xisbiga cunsurka ah ee
denmark ka jira ugu hanjabtay in ay swedishka ka xiran doonto bridgka amma
buundada isku xirta labada dal haddii ay joojin waayaan dacaayda ay ku
hayaan kolkii ay u ku adkeeyeen suaalaha.
Denmark waa dal aan ogolayn isdhexgalka bulshada aaminsana in dadka ajnabiga
ahi ay raacaan oo ay qaataan qadariyaana dhaqanka reer Denmark kana haraan
dhaqamada kale oo ay u arkaan kuwo dibudhac keenaya oo ka hooseeya kan
Denmark. Waxay yiraahdaan " Denmark waxaa leh Danishka". Akhristow waxa laga
yaabaa in halkudhigaani aadan u arag mid halisa waayo innaguba waxaan
niraahnaa somaliya somalibaa leh laakiin dalalka reer galbeedka ah oo ay
markii hore ku nooleeyeen dadyow isku heyb ah amma wadaaga dhaqan ayaa waxa
ku soo biiray malaayiin ka yimid qaaradaha aduunka. Dadkaan soo haajiray ee
dagay kana mid noqday bulshooyinka ku dhaqan dadlaka reer galbeedka ayaa la
yimid dhaqamadoodii iyo diimahoodii. Taa waxay keeentay in dalal badan oo
reer galbeed ah ay qirtaan in wadamadoodu ay ku nool yihiin bulshooyin
kala duwan. Taasoo keenaysa in dadkaa ajnabiga ahaa ee soo galay wadamadan
loo aqoonsado inay iyaga iyo dhaqankooda iyo diimahooduba ay yihiin qeyb
kamid ah bulshada lana siman bulshada inteeda kale. Denmark taa way iska
diiday waxayna hormarisaa xuquuqda dadka asal ahaan reer Denmark ah.
Ajnabiga soo galay dalkeeda siiba muslimiinta waxay u arkaan kuwa halis
galinaya jiritaanka dadka reer Denmark iyo dhaqankooda.
Waxa kale oo xusid mudan denmark iyo kaalinta ay ku leedahay dagaalka
mareykanka iyo ingiriisku ku hayaan ciraaq iyo dacaayada joogtada ah ee ay
ka faafiyaan carabta iyo muslimiinta. Waxay soo saareen shuruuc ay ku
xanibayaan xuriyatul qowlka kuwaaso u gaara muslimiinta. Waxay kaloo
cadaadis saareen imaamyada muslimiinta denmark iyadoo aan waliba maqlay in
ninka madaxda ka ah xisbiga talada haya uu ugu hanjabay imaamyadu inaanay ka
hadal ololaha doorashadii ugu dambaysay ee ka dacda dalkaasi. Imaamyada
qaarkood ayaa sida la sheegay kula taliyay muslimiinta denmark inaanay u
codeyn xisbiga talada dalkaa haya musharaxiintooda iyagoo fikradooda ku
salaynaya in xisbigani uu ku xadgudbay xuquuqda muslimiinta denmark iyo
dagaalka ciraaq oo ay ka qeyb ka yihiin.
Mar aan booqasho ku tagay Denmark waxan dareemay in somalida dalkaas ku
dhaqani uu saaran yahay culays baaxad weyn oo kaga imanaya hayadaha dowliga
ah, iyo warbaahinta. Culayskaas ayaa iila muuqda mid wax u dhimay kalsoonida
iyo sharafta qaar ka mid ah dadka soomliyeed ee dalkaas ku dhaqan. Waxan
arkay somali badan oo markii aan kala hadlay cadaadiska saaran qiil u
raadinaya iyagoo ileh waa dhab oo somalidu mashaqeystaan, meelaha ayay
taagtaagan yihiin iyo erayo kale oo la midah. Dacaayadii lagu hayay iyo
dulinimadii lala doonayay ayay aqbaleen kuwaasi. Somalida ayaa lagu yaqaan
inay yihiin kuwa aanan qaadan dulmiga iyo quursiga. Tiro badan oo somalida
kunool Denmark ayaa iskaga hayaamay dalkaas iyagoo u guuray cariga
ingiriiska ka dib markii ay u adkeysan waayeen dulmigaa joogtada ah ee
qorsheysan, waxase wali ku nool soomali farabadan. Waxan u soo jeedinayaa
soomalida ku nool Denmark inay ka guuraan oo ay badbaadiyaan naftooda,
hantidooda iyo ubadkooda. Dega meel walba oo aad isoranaysaan waad ku
badbaadi kartaan. Denmark waxay idiin muujisay cadwtinima aan laiska
indhasaabi karin ee iskaga taga!. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in loo
tabiyo warbaahinta carbeed, islaamka iyo soomaalidaba tacadiyada ay reer
denmark ku hayaan muslimiinta iyo in ruux walba oo inaga midah uusan iibsan
waxyaabaha ay denmark soo saarto oo aan ku soo rogno cunaqabatayn, walaalaha
kale ee muslimiinta dunidana aan sidaa ka codsano inay Denmark
cunaqabateeyaan. Ma aha caqligal in Denmark oo ah dal wax soo saarkiisa qeyb
kamid ah ku salaysan yahay beeraha iyo xoola dhaqashada isla markaana suuq
weyn ku leh dunida islaamka gaar ahaan dowladaha khaliijka carabta ay ku
xadgudutbo alle, diinteena, nabigeena iyo sharafteena inaguna aan iibsano
badeecadaha ay soo saaraan oo aan dhaqaalahooda kabno. Qof waliba oo inaga
mid ah ha ka qeybgalo ololaha looga hortagayo cunsuriyada diin, midab, iyo
dhaqan ee ay danishku wadaan!
Wabilaahi towfiiq
W/Q
Abdullahi M Dirie
abdullahim@hotmail.com
Jariidad Deenish ah oo
Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Cabdi
Qaybdiid oo Xabsiga Laga siidaayey
Wararka ka imanaya Sweden ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji..
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |