Waa Tuma 21ka October?
October 21keedii ayuu
taliskii kacaanka Soomaliyeed la wareegay dhamaan taladii
dalka Somalia. Wixii ka danbeeyay maalintaasi ilaa iyo 26kii
Janaayo ee 1991dii waxaa dalka ka talinayaayay xukuumadii uu
madaxda ka ahaa eebe naxariistii jano haka waraabiye Gen:
Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa lagu xasuustaa
xukunkii kacaanka faaiidooyin iyo dhaliilo badan oo loo
jeediyo haba badnaadeen faaiidooyinkiisuye. Dawladii
Soomaliyeed waxay shacabka Soomaliyeed u soo hooyeen
faaidooyin badan oo ay kamid tahay iyadoo dalka loo dhisay
Wadooyin iksu xidhiidhiya dhamaan Gobolada Soomaliya oo idil
waxay isla mar ahaantaasna dawladu ay qortay Afkii
Soomaliyeed taas oo la odhan karo waa wixii ugu muhiimsanaa
ee ay dawladii kacaanku tartay Shacabkii Soomaliyeed,way
badnaayeen faaiidooyinkii waxaanse ka xusi karnaa oo kale,
iyadoo ay dawaladu yag yeeshay Ciidankii Qalabka Siday ee
Soomaaliyeed.
Soomalidu waxay ku
mahmaahdaa Dawlad Xuni Dawlad La,aan Bay Dhaantaaye, dhaliil
kasta oo loo soo jeediyo Dawladii Kacaanka waxaa shacbi
weynaha Soomaliyeed aaminsanyihiin in ilaa hada aanay jirin
wax la dhaafsiisan karo Kacaankii barakaysnaa.
Waxaa xasuus mudan in wixii
ka danbeeyay dagaalkii ay Soomalidu la gashay Amxaarada in
ay aad usii yaraatay awoodii kacaanku uu ku lahaa Dalka
gudihiisa, iyadoo isla xiligaasna ay dilaaceen jabahadihii
Qawlaysatada ahaa ee maanta soomaliya ka dhigay hoyga
murugada.
Tan iyo wixii ka danbeeyay
21kii Janaayo ee 1991dii waxay shacabka soomaliyeed
dareemayeen Dawlad la,aan, Colaado iyo barakac weyn oo loo
gaystay shacabka Soomaliyeed. Waxa xasuus mudan inta shacab
Soomaaliyeed ee ay Badu ka dharatgtay, imisaa Soomaliya ay
bahaladu banaanada ku cuneen iyagoo kabarakacsan Dalkoodii
oo Qawlaysato ay aan cidna u aabo yeelayni ay ku Diriayaan,
intaasoo dhami waa murugooyinka lasoo dersay shacabka
Soomaliyeed tan iyo intii ay meesha kabaxaday dawladii
Kacaanku.
Dhamaan Dawladihii loo
yagleelay Soomaliya wxii ka danbeeyay ridistii Dawladii
dhexe ee Soomaliyeed waxay ku dhamadeen fashil, waxaana
dhamaan ka horyimid Atoorayshii ka talinay intii badnayd
Gobolda Soomaliya. Dawladana hada Kenya lagu soo dhisay
ayaad moodaa inay markii hore ahayd rajadii ugu weynayd ee u
bidhaantya Shacabka Soomaliyeed, walow imika ay ka
dayrinayaan dad badani. Dawladihii Soomaliya ku bixiyay
kharashka iyo dhaqaalaha faraha badan ayaa ilaa iyo imika
garan la,a waxa ay siyaasiyiinta Soomaliyeed ku kala aragti
fogyihiin. Madaxweyneheenii wuxuu ka dhamaan la,ayahay Anaa
kaligii jabhad, halka Gudoomiyihii Baarlamaa kuna uu ka
dhamaan la,ayahay Axdiga hala dhawro. Madaxweynuhuu wxuu u
baahan yahay wax u sheega inay jiraan sidaadoo kale dad
badan oo sheeganaya inay iayana usoo halagameen kursiga aad
manta ku fadhido, halka uu Gudoomiyuhu ka garan la,ayahay in
Axdigu uusan ahayn kii Alle (Subxaanahu Watacaalaa) ee uu
yahay mid ay sameeyeen shakhsiyaad kula mid ihi hadii loo
baahdo oo ay dantu ku jiratana la bedeli karo.
Isku soo wada duuboo waxaan
shaki ku jirin in ilaa manta aynu la,anahay wax inoo badala
taliskii Siyaad iyo maalin aynu dhaafsiisano 21kii October.
Dad badan oo Soomaliyeed oo aan anigu ku jiro ayaa manta u
dabaal degay 21ka bisha October oo weliba kusoo beegantay
maalin Ramadaan oo Jimce ah, hada Shacabka Soomaliyeed waxay
isu waydiinayaan maloo dabaal dagi doonaa 10ka October mise……………?.
Allaa mahad leh
Mahdi Taako
mahditaako@hotmail.com
UK
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Cabdi
Qaybdiid oo Xabsiga Laga siidaayey
Wararka ka imanaya Sweden ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji..
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |