SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan

(Bulshooy xumbo maahid)

            Gabeygaan waxaa tiriyay abwaan Cabdi Faarax (Dhuunkaal), wuxuuna gabeygaan ugu talagalay jawiga iyo xiliga maana la jooga ee bulshada soomaaliyeed, marayaan, mid xil haya iyo mid xilga loo qaaday, 275 xubnood oo xilka haysa waxa laga rabo iyo dadka Soomaaliyeed waxa laga rabo, haddaba bulshada ayaa ah garreen, Tusaale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ahaa Madaxweyne gobaleedka Punltand, Muuse Suudi Yalaxowna waxa uu ahaa guddoomiyaha Samatabixinta, xukumadda markii lagu dhawaaqay Madaxweyne C/llaahi baa ka noqday, Muusane wasiir buu ka noqday waxaase mideeyay dastuurka, haddaba anigu waxaan qabaaa in xukumaddu ay ku kala guurtay EMbagathi, SSRRC GROUP IYO SAMATABIXINTA IYO GROUP8, bulshadana waxaa laga rabaa in ay noqdaan garsoor

  • Siduu yahay xaalku,

  • Xiliga hadda taagan,

  • Xasaasi ahaana

  • Xarafkaan ka diyaarshay,

  • Xigaala wareedka

  • Tixdaan iga hooya,

  • Aduunyadan xaydan,

  • Xanaaqa la booday,

  • Xadgudbayada muuqda,

  •  Waxaa xinjir daatay,

  • Xasuusta dareenka,

  • Xanuun kugu reebta,

  • Adoo dad xasuuqay,

  • Ka xoogay waxooda,

  • Xalaashada horteeda,

  • Xisaabta dambeysa,

  • Haddaad xubno beesho,

  • Xaq kuu maqan maaha,

  • Nin loo xulay guusha,

  •  In uu xilka qaado,

  • Dastuurkii iyo xeerka,

  • Hadduu ka xanaaqo,

  • Xal baa la rabaaye,

  • Maxaa Xakameeyaa?

  • Xoonkaa wax qaniina,

  • hadduu laxda waayo,

  • Xanuunka micidiisu,

  • Xajiina ma keento,

  • Xatooyadu tuugo,

  • xaaraan hanti maaha,

  • Jidkoo xirataahi,

  • Xujadu shaqo maaha,

  • Xiinkaase ka liita,

  • Ma seexato xiito,

  • Xaagaagiyo roobka,

  • Dabeysha xufteeda,

  • Xitaa ma dareento,

  • Xaquuqaha keeda,

  • In aan laga xoogin,

  • Ayaa xidin-Xiito,

  • U soo tahay xaadir,

  • Haddii xubbi caashaq,

  • Naftaada ku xoomo,

  • Xodxodo tagidaada,

  • Xil baa ku lamaansan,

  • Xushmee xididkaaga,

  • Xaq dhowr ehelkaaga,

  • In aad xaragooto,

  • xariirta ha diidin,

  • ***************

  • Suugaanta xideysan,

  • Anoon xididkeeda,

  • Xaqiiqda ku muujin,

  • In aan xiro maaha,

  • Xarfaa weli laaban,

  • Adoo xalay maalay,

  • Xabeeb iyo Xiito,

  • Xaftooda ku  naaxay,

  • Inaad xero jiirto,

  • Xiktii sugan weydo,

  • Xaduuda talowdo,

  • Gumeysi xaqiir ah,

  • Adoo ka xoroobey,

  • Inaad is xaduurto,

  • Kufaarta u xiisto,

  • Xiniinyaha beel,

  • Xaq kuu noqon meyso,

  • Haddii riyo xeyn ah,

  • U yahay Weer xaakin,

  • Xaq ma leh Arigaasi,

  • Nimay xeradiisa,

  •  Xaaraani ka buuxdo,

  • Xaq soor ma yaqaan,

  • Cidduu xakumaa,

  • Xanuun iyo Gaajo,

  • Xumaato ma weydo,

  • ******************

  • Sugaanta Xideysan,

  • Anoo xidikeeda,

  • Xaqiida ku muujin,

  • In aan xiro maaha,

  • Xarfaa weli laaban,

  • Xaq dhowr xawayaanka,

  • Xitaa xir ku noosha,

  • Xeyraanta hilaacday,

  • darooraha xiimay,

  • Mayaay xul madoow ah,

  • Xaluusha ka muuqda,

  • Dhirtoo xamashowday,

  • Xareediyo roobka,

  • Xoolaha ka bariista,

  • Xiisey dhaliyaane,

  • Xamdiga niqidiisa,

  • Xusuusta ku hayso,

  • Darmaanaan xaraamin,

  • Xadiga orodkeeda,

  • Xayuubsata guusha,

  • Nimaan xirfadeyda,

  • Xariif ku ahayn,

  • Hadaad u xushaa,

  • Xuftey ku ridaaye,

  • Xifaala ha raadsan,

  • Bulshey xumbo maahid,

  • Xamiir ba’ay maahid,

  • Caleen xagar maahid,

  • Xanjiyo eber maahid,

  • Xalaal go’day maahid,

  • Ma tihid xeydho xeydho,

  • Anaa xabad weyn leh,

  • U xoog badan beesha,

  • Xurguufo sokeeye,

  • Xigaala dagaasha,

  • Xoogaana ma goysoo,

  • Waataanu ku xiiqnay,

  • Bulshey xumbo maahid,

  • Xiliga noloshaada,

  • Xal iyo nabad raadi,

  • Dantaadana Xeeli,

  • Suugaanta Xirdeysan,

  • Waxaan xarfaheeda,

  • Ku soo xirayaa,

  • Xeeldheeraha maanso,

  • Ma xaaqmin Abwaanki,

  • Ilhaanta xortaahi,

  • Ma xaalufin waaga,

  • Intuu xusulkeygu,

  • Xabaal ka sareeyo,

  • Xantiir noqon meyso,

  • Bulshey xumbo maahid,

  • Xafiiska Abwaanka,

  • Xog baa ku uruursan,

  • Xiliga noloshaada,

  • Waxaa xikmad keydsan,

Xaqiiqda ka baaro,

AbwaanDhuunkaal@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2005

Cabdi Qaybdiid oo Xabsiga Laga siidaayey
Wararka ka imanaya Sweden ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji..


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD