Oktoobareey
adaa lahaa!
Sodon sanaba (Afartan iyo
Shan) Qaran baan ahayn calan u saaraaye
Waa maxay sawaxankiyo hadba salowga yeeraayo?
Sal ka kaca qabiil iyo maxaa ololka soo saaray?
Somaali wada ilbixi baan lahaa nacab ha suuxeeyo
Saldanadiina adkaysta baan lahaa yaan la saabiline
Sumcadooda Toosaan lahaa way isa saamixiye
Sareedada Barwaaqada baan lahaa ha u sinaadeene
Saqiir iyo kabiir baan lahaa way isa saamixiye
Soomaali sidaan la rabay diiday iyo samihiiye
Saluugtay oo midnimadii nacday, hoog ma wada saaqay.
"Nuux Saciid Naxar"
Oktoobareey ahlan Wasahlan.
Oktoobar waa tee waa tumaa
Towrada tan barakaysan,
Talaabadii ay qaaday, Dadweynaha tiisa daryeeshoo, tabar iyo
taagba garabkiinaan taagnahay..
Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u da’day..
Oktoobar waa teeniyo.
Dhamaan erayadaas iyo kuwo
kaloo badan waxay ka mid ahaayeen qaybo ka mid ah Suugaanta
lagu soo dhawayn jiray Maalinta ku aadan maanta oo kale oo
bishu tahay 21ka Oktoobar.
Waa maalintii uu curtay Kacaankii Oktoobar ee dalka ka hana
qaaday dabayaaqadii1969kii, ayna talada la wareegeen
Ciidammadii Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwii kale ee
Qalabka siday.
Hadaba waxaa Mudnaan mudan in aanu dib u jaleecno Malintaas
oo maanta ka soo wareegatay Shan iyo Soson sanadood oo run
ahaantii ah dhacdo aanan marna ka baa ba'ynin taariikhda
casriga ah ee Soomaalioda, iyadoo wadatay Wanaag badan iyo
dhaliilaba.
Hadaba Akhristoow Saraakiishaas Kacaanka dhalisay
Darajadooda iyo
Magacyadooda waxay kala ahaayeen sidan iyadoo ay ka nool
yihiin in la eg kala bar.
1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad
Barre
(Xoogga)*
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel
(Boolis)*
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed
(Xoogga)*
4. Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax
(Boolis)*
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye
(Xoogga)*
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar
(Xoogga)
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil
(Xoogga)*
8. Col. Cali Mataan Xaashi
(Xoogga - Ciidanka Cirka)*
9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)*
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar
(Xoogga)
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla
(Xoogga)
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan
(Boolis)
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga)
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf
(Xoogga - Ciidanka Badda)
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga)
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax
(Xoogga)*
18. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga)
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar
(Xoogga)*
20. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi
(Xoogga)*
21. Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed
(Xoogga)
22. Capt. Maxamed Cumar Jees
(Xoogga)*
23. Capt. Cusmaan Maxamed Jeele (Xoogga)
24. Maj. Muuse Rabiile Good
(Xoogga)*
25. Capt. Cabdi Warsame Isaaq (Xoogga)
* Waa inta
geeriyootay: Naxaristii Janno Alle Ha ka waraabiyo..Amiin!!!
Akhriste waxaan intaas ugu
tala galay in aanu ogaano shaqsiyaadkii lagu sheegi jiray
Golahii sare ee kacaanka. Hadaba waxaan iswaydiin leh muxuu
Ina taray Kacankaas maxuuse inoo dhimay?
Waa su’aal aad u weyn oo an is leeyahay hadii loogu tala
galo in laga jawaabo ay u baahanayso waqti badan iyo baarid
qoto dheer, balse aniga waxaan is ku dayayaa caawa bal inaan
wax ka yara xuso arrimaaha intii karaamkayga,
Ogaadana Soomaalida waxay ku maah-mahadaa Ilaahow Eexna ha
inooga tegin aqoon la’aana ha inagu cadaabin. Marka
qoraalkaya waxaan masdar ugu dhigaya arinkaas.
Sideedaba shay waxaa la
ogaan karaa nafcigiisa marka uu kaa maqan yahay oo aad u
baahato, oo maanta waxaanu ogaanay nafciga ay leedahay
Qaranimada iyo Dowladnimada oo waxaanu la’nahay Mudo ka
badan Dhowr iyo toban sannodood. Walow maanta la leeyahay
waa la yagleelay, balse aanana fara ka qodnayn
Waxaan shaki ku jirin in
qof kasta oo inaga mid ahi uu maanta dareensan yahay micnaha
Dowlad nimada ay leedahay ee aanu lahaan jirnay in ka badan
Afartan sanadood..
Hadaba anigoon jeclayn in an u boodo meel kale aan taariikh
yar xuso waxa ka jiray Waddanka Kacaanka ka hor?
Sanadihii 1960-1969
dowladihii jiray waxaa loogu yeeri jiray Dowladaii Rayidka
oo loogu jeedo in ay ka marnaayeen Ciidamada, waloow hadana
bulshadu aay ugu yeeri jirtay Xiligii MUSUQ MAASUQA, oo
waxay ahayeen kuwo ku dhisan in mar walba danaha qabiilka
laga hormariyo tan gud ahaned midaasoo sii kala fogaysay
xasiloonida iyo mid-nimada ummadda Soomaliyeed., waxaa
meesha ka baxay in wax loo qabto Bulshada iyadoo ay noqotay
in Maamul xumadii iyo muqus maasuqii dalka ka jiray ay
keentay in maalin Cad la dilo Madaxweynihii Jamhuuriyadda
Soomaaliya Dr.; C/rashiid Cali Sharma'arke
Sababihii gundhigga ahaa oo
dhaliyey Kacaankii 21kii Oktoobar waxaa ka mid
ahaa maamul xumadii Xukumadihii aan isdhaamin oo muddada 9ka
sano ahayd dalka maamulayey iyadoo xiisaddu gaartay heer
naxdin leh bishii Maarso 1969kii halkaas oo doorashadii
baarlamaanka oo ka dhacday uu ka bilawday qalalaase iyo
Qaran jab waxaana dalka qasay xasiloonidiisii 68 xisbi oo ku
dhisnaa beel iyo qabiil.
Kacaankii 21kii Oktoobar waxaa soo dedejiyey Dilkii
madaxweeynihii dalka marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke
iyo iyada oo markii uu dhintay Madaxweeynuhu dalka oo dhan
lagu soo rogay bandoow ama heegan ciidamo oo habaynkii aan
la isku socon karin.
Iyadoo aan wali la aasin madaxweeynihii dalka ayaa xaruntii
dhexe ee Xisbiga SYL waxaa ka bilowday looltan iyo khilaaf
ku saabsan doorashada madaxa Cusub iyo Ciddii noqon lahayd.
Maxamad Siyaad Barre oo Ciidamada qalabka Sida Hoggaaminayey
wuxuu si wayn uga faa´daystay ciidamadii qalabka siday oo
xilligaas ahaa xubinta kaliya oo ka nabadgashay saamayntii
qabyaaladda iyo dalkii oo hoggaan láan ku soo baaxy markii
uu madaxweeynihii la dilay.Waxaana markii la dilay
madaxweeynaha dalka Maxamad Ibraahim Cigaal booqasho ugu
Maqnaa
dalka dibaddiisa.
Markii Radio Muqdishow uu
21kii Oktoobar 1969kii ku dhawaaqay in dalka uu
ka dhashay kacaan aay ciidamada qalabka Sidaa aay
hoggaaminayaan ,waxaa
isku soo baxay shacbigii oo caleemo qoyan sita kuna
dhawaaqaya "Xogga dalka,
xogga dalka ayaa Xamdigaas leh".Ugu horreyn muddo labo beri
ah lama
sheegin cidda hogaaminaysa Kacaanka hasayeeshe Jacaylkii iyo
kalsoonidii aay shacbigu u qabeen ciidamadooda qalabka sida
ayaa keentay in aay ayidaan
iyagoo rumaysnaa in aay dhaamidoonaan dawladihii
musuqmaasuqa oo itaalka
darra.
Kacaankii 21kii Oktoobar Horumar iyo Dhibaato
Markii Kacaanku dhashayba
wuxuu ballan ku qaaday in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa iyo
qabyaaladda uuna soo celinayo nidaamkii iyo kala dambayntii.
Waxaa la laalay dastuurkii dalka, waxaa la kala diray
baarlamaankii iyo golihii Wasiirada oo qaar badan oo ka mid
ah xabsiga loo taxabay iyaga oo aan wax maxkamad ah la
saarin. Waxaa lagu dhawaaqay Golihii Sare oo Kacaanka oo
giddi ahaa Saraakiil Ciidamada Qalabka Sida ka tirsan.
Waxaa kale oo la abuuary
Xoghayayaasha dawladda oo ka dhignaa Wasiiro waxaayna u
badnaayeen dhalinyaro jamacado dibadda ah ka soo
qalinjabiyey
oo lagu doortay aqoontooda .
Sannadihii ugu horreeyey
Kacaanku wuxuu ku socday xawli layaab leh oo loo bogay
waxaana horumar la taaban karo laga xaqiijiyey xagga
dhaqaalaha
iyada oo qof walba oo ka soo baxa dugsiyada Sare uu haystay
ballanqaad shaqo iyo meelayn, waxaa dalka ka bilowday
mashaariic lixaad leh oo ah xagga beeraha, warshadaha, Badda
iyo waxbarashada asasiga ah iyo midda saraba.
Waxqabadkii Kacaanka waxaa
ugu waynaa Qoriddii iyo Hirgalintii barashaad far
Soomaaliga, iyadoo ololihii Horumarinta reer miyiga ee Xagga
Waxbarashada uu ahaa mid aayotiin fiican keenay, waxaana
laga xoroobay afafkii qalaad oo dad yar oo qur ah aay
yaqiineen waxaana bilowday in buugagtii Cilmiga ee dugsiyada
laga dhigi jiray oo dhan lagu turjumo afka Soomaaliga ,
dugsiyadii Hoose, Dhexe iyo saraba aay ku qaateen duruustii
afkoodii Hooyo.
Horumarkii kale oo Kacaanku
xaqiijiyey waxaa ka mid ahaa Bacaad celintii iyo Dejintii
dad ka badan 125000 oo ah kuwii abaaruhu aay waxyeelada u
Gaysteen. Guulihii Kacaanka waxaa ka mid ahaa Abuurista
Jaamacadda Ummadda oo yeelatay ilaa sagaal Kulliyadood oo
lagu barto cilmiga Casriga ayna ka soo qalinjabin jireen
sanadwalba Takhaatiir, Ijnineero, Dhaqaloyahanno,
Jooloojiyiin, takhaatiirta xannaanada Xoolaha, Agronomayaal
WLM.
Markii Kacaanku Dhashay
golaha Wasiiradu waxaay ku urursanaayeen hal dhismo oo loo
yaqiin "Ufficio Governo"oo Kaddib Noqotay Xaruntii dawladda
Hoose,Waxaana dhacday in markii dambe Wasaarad walba iyo
wakaalad Walba aay yeelaaty Xarun bilicsan oo iyada u gaar
ah .
Dhinaca Arrimaha Dibadda
waxaa Kacaanku sumcad fiican u keenay dalka Soomaaliya oo
Sanadkii 1974tii lagu qabtay shirweynihii Ururka Midowga
Africa Shirkaas oo ka mid ahaa kuwii ugu fiicnaa xagga
abaabulka iyo Martigalinta. Lama soo koobi karo Guulihii
kacaanka oo aad u tiro badnaa haasa yeeshe waqtiga oo aan
nagu simayn intaas ayaan ku daynaynaa
Wadanka dhamaantiis waa ay
saamaysay maaul xumadaas, maalin kastan xumaanta iyo
dhibaatada waa ay sii kordhaysay, taa oo ay dadka ku
taamayeen in ay Ciidamada Qalabka sida wax ka qabtaan MUSUQ-
MAASUQAAS iyo baa ba’aas wadanka naafeyey, iyagoo ku
taamayey shacabka in mar un ay wadanka ka dhacaan is badel
oo ay la wareegaan Ciidmada qalabka sida.
Dowladihii Rayidka ahaa dadweynihii waa uu nacay arrimaha ay
ku edeeynayeena waxaa ka mid ahaa qaarkood: Himadii iyo
rajadii loo qabay oo la waayey, dhibaatooyinka Siyaasadeed,
Dhaqaale iyo Bulshadeedba oo sii kordhay, Xaqdaradii oo
noqotay wax lagu faano, iyadoo uu nin waliba waxa uu doonayo
iyo sidii uu doono wax u maamulo, Sharcigii wadanka lahaa oo
u muuqday wax meel la iska dhigay, maslaxadii Guud oo la
laabay, loona guntaday tan gaar ahaneed.
Waxaa la tiriyey Suugaano badan oo ay ka mid ahaayeen:
- Dab
iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay
- Dowladnimada
Qabiil dhexgashee kala dhowraay
- Waan is
dhinac wadnaa kala dhowraay
‘Cali Sugule’
Akhristoow Bulshada
Soomaliyeed meel kasta oo uu joogaba waa uu soo dhaweeyey
Kacaankaas ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo uu
Hormuudna u ahaa Jeneraal Maxmed Siyaad Barre. Waxaa Xaqiiq
ah in maamulkas ay Soomaali ka dhaxashy Maamuus iyo Magac
maamulkaas Kacaanka ahaa waxa uu go'aaminyey in ay xididada
u siibayaan cadowyada is biirsaday ee naafeeyey ummadda
Soomaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen
Gaajada, Cudurka, Jahliga iyo Qabiilka.
Kacaankii Oktoobar ee dalka
Hogaaminaye in ku dhow 21 sannadod waxa uu wadanka Soomaliya
gaarsiiyey guulo waaweyn oo la taaban karo iyadoo aysan
cidina dafiri karin Guulahaas, haddaba akhristoow waxaa
guulahaas ka mid ahaa : mashaariicda degdega ahaa ee uu
Kacanka markii uu dhashay qabtay waxay ka kala ahaayen:
—
Wadada isku xirta magaalooyinka Beldweyne ilaa iyo
Burco, taasoo uu dhererkeedu ahaa 1070km.
— Warshada hilibka ee
kismaayo oo qorsho loo sameeyey
— Warshada baakadaha ee
Jamaame,
— Warshada Kaluunka ee
Laas Qoray
— Dekeda Cusub ee
Magaalada Muqdisho
—
Warshada Badarka, Baastada, Birta, Sigaarka iwm ee
Muqdisho
— Dekedda Cusub ee
Magaalada Berbera & Balarinta midda Kismaayo.
—
Garoomada Dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Berbera,
Balli Doogle, Hargaysa, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Baydhaba.
—
Waddada dheer ee isku xirta Berbera iyo Hargaysa
—
Waddada dheer ee isku xirta Berbera iyo magaalada
Sheikh
— Waddada isku xirta
Hargaysa iyo Gabiileey
— Warshadda Sibirka ee
Berbera
— Waddada dheer ee isku
xirta Garowe ilaa Bosaaso.
— Dekedda Casriga ah ee
magaalada Bosaaso
— Dib u dhiska waddada
Muqdisho Baydhaba iyo waddada Jowhar ilaa Buulo Burde
— Waddada dheer ee
Shalambood ilaa Kisimaayo.
— Koronto iyo Biyo
galinta magaaloyin fara badan
— Qodidda & matoor
gelinta ceelal biyood fara badan dhanka miyiga
— Warshaddi Sonkorta ee Marereey iyo Balaarinta
warshaddii Jowhar
Waxaa sidoo kale isla
sanadahaas la abuuray ururada Iskaashatooyinka, kuwa
Shaqaalaha iyo kuwa dhalinyarada iyo Haweenkaba, Bangiga
Horumarinta Soomaliyeeed, Wakaaladii Xoogga Korontada Ummada
Soomaliyed, Wakaalda Gaadiidka( Ex FIAT), Wakaalda
Daawooyinka( Ex SPIMA), Wakalada Batroolka
Ummadda Soomaliyeed, Wakaalda Caymiska Qaranka, Mashaariicda
Faaanoole Mugaambo iyo Dooxada Jubba qaybihiisii Koowaad,
Wakaaladda Fidinta Beeraha, Wakaaladda Dhoofinta & Naaxinta
Xoolaha, Waxay kaloo la dhistay Warshado badan oo ay ka mid
ahayeen:
— Warshadihii Hargaha
iyo Saamaha ee magalooyinka Hargaysa, Muqdisho,
Kismaayo, Warshadii Sifeynta Batroolka, Warshadii
Shamiintada ee Berbara,
Warshadii Sigaarka iyo taraqa ee Xamar, Warshadii Saliida ee
Muqdisho, Warshadii Labanka iyo qudaarta ee Afgooye,
Warshadii Birta ee Xamar, Warshadii Dayactirka Qalabka
Ciidamada ee Muqdisho, Hargaysa, Baydhaba iyo Gaalkacyo iyo
kuwo kale, dhisida garoonka Cayaaraha ee Muqdisho stadium,
dhisidii Iskuulad waxbarshada ee tiro iyo tayaba lahaa..
Waxaa kaloo wax qabadkiisa
ka mid ahaa kacankaas
- 1- Qorista Afka
Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta
Soomaaliya.(Israc)
- 2- Dajintii dadkii
Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer.
- 3- Horumarinta iyo
Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.
- 4- Dhiirigelintii ka
bixida ma shaqeystenimada.
- 5- Xoreyntii Soomali
Galbeed oo aaheyd gool weyn.
- 6- Ka mid noqoshadii
Jaamicadda Carrabta.
- 7- Ka qeybgalkii
Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.
- 8- Ololihii Iskaa wax
u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)
- 9- Horrumarinta
Arrimaha Bulshada.
- 10- Abuursitii
Jaamicadaha.
- 11- Dhismaha Dugsiyo
(School) farabadan
- 12- Baahinta
Waxbarshada
- 13- La dagaalka
Jahliga.
- 14- Dhowrista Bee'ada
(Envioronment)
- 15- La dagaalanka
Akhris-qorid la'aanta.
- 16- Bacaad celintii
Shalanbood
- 17- Halgankii
Xoreeynta Dalka Jabuuti
Akhristoow anigoo og inuu
jiray qaladaad badan haddana waxaan indhaha laga qarsan
karin heerka aanu gaarnay iyo heerka aanu maanta naalno,
inaysan ahayn kuwo la isla meel dhigi karo, waxaana idiin
soo gudbin doonaa qaybtii labaad ee ahayd WAX QALADKII
KACAANKA! waxaana qoraalkayga ku soo koobayaa Tixda uu
tiriey Allah u naxariiste
C/laahi
Suldaan Tiama Cade waxuu yidhi;
Dix Dhagaxeed
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Cabdullahi Suldaan "Timacadde
A Waaberi
Awaaberi@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Cabdi
Qaybdiid oo Xabsiga Laga siidaayey
Wararka ka imanaya Sweden ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji..
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |