Tan iyo markii ay
Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
Abdul Rahman Hariri
Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
waxaa muuqatay faraqa iyo arigtiyada kala duwan ee soomaalidu ka
bixinaysey, waxaadna moodaa in la isu labaxay shaarka oo qabyaaladii
la is iloowsiinayey la isu cadaystay. Hadaba anigoo aan doonayn
inaan u baydho in Qaybdiid dambiile yahay iyo inuu dulmane yahay
midna bal aan mid yar soomalida xasuusiyo labada dhinacba.
Marhadaynu ummad islaam ah nahay waxa ugu wanaagsan ee ina midayn
kara ee aynu qabyaalada kansarka noqotay kaga bogsoon karnaa waa
diinta islaamka taasoo aynu dhamaanteen u nisbo sheegano, hadaba
markaan ku horeeyo cida loo malaynayno inay ka dambaysey xadhiga
Qaybdiid waxaan oran lahaa.
1. Rasuulku (CSW) wuxuu yiri ninkii tolayeey u habar wacda ama ku
duulaa
umamadayda ma aha (man dacaa ila casabiyah falaysa mini), wuxuu
kaloo yiri suubanahu (SCW) Hadii laba qof oo muslim ah ay seefahoodu
is taabtaan kii ladilay iyo kii wax dilay labaduba naartay ku jiran,
markaas ayaa asxaabtii rasuulku waydiisay Yaa rasuulu laah kii wax
dilay garanaye ka wax dilay muxuu galabsaday, markaasuu rasuulku
yiri “Isaguba wuxuu u darbanaa inuu dilo ee waa looga dheereeyey.
Hadaba walaalayaal hadii ay jiraan dembiyo la galay waa in si guud
loo fiiriyaa ee aan la reerayn waxaan lahubin oo aan lagu
guulaysanayna aan lagu talaabsan XISAABTA CADAALADA AHINA MA AHA
TAN GOTHERNBERG EE WATA KA DHICI DOONTA GODKA MADOW EE AAKIHIRO.
2. Markaan u soo noqdo qolyaha leh waxaa lagu xiray Col. Qaybdiid
gardaro, hadii hadafka ay u difaacayaan uu yahay isku reer baad
tihiin iyagoo indhaha ka qarsanay dembiyo ay dareensan yihiin inuu
galay waxaa haysata xadiisku rasuulku yiri SCW “Ninkii kelmed
barkeed kaga qaybqaata dil waa dambiile’ kelmed barkeed macnuhu waa
“Di” maha Dila oo dhan. Waxaana xasuusinayaa in rasuulku uu ku yiri
saxaabi Qaali ahaa mar uu damcay in laga daayo qof dambi galay in la
qisaaso in rasuulku CSW yiri ma waxaad u shafeeco qaadaysa sharciga
ilaahay in la fuliyo walaahay hadii gabadhayda faadumo wax xado
gacantaan goynayaa. Hadaba walaalayaal qabiil haduu wax tarayo
soomaali bay ka muuqan lahayd nina nin aakhiro naarta ka xigsan
maayo si kasto oo aad isku reer u tihiin, MARKAA YAAN WAX YAR WAX
WEYN LAGU BEDELAN BISHA RAMADAAN YAAN NAAR LA SHAQAYSAN.
MUCJISADA SHIRKII NAYROOBI
Markii aan dhegaystey dood dhexmartay wasiirka hurumarinta reer miyiga Mud.
Maxamed Guuleed “Gamco Dheere” iyo Xildhibaan Zakariya iyo weliba waraysigii
ay BBCdu la yeelatay Shariif Xasan waxaan fahmay waxa keeni jirey in
marwalaba dagaal iyo gacan ka hadal uu ku dhamaado shirka kasta oo
baarlamaanku u fadhiisto waxaana isku qanciyey sida ay u figtahay in wada
hadal lagu dhameeyo dhibbataada soomaaliya.
Hadaba markaan isk ilaawo arinka Zakariya oo aad moodo inay kooban tahay
waxa uu yeelayi karo iyo waxa uu tari karo ummada soomaaliyeed labaduba bal
aan waxa yar ka iraahdo Shariif Xasan.
Shariifka oo waraysigaa British Broadcasting
Corporation u muuqday nin aanay damqayn su’aaluhu oo
damiirkiisu culus yahay, ayna ka go’antahay inuusan marnaba wax debecsenaan
ah muujiyo. Isla markaana ay Dilka, Isbaarada, Afduubyada iyo Boobkuba la
ahayn wax dhibaato ah, ayna ku filan tahay isaga inuu ahaado nin ay raali ka
yahiin qabqablyaasha hubaysan ee Xamar. Ayaan xasuustay hadal nin aqoon
yahan ah oo ka qayb galay shirkii Nayroobi oo mar sii horeysey igu yiri
“Natiijo kasta oo laga filayey inay kasoo baxdo shirkii lagu qabtay Kenya,
marnaba lama filayn inuu kaasoo baxo oo lagu doorto Rai’sul Barlamaan ka
dowlad neceb oo la fikrad ah qabqablayaasha, oo u isticmaalaya jagada xeer
dejinta ah ee loo dhiibey inuu ku raali geliyo dagaal oogayasha iyo kuwa ku
mamay dhiiga shacabaka dulman, isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya ilaalinta
dastuur ay awelba hogaamiye kooxeedyo sameeyeen.
Isku soo duuboo xadhiga dhowaan loo geystey mid ka mid ah wafdigiisu waxay
daliil u tahay sida afhayeenka baarlamaanku ugu guul daraystay inuu doorto
Jaal (companion) wacan oo sharaf ku leh umada soomaliyeed dhexdeeda inta uu
cafis u raadinayo cid loo haysto tuhun ah inay dambiyo ka gashay shacabka
soomaaliyeed.
Wallahu Aclam,
Abdul Rahman Hariri
Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
MAXAY INA YEESHAY CARTA?
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Cabdi
Qaybdiid oo Xabsiga Laga siidaayey
Wararka ka imanaya Sweden ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji..
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |