Jawaab Furan oo ka Socota Golaha
Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed
- Maxamed ibraahim
bilaal
Xoghayaha Xiriirka Golaha
Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Soomaaliyeed
ibroos10@hotmail.com
23/10/2005
Marka hore waanu ku
salaamaynaa hadii aanu nahay dhamaan xubnaha Guddiga fulinta
ee Golaha Midnimad iyo Badbaadada Soomaaliyeed, Waad ku
mahadsan tahay sida qiimaha leh ee aad inoogu soo gudbisay
talooyinkaaga iyo su'aalahaaga wada jira, waana soo
dhawaynaynaa.
Hadaan wax ka niraahno
asbaabaha keenay aasaasidda golahan waa baadi doonka xal u
helidda masiibada burburisay haybaddii qarannimo ee
Soomaaliya, siyaasad, nabadgalyo, dhaqaale iyo bulshaba.
1- wax garadka culumada,
siyaasiyiinta, ganacsatada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka,
dhalinyarada, markay wakhti dheer ilgaar ah ku eegayeen
baaxadda burburka qaranka, xaqiiqsadeena inaan cidina u
darbanayn wax ka qabadkeeda.
2- Markii ay eegeen fowadada,
amaan la'aanta iyo dagaalada ahliga ah, markii ay ka
damqadeen boqolaalka ku baaba'aya tahriibka badaha dushooda
ah iyagoo ka cararaya amaan la'aanta iyo shaqo la'aanta
baahday ee dalka.
3- Markii ay arkeen nabaad guurka bey'ada oo dhirtii oo dhan
laga dhigay dhuxul iyo wax dhoofiyo.
4- Markay darseen dhibaatada faragalinta uu ku hayo
shisheeyuhu dalka sida: ugaarsiga aqoonyahanka, ku xad
gudubka xaduudaha, xaalufinta kheyraadka badda, sumeynta
hawadeena iyo baddeena, cuna qabateynta dhaqaalaha, sida
xayiraadadaha xawaaladaha, dhoofinta xoolaha nool iyo
quudinta agoomahaba .
5- Markii la yiqiinsaday fowadada sii baahaysa ,dowlad
la'aanta, kalaqeyb sanaanta shacabka iyo, dagaalada sokeeye
ee soo noqnoqonaya ayna xudun u tahay tartanka siyaasadeed
ee kooxaha qori laroorka ah ee afduubay awooddii iyo xaqii
shacabku ulaha doorashada hogaan masiirkooda matala.
6- Markii laga xanuunsaday sharaf dhaca heybaddii qarainimo
iyadoo ay noqotay Soomaaliya buqcad aan lakala xigin "No
man's land", oo cidwaliba qashinka ku shubto, cidwaliba
wasakhda ku qufeyso iyo iyadoon xitaa la'aqoonsaneyn
macnawiyan qaranimada Soomaaliya oo hadda lagu dhoofayo
baasaboor Itoobiyaan ah taasoo ah karaama jab weyn.
Walaalayaal hadaba markii
arimahaasoo dhan laga dooday ayaa waxaa shir isugu yimid
waxgarad ka tirsan qeybaha bulshada Soomaaliyeed 10/03/2005
ilaa iyo 21/-04/2005 halkaas oo lagu dhisay Golaha Midnimada
iyo Badbaadinta Soomaaliyeed,
Walaal.
Hadaba goluhu isagoo ka
duulaya hergalinta ujeedooyinka ugu waawayn ee loo aasaasay
oo ah:
1. 1. In loo howlgalo
xaqiijinta siduu xukunku ku noqon lahaa mid Islaami ah.
2. In loo istaago sidii dalka loogu soo dabaali lahaa
nidaamkii dowliga ahaa ee burburay si meesha looga saaro
fowadada iyo kala dambeyn la'aanta loona adkeeyo midnimadii
dalka iyo dadkaba.
3. In loo guntado sidii bulshada qeybaheeda kala duwan loogu
abaabuli lahaa difaaca diinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,
4. In loo howlgalo dib-u-heshiisiin buuxda si loo soo celiyo
walaaltinimadii iyo is'aaminkii dhex yiilay umadda.
5. In dhidibada loo aaso mabda' Shuurada Islaamiga ah kaasoo
shacabka u suura galinaya xaqiijinta xaqiisa si ay cadaaladi
ku jirto.
Iyadoo laga ambaqaadayo ahdaafta kor kuxusan wuxuu gulahan
soo dhawaynayaa cid kasta oo diyaar u ah inay kaqayqaadato
xaqiijinta ujeedooyinkiisa wanaagsan wuxuuna rajaynayaa in
aad kamid noqotid taageerayaashiisa.
Walaal haddii aan Jawaab
kaa siinno arrimihii aad ku xustay warqaddaadii furnayd ee
aad ku soo bandhigtay Somalitalk ugu horreyntii waxaan kuu
sheegeynaa :
in golahani uu u furan
yahay cid kasta ee Soomaliyeed oo aaminta ujeeddooyinkiisa,
waana meel dadkoo dhami ay ku soo hirtaan islamarkaana laga
faafiyo wanaaga iyo danta ummadda .
arrinka dowladda waxaan kaa
leenahay golahani waa gole siyaasadeed oo leh barnaamij
siyaasadeed oo cad . kamana mid aha ujeeddooyinkiisa in dad
gaar ah la taageero kuwana laga soo horjeesto taa
baddelkeeda golahani wuxuu taageeraa ama mucaaradaa
barnaamij siyaadeed ama hawl ay dawladdu qabatey haddaba
haddii ay dowladdu la timaado barnaamij siyaadadeed oo waxku
ool ah una khidmaynaya bulshada waxaa cad in golahani
taageeri doono hase yeeshee taasi mamuumaqato xilligan.
Maxamed ibraahim bilaal
Xoghayaha Xiriirka Golaha
Golaha Midnimada iyo Badbaadinta Soomaaliyeed
ibroos10@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
AKHRI:
shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga
ah
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |