SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Qaran-doon iyo Dowladnimo-doon hala Akhristo 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Oct 23, 2005

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Maanta oo Axad ah, Ramaddaanna yahay 20 waxaa dhici karta inay ka mid tahay tobanka maalmood ee Ramaddaan ugu dambeeya waa haddii bishu ku dhammaaneyso 29 maalmood haddii Ilaah ka raali noqdo. Marka waxaa habboon in Soomaalidu Ilaah weydiisato qaran iyo dowlad wanaagsan oo Ilaah ka raali ka yahay markay habaynnadan qiimaha leh duceysanayaan. 

Xaggee iyo ciddee qaran iyo dowlad ka doonnaa? Waxaan dhihi lahaa sida fidrada ah ee dhallaanku wax u raadshaan haloo raadsho. Waxaan xasuustaa iyadoo markay naga dhacdo/lunto sunuudda naloo ku dhiibo macallinka dugsiga – waa Arbacadee – aan  meel isagu soo tuurno ciidda aan is dhahno lacagtii ma dhaafsiisna dabadeedna inta qori ka dhextaagno aan dhahno: malaa’igey ku jir; jinniyow ka bax. Maxaa yeelay waalidkeen iyo macallimiinta ayaa na baray in malaa’igtuna fiicantahay; sheydaanku xunyahay. Laakiin wixii aan Eldoret iyo Mbaghati ku arkey baa iga yaabiyey! Dad guurti sheeganaya (ergadii shirka) ood mooddo iney leeyihiin wixii dhallaanku lahaa kasoo horjeedkeeda – malaa’igey ka shub; sheydaanoow ku jir! Ka warran qof sheekh Soomaaliyeed caayaya sidoo kalana ammaanaya Zenawi? Marka haddii qarankii iyo dowladdii ay buur ka shalwatay, ma inta gobolladii Soomaaliyeed ka isu keenno oo Zenawi laga dhextaago baa la oran: Ina Sanweynoow (Sheekh iyo qof kastoo caqli leh) ka shub; Zenaawiyoow ku jir! 

Hal-abuurradii hore ee Soomaaliyeed Allaha u naxariistee waxay yaqaanneen cidda cadow u ah iyo halka qaran ama dowlad laga doonno. Bal Barkhad-cas Allaha u naxariisto arag oo leh: 

  • ninkaas araggiisa uurkaan ka necee
  • aan ooyee albaabka ii xira

Barkhad-cas oo sidaas Ingiriis ku leh ma ka fililahaydeen inuu Xabashi ama Zenawi ku dhihi lahaa: 

  • ninkaas araggiisa uurkaan ka jeclee
  • aan aadee albaabka ii fura

C/hi-qarshe oo isna mar dhow naga tagey Allaha u naxariistee iyadoo Ingiriis carriga gumeysto buu lahaa: 

  • dadkaan dhawaaqayaa
  • dhulkooda doonayaa
  • hadday u dhiidhiyeen
  • Allahayow u dhiib

Bal arka Cidda uu C/hi-qarshe dowlad iyo dhulka ka doonay, Ilaah. Ogoow waagaas UN, Maraykan iyo Midowga Soofiyeeti waa jireen laakiin C/hi-qarshe uma arkeyn iney qaran bixin karaan. 

Waagaan fasalka labaad ee dugsiga hoose dhiganeyney waxaa buugta Afsoomaaligu na bartay inaan raadinno qaran iyo dal ka weyn kii markaas gacanta noogu jiray. Waxaan ku raaxeysanjirnay hees ahayd: 

  • waxaan doonayaa inaan duulo oo
  • Dannood iyo Wajeer Diridhabiyo Harar
  • dalka nala ka dhacay dib usoo ceshoo

Hadda, dad badan oo suugaantaas soo bartay ayaa niyadda ka jecel iney arkaan iyadoo jowhar la joogo in Dayniile, Balidoogle, Baydhabo, Marka, iyo Xamar la qabsado! Balse ka warran Puntland iyo Somaliland oo  Aricaddeeye isku hor fadhiya?!

Sidii C/hi-qarshe sheegay, qaran iyo dowlad waxaa laga doonaa Ilaah. Keligiis baa ku ciseynkara. Ilaah baan ku dhaartee qofkii ku istaaga aayadaha ugu horreey ee Qur’aanka wuxuu ogaanayaa inuu qaabka Ilaah noola hadley uu yahay dabiici iyo caqli-gal. Khaasatan arrintani waxay u faa’iideynaysaa dadka Soomaaliyeed ee meel sare ka gaaray culuunta maaddigaa een Islaamka aqoon fiican u lahayn. Bal aayadda ugu horreysa Qur’aan arag sida Ilaah ula hadlay nabi Muxamed (SCW): 

  1. Ku akhri Magaca Rabbi ee wax abuuray.

Qofkii wax akhiya wuxuu fahmayaa in mowduucyada, buuggaagta iyo qorshayaasha hortooda ku arko waxa loo yaqaan: hordhac ama gogoldhig (Introduction). Sidoo kale markii qof shaqo ama howl kale oo uu ku cusubyahay la rabo inuu qabto waa la tus-tusaa si uu ula qabsado (induction). Bal sida Rabbigeen ula dhaqmay nabiga (SCW) oon  waxna qori jirin waxna akhrinjirin arag. Ilaah marka hore aqoon iyo akhris buu xusay. Wuxuu isticmaalay Towxiidka ah Rabbinimo oo qof kasta fahmi karay. Ilaahna wuxuu aayaddii u horreysa ku sheegtay sifo ah inuu wax abuuro. Haddii Ilaah aayadda u horreysa qaadan lahaa sifo ah sarrayn; doqonkii Fircoon baa isna sheegan lahaa sarrayn sidii dhacday. Hadduu xoog sheegto, Bush baa sida hadda uu isu qabo ama laga sheego dhihilahaa waxaan ahayn ninka adduunka ugu xoog badan laakiin yaa horray iyo gadaal u sheegan kara inuu wax abuuro oon Ilaah ahayn? Cidna. Aayadihii ugu horreeyey baa nabiga (SCW) loogu sheegay in Ilaah leeyahay iyo qaabka uu dadka u abuuray. Ma war baa ka nool. Mar haddii nabiga (SCW) la abuuray haddee soow inuu maqlo abuurihiisa maaha? Soow ma aragtid nabiga (SCW) loogama bilaabin axkaam iyo xudduud. 

Halka qolyo kiristaan ah markaan aayadaha Qur’aanka ugu horreeya aan sidaas u sharxo ay iila soo baxaan “aayad” aad mooddo iney leeyihiin waxay u horreysaa buugga Axidga Cusub. Haddaanan isdabo marin waxay leedahay: 

“In the beginning was the Word and the Word was with the God and the Word was the God”. 

Biloowgii waxaa jiray hadalka (weedha); Weedhuna waxay la jirtay ilaah; weedhuna waxay ahayd ilaah. 

Ilaah baan ku dhaartee inaanan weligay maqlin qolo ama waddan saas u hadla iskaa in qof qoraa ah ama cilmi yaqaan qoree. Waxaan dhahaa: 

“If the Word was God what you mean the Word was with God.”  Waxaan weydiiyaa: haddii weedhu ay ilaah ahayd maxaad uga jeeddaan weedhu waxay la jirtay ilaah?! Weedha waxay ka wadaan nabi Ciise (CS) marka hadday dhaheen nabi Ciise (CS) waa Ilaah maxay hadana u leeyihiin nabi Ciise (CS) wuxuu la jiray ilaah isku aayad? Iska daa iney diin ahaan sax u tahee xitaa luuqad ahaan waa khalad. Haddii John ooy u tiiriyaan inuu sidaas qoray uu dhihi lahaa: Ciise waa ilaah oo bilow ma leh; diin ahaan khalad ha u ahaatee laakiin luuqad ahaan waa sax. 

Sida Qur’aanku caddeeyey dabadeedna ay hal-abuurradu sheegeen waxaa qaran iyo dowlad dhisi yaqaan Islaamka. Bal xasuuso dowladdii Islaamka oo Madiina ka dhisan wax ka yar 15 sano ayey boqortooyooyinkii waaweynaa qaarkood afka ciidda u dartay. Dagaalkii Mu’ta goormuu dhacay? Toban sano ka yar intii dowladdu dhisneyd. Kii Yarmuukna? 15 sano ka yar. “Bal aan aragno intay Maraykan ku qaadato inuu dimuqraadiyad ka hirgeliyo Bariga Dhexe”. 

La soco qeybta dambe oon weliba ku xusi doono maxkamadaha Xamar  haddii Ilaah idmo .

MAQAALKII HORE:  Q-r-nka Soomaaliyeed  

Cabdulwaaxid Khaliif 
 cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2005


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD