SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DOWLADDA KMG AH  

mursal W/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad)

stethy1@yahoo.com  

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ah natiijadii ka dhalatay shirkii ugu mudada dheeraa ee ebed loo qabto Soomaalida ayaa durbadiiba la kowsatay khilaafaad markii hore ka dhashay kala aragti duwanaansho ku saabsan nuuca Ciidamada imaanaya Dalka iyo halka ay Dowladdu saldhiganayso, kaas oo markii danbena isku bedelay in loo kala jabo 2ba garab oo iska soo horjeeda.                                                   

 Isku day ay sameeyeen dhinacyo badan oo ay ku jirto Q/M, Wadamo ka tirsan Jaamicadda Carabta iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed ayaan guulaysan. 2da garab oo ay kala hoggaamiyaan  Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa fariisin ka kala dhigtay Magaaloyinka Muqdisho iyo Jowhar halkaas oo ay Mediaha iskaga gudbiyaan fariimo aan ku haboonayn in ay gaaraan dhegaha Shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba marka aan fiirino garabka Muqdisho, maalmihii hore dardar xoog leh ayey la soo shir tageen, gaar ahaan Meleeshiyooyin aad u fara badan oo ay Magaalada ka saareen, Isbaarooyinkii tiro dhaafka ahaa oo ay in door ah ka qaadeen iyo kulamo ay Xubno badan ka soo qayb gelayeen oo ka dhacayey Xarunta Baarlamanka (ex. xaruntii xisbiga) iyadoo Guddina loo saaray soo diyaarinta Maamul uu yeesho Gobolka Banaadir.     

 Marqura ayaase la dareemay in layrku ka sii baqtinayo howshii ay waden garabka Muqdisho. Qaar badan oo kamid ah Isbaarooyinkii horay loo qaaday ayaa dib ugu soo laabtay barahoodii, halka Shirarkii ka dhici jiray Xarunta Xisbiga loo weeciyey Hoteelada, halkaas oo ay ka soo xaadiraan tiro ka yar 4meelood meel cadadkii hore. Marka sawir guud la bixiyo Garabka muqdisho, waxaa la oran karaa, howshodii waxay isku soo koobtay falanqaynta iyo wax ka dhihidda waxyaabaha ka soo baxa dhanka garabka Jowhar.

Garabka Jowhar inkasta oo cadaadis xoogan ay kala kulmeen Maamulka halkaas ka arimiya, xubnaha qaarkoodna loola dhaqmay si aan wanaagsanayn, hadana ma muuqdo khilaaf wayn oo dhexdooda ka jira, waxaadna moodaa in ay aad iskugu kalsoon yihiin ayna rajadoodu wanaagsantahay, marka loo eego Garabka Muqdisho oo dhexdoodii is-qab-qabsi iyo khilaafaad ka aloosmay.    

Waxyaabaha sida wayn layskugu maandhaafay waxaa ka mid ah Muumul u samaynta Gobolka Banaadir. Koox uu horkacayo ing. Maxame Xusayn Caddoow, waxay qabaan in la garab siiyo Maamulka uu soo dhisay RW Geeddi ee uu hogaaminayo Cadde Gaaboow, si taasi ay saldhig ugu noqoto wadahal iyo isku soo dhawaansho dhexmara 2da garab ee Dowladda, halka Guruub kale oo ay horboodayaan Hogaamiyayaasha kooxuhu ay ku doodayaan in la soo dhiso Maamul cusub oo ku yimaada qaab doorasho. 

Waxaa soo ifbaxay in Hoteelo cusub la kala degay.  Dhanqanka Jabhadaha ayaa laga bartay, marka ay iskhilafaan in Ninwalba magicii jabhadaas  oo gadaal 1xaraf looga daray uu sheegto, sidaas oo kale waxaa muuqata saan-saan ah DFKG garabka Hotel Saxafi, DFKG garabka Hotel Ramadaan, DFKG garabka Villa Somalia, DFKG garabka Hoteelada Jowhar IWM.

Garabka Dowladda ee Muqdisho ku sugan waxaa la saadaalinayaa in ay u qaybsami doonaan 3dex qaybood. 1. Qayb beegsata Goboladii/degmooyinkii ay ka soo jeedayn, ama Dalkaba isakga baxada. 2. Qayb u kala dhuunta oo raacda Garabka Jowhar ee uu hor kacayo Madaxweyne Yuusuf. 3. iyo Qaybta Hogaamiyayaasha hubaysan oo isku dhaarsan doona dagaal ay la galaan Garabka Jowhar. Aad ayeey suurta gal u tahay in arintani dhacdo, haddii aan isbdel kale ka imaan xagga EEBE (sw).

MAXAA LAGUDBOON GUDDOOMIYA BARLAMAANKA?

Guddoomiya Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden, waa shaqsiga sida dhabta ah loo hubo in aanay ku jirin hagar-daamo iyo Munaafaqayn, waxaa laysku raacay in hadal xittaa qadaf ihi aanu ka dhicin intii uu jagada hayey, dhaliil way ka imaan kartaa Qolyaha qaar, haddii uu diido go’aan ay u soo jeediyaan in uu wax ka qaato, isna uu u arko in uu yahay mid dhaawacay Karaamada, Sharafka, Qaranimada iyo Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, hase yeeshee Qof walba oo uu ku danbeeyo damiir Soomaalinimo wuu qirayaa doorka suuban ee Shariifka.

Guddoomiya Baarlamaanku ma heli karaa Korom go’aano soo saari kara  oo uu gudoomiyo?  Suurtagal matahay in Xubnaha Muqdisho ay soo dhisaan Maamul ay isku raacsanyihiin?  Ma aqbali karaa Shariifku in uu ogolaado rabitaanka M. Yuusuf kuna biiro Guruubka Jowhar ?  Shariifku Ma ku sii negaan karaa Hoteelada Muqdisho, xili xubnaha Muqdisho ay ku guuldaraysteen in ay wax qabad dhab ah la yimaadaan?             Jawaabtu haddii ay tahay “MAYA” Shariifka, shaatigiisu waa cadyahaye waxaa la gudboon in labada dhinacba uu isaga dhex baxo, Ummaddana u sheego in xilkii uu hayey uu ka tanaasulay.

W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E- mail: stethy1@yahoo.com 

MIDOWGA AfRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN??????

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2005

Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD