C/WAAXID
INA KHALIIFOW INTEE AYAY KU
WADAYSAA ISKU DIRKA IYO QORIGA
DABKA LEH EE AAD LA WAREEGAYSO.
Tan iyo intii ay soo
baxday xidhistii Cabdi Qayb-diid, waxa soo baxay hadalo
isku wada hor iyo daba jeeda qaarna ay teegerayaan
qaarna ay mucaaradayaan. wax lala yaabo maaha in maanta
ay arintu sidaas tahay, waxaanse la yaabay oo aan mar
qoslay, marna yaabay marna dhabanada qabsaday qoraalada
uu soo qoro ninkan lagu magacaabo C/waaxid Khaliif.
dhamaan qoraalkiisu waxa
uu ku salaysan yahay nacayb, xisdi, iyo qabyaalad ku
gaamurtay, waxa uu sheegtaa inuu yahay nin ka soo jeeda
Beesha Col, C/laahi Yuusuf balse lama hubo mana saxsana
hadalkaasi inuu yahay dhab. oo far baa ku godan.
xor ayuu u yahay Qofku
inuu cabiro fikirkiisa, laakiin waxaan marna meesha
qaban in Dambile Dagaal la difaaco iyadoo lagu
marmarsoonayo, Qabiiloyinka kalena sidaas ayay Yeelayaan.
Somalidu ha ogaato, hadii
aan la ciqaabin kuwii dhibka gaystay inaan cidna heshiin
Dawladna aanay jirin.
Mar British Broadcasting
Corportaion ay waraysanaysay Shariif Xasan Gudoomiyaha
Barlamanka waxa uu ku hadaaqay in aanay arintani hada
sax ahayn oo lala sugo mar ay Dawladdu Caga dhigatay,
hadaba Su'aasha meesha taal waxa ay tahay goorma ayay
dawladu Cagaha dhigi kartaa sowtan qabqablayaashu
hogaanka u hayaan oo qasayaan maaha, ilayn hadii ay
degto Dawladu waxa ay ka cabsi qabaan in iyana sidaas oo
kale loo galee. marka waxa ay ku khsban yihiin in ay
qasaan Dawladda intii karaankood ah si waligeed loogu
jiro fawdadaas.
C/waaxid Khaliif
qoraalkiisi waxa ka mid ah rag uu carabka ku dhuftay
sida Indha Cade iyo Daahir Awes, waxa uu ka xanaaqsan
yahay sidee ayay UN_ku u soo saartaa qoraal ka hadlaya
Beeraha ay xaqdaradda ku haystaan iyo xashiishka ay
beeryaan. yaab waligay ma arag nin la mid ah oo sidaas
xaq daro u difaacaya Tolow waan la ogayne malaa isaga
ayaa danbiile ah oo waxa uu ka baqayaa hadii arini sidan
noqoto in layn soo galo.
isku soo duub Maanta wax
bilowday yididiilo cusub, umada somaliyeedna waxa u
furmay rajo ah in cidii wax cad oo (evidence) ah haysaa
ay dacwayso ciday is leedahay danbi ayay idinka gahsay
Qabiil kasta ha noqotee.
C/waaxid, Shariifka, iyo
Websiteyada qabyaaladu ku fogaatay ee caytamaya ha
ogaadaan in aan xaqa la qarin karin, oo maanta Feedho ka
dilaacay xaqii.
Hadii aad leedihiin Dilkii
afarta wiil ee dhalinta ah ee Jilib uu ku amrayayy Cabdi
qaybdiid, iyada oo la hayo cajalkii ay iska duubeen
iyaga oo maalintaas faan ka dhiganayay laakiin aan
markan is odhan way idinku soo noqon doontaa. waa mid
xaq ah, oo dadkan ehelkoodii la laayay way khadldan
yihiin hadaad leedihiin, idinka uunbaa wax isu dhimayee
cidna ka hor istaagi kari maysaan xaqa waana la idin
ogaaday waxaad tihiin.
arintani waxay i soo
xasuusisay mar Morgan oo ah Taliyhii waqooyi galbeed uu
dagaal ku qaaday Jabhaadii SNM, isagoo iska duubaya
Cajal Video ah, dabcan isagu ku faan ayuu is lahaa,
balse nasiib wanaag dagaalkii ayaa lagu jabiyay Morgan
iyo ciidankiisii, cajaldiina gacanta ayaa lagu dhigay oo
meel walba maanta way taalla sida tan hada wiilashan loo
laayay ay meel kasta u taalo. waxayna ku tahay Morgan
Markaahti cad.
waxaa kale oo jira qoraal
aan ku arkay Somalitalk oo uu soo qoray C/raxmaan eelay
aan filayo inuu joogo USA waxa uu ka sheekeeyay qiso
cajib ah, wuxuu yidhi.
Hooyo Somaliyeed ayaa
Wiilkedii wayday markii dagaalada Sokeeye dheceen,
hooyadaasi mudo ayay la'ayd wiilkeedii markii ay mudo
waysanayd ayay, ka samirtay oo Maraykanka aaday kana
quusatay wiilkii.
Maalin maalmaha ka mid ah
ayay soo gashay Guri lagu daawanayo Cajalaadaas imika
markhaatiga ku noqotay Qaybdiid. sidii loo daawanayay,
ayaa la soo gaadhay markii la dilayay wiilasha 4 -ta ah
markaliya ayay Hooyadii booday ALLA!!! ALLA !!! ALLA WAA
WIILKAYGII ALLA HOOYO ALLA HOOYO ALLA HA IGA DHIMAN. oo
dhaladii ku qamaamtay hooyadii.
waxa kale oo jirta in
cajalada laga arkay wiilasha la laynayo oo mid kamid ahi
uu ku qaylinayo ma "
"Waxaan u dhimayaa reerka
ama qabiilka aan ahay kaliya".
marka Umada Somaliyeed
ayaan dhexdhigaynaaye maanta in C/waaxid khaliif,
Shariif Xasan, iyo wixii soo raacaa ay xaq daro
difaacaan miyay tahay.
waa yaab wax lala yaabo
weeyan.
war umadu ninkii ay dacwad
u qabto reer kuu doono haka soo jeedee sow ma wanaagsan
in la dacweeyo, oo lala xisaabtamo.
waxaad maqlaysaa dad kun
ka badan baa dacwad ku soo oogay Cabdulaahi yuusuf ilaa
shalay iyo doraad, iyagoo leh waa Jawaab. waxaan ku
talin lahaa qofkii haya wax cad sida tan imika taagan
oo kale.
oo danbi laga galay ama
ehelkiis la laayay ha dacweeyo dambiilahaas ciduu doono
ha noqdeee. lakin in la daafaco nin dhagar galay waa
doqonimo.
dad baa ku andacoonaya
waxa la isku caafiyay shirkii Kenya yaa is cafiyay intii
qabqable ahayd ayuunbaa is cafisaye. ma shacab wayne
Somaliyeed baa is cafiyay.
marka sxb Ina Khalifow ama
qori dab leh la wareeg ama waxaad doonto soo qor inta
xaqa la qarin karaa waa yar yahay, ogow adiguna inaad la
danbe tahay markaad isku daydo inaad difaacdo nin danbi
galay.
Afeef.
Qoraalkayga ayay ku jirtaa
gudihiisa in Cid kasta ama qabiil kasta haka soo jeedee
ninkii danbi cad lagu hayo, la soo taago Maxkamad, hadii
aan sidas la yeelina wax shaqaynaya iyo umad isu
imaanaysaa midna ma jirayaan.
wabilaahi tawfiiq
Faysal Siciid
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Jariidad Deenish ah oo
Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |