SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

 Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC 

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

 

Mashaakilka Africa haystaa waa badan yahany waxaase ugu weyn in wax walba ay caasimadda isugu geeyaan oo markaas haddii caasimadda dagaal ka dhaco dalka oo dhan ma badbaado.  Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka eedey caasimadda oo ay wax kasta isugu geeyeen. Bal fiiri Muqdisho waxaa la isugu geeyey:

Qunsuladihii
Jaamacadihii dalka taasoo keentay in ardayda oo dhan timaado Muqdisho
Xafiisyadii dawladda
Ganacsidii iyo warshadihii badankood.
wadooyinkii iyo hoteeladii dalka ugu quruxsanaa.
Carwadii qaranka  iyo airporkii caalamiga
Mashaariicdii iyo shaqooyinkii badankood.
Wankii buuran iyo gabadhii soo kacdaba in muqdisho la keeno
 
Bal aan is bar bar dhigno Muqdisho & Washington DC
 
Washington DC  waxay ahayd caasimadda USA mudo dheer Inkastoo ay ku yaalaan white house iyo xarunta baarlamaanka Capitol Hill iyo maxkamadda sare - Supreme Court haddana hay'adaha dawladda in yar baa ku taal DC badankood waxay ku kala firirsan yihiin gobolada dalka.  DC waxaa kale oo lagu yaqaan Jaamacadda American Universsity iyo Geoge town university Howard University iyo taalooyin iyo safaadao iyo matxafyo loo yaqaan Smitsoniam.  Inta kale ee magaalada waxaa degan dad sabool ah.  Dadweynaha ma jecla inay degaan caasimadda DC waana ka faanaan.  DC waxaa kale oo lagu yaqaan ammaan daro.  waa meel laga cararo.  Inay u yimaadaan dalxiis iyo banaanbax mooyee waxba ugana soo baahdaan. Meelaha ay degan yihiin ayey ka heli karaan qunsulo iyo airoporo iyo isbittaalo iyo jaamacado ka fiican kuwa DC.
 
Isku soo duuduuboo Washington DC waa laga faanaa in la dego.  Muqdisho waxaa haboonayd  in ay sidaasoo kale noqotaa meel laga faano in la dego.
 
Muqdisho ma necbi laakiin waxaan diidanahay in qaladkii hore oo kale marlabaad la sameeyo.
 
Caasimadda waa in ay ku taalaa meel dhib badan oo siyaasiyiinta lagu imtixaano.  Jawhar waa u qalantaa waayo Jawhar waa meel kaneeco badan oo aan lagu raaxaysan karin.  Siyaasiyiinta si ay kursiga uga tagaan waa in lahu hayaa Jowhar ilaa midkasta ka yiraahdo wax yar ka dib kaneecada ayaa isoo kartay ee waan is casilay.  Siyaasiyiinta haddii la isugu daro kursi iyo meel quruxsan sida Muqdisho oo weliba saxo fiican waxaa dhib noqonaysa inay kursiga ka tagaan.  Jowhar ha lagu ciqaabo siyaasiyiinta Soomaliyeed.
 
Haddii aan yeelno sida maraykanka u galeen DC waxbaa noo kala haraya ee ukumaha yaanan hal danbiil ku wada ridin.  waa in aan samaynaa magaalo ganacsiga ku fiican, mid waxbarashada ku fiican, mid dalxiiska ku fiican, mid caafimaadka ku fiican ama qayraadka la kala firdhiyaa.  Waa in aan iska qabanaa kuwa indhaha la sida shariifka -gudoomiyaha baarlamaanka oo mar kasta sheega dastuurka ayaa qoraya Xamar waa caasimadda.   Dadka ku dooda dastuurka aan ilaalino oo Xamar waa caasimadda waa in ay ogadaan
In Xamar oo waxwalba la isugu geeyaa Soomaalida eedey waa hore lagana soo kasban la' yahay.
In dastuurkan lagu muran san yahay ee qaarkood leeyihiin asaga dhigaya Xamar in ay caasimadda Soomaaliya tahay uusan ahayn quraan ee yahay wax dad sameeyey oo markii la doono la bedeli karo- Haddii la soo bandhigo fikrado cusub laga doono ay dhici karto in aanay qasab ahayn in xamar casiamad laga bedeli karo.
 
Ugu danbayntii labadan qodob awgood xamar yaanan caasimadda laga dhigin:
 
1)  In aan khayraadka hal meel la isugu uruurin sidii hore u dhacday.  haddii waa danbe dagaal sokeeye dhaco wadanka qaar u fakado dadkuna uusan u haajirin xeryo qaxooti dibadda ah.
2) In meel dhib badan laga dhigo xarunta dawladda Soomaaliyeed si loo xakameeyo siyaasiyiinta Soomaalida damacooda waalan oo ay ku fikiraan maxaa i keenay - Allow anoo caafimaad qabo maruun iga wad halkan.  Jowhar kaneeco waalan ayey leedahay oo soo gaabin karta damaca siyaasiyiinta Soomaaliyeed ilaa laga gaaro    Yaan u duceynaa oo dawladda nooga qayb gala yaa aada jowhar oo aan u duceynaa.
 
Waa in la qabtaa Gedi oo leh Muqdisho ayaan u guurayaa.  Waa in laga hor istaagaa haddii kale waa danbe ayaa laga shalaynayaa.  Waa in la qabtaa Shariifka oo leh Dawladdu Muqdisho ha degto  haddii kale hadhow ayaa laga shalaynayaa.  Yaa qasbay siyaasiyiinta inay xilka qaadaan jawaabta waa cidna marka waa inay Jowhar ku adkaystaan.  Siyaasiyiinta la isuguma daro caro san, meel caafimaad qabta oo quruxsan iyo Kursi.  Haddii kale qoraalkayga waa danbe ayaa la soo xusuusan doonaa.
 
No Muqdisho.  Saty Jowhar or quit.  
 
Soomaaliyey ha laga fiirsado siyaasiyiinta aan isugu darayno Muqdisho, kursi iyo barwaaqo.  Muqdisho waa meel caafimaad fiican oo quruxsan haddii laga dhigo fariisinka dawladda Soomaaliyeed u diyaar garooba siyaasiyiin kursi ku raaga oo aan waxba umadda u qaban.
 
xarun maha dawladdu waxay ku fiican yihiin sida DC ama Jowhar ee siyaasiyiinta xamar uma qalmaan.

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2005

Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD