-
LAFIHII
QUBUURAHA TALYAANIGA OO MAANTA LAGA
DHOOFIYEY B/DOOGLE.
-
BAAQ KU SAABSAN SAKAATUL_FIDRIGA
OO AY SOO JEEDIYAAN : Pro:
Cabdikarim Xaashi Kadiye iyo
Eng. Xasan Cabdulle Mahamud
-
BAAQ NABADED oo kasoo baxay
Ceelwaaq....
LAFIHII
QUBUURAHA TALYAANIGA OO MAANTA LAGA
DHOOFIYEY B/DOOGLE.
| Balli-Doogle,
Soomaaliya | Oct 23, 2005 |
Waxaa maanta oo Axada
xiligii duhur-nimadii laga duuliyey garoonka B/Doogle
lafihii dadkii laga soo saaray qubuurihii Talyaaniga ee
Muqdisho, waxaana loo soo kireeyey diyaarad khaas ah, iyadoo
geyn-doonta wadanka Talyaaniga, waxaa dhici karta iney ku
sii hakato dalka Suudaan.
Lafaha waxaa soo uruurshay
xubno katirsana xoogga-dal Soomaaliyeed oo ku jiraan Jananno
iyo Col-neylo, waxaana mashruuca hogaaminaya nin dagan
Talyaaniga oo isaguna ka tirsana ciidankii qarankii
Soomaaliyeed.
Mar ay SomaliTalk weydiisay
sida lagu soo uruuriyey lafihii waahore lasoo saaray, waxaa
loo xaqiijiyey in tan iyo wakhti dheerba hawshaas lawaday,
oo dad kala duwan dhaqaale lagu siiyey sidii ay usoo
gurbin-lahaayeen lafihii ay mar hore dad Soomali ahi kasoo
baxsheen qubuurahooda.
Sida warku sheegayo waxaa
lagu uruurshay lafahaas ilaa 18.Sanduuq oo waaweyn, iyadoo
si nidaamsan loo agaasimay hawsha dhoofinta lafihii
talyaaniga.
Waxay ahayd mudo sii
horeysay markii dad Soomaali ahi ay soo faqeen qubuurihii
Talyaaniga, iyagoo markaas goobtii ka dhigay masaajid
jamaaco lagu oogo, taasoo dhalisay in Madaxweynaha
Soomaaliya C/Laahi Yuusuf uu canbaareeyo falkaas, kadibna uu
soo booqdo qubuuraha talyaaniga ee degma ku taala dalka
Kenya
Waxaan suganayna in saacada
soo soda aan helno tafaasiil intaa ka dheeri ah, iyo
warbixino ku saabsan halka lageyn-doono lafahan lasoo
uruurshay.
Halkan Ka Akhri
C/llaahi
yuusuf oo xalay booqday qubuurihii ciidamadii talyaaniga uga
dhintay dagaalkii labaad ee Aduunka oo ku xabaalan Nyeri oo
200km u jirta Nairobi.
SomaliTalk.com
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Ku: Dhamaan Idaacaddaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay
joogan
Ku: Dhamaan Wargesyadda Soomaliya ka soo baxa
Ku: Dhamaan wesite yadda Somaaliyeed
BAAQ KU SAABSAN SAKAATUL_FIDRIGA OO AY SOO JEEDIYAAN :
Pro: Cabdikarim Xaashi Kadiye
iyo
Eng. Xasan Cabdulle Mahamud
Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed oo Dibadda iyo Gudaha waxaan
ugu baaqaynaa in ay u gargaaran walaalahooda Muslimiinta ah
oo ku nool dalka Soomaaliya gudahiisa gaar ahaan: Agoonta,
Masaakiinta, Kuwa ku barakacay dalka gudihiisa iyo kuwa
Danyarta ah oo ku sugan dalka.
Haddaba waxaa sii dhamaanaya Bisihii Barkaysned ee
Ramaddaan, sidaas awgeed Qofkasta oo gudan karo waajibka
Sakaatul-fitriga dibadda iyo gudahaba ee Soomaaliyeed waxaan
ugu baaqaynaa kuna waaninaynaa in ay siiyaan
Sakaatul-fitriga dadka aan kor ku soo sheegnay.
Gaar ahaan waxaan halkan ku wargalinaynaa dadka dalalaka
dibaddaha jooga oo aan helikarin cid ay siiyaan
Sakaatu-fidriga si ay isaga gudaan sakadaas in ay u soo
Gudbiyaan eleladooda ama hayadaha Soomaliyeed ee haya
Agoonta iyo waxa la midka ah uguna soo xawilaan shirkaddaha
xawilaada meelkasta oo ay u rabaan in ay wax gaarsiiyaan,
taas oo iyagana u ah cibaado ay gudanayaan, dadka baahana u
noqonaysa mid ay ku farxaan uguna duceeyaan dadkii
sadaqadaas la baxay.
DADYAHOW MUSLIMMINTA AHI ISU NAXARIISTA SI EEBE IDIINKUGU
NAXARIISTO
abdikariim kadiye
ccshashi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Sh. Cabdul Raxmaan
Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama
ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai...
Guji...
Oct 22
Jariidad
Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday
Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka
Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)...
Guji... Oct 21
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |