SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Abwaan Yam-Yam oo Geeriyoodey

Taariikhdii nololeedkii Abwaan C/qaadir Xirsi Siyaad (Yam Yam)..


Abwaan Cabduqaadir Xirsi yayam

            Waxaa dalka Mareykanka gaar ahaan Gobalka Ohio shil baabuur ku geeryooday Allaha u naxariistee C/qaadir xirsi (Yam yam) oo ahaa Abwaan Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqiinay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wuxuu ahaa abwaan taariikh dheer ku leh gayiga Soomaaliyeed, dhawaan ayuuna deganaasho ka helay cariga Mareykanka.

            Abwaan C/qaadir Xirsi (Yam Yam) oo da’diisu ahayd 57 waxa uu dagaalkii sokeeye inta badan ku dhameystay Magaalada Muqdisho wuxuuna qayb ka qaatay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isaga oo dadka ku dareensiin jiray faa’iidada nabadda gabayo iyo Suugaan, iyo waliba Qasaa’id kala gadisan, C/qaadir Yam Yam ayaa markii uu tagi rabay dalka Mareykanka waxa uu gaarigiisa ka watay Magaalada Muqdisho, waxa uuna sii maray wadada dheer ee isku xirka Muqdisho iyo Gobalada waqooyi, hase yeeshee mar uu marayay Degmada Dhuusa Mareeb ayaa gaarigii uu watay laga dhacay, hase yeeshee dadkii deegaanka ayuu isku sheegay in uu yahay Abwaan C/qaadir Xirsi (Yam Yam) markiiba odoyaal ayaa u guntaday oo dib u soo celiyay gaarigii Abwaanka, raaligareyna waa la siiyay kaddibna waxa uu tagay Boosaaso oo uu in muddo ah ku sugnaa, halkaasoo uu ka tiriyay gabayo iyo barnaamijyo kale oo la xiriira dhinaca nabadda waxa uuna sii dhaqaaqay W/galbeed ee Soomaaliya halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kaddibna waxa u sii dhaqaaqay dalka Jabuuti oo uu aaqiritaankii uga duulay dalka Mareykanka.

            Waxyaabaha lagu xasuusto Abwaan C/qaadir Xirsi (Yam Yam) waxa uu ahaa Abwaankii fasiray ereyga Qabiil, isagoo u kala qaybiyay labo erey oo kala ah (QAB  iyo IIL) oo ah isla weyni ku geyneysa marka Iilka.

             Abwaan C/qaadir Xirsi (Yam Yam) oo ahaa Abwaan Soomaaliyeed waxaa lagu xasuustaa kartidiisii iyo gabayadii la yaabka lahaa ee ku jiray maansada Soomaaliyeed waxaana ka mid ah gabayadaasi, markii todobataamayeedadii la xiray Idaacaddii B.B.C-da qaybteedii afka soomaaliga, ayna ku fasirtay dowladda Biritan xiritaanka Idaacadda arrimo dhaqaale, isla markaana lala xiray idaacado badan oo ajnabi ah oo ka bixi jiray Idaacadda B.B.C-da, halka tan afka Soomaaliga ah ay socon jirtay muddo rubi saac ah, ayaa waxaa dhacday in Abwaanku ka tiriyay gabay dheer oo uu u dheebay boqoraddii Ingiriiska, wuxuuna ku yiri qaar ka mid ah baydadkiisa.

  • Shabeelkii wax is baacshee,

  •  Ugu boodada caddaa,

  • Ma dhabbaa Ilka beyl,

  • Baqtigaad cuntaan,

  • Boolidaad gurataa,

  • Waxay jeebkiina ku baridaba,

  •  Baahi bay ku baddaa,

  •  Landhanay bilicdaadiyo,

  •  In yaroo bikeysiyo,

  •  Bun baan siisan lahaa,

  • Ma haddaad Great Birtanay,

  •  Nus fuusto shidaal ah,

  • Idaacad ku bixi lahayd,

  • ALbaabada isugu dhifatay,

            Inkastoo gabaygu dheeraa haddana markii loo tarjumay boqorada ayay waxay amar ku bixeysay in laanta Af-Soomaaliga ah ee B.B.C-da aan la xirin oo ay dib u howlgasho, iyadoo markaasi ay dhacday in laamo kale oo lala amray in lala xiro, sidaasi lagu xiray, haddaba guushaas waxaa noo soo hooyay baan dhihi karnaa Abwaankaa Soomaliyeed naxariistee Janno Allaha ka waraabiyee. Waxaa kalloo lagu xasuusan karaan Abwaan C/qaadir Xirsi Siyaad (Yam Yam) gabaygiisii  GUUR AAN KA LA’AADO.

  • Taa gaadada Jaceylku u suran yahay,

  • Ee meel walba geysa,

  • Ee dhowr nin guubaabisee,

  • Laxowga gaarsiiseysa,

  • Adaa gooni kuu ahay,

  • waxay kuu garaacdaaba,

  • Markaad geed daarood gaftey,

  • Kaa xamaan gurane,

  • Dumaashidey intaan gocon lahaa,

  • Guur aan ka la’aado, 

            Waxaa sidoo kale laga xasuusan karaan halheesyadii jaciibka ahaa ee laga dhaxlay.

Intii wax ogaatay dila, Intii la ogaatay dila, Ogaanta lafteeda dila, Si aan waxba loo ogaan,

            Abwaan waxa uu ka mid ahaa awbaanadii ka qaybgalay shirkii Carta isaga oo halkaasi ka soo noqday xildhibaan, hase yeeshee halheesyadii uu halkaasi ka qaaday waxaa laga xasuusan karaan.

Calool Nibiriyaad ka soo celise, Ismaaciil Cumar Geele ku caan noqoyaa,

            Waxaa sidoo kale gabaygiisii uu Magacyada Illaahay ku soo koobay oo uu ugu magacdaray AL-XAMDULILAAHI EEBBOW, waxaana ka mid ahaa baydadkiisii.

Al-Raxmaani Ebbow,               Al-Raxiiimi Eebbow,

Al-Mulki Eebbow,                     Al-Gafaari Eebbow

            Abwaanka waqtigii ugu dambeeyay waxa uu ku howlanaa soo saarida labo buug oo mid ugu magacdaray  SOOMAALIYA  WAA IIB (SOMALIA FOR SELL)  

W/D:Amiin Yuusuf Khasaaro

  Email- amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2005


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD