SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Warbixin ku saabsan dagaalka Soomaalida Ethiopia.
  • C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Bankiga Dhexe..

Warbixin ku saabsan dagaalka Soomaalida Ethiopia.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
ridwanhaji@yahoo.com

01.09.2005

Iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay ay jireen Dagaalo Beeleedyo ay ku dhinteen in ka badan 120 oo kasoo jeeda Beelaha walaalaha ah ee Sheekhaal iyo Ogaadeen ayaa waxaa soo badanaya hadal haynta ku saabsan sababta keenta dagaalka soo laab laabanaya ee dhexmaraya Beelaha Walaalaha ah ee iyagu wada daga Gobolka Soomaalida ee Ethiopia.

Inta badan dagaaladani waxaa ay ku salaysan yihiin dhulka marka aad waraysato labada dhinac ee dagaalamaya oo 5 sano ee ugu danbaysay ay soo noq noqonayeen dagaaladooda oo 100laal qof ay ku dhinteen , tiro kale oo aad u fara badanna ay ku dhaawacmeen.

Waraysi Dheer oo British Broadcasting Corporation ee Somaligu ay la yeelatay Ahmed sh C/raxmaan oo kamid ah Odayaasha Beesha Sheekhaal ee Magaalada Raaso waxaa uu sheegay in dagaaladani ay qayb ka yihiin Maamulka Soomaalida isla markaana waxaa uu ku eedeeyay dagaalka iyo weerarada dhinaca kale ee kasoo hor jeeda.

Dhinaca kale waxaa uu muujiyay in dhulka uu yahay mid aad u balaaran oo ay ku noolaan karaan dhamaan beelaha wada daga dhulka Soomaalida ee dalkaasi Ethiopia , waxaa kaloo uu xusay in loo baahanyahay in maamulka Soomaalida iyo Ethiopia ay wax ka qabtaan dagaaladani soo laab laabanaya.

Odayaal ka tirsan labada dhinac oo iyaguna ku sugan magaalada Jig jiga ayaa si wayn u muujiyay in ay aad uga xunyihiin dagaaladani soo laab laabanaya ee la isku adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka.

Hadaba waxaa dad badani ay is waydiiyaan maxaa keenay in Dadka walaalaha ah ee Soomaalida ee hadana wada daga in ay sidan u dagaalamaan oo ay si wayn ugu mashquulaan loolanka dhulka xili ay ku suganyihiin dhibaatooyin dhaqaala xuma ah iyo kuwo siyaasadeed.

waxaase aan shaki ku jirin in Ethiopia dawladeedu aysan wax tixgalin ah siinayn Beelaha dagaalamaya oo ay ku farxayso in Soomaalidu ay dagaalanto si aan loo jaleecin Siyaasadeeda ku aadan soomaalida.

waxaa kaloo iyana Meesha aan ka marnayn in guud ahaan Soomaalidu ay caalamka uga hareen Siyaasad xumo ay ugu horayso dagaalo iyo dhiig ay xalaalaystaan iyagoo haysta Diinta Islaamka , waana midda keentay in 14 sano ay wali soomaalidu caalamka kasii danbeeyaan.

Soomaalida waxaa inta badan dagaaladoodu ay ku salaysan yihiin guud ahaan meel walba oo ay joogaan dhulka iyo isticmaalka qabiilka oo si khaldan loo adeegsado iyadoo xataa ay dhacdo in soomaalidu aysan waxba isku ogolayn , taasina ay keento in qabiil walba uu isku qanciyo waxa uu jecelyahay oo mararka qaarkood ka fog xaqiiqda.

Diblomaasiyiin ka hadlay dagaaladan soo cusboonaaday ee ka dhacay Ethiopia waxaa ay sheegeen in looga gudbi karo in waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beelahaasi dagaalamay ay ka shaqeeyaan sidoo wax looga qaban lahaa dagaalada isla markaana si cadaaladi ay ku jirto looga wada hadlo muranka Siyaasadeed iyo kan dhuleed ee u dhexeeya beelaha wada daga dhulka Soomaalida ee Ethiopia.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
ridwanhaji@yahoo.com


C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Bankiga Dhexe..

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

            24-kii Bishii August wareegto uu soo saaray C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayuu xilkii kaga qaaday guddoomiyihii Bankiga dhexe Dr. Max’ed Maxamuud Culusow kaddib markii lagu eedeeyay in uu amar diido ku sameeyay Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi.

            Guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa magacaabistiisa waxaa ansixiyay golaha baarlamaanka intii ay dowladdu ku sugneyd Magaalada Nairobi oo lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed .

            Culusow oo ku howlanaa howlo la xiriira dhinaca Bankiga dhexe ayaa waxa uu ku tilmaamay xil ka qaaditaani mid aan sharci ahayn oo aan la soo marsiin dastuurka.

            Dr. Culusow waxa uu sheegay in xil ka qaadista ka soo heertay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay qayb ka yihin Wasiirka qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Jurile iyo xoghayaha maaliyadda ee xafiiska Madaxweynaha Max’ed Ameeriko.

             Dhinaca kale Dr. Max’ed Maxamuud Culusow oo ah guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa si kulul u beeniyay in xilkii uu ka qaaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuuna ku tilmaamay xil ka qaadistaasi mid aan sharci ahayn.

            “Madaxweynaha igama qaadi karo xilka ee waxaa xilka iga qaadi kara Golaha Baarlamaanka iyo dastuurka” ayuu yiri Culusow, oo lagu eedeeyay in uu amar diido ku sameeyay Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Wasiirka qorsheynta Qaranka C/risaaq Jurile iyo rag ku dhow dhow Madaxweynaha oo uu ku jiro nin la yiraahdo Max’ed Ameeriko dhinaca Madaxtooyada u qaabilsan Maaliyadda .

Dr. Culusow waxa uu sheegay in uu isagu yahay ninka dejiya wixii dakhli ah oo ay u baahan tahay Dowladdu, sidoo kalena waxa uu sheegay in uu yahay ninka soo qorsheeya Marka ay dowladdu u baahan tahay sameynta lacag, wuxuu sheegay in arintaani uu maalmahaani kala tashanayay mas’uuliyiin ka tirtan hay’adda Bankiga adduunka iyo waliba shirkadaha daabaca lacagtaasi.

            Waxa kalloo sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha uu ka diiday in ay lacago dhigtaan Bankiyo taas oo uu sheegay in aysan ahayn sharci.

            Wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in uu yahay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed, xilkaasna aysan ka qaadi Karin Madaxweynaha iyo wax la mid ah.  

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2005

Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD