Q-r-nka
Soomaaliyeed
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa
ha ahaato.
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Oct 16, 2005
Maxaan
ka wadaa Q-r-n? Haddii magaca Qur’aan geli karo halkaas waan
gelin lahaa. Haddii inta la qoro shaqallada Afsoomaaliga oo
ah: a e i o u la oran lahaa qof kastoow intaad xaraf kala
baxdid ku buuxi waxa ka maqan q-r-n; maxaa dhicikari lahaa?
Sida fidrada ah waxaa fiican inaad wax u xulatid sida ugu
dhibka yar oo sameeynaysa micnaha ugu fiican ee weedha soo
baxda. Qof Soomaali ah oo qumani wuxuu la soo bixi lahaa
xarafka a laba jeer markaasay u soo bixilahayd qaran (q-r-n
+ a + a = qaran). Laakiin kii dhibka ka hela ama dad aan
Afsoomaali aqoon wax u dhiibta waxaa dhici karta inay kula
taliyaan inuu isticmaalo labo u ay dabadeedna u soo baxdo
weedha ah qurun.
Qaranku
wuxuu dowlad ugu duwanyahay isagu gooni gooni ahaan hal mar
lama waayo. Soomaaliya diintii Islaamku waa jirtaa; dadka
badankiisii waa joogaan; deegaankii weli wax baa ka dhaqan;
baddii haba la sumeeyee oo weliba hala xaaqee waa jirtaa
xitaa dhismayaashii iyo agabkii qaranka waxbaa ka taagan.
Halka ay ka dhicikarto in dowladda hal maalin afka ciidda
loo darikaro sidaan labo jeer soo aragnay ama maqalnay.
Oraahihii C/hi Timo-cadde Allaha u naxariistee ayaa i
yaabgeliya sida markuu dhaho:
-
dadkaan la hadlayo baan
lahayn dux iyo Iimmaane
ama
-
nin qalbi la’ Qur’aan nin
u dhigay Qaaf dheh ku harraadye
Qofkii
yiraahda, qaran baan Soomaali barayaa wuxuu la mid yahay qof
wax u sharxaya qofkaas shaqfadda la’ ee uu hal-abuurku
cabbirayo. Marka laga reebo dad yar oo Ilaah u naxariistay,
waxaa ummaddii ka soo haray fiqi aan tolkiis ka janno tegin,
hal-abuurro iyo fannaanniin sugaya madaxweyne ay u heesaan
iyo dadweyne qutulyoonkii ciriiri ka gelay ooy ka soo hartay:
ninkii hooyaday guursada waa adeerkay!
Intaan
dhirta dhuxul ahaan loo dhammeyn waxaan isticmaali jiray
maahmaahdii ahayd: oodo dhacameed midba mar baa la qaadaa
laakiin hadda waxaan isticmaalaa: canjeelo siday ukala
korreysaa loo cunaa. Labo arrimood baa igu khasbay – middi
waa dhirtii oo la dhammeeyey marka oodba mar dhow waa lagu
diimin. Tan kalana waa dadkeennii oo ay ka soo hartay in
canjeelo/cunto la ciseeyo. Weligiin ma aragteen qof
aqoonyahan sheeganaya oo aamminsan in dagaalooge qaran dhisi
karo? Kaaga darane jago ka sii raba! Marka qaran-dhisku
wuxuu leeyahay qaab loo bilaabo. Sida “canjeeladaas” loo
cuno waa in wax walba say usu leeyihiin la isagu aaddiyaa.
Sidaan horay usoo niri: qaranku dowlad la’aan ma socon karo.
Qaranka ay dowlad keliya ka maqantahay wuxuu la mid yahay
gaari taayirro keliya ka maqanyihiin ama guri saqafka kore
keliya ka maqanyahay. Gaarigaas waxaad gashan kartaa
taayirro. Laakiin haddii qaranka qeybtii ugu muhiimsanayd
maqantahay ood tiraahdid dowlad baan dhisayaa waxay la mid
tahay baabuur aan matoor iyo taayirro lahayn ood inta
taayirro gashatid aad tiraahdid waan isticmaalayaa! Mana
shaqeyneyso.
Haddaan
diintii fahmiweynay ma fahmiweynay Afsoomaaligii? Miyaan
hal-abuurkii oran:
-
waxaan ahay waanada
macallinka
-
waxaan ahay waddada la sii
maro
-
waagii baryaba ubax laga
waraabshoo
-
waxaan ku werweraynaa
waddankiinna wax u barta
-
waddankiinna wax u barta
-
oo ka jira waxyeellada
-
guul wacan
-
cadow ka waabo
-
iyo barwaaqo
-
nabad lagu wadaagoo
-
hakuu waaro waddankeennu
-
waddankeennu waa wadnihii
jirkeennoo
-
waraabinaayey dhiiggoo
-
waan ku warwereynaa
Maxaa ka
culus weedhahaas? Haddii diinta Islaamka uu xusilahaa lama
arkeen wax loo dhigo laakiin waa loo garaabi karaa maxaa
yeelay Kacaankii baa markaas talada hayey sidoo kalana
fannaanniin iyo hal-abuurro badan iskuma fiican diinta. Hal-abuurku
wuxuu cabbiray ubax (dhallaanka iyo ardeyda), wuxuu ku
waraabiyey ka fekerka waddanka iyo inay maanka ku hayaan
dhulkooda hooyo iyo inay cadowga ka jiraan. Hadday waddani
noqdaanna wuxuu u rajeeyey horumar, guul, barwaaqo iyo nabad.
Ogoow hal-abuurku ma oran waddankeennu waa wiilkeennii ama
gabadheennii ee wuxuu yiri waa wadnaheennii! Hal-abuurku
wuxuu ogaa in marka xukun la qabto ay dad badani xukun ku
dilaan wiilashooda marka wuxuu ka dhigay waddanka
nafteenna.
Heestii
hal-abuurku waxay noqotay hal bacaad lagu lisay. Dadkii
heestaa loo qaadi jiray waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha,
aniga iyo dad badan oo markaas ardey ama dhallaan ahaa. Hal-abuurku
wuxuu islahaa dadkayagaas curdanka ahaa haddii suugaantaas
lagu ababiyo inaysan mar dambe u iillan doonin cadow iyo
inaysan sina waddankooda u khiyaami doonin laakiin
hal-abuurku wuxuu noqday nin duddumo la hadlaya! Waxaan
quustay markaan dhaafiweyney madax Mustaxiil ka badin la’
iyo labo-aliflayaal Xabashi ah oo la leeyahay waa
tabobarayaal Soomaaliyeed. Kuwanana Xamar iyo Koonfurta ay
ka bixi la’yihiin isbaaro-dhigasho, kufsi, daroogo-beerid
iyo mooryaannimo. Waxaan maqaal ku iri 2002:
-
waxaan ahay waanada
macallinka (Zenawi)
-
waxaan ahay waddada la sii
maro (awr-ku-kacsi)
-
waagii beryaba
-
jago lagu wareershoo
-
waxaan ku warwereynaa
-
waddankiinna wax u dhima
-
waddankiinna wax u dhima
-
haku jiro waxyeeladdee
-
guul wacan
-
caddow ku waani
-
iyo belaayo
-
nabad lagu wareemoo
-
hagu waayo waddankiinnu
-
waddankeennu waa
-
waax ka mid ah Itoobiyoo
-
waan ku werwereynaa
“Walaalayaaloow, Soomaaliweyneey weedhaas” ma ku dambaabayaa?
Waxaan maqaalka uga danleeyahay sida waxa ka maqan q-r-n uu
qofkii caqli leh oo Soomaaliyeed u fahmi ogyahay ayaa dhibta
heysata qaranka Soomaaliyeed waxaa ugu waxqaban og Ilaah ka
dib dadka Soomaaliyeed. Haddii la yiraahdo waxaa qaran noo
dhisaya Kenya iyo Itoobiya waxay ka dhigantahay annagoo ku
dhahna dad Kenya iyo Itoobiya u dhashay oon Afsoomaali aqoon
iney nooga dhigaan q-r-n weedh micno samaysa! Marka Zenawi
ooy dhici karto inuu Afsoomaaliga wax ka yaqaan haddaan wax
u dirsanno wuxuu meesha gelinaa labo u markaasaa halka qaran
laga sugayey waxaa ka soo baxaya qurun Soomaaliyeed. Waxaan
maqaalku ku soo xirayaa sida hal-abuurku u yiri:
-
nidar baan horay u galay
-
niyaddeydu waa meel
-
haddii aana soo noqon
-
callankeyga Nuuroow
-
Allahayow ku nabadyeel.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 16,2005
»CIR-MAAXIYAAL
SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»Carruurta
Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad
Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda
Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar
iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii
hore ee somaaliya & qab qab layaasha maanta jooga |
Jamal
»Doorashadii
Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa
Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA
QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»Madaxda
PL oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro
|
c/waxid
»INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini
Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib
u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya
Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf
»Waraaq
furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka |
Saciid
»HALKEEN
XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»Hargeysaay
hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka
Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii
Malka-durduro | Warfaa
»Morgan
oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale |
Maxamed
»Qarnigaan
qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA
AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»DIGNIIN
CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA |
Dhagaafe
»S.Y.U.P
oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii
xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"|
Ikram |