SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KAMPALA

Saraakiisha Ciidanka Booliiska oo ku wajahan jowhar.
 
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Uganda | Oct 13, 2005
 
Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya oo caawa shahaadooyin gudoonsiiyay in ka badan lixdan Saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka mid ah oo labadii bilood ee ugu dambayay uu tababar uga socday magaalada kampala ayaa bari ku wahan magaalada jowhar oo Hadda ay ka howlgalaan Madaxweynaha Iyo Ra'iisalwasaaraha dowlada Soomaaliya.
 
Saraakiishan ayaa qaban doona sida uu sheegay wasiirka Arimha dibada C/llaahi Sh ismacil diyaarinta iyo tababarida ciidan qaran oo ay yeelato dowladda Soomaaliya,waxa uuna intaas ku daray in ay ka wada yimaadeen guud ahaan gobolada dalka oo dhan aysan ahayn ciidan qabiil ee ay yihiin ciidan qaranka wax u qabanaya dhawaana ay bilaabayaan howlaha loo xilsaaray isagoo ku hadlaya codka dowladda Soomaaliyana ay u mahadcelinayaan Dowlada ugandha iyo Hay'adda QM ee UNDP.
 
Munaasabadda xiritaanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka arrimaha gudaha dowlada Ugandha Dr Ruhangno,iyo taliyihiisa Ciidanka Booliiska,Madaxa Nabad sugida Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr.Joe Gordon iyo qaar kale oo ka Socdaay Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNDP oo gacan xoogan ka gaysatay Tababarka booliiska dhinaca dhaqaalaha ayay dhamaan xubnihii ka hadlay xuseen  waxtarka tababarkan u leeyahay Somaliya.
 
Saraakiishan oo markii shahaadada la gudoonsiiyay qaadayay heesta Somaliyeey Toos ayaa raaciyay astaanka muusiga u ah calanka Soomaaliya,waxa ayna u mahadceliyeen dowlada Ugandha,iyo Qaramada midoobay oo tababarkan ku bixiyay dadaal iyo dhaqaaale,dhinacoodana waxa ay sheegeen in ay bulshada Soomaaliyeed u sii gudbin doonaan waxyaabaha ay ka heleen tababarka intii uu socday.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Ugandha oo qudbad dheer jeediyay ayaa wax la mahdiyo ku tilmaamay in maanta Afika ay gaartay heer ay iyada dhexdeeda gacan isa siiso,xiliyadii la aadi jiray rooma iyo italy waxaa badalay inaan gudaha dalalkeena ku helno aqoon heer walba leh anagoo isfahmi karna si fudud ayuu yiri Mr Ruhango,waxa uuna intaas ku daray hadii saraakiishan tagaan Soomaaliya ay caawin doonaan Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan nabad Sugida Mr Joe si u ogaado xaaladda nabadeed ee Soomaaliya.
 
Qubaro Madax banaan ayaa sheegaya in hadii saraakiishan caawa tababarka dhamaystay ay helaan jawi ay ku shaqeeyaan iyo kalsooni dowladda Soomaaliya dhexdeeda ah ay wax badan ka badali karaan ammaanka dalka Soomaaliya. 

Canab Mumtaz | EMail... GUJI HALKAN

Saraakiisha Booliiska oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala
Uganda: Saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay kulan la yeeshay jaaliyadda... Warbixintii Mumtaz Oct 13

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2005

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD