Gabar Soomaaliyeed oo Gargar
degdeg ah u Baahan....
Ku: Hay’adaha
samafalka
Ku: Jaaliyadaha
Soomaaliyeed
Ku:
Ganacsatada Soomaaliyeed
Ku:
Indheer-garatada
Ku:
Siyaasiyiinta.
Ku: Ururada
bulshada

Walaalaha
Soomaaliyeed waxaa laga
codsanayaa in ay u soo gurmadaan
Daynabo Aadan Yarow oo
xaaladeeda caafimaad ay tahay
mid aad u liidata, ayna buro
weyn kaga soo baxday daanka
midig, kuna fiday ilaa wejiga.
Deynabo oo ka
timid baadiyaha Baydhabo, ayaa
hadda ku sugan xero qaxooti oo
ku taal degmada Hodon ee
magaalada Muqdisho, waxeyna ku
sugan tahay xaalad u baahan in
ay hesho daryeel caafimaad oo
deg deg ah.

Aniga ayaa gurigeyga ku hayo,
mana aha qof xittaa hadli karta,
waxaana ka soo kaxeeyey iyadoo
meel cidlo ah iska jiifta oo
caruurta yaryari ay
tuur-yeynayaan, waxeyna u baahan
tahay gargaar caafimaad oo
degdeg ah” ayey tiri Xabiibo
Macalin boqol-soon oo sheegay in
loo baahan yahay ugu yaraan in
lagula quusto dhaqaatiirta
isbitaalada Muqdisho bal in ay
buradaasi wax ka qaban karaan.
Faahfaahinta xaaladda ay ku
sugan tahay gabadhaasi & ciddii
taageereysa waxey kala soo
xiriiri karaan.
Max’ed Nuur Jiisow (Moorshe)
E-mail.
mnmjisow6236@hotmail.com
Taleefan: 00 2525-961967

FADLAN CAAWI:::::
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30,
2005