Daaweynta
Cudurka Dhimirka ee Qaranka oo
ka bilowdey Dugsiyada Gobolka
Banaadir...

Waxaa si xowli leh uga socda
Magaalada Muqdisho olole lagu
doonayo in lagu ciribtiro
cudurada dhimarka, Mashruucaan
oo logu magacdaray DAAWAYNTA
CUDURADA DHIMIRKA EE QARANKA
(National Mental Healthy
Treatment Program) ayaa waxaa
iska kaashanaya Isbitaalka
Xabeeb iyo Ardada wax ka barata
Iskuulada Banaadir waxaana laga
fulinyaa 11 Gobol oo ku yaalada
koofurta Soomaaliya.

Gudiga Mashruucaan uu Gudoomiye
u yahay Kalkaaliye sare C/raxman
Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah
Maamulaha Isbitalka Xabeeb oo
maalmahaan ku jiray booqashooyin
ay ku doonayeen in ay taageero
ugu helaan Mashruucaan ayaa
shalay booqday Dugsiga Hoose
Dhexe iyo Sare ee UMAL QURAA,
waxaana halkasi ku soo
dhaweeyey Maamulka Iskuulkaas oo
uu ugu horeeyey Carabow Ibraahim
Nuur waxa uuna sheegeen Mamulka
Iskuulku in ay amaan u ahayaan
Isbitaalka Xabeeb sida uu
gurmadka ula doonayo shacabka
dhibaataysan ee Soomaaliyeed.

Kalkaaliye Sare Xabeeb oo
halkaasi kula hadlay Ardada ayaa
uga waramay dhibaatada ay lee
yihiin cudurada dhimirka iyo
sida looga baahan yahay ardadu
inay gacan uga gaystaan. “
walaalayaal wadanka Indiya waxaa
ka jira 41 Isbitaal oo dhimirka
lagu daweeyo oo ay taalo 20000
kun oo sariirood oo ay ka
shaqeeyaan 350 oo Dhaqtar halka
wadankeena manta uu joogo hal
Dhaqtar” ayuu yiri Kalkaaliye
Sare Xabeeb. Mashruucaan oo
soconya iyo ilaa December
2009-ka ayey ugu dambeyntii
Maamuka iskuulka UMAL QURAA
ogolaadeen in Arday walba uu
bixiyo 5000 bishan kuwa dambena
bil walba ay bixiyaan 2000.

Mashruucaan oo ay wadaan xeel
dheereyaal Caafimaad oo uu madax
u yahay Kalkaaliye Sare C/raxmaan
Cali Cawaale (Xabeeb) ayaa waxa
uu socday mudo dhowr asbuuc ah
waxa uuna ku socda si xowli ah
waxaa intii ay howshaasi socotay
ay booqdeen isla markaana si wan
loogu soo dhaweeyey Iskuulaad
fara badan oo ay ka mid ahaayeen
Dugsiyada Ablaal, Imnu Qusayma,
Aqoon Bile, Albirri, C/raxmaan
Binu Coof, Alqudus, Abuu Masri,
Almacaarif, Cumar Binu C/casiis
iyo Iskuula kale, howshaan oo
wali socota ayaa maalmaha soo
socda waxa ay booqan doonaan
Iskuulo dhowr ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30,
2005