
Waa wiil
saqiir ah, waa labo sano iyo bar jir uu caafimaadkii ku
xumaaday, habeen iyo maalin uu taahu ugu baryo, marka
xanuunka qabto shucuurta iyo dhididka mararka qaarkood waxa
uu qooyaa dharka saaran, Allow ka dulqaad waa Saqiir dulman
oo wax dambi ah aan lahayn, hase yeeshee waxaa soo riday
wado xanuun daran, inkastoo lala tacaalay misna
Dhakhaatiirtii way ka deyriyeen xaaladda caafimaad ee
saqiirkaas, kaasoo maanta u baahan gacan bini’aadannimo iyo
mid Soomaalinimo.
“Cudurka
iigu daran waa calaacasha maran iyo wadna xanuunka saqiirka
aan dhalay kaasoo iga waayay daryeelkii caafimaad ee uu xaqa
iigu lahaa, sababtoo ah ilmaha inta aysan ka bixin gacanta
waalidka waxyaabaha ay xaqa u leeyihin waxaa ka mid ah
caafimaadka, hase yeeshee Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Gacan
waxaysan haynin waa u Geed), waan jeclahay saqiirkaa dulman
ee martida u noqday waalidkaa faqriyay in gacan la igu siiyo”
sidaa waxaa tiri Hooyo Nuuro Warsame oo la murugeysan
wiilkaa caafimaad la’aanta la uugaabaya ama la taahaya,
taasoo ii warameysay xili aan ku soo booqday Hoykeeda.
Xanuunka
wiilkan waxa uu ku cad yahay Warada
dhakhtaku qoray ee sawirkeedu dhanaka midig ee boggan ka
muuqdo.
WARQADA DHAKHTARKA OO WEYN.. KA EEG
HALKAN
Kala soo
xiriir ehelada wiilka
Shariif
Cali Nuur Kulane
Taleefon
Lambar 2521-633891
2521-219412
E-Mail
guled114@hotmail.com
Ama kal soo Xiriir
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com