SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

.C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya kulan lagu dhex dhexaadinayo Ismaaciil Cumar Geele iyo Milass Zanawi..
.Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed oo ka soo horjeestey hadalkii.
.Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul ka soo hooyay kulankii Jabuuti...
.Shiiikh Muxiyadiin Shiikh “Shiikh Max’ed Faarax waxa uu ahaa nin soo dhaweeyay Soomaaliyoo dhan, ...
.C/risaaq Jurile “Xubnaha ku sugan Muqdisho waan ku martiqaadney Siminaarka balse waxay noola yimaadeen...
.Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay Booqdey dadkii waxyeeladu ka soo gaartey dabkii..
.Banaanbax looga soo horjeedo gowricii loo geystey..

 

Reer Minnesota oo Jimcadii La Soo Dhaafay Ku waaberiistey Barafkii ay Mudada Sugayeen....

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Nov 28, 2005

Subaxnimadii Jicmadii la soo dhaafay (Nov 25) waxay Reen Minneapolis (Minnesota) ku soo waaberiisteen dhulka oo aad moodid in lagu daadiyey xoorta caanaha geela oo laga daadiyey haruub-geelka - Malaha waa sababta ay Soomaalidu u doorteen in ay degaan Minnesota si ay u xusuusnaadaan caanihii geela. Waa barafkii iyo qabowgii oo iskeenay. Waa xilligii dhirtu gebi ahaanba caleenta dhulka dhigi jirtey, una ekaan jirtey jirme abaar jooga.

Gobolka Minnesota waxa uu ka mid yahay meelaha ugu qabwoga badan dalka Maraykanka, bilaha ugu qabowna waa November (qaybteeda dambe), December, January iyo February. Xilligaas waxaa dhib lagala kulmaa marista waddooyinka, sidoo kale waxaa halis noqonaya dariiqyada lagu lugeeyo, gaar ahaan marka uu barafku engego oo loo yaqaan "Black Ice" - barafka ayaa isku kaa madoobeynaya, waxaadna u malayneysaa meel aan wax baraf ah lahayn, marka aad lugta saartidna waxaad arkeysaa adigoo taraaraxaya, nasiib waxaad lahaan doontaa haddii aadan jabin, waa marka aad lugayneysid - waa meesha ay ka timid weydiinta marka la arko qof dhutinaya laweydiiyo "war heedhe ma baraf ayaad ku kuftay", haddiise aad gaari wadatid halistu intaas ka badan haddii gaarigu lugta la helo barafka noocaas loo yaqaan "Black Ice", waayo adigu markaas gaariga ma xukumi kareysid... Waxaa kale oo xusid mudan in bilahaas uu socdo barafku in aan la arkin qorrax, haddiiba ay soo baxdona aysan wax kulayl ah lahayn.... Badbaado Allah.. Waxaa marka Soomaalida reer Minnesota, iyo kuwa kale ee jooga dhulka barafka leh la gudboon in ay xilligan barafku da'ayo taxadar dheeri ah muujiyaan.

Dadka mudada dheer joogey dhulka baraf ah waxay ku taliyan: In gaariga loo diyaariyo barafka, si taas loo sameeyona waa in lagu shubo Oil cusub, biyaha nooca aan barafka ku fariisan (Anti-Freeze), waa in taayirada ay ku jiraan hawo qiyaasan, gaaskuna waa in uusan ka yaraan nus-taangi. Haddii aad safar geleysid ha ilaawin in aad qaadatid Buste, Toosh, Tarraq iyo Shumac, oo haddii ay dhacdo meel kharfe ah (cid la') in uu gaarigu kaa istaago in aad ugu yaraan haysatid dab aad gacmaha ku kululaysatid (kulaashid shumuca) iyo buste aad lugaha dhaxanta kaga celisid... walee Afrika loo darsey...

WARARKA MAANTA::: Nov 28, 2005

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya kulan lagu dhex dhexaadinayo Ismaaciil Cumar Geele iyo Milass Zanawi..

            Warar aanu ka helnay Magaalad Sanca  ee dalka Yemen waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llalahi Yuusuf uu dhawaan ka qaybgali doono kulan lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’isul Wadanka Itoobiya Miless Zanawi kaddib markii dhawaan labada wadan ay soo kala dhex gashay xurguf. Waxaana kalankaani uu ka dhacayaa Magaalada Sanca bisha soo socota, waxaana isugu yeeray hoggaamiyaha wadanka  Yemen Cali Cabdala Saalax. Labada Dowladood ee Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxay xurguftoodu ka bilaabatay dekedda dalka Jabuuti oo ah meesha ugu weyn ee Dowladda Itoobiya kala soo degto badeecooyinka iyo shidaalka, kaddib markii Dowladda Jabuuti ay kordhisay canshuurtii dekeddaasi.

Dowladda Itoobiya waxay maalmahan wax kala soo degeysay dekadda Magaalada Barbara ee Maamulka isku magacaabay Soomaaliland, hase yeeshee badeecooyinka ay haatan kala soo degeyso dekadda Barbara waa mid maraya dhul aad u fog oo nabadgelyadiisa aan la xakameyn karin, waxaana la filayaa in labada dowladood (Itoobiya & Jabuuti) ay aqbalaan dhex dhexaadinta ay wadaan Madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdala Saalax iyo Madaxweynaha Wadanka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo markii ugu horeysay noqon doonto 15-sano kaddib in Madaxweyne Soomaaliyeed uu dhex dhexaadin ka galo labo dowladood oo is haysta. Dowladda Jabuuti waxa ay ku andacooneysaa in canshuur kordhinta ay ka timid shirkadda maamuleysa dekadda dalka Jabuuti oo ah shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta oo iyadu qandaraas gaaraya 20 sano qaadatay, waxayan labaatankaas sano dekedda Jabuuti ka dhigi doontaa dekedaha ugu casrisan Qaaradda Afrika.  

Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed oo ka soo horjeestey hadalkii.

            Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed wuxuu aad uga xunyahay, wax layaab lehna ku noqotay in Cali Max’ed Geedi oo mas’uuliyad Qaran sheeganaya uu war-baahinta Caalamka (B.B.C, 11/11/2005) ka sii daayo hadal ay ku inkirayo, ku dafirayo xaqiiqada qadiyadda aaya ka talinta gobalada Soomaaliyeed ee wali ku jira gacanta Gumeysiga laga soo bilaabo 15-kii November 1884 shirkii ka dhacay Baarliin (Scramble of Africa) ilaa hadda... [Warsaxaafadeedka oo dhan halkan ka akhri...]

Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul ka soo hooyay kulankii Jabuuti.

Xulka Qaranka Soomaali-ya oo ka qaybgalaya tartanka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socday wadanka Rwanda ayaa shalay kulankiisii ugu horeeyay waxa uu la yeeshay xulka wadanka Jabuuti waxaana kulankaasi ka qaybgalay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Rwanda iyo dad kale oo Soomaali ah oo ka tagay wadanka deriska la ah dalka Rwanda kuwaasoo watay calanka Soomaliya.

Cayaarta oo aad u kululeyd ayaa qaybtii hore ee cayaarta waxaa gool qurux badan u dhaliyay Xulka Qaranka Soomaaliya ciyaaryahan C/xakiim oo ah ciyaaryahan ka yimid wadanka Ingiriiska, waxaana qaybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay hal iyo eber oo uu laha xulka Qaranka Soomaaliya.

La tashiyo kaddib waxaa la isku qaaday weerar iyo weerar celis, waxaana xulka wadanka Jabtuui u suurtagashay in ay dhaliyaan goolkii barbardhaca, wax la is hardiyo oo la is weeraraba waqtigii dheeraadka ahaa ayaa gool qurux badan waxaa u dhaliyay Xulka Qaranka Soomaaliya Ciyaaryahan Shaarkey, waxaana goolkaasi uu ahaa goolka guusha, waxayna cayaartu ku soo gebagabowday 2-1 oo uu ku adkaaday xulka Soomaaliya.

Is bedel ayaa ku yimid jadwalka Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo markii hore loo qaybiyay saddex guruub ayaa haatan waxaa loo qaybiyay labo qaybood, qaabta A oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa waxaa kalloo kula jira Wadamada Itoobiya, Suudaan, Uganda iyo Jabuuti.

Is bedelka Jadwalka waxaa keenay kaddib markii tartanka uu ka haray xulka Qaranka Wadanka Kenya oo uga haray sababo dhinaca dhaqaalaha ah.

Kulanka labaad xulka Qaranka Soomaaliya waxa uu la ciyaari doonaan maalinta berito ah xulka Wadanka Suudaan oo ah xul aan la dhayeelsan karin.    

Shiiikh Muxiyadiin Shiikh “Shiikh Max’ed Faarax waxa uu ahaa nin soo dhaweeyay Soomaaliyoo dhan, maantana dadkii uu maalkiisa ku sharfay ma dhici karaan

            Shiikh Muxiyadiin Shiikh Max’ed Faarax oo ah Curadkii Shiikh Max’ed Faarax ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Muqdisho uu kaga hadlayay xerada la isku haysto ee  ku taala Degamada Wardhiigley ayuu ku sheegay in Aabbihiis Shiikh Max’ed Faarax uu ahaa nin Mu’min ah oo wax bixin jiray, dadkana aamini jiray “haddaba ahan waqtigi xaadirkaan in dhulka lagu jiido oo isagii iyo Kheyrkii uu waday meel looga dhaco” ayuu yiri Shiikh Muxiyadiin oo hadalkaas ula jeeday shir jaraa’id oo uu dhawaan isna qabtay Max’ed Shuqul Shiikh Aadan Dheere oo sheegay in iyagu ay leeyihiin xeradaas, balse Shiikh Muxiyadiin waxa uu sheegay in Aabbihiis uu aaminay Shiikh Aadan Dheere, isagana uu soo korsaday gabdhihiisa uu ku daray oo carruur u dhaleen, sidaas owgeed ayuu ku sheegay in aan haatan dambi laga gelin Shiikh Max’ed Faarax oo loo daayo meeshii uu diinta ku fidinayay, “dad diinta fidiyana waa uu ka tagay” ayuu yiri Shiikh Muxiyadiin. Sidoo kale Shirkaas jaraa’id waxa uu uga hadlay isagoo garbihiisa ay fadhiyeen qaar ka mid ah carruurtii Shiikh Max’ed Faarax oo ay ka mid ahaayeen Cali Shiikh Max’ed Faarax iyo C/risaaq Shiikh Max’ed Faarax ayay baaq waxay ugu soo jeediyeen xertii Shiikh Max’ed Faarax in ay yimaadaan xarunta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay shacabka Soomaaliyeed daacad u noqoto oo wax Alla iyo wixii ay mucaawino ku soo helaan ay shacabkooda dhiban ay wax ugu qabtsan, si loo helo dad la aamin karo iyo dad wax aaminaba ayuu hadalkiisii ku soo gebagabeeyay Shiikh Muxiyadiin Shiikh Max’ed Faarax oo shirkaas Jaraa’id ku qabtay xarunta Shiikh Max’ed Faarax ee Isxijiwaaq ee xaafadda Gubta  Isxijiwaaq ee ku taala xaafadda Gubta, inta laga xalinayo buuqa xarunta Wardhiigley. Wuxuu ugu dambeyntii baaq u soo jeediyay dhamaan Shacabka soomaaliyeed oo uu ugu baaqay in ay taageeraan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo Ra’isul Baarlamaanka, isagoo ducoo dheer Illaahey uga baryay ummadda Soomaaliyeed in towfiiq hal ah siiyo, oo dowlad caadil ah Illaahey uga dhigo dowladaan.

            “Ma aheyn markii hore in la soo doorto Madaxweyne iyo  Ra’isul Wasaare iyo Guddoomiye Baarlamaan haddii la diidayo” ayuu yiri Shiikh Muxiyadiin Shiikh Max’ed Faarax oo aad ugu nuux nuuxsaday in la taageeryo

C/risaaq Jurile “Xubnaha ku sugan Muqdisho waan ku martiqaadney Siminaarka balse waxay noola yimaadeen.

            C/risaaq Cismaan Jurile oo ah wasiirka qorsheynta ee Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho loo diido in ay ka soo qaybgalaan siminaarkii looga hadlayay horumarinta Soomaaliya ee ka dhacay dhawaan Magaalada Nairobi oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UNDP, waxaana ka qaybgalay siminaarkaasi wasiiro ka socday Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar. “C/risaaq Jurile waan ku marti-qaadnay xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho in ay ka soo qaybgalaan siminaarkaasi, balse waa ay diideen, waxayna ku marmarsiyoodeen waxyaabo aan la qaadan karin” ayuu yiri C/risaaq Jurile oo intaa raaciyay “ma ahan meeshu Maqaayad ninkii doono uu iska soo galo, ee waa in ay jirtaa kala dambeyn”.

            Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay sababahay u diideen waxay tahay in uusan Wasiir ku marti-qaadi karin Wasiir kale siminaar ay wado hay’ad caalami ah, waxayna sheegeen in hay’adda UNDP ay u muuqato mid aan dhex dhexaad ka ahayn arrimha Soomaaliya, kaddib markii ay diiday in ay casuumaad u soo dirto.  

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay Booqdey dadkii waxyeeladu ka soo gaartey dabkii..

            Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Shiikh Aadan oo ay la socdeen xubno ka tirsan labada gole ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay booqasho ku tagay xeradii uu dhawaan dabku qabsaday oo ay ku jireen dadka soo barakacay, wuxuuna guddoomiyuhu soo eegay guryihii halkaasi ku gubtay iyo waliba dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkaasi.

            Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa markii uu halkaasi tagay waxa uu la kulmay deeqo la soo gaarsiinayo dadkaas ay dhibaatadu ka soo gaartay dabka, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xiligaan dambe fahmeen in ay isku gargaaraan ha joogeen dalak gudihiisa iyo dibaddiisa.

            “Waxaan idin leeyahay dowlad waxba ha ka sugina ee waa in aad adinku is gacan qabataan oo aad iska kaalmeysaan” ayuu yiri Shariifku oo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha dibadaha ku nool in ay dadkooda ay u soo gurmadaan.

Banaanbax looga soo horjeedo gowricii loo geystey..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo gowricii dhawaan loo gaystay labo dhallinyaro Soomaaliyeed, wuxuuna banaanbaxaasi ka dhacay wadooyinka Magaalada Muqdisho waxayna dadku ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “waa in cadaaladda la hor keenaa dadkii ka dambeeyay gowracaasi” “waa in aysan dib u soo laaban tacadiyo noocaan oo kale ah” iyo ereyo kale.

Dadka banaanbaxayay oo u badnaa beelaha Jareer-Weyne ayaa waxay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed loo baahan yahay in ay ka hortagaan dhibaatada loo gaysanayo dadka aan hubeysneyn.

Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga xumaaday falkii lagu gowracay labo dhallinyaro Somaaliyeed, waxayna ku tilmaameen mid xadgudub ku ah shareecadda Islaamka iyo xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed.

Labada dhallinyarada ah oo Ilma adeera ahaa ayaa magacyadooda waxay kala ahaayeen Xaaji Saalax Ibraahim Xaaji Cali iyo Abuukar Xaaji Xasan Xaaji Cali waxaana maalintii doraad ahayd Isbitaalka Keysaney ku geeryooda ninkii saddexaad oo ilma adeer la ahaa labadii ee horey loo gowracay, wuxuuna u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray, kaddib markii uu iska tuuray gaari ay wada saarnaayeen labada kale, kaddib markii uu ogaaday in la dilayo, waxaana markii is tuuray la daba dhigay rasaas oo ka haleeshay caloosaha.    

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2005


Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD