SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Cunto joojin ay bilaabeen maxaabiista qaxootiga ah ee ku xiran xabsiga Yemen

  • Beelaha Harti ayaa shalay si aad uga soo horjeestey in kismaanyo lagu qabto..

  • Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Jowhar oo cod aqlabiyad ku ogolaadey in Magaalada Kismaanyo..

  • Shirkadda xawaaladda Global oo shalay Deeq wax ku ool ah gaarsiisey dadkii ku waxyeeloobey..

  • Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la cayaarayo Xulka Jabuuti..

WARARKA MAANTA::: Nov 27,2005

 Cunto joojin ay bilaabeen maxaabiista qaxootiga ah ee ku xiran xabsiga Yemen

 Sana`a-Yemen: Dhalinyaro tiradoodu gaarayso 11 oo laqabqabtay maalinkii rasasaasta lagu furay qaxootiga Somaliyeed ee horseexda xarunta UNHCR ayaa bilaabay cunto joojin iyagoo ku xiraan xabsi u dhow xarunta UNHCR ee magaalada Sanca,dhalinyaraddan oo dhaaman haysta aqoonsigii UNHCR ee Qaxootinimo ayaa la garan laayahay sababta ay u xiran yihiin.

Mar aanu booqanay xabsiga ay ku xiran yihiin ayan noo warameen in Ciddamada amaanku su`aalo aad u farabadan ay weydiiyeen kuwaas oo ay kamid ahaayeen cidda ka dambaysay isku soo baxan ay wadaan qaxootiga somaliyeed, iyagoo raba inay ugaarsadan qaxootigan u afduubaan mudada 15 sano UNHCR ta oo duudsiiyey xuquuqda ey lahaayeen. Umadaan isku soo baxday ayaan haysan how iyo meel ay ku noqdaan intaba tiiyo waqtigan lagu jiro u maraayo qaboobuhu meeshii ugu xumayd.

Abdi Said Mohamed (Dini)
Sanca, Yemen
salwe007@hotmail.com


Beelaha Harti ayaa shalay si aad uga soo horjeestey in kismaanyo lagu qabto..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ee beelaha Harti kuna sugan Magaalada Jowhar ay shalay si aad ah uga soo horjeesteen codkii loo qaaday in Magaalada Kismaayo lagu qabto shirka dib u heshiisiinta ee xubnaha labada Gole ee ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxayna sheegeen in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo uu xoog ku haysto Barre Hiiraale.

“Haddii la doonayo in dhex dhexaadin lagu qabto Magaalada Kismaayo waa in Barre Hiiraale ciidamadiisu ka baxaan Magaalada Kismaayo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi oo sheegay in xubnaha labada Gole ee ku sugan Jowhar ay shacabka Soomaaliyeed haatan u horseedeen burbur iyo baaba’a.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Barre Hiiraale uusan dhex dhexaad ka ahayn is haysiga u dhexeeyay xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, waxayna xildhibaana-daani ay ahaayeen kuwo si aad ah u taageersanaa in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto Magaalada Jowhar. 

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Jowhar oo cod aqlabiyad ku ogolaadey in Magaalada Kismaanyo..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Jowhar kulan isugu yimid xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof, Max’ed Cumar Dhalxa, wuxuuna Baarlamaanku si aad ah uga dooday halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta ee xubnaha labada Gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, aaqiriitaanii waxaa la qaaday cod waxaana la isku raacay in Magaalada Kismaayo ay martigeliso kulanka dib u heshiisiinta ah, waxaa kalloo la isku raacay in wareega labaad ee kulankaasina ay martigeliso Magaalada Jowhar.

Kulanka koowaad waxa uu dhici doonaa 10-ka bisha December, kulanka xigana waxa uu dhici doonaa 17-ka isla bisha December, waxaana ku qabashada Magaalada Kismaayo ka soo horjeesta qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan Xildhibaanada beelaha Harti.       

Dhinaca kale Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta kal fadhi kayeelanaya hadalkii shalay ka soo yeeray xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar ee ahaa in shirka dib u heshiisiinta ee xubnaha Dowladda lagu qabto Magaalada Kismaayo uu ka taliyo kaddibna wareegiisa labaad lagu qabto Magaalasda Jowhar.

Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ayaa saluugsan qaabka ay u wajahaan dib u heshiisiinta xubnaha lada gole ee ku sugan Magaalada Jowhar waxayna sheegeen in labo haddii ay dagaalaan loo baahan yahay qof dhex dhexaadiya, balse taasi waxay sheegeen in ay hareer mareen xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar.

Go’aanka in Magaalo lagu qabto shirkad dib u heshiisiinta waxaa iska leh cidda dhex dhexaadinta wada oo ah Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), hase yeeshee ma ahan in go’aankaasi ay gooyaan xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar, kulanka maanta aad ayuu xasaasi u yahay, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan labo go’aan midkood in ay taageeraan go’aanka xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar, iyo in ay ka soo horjeestaan.

Shirkadda xawaaladda Global oo shalay Deeq wax ku ool ah gaarsiisey dadkii ku waxyeeloobey..

Maalintii shalay ahayd ayaa shirkadda Xawaaladda Global oo ah shirkad ku caan baxday dhinaca xawaaladaha ayaa shalay gaarsiiyay deeq dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay xeradii qaxootiga ee ku taalay jidka warshadaha gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee Birta.

Deeqdaan oo ka koobneyd 250 boorso ayaa boorso kasta waxaa ku jiray raasin kala duwan, iyadoo mas’uuliyiinta Shikadda ay sheegeen in sbabaha ay raashinkaas boorsooyinka ugu soo rideen ay tahay si ay dadka qaxootiga ah dib ugu isticmaalaan boorsooyinkaasi, waxaana ka guddoomay guddiga taakuleynta oo iyagu uruurinayay deeqaha kala duwan ee soo gaaraya dadkaasi.

Mas’uuliyiinta Shirkadda waxay sheegeen in u gargaarida dadka tabaaleysan ay tahay waajib diini ah oo saaran qof kasta oo Muslim ah, waxayna u soo jeediyeen shirkadaha kale in ay gacan siiyaan dadkaas tabaaleysan ee walaalahooda ah.

Todobaadkii hore ayay haayd markii xeradaasi uu dab qabsadya iyadoo dabkaasi ay ku dhinteen saddex Carruur ah iyo nin Odey ah, waxaa kaloo dabkaasi baabi’iyay wixii hanti ah oo ay haysteen dadkaasi, sidoo kale waxa uu hoy tiray dabkaasi ilaa iyo 400 qoys oo ah dadka soo barakacay.

Xaafadaha Magaalada Muqdish ayaa iyana ku howlan soo uruurinta deeqahaasi, waxaana arkeysaa guddiyo kala duwan oo wareegaya xaafadaha dhexdooda oo dadka ka qaadaya wixii ay awoodaan.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la cayaarayo Xulka Jabuuti..

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qaybgalaya tartanka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, oo shalay ka furmay dalka Rwanda.

Tartankaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkaan waxaa ka qaybgalaya min saddex qaybood, waxaana galabata saacaddu markay tahay 4-galabnimo Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Djibouti.

Xulka Qaranka Soomaaliya diyaar-garow aad u balaaran ayuu u galay sanad-kaan tartankaasi, iyadoo sanadkaan lagu soo biiriyay lix ciyaaryahan oo laga keenay qaaradda Yurub, kuwaasoo la sheegay in xirfadoodu aad u sareyso, shacabka Soomaaliyeed ayaa galabta u indha taagaya natiijada ka soo bixi doonta kulanka Djibouti iyo Soomaaliya, iyadoo cayaarta labaadna ay la yeelan doonaan xulka wadanka Uganda, ciyaarta saddexaadna waxay layeelan doonaan xulka Ethiopia.

Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliyeed Tababare Geela ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ka qaybgalka xulka Qaranka Soomaaliya ee tartankaasi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005


Coll. Abaas:  Barre Hiiraale Waa in uu Xasuuqa Ka Daayaa Beelaha Dega Kismaayo
Col. Cabaas Maxamuud Caddow oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in... Guji.... Nov 26

Xildhibaan Axmed Diiriye oo ka hadlay maamul u samaynta G/Banaadir
»C/lhi Yusuf oo dalbadan in DFKM ku biirto isbahaysiga SANCA
»Muranka xerada Sh. Aadan Dheere ee Degamada Wardhiigley
»Nin gowracey laba wiil oo walaalo ah oo la qabtey...
Wararka oo dhan halkan ka akhri.... GUJI... Nov 26

»Maxamuud Saalax Jaamac oo Magdhaw Waydiisanaya Dowladda Britain

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya
ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 26-ka bishan ka furmaya Magaalada Kigali,  Rwanda... Guji...

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD