SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Daabaco Boggan | Print

Faallo: Madxada Dowladda Oo Labo qeybood oo Hubaysan Iskaga hor Imaan doonta.
Maqaalkii C/Shakuur Cali Mire... Guji...

Warqad Furan: Hoggaamiye Kooxeedyada Xamar
Qoraal dheer oo Inj. Maxamed Cali Cibaar u diray Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa.. Guji...

Gabaygii Xiirane: Dhoob-Dhoob
Waa gabay ku saabsanyahay colaadda nagu raagtay iyo dhibaatooyinka ay sababtay.. Guji...

Faalladii Aadan Qodax::: Haregysa & Maanta
Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?..
Guji..

SIDEE NABAD KU GAARNAA? 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Nabaddu sideedaba waa xasillooni iyo qalalaaso la’aan uu nooluhu ka dareemo naftiisa, deegaankiisa iyo dareenkiisa fikradeed. Qoraalkan mid ka horeeyey oo magaciisu ahaa “Nabadi waa nolol” ayaan waxaan uga hadlay qiimaha nabadda iyo baahida aadanuhu ama nooluhu u qabo, gaar ahaan dadyowga Soomaaliyeed ee maanta ku nool dunida guudkeeda. 

Waxaa in badan oo innaga mid ahi isweydiinayaan: Maxaa nabad inoo diiday? Maxaa ina kala dhantaalay oo Soomali qoys ah toban qaybood ka dhigay? Yaase qoys toban qof ka koobnaa shanta qaaradood ee dunida u kala diray? Jawaabta su’aalahaan oo aan sahlanayn waxay salka la galaysaa arrimo badan oo dhawr ah: 

 Qofka nooli in uu nabad dareemo, dhadhansado oo ku naalloodo waxaa ugu horraysa in uu helo nabadda fekerka iyo xorriyadda go’aanka qof ahaaneed. Waayo qofku marka uu xoryahay ayuu falkiisa iyo falceliskiisa masuul ka noqon karaa.  

Qofka bini’aadanka ahi wuxuu dhashaa isaga oo xor ah, wax danbi ah aan lahayan caddaaladduna u tahay miisaan, halhays iyo yool. Waxaase inta badan marin- habaabiya oo jidka toosan ka duwa waa falcelis qaldan oo uu kala hortago fal ama fikrad la soo gudboonaatay. Dhaawaca gaara nabadda fekerka iyo lahaanshaha go’aan ku dhisan maskax caafimaad qabta, oo ka caafimaad qabta cabudhin, cadaadis iyo cagajugleyn wuxuu keenaa dhaawac naf ahaaneed, jidh ahaaneed iyo mid deegaan ahaaneed. Waayo waxaannu nidhi qof aan xor ahayni falkiisa iyo falceliskiisa midna mas’uul kama noqon karo. Xorriyadda fekerka oo qofka laga qaado waxay keentaa dibu dhac, dagaal iyo kala jab ku yimaada bulsho is-haysatay, isku deegaan ahayd danta guudna ka dhaxaysay.  

Xorriyadda fekerku waxay u baahan tahay in ay ku salaysnaato qanaaco iyo go’aan qof ahaaneed iyo mid ummad ahaaneed oo la isku daray, taas oo salka ku haysa il ama asal lagu kalsoon yahay oo qofkaas ama ummaddaasi qadarin iyo lexojeclo u hayaan. Tusaalooyinka ugu mudan ee la soo qaadan karo waxaa ka mid ah Nidaamka Hantiwadaagga, Hantigoosadka iyo nidaamka ku dhisan Shareecada Islaamka oo dhammaantood asal iyo gundhig u ah fekrado iyo habdhaqanno kala duwan oo dunida ku baahsan. Dadyowga hab-nololeedyadaas ku dhaqma oo qaarkoodna lagu qasbay in ay qaataan nidaam aysan si xor ah u dooran qaarkoodna lagu qasbay inay ka tagaan nidaamkii ay ku qanacsanaayeen ayaa waxaa ka dhasha falcelis aan la mahadin.  

Burburka ummaddeenna ku yimid maamul ahaan, maskax ahaan iyo mustaqbal ahaanba wuxuu salka ku hayaa marinhabow lagu sameeyey xorriyadda fekerka iyo nidaamka salka u ah ee laga soo minguuriyo (mar hantigoosad, mar hantiwadaag, mar qabyaalad marna xageysi iyo nin-tooxsi). Ummad aan xor ahayni falkeeda iyo falceliskeeda midna masuul kama noqon karto! Jawaabta koowaad ee sidee Nabad ku gaarnaa waxay noqoneysaa: Mar haddii aan nahay ummad Islaam ah waxa aan aaminsanahayna uu yahay Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaa inala gudboon in aan nabad la dhiganno oo heshiis la galno Ilaahay, waayo falka iyo fekerku waa in ay is waafaqaan, kana soo burqadaan qanaaco ku salaysan kalsooni iyo jaceyl loo qabo fekradda iyo falka waxa kugu dhaliyey! 

Waxaa ku xigta in la helo hab maamul oo ku dhisan caddaalad, xaqdhowr, isqadarin iyo aqoon. Dunidu waxay u kala horreysaa sida ay u kala maamul wanaagsan tahay, u kala cilmi badan tahay, caddaaladdana ugu kala dhowdahay. Marka hore waa in maamulku uusan noqon nidaam ku salaysan sandulle iyo habdhaqan dool ah. Waa in cidda maamulka hagaysaa aysan noqon ama laga dhadhansan cadaawad, cilmi darro iyo caddaalad xumo ku wajahan ummadda ay madaxda u tahay! Musuqmaasuqu wuxuu keenaa in qofkii aqoonta lahaa  kalsoonidu ka dhunto, qof aan aqoon lahayna islaweyni u kororto, kii masuulka ahaa ama maamulka hayeyna caddaaladdu ku yaraato. Ummadi si ay nabad ku hesho, deetana horumar ku gaarto waa in ay leedahay, kuna dhaqantaa dastuur, maamul iyo maareyn ku dhisan caddaalad iyo xaqdhowr. Waa in nabadi ka dhaxeysaa nidaamka(dastuurka), maamulka iyo mujtamaca hoos jooga! Waatii Afmaal Soomaaliyeed lahaa: 

  • Qarankaan hoggaan adag lahayn, qolana eexeysan

  • Qawaaniin hagtana loo astayn, waa qadhoodhabo’e

  • Maxaan kuu qabtaa saw adigu, xumo ma qoondeysan?

Hoggaan wanaagsan ayaa sabab u noqon kara nabad iyo sinnaan ay higsato ummadi. Marka madaxdu aysan ka qaloon dadka ay maamulka u hayso, ummadduna aysan ka argagixin muuqaalka madaxdeeda waxaa dhow oo hubaal ah xasillooni lagu naalloodo iyo nabadda oo magoosha. Maanta dunida waa ku yaryahay hoggaamiye dadka uu madaxda u yahay dhibyari ku dhex-mushaaxa iyada oon ilaalo laga hayn, waardiye adagna hareeraha ka socon. Taasi waxay daliil u tahay in aan hoggaamiyahaas iyo dadkiisa nabadi ka dhaxeynin. Iyagu kuma kalsoona isaguna kuma kalsoona, waa marooqsi khasab lagu sharciyeeyey. Waa in nabad iyo is dhexgal kalsooni ku dhisan laga helaa mujtamaca iyo hoggaanka talada u haya! 

Xaqsoor iyo sinnaan bulshada dhexdeeda ah waa astaanta nabad lagu higsado ee bulsho caafimaad qabta. Masuulka iyo madaxda bulshadu waa shaqaale u shaqeeya dalka iyo dadka ee ma ahan boqor cadow ah inta ka hooseysana cabiidsada. Hadalka iyo ra’yiga kan meesha ka taliyaa mar walba ma aha sax iyo lagama daba-hadlaan, ee waxaa jira ama ay tahay in la helo maskax cilmi iyo waaya-aragnimo huwan oo madaxdu kala tashato hawlaha ummadda loogu dhiibay. Bulsho kasta heer dal ilaa heer degmo waa in dad ay yaqaannaan oo ka mid ah, ku soo dhex barbaaray, wanaaggiisa, waxtarkiisa iyo aqoontiisa lagu qaddariyo laguna soo doortay, madax looga dhigaa. Wixii ummadda ka dhexeeya ee ay tahay in loo sinnaado, sida shaqada, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo maamulka dalka waa in aan bulshada qaarkeed aysan xaq isusiin inta kalana laga xaaraantinnimeyn. Waxaa kolkaas kobcaysa aragtida oranaysa “Haddii aan waxba iga maqnayn maxaan kugula colloobaa?”sidaa darteed xaqsoorka iyo sinnaanta mujtamacu waa furaha Nabadda! 

Gunaanadku wuxuu yahay oo qoraalkaan gaaban saldhiggiisu yahay in fiiro gaar ah loo yeesho si nabad loo helo, looguna waaro afarta qodob ee kala ah:

  • Nabad dhexmarta dadka iyo waxa ay aaminsanyihiin (socio-ideological coherence). Haddii bulshadu ku shaqeyso ama iska doondoonto wax aysan aaminsanayn ama lagu qasboba waxaa ka dhasha fal iyo felcelis qaldan.

  • Nabad dhexmarta bulshada iyo maamulka ama nidaamka kala hagaya ee dastuurka iyo halbeegga sharci dejinta u ah (socio and constitutional coherence).

  • Nabad dhexmarta bulshada iyo hoggaanka majaraha u haya ilaa laga gaaro kalsooni talantaalli ah oo dadweynaha iyo madaxdoodu isku qabaan (mutual trust), taas oo keenaysa in la helo hoggaan wanaagsan (good leadership) oo ka dhashay kuna tiirsan dadweyne wanaagsan.

  • Nabad dhexmarta guud ahaan dadweynaha taas oo ku salaysan xaqsoor, sinnaan, caddaalad iyo xaqdhowr (social justice) ilaa laga gaaro bulsho waaya- aragga, indheergaradka iyo aqoonyahanka ka dhigata hormuud iyo ilays ay ku higsato. Ummad maal-qabeenkeeda, miskiinkeeda, madaxdeeda iyo minjaheedu ay u siman yihiin sharciga dalka u dhigan, dhib iyo dheefna ay wadaagaan markii dalka iyo dadku uga baahdo.

Kolka qof kasta, gobol kasta, degma kasta iyo deegaan kasta oo Soomaalidu degto dal iyo dibad aad ku dhereriso afartaan qodob waxaa kuu soo baxaysa inta ay inoo jirto nabad aan helno iyo naruuro aan ku naalloonno!! Waxaase jirta hees hawleed oranaysa: Wixii rag u kaco, Rabina aqbalo, waa rumoobaan! Ee yaan la quusan ayaan leeyahay. 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005

JAWAABAHA LAGA BIXIYEY HADALKII GEEDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 |

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD