SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Daabaco Boggan | Print
TACSI:::

Cabbey Daahir Rooble oo Geeriyoodey

waxaa Bishaan 13keedii ku geeriyoodey magaaladaa London, lana aasey 18kii bishan, aaskaasi oo ay ka qaybgaleen ciyaar yahandii qaran ee london ku sugan, Ciyaar yahan ka tirsanaa Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigaii Dawladda hoose ee Minashiibio.

 
Waa allaha u naxariistee Cabbey Daahir Rooble, wuxuu ku dhashay Buulaburde 1954kii, 1972kii wuxuu u saftey Ciyaarihii Goboladda isagoo u caayirayey Gobolka Hiiraan, sannadkii 1973 waxaa ku biiray Naadigii Dawladda Hoose oo uu i cayaarayey ilaa 78kii, dabadeedna wuxuu noqday coach labaad ee naadiga. Wuxuu kaloo u saftey xulkii qaranka laga bilaabo 1975, wuxuu qadan jirey NO.3, wuxuna ka ciyaari jirey baasha bidix. wixii faahfaahin ah waxaad la xiriiri kartaa Goolhayihii Qaranka C/qaadir Ciise cabdi (biyooley) oo tel. kiisu yahay 07958635317
  • Cumar Xaashi Aadan “Anagu ma nihin askar laakiin waxaan u taaganahay sidii loo dhisi laahaa ...

  • Xidhibaan Seeraar oo beeniyey weerar lala damacsan yahay Kismaanyo..

  • Max’ed Dheere oo qabtay Gaari  ay saarnaayee waxyaabaha Qarxa.

  • Sh. Nuur Cali Aadan “Xubnaha labada Gole ee Digil iyo Mirifle waxay dhawaan..

  • Iska hor imaad ay ku lug yesheen ilaalada Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi..

WARARKA MAANTA:: Nov 23, 2005

Cumar Xaashi Aadan “Anagu ma nihin askar laakiin waxaan u taaganahay sidii loo dhisi laahaa dawlad...

Afhayeenka Xubnaha labada Gole ee Muqdisho Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo  Waraysi dhinacayo badan taabanaya kula yeelanay Hoteel Saxafi ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen fikirka ah in dibada lagu wada hadlo, “waxaana qaadanay fikirkii Walaallaheena jooga Jowhar si aan toos uga wada hadalno, inagoo fiirinayna dhibaatada shacbiga Soomaaliyeed haysata iyo halka ay maanta Soomaaliya Marayso ama faa’iido ha keento ama khasaaro, waxaan go’aansanay aragtidaas, tanaasulka aan sameynay ma ahan mid hadda shaki ku jiro, taasina markii aan ku dhawaaqnay xubnaha Jowhar waxay sameeyeen bogaadin, waxayna u saareen gudi arimahaas ka soo tala bixiya, xubnaha Jooga Muqdishana taasi way u hambalyeeyeen tilaabooyinkii ay qaadeen, waxaana ka sugaynaa inay soo sheegeen meelaha ay ku haboon tahay in laysugu tegi karo, inaguna markaas ayaan talo ka dhiibanaynaa, hadii ay asiibaan meesha ay sheegeen iyo tilmaanta ay bixiyeen waan ku waafaqi doonaa, hadii ay u baahatana in talo laga bixiyo waan ka bixindoonaa umana arko wax lug ah oo u laaban arinkaas, dalkuna Dowlad baa loo dhisay nin kasta Gobolkiisa ha aado, taasina mudo 15 Sano ayaan kala joognay Goboladeena waxna way ku hagaagiwaayeen, waxaana loo baahan yahay Dowlad iyada ayaan baadi goobaynaa”, ayuu yiri Xildhibaan Cumara Xaashi Aadan oo intaa ku daray “Gobolka Hiiraan wuxuu ka  mid yahay Gobolada dalka, mana haboona in maanta maamul ay cidu u magacawdo , maxaa yeelay cida wax magacaabaysa waa inay tahay cid  xukunta meesha ay wax u magacaabayso oo sharci iyo kala danbeyni jirto oo amarkiisa la qaadanayo, deegaan walibana waa in dadweynaha jooga lala tashado, hadii dadka loo magacaabay ay raali ka noqonayaan anigu ma diidayo, hadii ay u cuntami weydo dadku Ummadda kale ayey wax la qabaan waxayna ila tahay inay iyagu tashadaan dowladuna ay gacan ku siiso”.

Mar uu ka hadlaayey horumarka ay gaareen Gobolada Woqooyi ee la baxay Somaliland waxa uu sheegay in taasi ay tahay mid uu nasiibkoodu u saamaxay shacabka Gobolada Koofureedna looga baahan yahay inay ku daydaan, wuxuu kaloo ka hadlay halka ay marayso xubnihii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ilaa iyo hada la soo gudbiyey 40 xubnood kuwa kalena la rajeynayo dhowaan in la soo gudbiyo, wuxuu kaloo ka hadlay xiriirada ay la samayteen qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya Dowlada Ethobia, taasina ay ka mid tahay waxyaabihii 15 Sano ka jiray dalka, waxaana looga gudbi karaa ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan markii Qaran  Soomaaliyeed oo loo dhan yahay la helo.

Xidhibaan Seeraar oo beeniyey weerar lala damacsan yahay Kismaanyo..

            Xidhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar)  ayaa beeniyey in uu jiro wax weerar la doonayo in lagu qaado Magaalada Kismaayo, Xildhibaan Seeraar oo u waramayey Idaacad ku taala Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inaysan jirin warar horey loo faafiyey oo sheegay in la doonayo in la weeraro Magaalada Kismaayo.

Seeraar waxa kale oo uu beeniyey in Magaalada Muqdisho uu ka dhacay shir looga hadlayey arimaha Magaalada Kismaayo “Suuragal ma aha in Kismaayo la weeraro sababtoo ah Kismaayo waxaa ka taliya Isbahaysiga Dooxadda Jubba asagana madaxdiisa ayaan ka mid nahay” ayuu yiri Xildhibaan Seeraar .

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Mas’uuliyiin ka tarsan Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo uu ka mid yahay Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar)  iyo Xidhibaan Gen,Axmed Warsame waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho ku sugan Gen. Morgan oo ay horay ugu dagaalameen Isbahaysiga Dooxadda Jubba gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.

Shakigaan ayaa yimid xili kulan qarsoodi ah uu dhex maray Yuusuf Indha-Cadde iyo Gen. Morgan iyo Ciidamo hubaysan oo u dhaqaaqay dhinaca Magaalada Kismaayo oo ka tagay Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in Barre Hiiraale uu galay diyaar garow ku saabsan arintaas, sida la sheegay. [Laakiin Seeraar waa beeniyey in weerar kaasi jiro]

Max’ed Dheere oo qabtay Gaari  ay saarnaayee waxyaabaha Qarxa.

            Shalay ayaa Gaari Xaajiyad ah oo ay ku rarnaayeen Bambooyin  iyo waxyaabo kale oo qarxa lagu qabtay Kontoroolka Magaalada Jowhar dhinaca Magaalada Muqdisho.

Gaarigaas iyo dadkii watay waxaa lagu xiray Xabsiga Magaalada Jowhar, Taliyaha Ciidanka Magaalada Jowhar Xuseen Dhicisow oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Gaarigaas ay wateen kooxo Wadaado ah balse ilaa iyo hadda si dhab ah looma caddeyn karo  sababta dhabta ah ee Gaarigaasi uu socday iyo hubka uu siday, ma ahan markii ugu horeysay oo uu maamulka Max’ed Dheere gacanta ku dhigo hub noocaan oo kale ah.

Sh. Nuur Cali Aadan “Xubnaha labada Gole ee Digil iyo Mirifle waxay dhawaan..

Xildhibaan Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo aan waresi kula yeelanay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle  ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay nabadeyn u aadi doonaan Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana si wangaasan isugu afgaranay xubnaha labada Gole ee kusugan Muqdisho arintaas, mana aha mid dhowaan la bilaabay oo wuxuuna sheegay inay horey  uga shireen intii uu maqnaa Gudoomiyaha Baarla-maanka, taasoo lala sugaayey imaanshiyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana doonaynaa inaan maamul u samayno Gobolada Bay iyo Bakool ayuu yiri Xildhibaan Sh/Nuur oo hadalka sii wata ayaa intaa ku daray in ay jiraan qoraal ay soo gaarsiiyeen wax-garad iyo Odayaal dhaqameedyada ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool oo ay ku dal banayaan xubnaha labada Gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar inay isu yimaadaan, maadaama sidii Dowladda loo soo dhisay oo ay dib ugu soo noqotay dalka aysan tegin halkaas.

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey arrinta maamul u samaynta Gobolka Banaadir xubnaha ka soo gaaray Beelaha Digil iyo Mirifle in ay ka soo horjeedaan Mas’uuliyiinta Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yiri ”Arinta Golaha Guurtida uma taalo ee Golaha Baarlamaanka ayaa la soo ogaysiiyey inay keenaan xubnahaas, iyagaana go’aamiyey ee Golaha Guurtida markii la gudbiyo Golaha deegaanka Gobolka Banaadir oo la galo maamulada Gobolada kale ayaa wax laga weydiin karaa, midaas ayeyna talo ku leeyihiin. Xildhibaanku  wuxuu sheegay tanaasulka xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho in uusan ahayn mid daacad ka ah oo ay Lugi u laaban tahay ayaa wuxuu yiri” anagu tanasulkeenu waa mid dalka, dadka iyo diinta dan u ah”.

Iska hor imaad ay ku lug yesheen ilaalada Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi..

            Laba Ruux ayaa ku dhimatay ugu yaraan 4 kalena way ku dhaawacantay inta u dhexaysa Km5 ilaa Hoteelka Saxafi, kadib markii ay si kama ah ay uga fakatay mid ka mid ah ilaalada Gen/Xildhibaan Axmed Warsame ee ku sugnaa meel ku dhow Hoteelka Saxafi iyo ilaalada Wasiirka Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo ku soo jeeday dhinaca Hoteelka oo markaa shir uga socday xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

            labada ruux ee dhimatay oo mid Haweenay ahayd ayaa saarnayd gaari Caasi ah  intii aysan dhiman ka hor ka  dhacday gaariga, balse rasaastii laga soo riday dhinaca Km5 ay ku haleeshay gaariga dushiisa, halka mid kale ee dhintay isaguna ahaa nin horey dhibaato uga soo gaartay dhaawac Xabadeed Cunaha, wuxuuna ahaa nin  miskiin ah oo iska jiifay ka soo horjeedka Wasaaradii hore ee Beeraha, ninkaan oo ahaa mid ka dhigtay halkaasi hoy  ayaa waxaa isagoo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka Madiina kadibna halkaasi ku geeriyooday waxaana hoos uga furmay dhiig fara badan.

WD. Amiin Yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005

Dad Siyaabo kala Duwan Loogu Diley Muqdisho
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda  Sacuudiga
»C/llaahi Yuusuf Wareegto ka soo saaray Hubka...
»Ugaas Max’ed Wali “Dadka wax ka sugaya C/llaahi, Geedi..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 22

Faahfaahin la xidhiidha xasuuqii Qabridaharre
iyo Dagaallo gumaysiga Itoobiya lagu jabiyay.. Guji...

Kismaayo oo lagu Qabtay Aqoon isweydaarsi ay hirgalisay Jaamacada Kismaayo
iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxda Jubba oo kulan ka yeeshay marti galinta shirka Kismaayo.. Guji... Nov 21

UK: Kulan lagu Taageerayay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay... Guji.. Nov 21

Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa.. Guji... Nov 21


Dastuurka Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa.. Guji... Nov 21

Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar
Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, waxaana... Guji... Nov 21

Ergey Ka Socda Barre Hiiraale oo La Kulmay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
»Xildhibaan Dhalxa“waa soo dhoweyneynaa xubnaha Muqdisho
»Qoraal ka soo baxay  Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed
»DFKMG oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo
»Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey..
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji... Nov 21

 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD