SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD



XAFLADDA SANAD GUURADA KOOWAAD EE JAAMACADDA NUGAAL, LAASACAANOOD. 

Waxaa soo tebiyey: ciise ibraahin muuse  | ci_sse@yahoo.co.uk

Bishu markey ahayd 16/11/05  ayaa xaflad si aad iyo aad u qiimo badan loosoo agaasimay waxaa lagu qabtay hoolka  shirarka ee huteelka cusub ee bilan xafladaas oo loo qabtay sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay jaamacadda nugaal ee laasacaanood,xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen  garaado ,culimo,aqoon yahano, suugaan yahano,wasiiro ka socday maamulka puntland,xildhibaano ka kala socday dawlada federaalka soomaaliyeed iyo baarlamanka  pl,wax garad, dhalinyaro,ururada haweenka iyo dad wayne kale oo farabadan,waxaa si wayn loogu qaadaa dhigay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay umadda guud ahaan gaar ahaan jiilasha da’yarta ah,waxaana  waxaana goobtaas laga jeediyey khudbado taabanaya sida xiligan lagu jiro loogu baahanyahay in la sameeyo horumar balaaran oo xagga waxbarashada qaybaheeda kala duwan ah. 

    

  Waxaa iyana lagu  wareejiyey oo la gudoonsiiyey  hormoodka jaamacadda c.raxmaan xaaji saalax  buugaag loogu tala galay in ardadu wax ka barato oo gaaraya 9000 oo buu  (sagaal kun oo bug) Buugtaas waxaa wadanka maraykanka jaamacado ku yaal ka keenay  PRAFASOR  YUUSUF MAXAMED XAYD  oo ku bixiyey dadaal aad u badan sidii uu buugtaas usoo gaarsiin lahaa jaamacada,wasiirka wasaarada waxbarashada pl,oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in maamulkiisu aanay wax awooda kala hari doonin taakulada iyo wax la qabadka hawlwadeenada jaamacadda,isla  wasiirku wuxuu shahaado sharafyo gudoonsiiyey garaad abshir saalax,prafasor yuusuf maxamed xayd iyo dad kale oo badan oo qayb laxaadle ka qaatay socodsiinta iyo suuragalinta jaamacadda nugaal. 

Marka laysku soo duubo waxaa muuqanaysay niyad aad u saraysa oo ay muujiyeen dadkii ka soo qaybgalay xafladda waxaana la  balan qaaday in uu dadka ku dhaqan gobolkani ay isku tashan doonaan kana wada shaqayn doonaan danahooda waxaana lagu soo gunaanaday BARBARKAY KA BAXDAA WAA BAKAYLE QALEEN.

 Hadan waxaad daawataa sawiradii laga soo qaaday xafladda.

   
   
   

ciise ibraahin muuse 
ci_sse@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005

 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD