Xaflado-Sharafeed Uu u-qabtay Qusulka Kenya Ee Magaalada Karachi Danjiraha
Soomaaliya u fadhiya Pakistan oo ka dhacday Magaalda Karachi ee Waddanka
Pakistan.
(Sannad-kaan wuxuu u
muuqdaa sannad aaran ah, ee uma muuqdo sannad abaar ah).
Sidaas waxaa yidhi
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane: C/Salaan Axmed Xaaji Liibaan.
(Mushkiladda Soomaaliya
waxay salka ku haysaa JAHLI iyo MASKAX aan furnayn).
Sidaas-na waxaa yidhi
Qunsulka Kenya u fadhiya Magaalda Karachi ee waddanka Pakistan, Dr. Maxamed.
Qore:
S. Nayruus |
Waxaa Galinkii hore iyo
kii dambe ee Jimcaha (Nov 11, 2005) lagu qabtay Magaalada Karachi ee waddanka
Pakistan labo Xaflado-sharafeed oo uu u dhigay Qunsulka Kenya ee Magaalada
Karachi, Dr. Maxamed Axmed Maxamed (Dhuun-qooye) Danjiraha Soomaaliya u fadhiya
waddanka Pakistan, Mudane: C/Salaan Axmed Xaaji Liibaan.
Xaflado-sharefeed-kaan oo
si heer-saraa loo soo agaasimay ayaa tan galinkii hore ee Jimcaha oo ka dhacday
Gymkhana Club, waxaa ka soo qayb-galay ganacsatada Pakistan ee wax u dhoofisa
waddanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa dhoofiya:- Dawooyinka, Bariiska, iyo
Dhammaan alaabaha kala duwan ee lagu warshadeeyo Pakistan. Mudana C/salaan oo
qudbad kooban halkaas ka soo jeediyey ayaa wuxuu ugu horreyn u mahad-naqay
Qunsulka Kenya Dr. Maxamed, ee asagu suuro-galiyey xafaladdan ay ku kulmeen
Safiirka iyo Ganacsatadu, wuxuu kaloo mahad balaadhan u naqay ganacsatadii ka
soo qayb-gashay xafaladdaas, wuxuu kaloo safiirku ka sheekeeyey taariikhda
xidhiidh-wadaagga labadal -Soomaaliya iyo Pakistan- wuxuu sidoo kale safiirku
kala hadlay ganacsatada in ay tagaan Soomaaliya oo ay xarumo ganacsi ka
samaystaan, si buu yidhi ganacsiga labada dal uu u noqdo mid toosa (Dal-ka-dal),
oo jiidhadka Dubai looga baxo.
Safiirku wuxuu ganacsatada
kala hadlay; in aysan Soomaaliya u dhoofin alaabo tayo-daran iyo alaabo
dhicitaan-koodu dhow-yahay ama dhacay-ba, wuxuuna ka codsaday in alaabaha ay
Soomaaliya u qaadayaan ay taya-dooda wanaajiyaan, isagoo dhanka kalana
ganacsatada u sheegay in alaabaha ay Soomaaliya u dhiifinayaan imminka wixii ka
dambeeya lamarin-doono sheybaarro, wuxuuna yidhi safiirku "Waxaan idiin
sheegayaa Imminka wixii ka dambeeya cid aan haysanin Shahaadada heerka tayo ee
caalamigaa (International Quality Standard Certificate - ISO 2000) in aysan
Soomaaliya wax-ba u dhiifin kadhin".
kabilowdhankabidix, qunsulkakenya,
safiirkasomaliiyoqunsul-sharafedkasomalia
Qunsulka kenya iyo safiirka
somalida ooi sgacan-qaadaya
sawirkaardeydiikasooqayb-gashayxafladda |
Mar ay ganacsatadii
xafladdaas ka soo qayb-gashay wax ka waydiiyeen safiirka walxaha ay Soomaaliya
soo-saarto, ayuu safiirku wuxuu sheegay in ay Soomaaliya dhoofiso:- Xoolaha,
Hargaha, iyo Mooska, waxayna ganacsatadii safiirka u sheegeen in ay Soomaaliya
ka iibsadaan Hargaha laakiin si qaali ah ay ugu timaaddo Pakistan, iyadoo kol
hore Soomaaliya laga soo qaado, oo Dubai la keeno, dabadeedna ay Dubai ka soo
iibsadaan; taasoo ay dheheen haddii Soomaaliya iyo Pakistan xidhiidh toosa uu ka
dhexeyn-lahaa ay si toosa uga soo iibsan lahaayeen Soomaaliya, qadhashkaasina uu
yadhaan lahaa.
Qunsulka Kenya Dr. Maxamed,
oo isna halkaas ka hadlay ayaa mahad-naq uu celiyey Sifiirka Soomaaliya iyo
Ganacsatada-ba kaddib, wuxuu aad ugu dhiirro-galiyey ganacsatada in ay ganacsiga
ay Afrika la leeyihiin balaadhiyaan, wuxuuna yidhi “Waa in aad la sameysaan
ganacsatada Afrika wada-shaqayn ganacsi oo koofur-ka-koofur ah (South-To-South
Business Co-operation)”.
Dhanka kale
xafdalo-sharafeed-kaas tii galinkii dambe ee Jimcaha, oo aanan tii galinkii hore
ka dhicin, oo lagu qabtay Mehran Hotel ayaa waxaa ka soo qayb-galay inta badan
ardeyda wax ka barata Jaamacadaha kala duwan ee Gobolka Sindi heerar-kooda kala
duwan, waxaa kaloo kasoo qayb-galay Qunsul-sharafeed-ka safaaradda Soomaaliya,
Mudane: GR. Arshad, waxaa kaloo ka soo qayb-galay wasiiro dowlaha Dalxiiska,
Dhaqanka, arrimaha dhallin-yarada iyo ciyaaraha ee Sindi, Mudane. Qamar Mansuur
oo isagu kol-kii hore-ba ku soo dhaweeyey safiirka Magaalada Karachi.
Qacda hore-ba waxaa
xafladdii furay qunsulka Kenya ee Magaalada Karachi, Dr. Maxamed, wuxuuna
Qunsulku u mahad-celiyey Safiirka Soomaaliya, Mudane. C/salaan iyo wasiiro
dowlaha Gobalka Sindi Mr. Qamar, wuxuu sidoo kale u mahad-celiyey
qunsul-sharafeed-ka safaaradda Soomaaliya, GR. Arshad, wuxuu sidoo kale u
mahad-celiyey dhammaan ardeydii ka soo qayb-gashay xafladdaas iyo waliba kuwii
aanan nasiib u-helin in ay ka soo qayb-galaan.
Wuxuu qunsulku ku
dheeraaday taariikhda safiir C/Salaan, wuxuuna sheegay in uu safiirku yahay “Wadani”,
kuna soo jidhay maamulka dalka Soomaaliya tan xornimadii, wuxuuna sheegay
qunsulku in uu safiirku dalka Soomaaliya dibaddiisa iyo gudihiisa-ba uu jagooyin
kala duwan ka soo qabtay, jagoyinkii uu soo qabtay waxaa kamid ahaa: Wuxuu
safiirku kol ahaa Madaxa Baratakoolka Dowladdii Soomaaliya, wuxuu soo noqday isu
duwaha wasaaraddii arrimaha dibadda, wuxuuna qunsul ka soo noqday waddamo badan
oo ay kamid-yihiin:- Belgium, UK, Ethiopia, Kenya iyo Tanzania, wuxuuna sidoo
kale qunsulku sheegay in Danjire C/salaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u
fadhiya waddanka Pakistan iyo shan dal oo kale oo ay kamid-yihiin:- Malaysia,
Indonesia, Bangladesh Iran iyo Afghanistan 1989-kii.
Qusulka oo aad uga
sheekeeyey Danjire C/salaan ayaa wuxuu ku ammaanay shaqada uu u qabtay dadka
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan Pakistan, isagoo safiiku u sooro-galiyey
ardeyda Soomaaliyeed in ay maddooyin qaali ah, oo aan meel kale Soomalidu ka
helin, ay halkaan ka helaan sida maaddooyinka Science-ka.
Wuxuu qunsulku ugu
dambayntii u soo jeediyey dhamman ardeydii ka soo qayb-gashay in ay ku dadaalaan
wax-barashada. “Mushkiladda Soomaaliya waxay salka ku haysaa JAHLI iyo MASKAX
aan furnayn, waxaa waajib idinka saaranyahay naftiinna, dalkiinna, dadkiinna in
aad horumar gaarsiisaan” ayuu yidhi Qunsulka Kenya u fadhiya Magaalad Karachi
Dr. Maxamed, isagoo la dar-daarmayey ardaydii halkaas ka soo qayb-gashay.
Wuxuu qunsulku Cod-baahiyihii
ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya Mudane. C/Salaan Axmed Xaaji Liibaan, wuxuu
safiirku - mahad-naq ballaadhan oo u soo jeediyey Qunsulka Kenya,
Qunsulka-sharafeed-ka safaaradda Soomaaliya iyo dhammaan ardeydii ka soo
qayb-gashay kaddib - ka warramay guud ahaan xaaladda Soomaaliya meesha ay
madhayso, wuxuu kaloo safiirku ka waramay safaaradda Soomaaliya iyo hannaanka
siman ee ay ugu adeegto dhammaan ardeyda Soomaaliyeed, isagoo safiirku sheegay
in ay Pakistan tahay meesha kaliya ee ay ardeyda Soomaaliyeed ka helaan wax-barashada
culuumta qaaligaa ee science-ka, wuxuu safiirka u soo jeediyey ardeyda in ay si
deggan ula dhaqmaan ummadda ay la nool-yihiin, si naxariisi ku dheehan-tahayna
ay ula macaamil-tamaan qunsul-sharafeed-ka Safaaradda Soomaaliya Mr. GR. Arshed,
isagoo safiirku dareen-siinayey ardeyda in aysan isaga kala darman qunsul iyo
qunsul-sharafeed.
Sifiirka oo aad ula dhacay
bilic-samaad-ka kamuuqatay ardeydii halkaas isugu timid ayaa wuxuu yidhi
“Sannad-kaan wuxuu u muuqdaa sannad aaran ah, ee uma muuqdo sannad abaar ah,
intiiinnaan ardey, oo manta fursad u helay in ay wax-bartaan xilli ay Soomaaliya
xaal-keedu meel xun marayo, wuxuu u muuqdaa sannadku in uu aaran-yahay”.
Waxaa kaloo isna halkaas ka hadalay qunsul-sharafeed-ka safaaradda Soomaaliya
Mudane: GR. Arshed, wuxuuna u mahad-naqay qusul-sharafeed-ku, Safiirka
Soomaaliya, qunsulka Kenya iyo dhammaan marti-sharafkii ka soo qayb-galay
xafladdaas, wuxuuna qunsulku aad ugu dheeraaday sababihii uu ku noqday
Qunsul-sharafeed-ka iyo waliba howlihii uu qaban-jidhay xilligii ay dowladdu
jidhay, “ Haddii aad wax dhiba dareentaan fadlan ila soo xidhiidh-siiya” ayuu
Mr. Arshed hadalkiisii sii dabadhigay.
Gaba-gabadii xafladda ayaa
safiirka Soomaaliya iyo Qunsul-sharafeed-ka safaaadda Soomaaliya ay jadheen
Doolshe, halkaas oo dhammaan marti-sharaf-kii ay ku nasteen cashadii loogu
talo-galay xafladdaas.
Xafladdii markii ay
dhammaartay ayaan waxaan si gaadha ula kulmay qunsulka Kenya u fadhiya Karachi,
Dr. Maxamed, waxaana waydiiyey dhowr su’aalood, waxaana u waydiiyey sida tan:-
S. Nayruus:
Dr. Maxamed waad salaaman-tahay.
Dr. Maxamed: Walaal waan kaa qaaday.
S. Nayruus: Xafladdaan yaa dhigay?
Dr. Maxamed: Xafladdaan aniga aya dhigay.
S. Nayruus: Oo maxaad u dhigtay?
Dr. Maxamed: Walaal, sida lawada ogsoon-yahay safiir C/Salaan wuxuu hayaa
jagooyin badan, wuxuu guddoomiye u yahay safaaradaha Waddamada Afrika iyo
carabta ee Pakistan, wuxuu kaloo guddoomiye ku xigeen u kayahay dhammaan
safaaradaha waddamada adduunka ee Pakistan jooga, maadaama uu yahay nin qaali ah
ayaan waxaan jeclaystay in aan guddoomiyaha u dhigo xafladdaan, waxaan kaloo ugu
tala-galay xafladdaan in ay ka faa’iidaystaan dhammaan ardeyda Soomaaliyeed ee
ku sugan Gobalka Sindi waanooyinka wax ku ool kaa ee safiirka.
S. Nayruus: Waxaa jidha dad aanan ka soo qayb-galin xafladdaan oo ay
kamid-yihiin odayaasha faro-ku-tiriskaa ee jooga magaaladan iyo qaar kamid ah
ardeyda wax ka barata isla Gobolka Sindi, kolka miyaadan dadkaas ku casuumin?
Dr. Maxamed: Walaal, xafaladdan horta waxaa loogu tala-galay ardeyda,
ardeyda joogta Gobalkaanna waan xisaabinnay kolka waxay tiradoodu gaadhay ilaa
109, dhammaanna waan ku casuunnay.
S. Nayruus: Oo maxay uga soo qayb-gali waayeen haddii aad ku casuuntay?
Mise kula soo xidhiidheen?
Dr. Maxamed: Haa walaal way ila soo xidhiidheen intii aanan ka soo
qayb-galin, waxayna ii sheegeen in ay ku mashquul-sanyihiin imtixaanno.
S. Nayruus: Dadka qaar haddii ay is-waydiiyaan, xafladdaan waxaa dhigay
dad gaara, waxaana loo dhigay dad gaara, maxaad uga jawaabi lahayd tuhmadaas?
Dr. Maxamed:Walaal kolnaba ma dhici karto tuhmadaas, maxaa yeelay, anagu
haddii aan-nu nahay Kenya, Soomaalidu waa wada walaalaheen, waana isugu kaaya
mid, wax walbana waxaan-nu dhex-dhexaad uga nahay sidii aan-nu dhex-dhexaad uga
ahayn shir weynihii nabadaynta ee dalka Soomaaliya aan-nu u-qabanay.
S. Nayruus: Waad mahad-santahay Dr. Maxamed.
Dr. Maxamed: Adiga ayaa mudan.
M/Qoraha: S. Nayruus
Goobta: Karachi, Pakistan
E-mail-ka: Nayruus@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005
|