Daabaco
Boggan | Print |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Aragtidii Dadweynaha SOOL,
SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....
XASUUQII WAGALA
:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo
nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay
ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey
dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,
Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998..
EEG HALKAN
ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |
Shiikh
Ibraahim Maxamed oo Nairobi laga dajiyey
Nairobi, Kenya | August 10, 2006

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed |
Shiikh Ibraahim Maxamed ayaa maanta (Aug 9,
2006) laga dajiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Shiikha ayaan cidna loo
sheegin kaxayntiisa iyo meesha lagaynayo toona.
Waxaa laga warhelay telephone uu shiikhu ka
soo diray magaalada Nairobi sida aan ka helay eheladiisa oo uu xiriir lasoo
sameeyey.
Shiikh Ibraahim Maxamed ayaa 11/14/05 waxaa
laga xiray Airport-ka Seattle Washington kadib markuu kasoo laabtay Gobolka
Texas oo uu safar dacwa ah ku gaaray.
Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay
Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo
kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo
lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag
damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.
Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid
ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii
damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii la ii
celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.
wixii kasoo kordha arinta shiikha iyo haday
noo suuro gasho inaan waraysi layeelanba dib ayaan idinkaga soo sheegi
doonaa. Sii akhri hoos...
Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in
dalkiisii lagu Celiyo
WARARKII June 4,
2006: Seattle, USA: Kadib
markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06
ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix
iyo toban bari isoo wax danbi ah oo lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena
Maxkamdii ay ka diiday in lacag damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa
isagoo xirnayn sii wato.
Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa
kamid ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay,
lacagtii damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in
wadankaygii Soomaaliya la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.
Kadib markii Maxkamadii ka xaqiijisay
Shiikh Ibraahim hadalkaas, Qareenkiisiina ay isla ogolaadeen, ayey waxay
Maxkamadii xukuntay in loo celiyo Soomaaliya.
Sharciyan qofka la xukumo in laceleyo waxay
qaadataa 14 ilaa 90 maalmood.
Shiikh Ibraahim waxaa la xiray Sanadkii
2005 waxaana lagu xiray Seattle Washington, oo uu ka ahaa Imaam iyo Siikhba,
………… sii akhri hoos...
Shiikh
Ibraahim oo Markii ugu horaysay Maanta (Nov 17, 2005) lagu soo booqday Meesha uu ku
xiran yahay.

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed |
Shiikh Ibraahim Maxamed ayaa 11/14/05 waxaa
laga xiray Airport-ka Seattle Washington kadib markuu kasoo laabtay Gobolka
Texas oo uu safar dacwa ah ku gaaray, Shiikha ayaa la xiray isla habeen kiiba
kadib markii lagu eedeeyey arimo la xariira Immigration-ka, isla subixiiba xili
hore ayaa Shiikha gurigiisa laabaray lagana qaatay alaab, xarigaas ayaa kusoo
aaday maalmo aan booqashadu furayn Meesha uu ku xiran yahay Shiikhu ayaan
cidana booqan marka laga reebo Qareenkiisa , Maanta ayaa ahayd Maalinkii ugu
horeeyey ee Shiikha lagu soo booqday isla goobtaas, Sida uu noo sheegay Qareenka
Shiikha Mahir T Sherif, Shiikha waxaa Maxkamad la keeni doonaa 11/29/05 ayadoo
wali aan lasoo sheegin goobta Maxkamadaas noqon doonto, Mar uu ka waramayey
Qareenka Shiikha booqashadiisii xalay ayaa sheegay Sheekhu inuu caafimaad qabay
wax dhibaata ahna aysan ka muuqan, isagoo ku amaanay hal adeeg iyo inuusan la
hadlin cidna wax warasi ahna aan dhiibin, Arintaas oo Qareenku aad ugu adkeeyey
Muslimuunta, haday dhacdo oo ay la kulmaan FBI, Immigration ama hay'ado kaleba
inay san la hadlin wax waraysi ahna ogolaan sinaba taasoo ay xaq u leeyihiin
aana la khasbi karin, (Magacaa iyo Xagee dagan tahay waa warasyi) Qareenka ayaa
dadka u sheegay xataa Magacooda iyo meelahay dagan yihiin inaan la waydiin karin
xaqna ay u leeyihiin in loona sheego marka la xirayo inay xiran yihiin (you are
under arrest), arintaas oo aan Shiikha loo Sheegin warasina horay looga bilaabay
Shiikhuna ka gaabsaday Waraysigaas.
Qareen
(Layer) Muslim ah oo magaciisa la yiraahdo Maahir Shariif oo ka hadlay
kulan diineedkii W/Ameerika (Sept 2005) ayaa yiri: Haddii ay haydaha
ammaanku kuu yimaadaan waxaad tiraahdaa ugu horeyn waxaan si xushmad leh
u doortay in aanan hadlin, waxaan rabaa marka hore in aan la hadlo
qareen (I respectfully choose not to say any thing, I want to talk to
a layer first). Haddii lagu yiraahdo waxaan baareynaa/fetisheynaa
gurigaaga ama gaarigaaga waxaad tiraahdaa ma u haysataan cadayn
(warrant) in aad arrintaas baaritaanka ah samayn kartaan. Xaq ayaad u
leedahay inaad ogaatid arrintaas, ayuu yiri.
Guji... |
Qareenka ayaa erayadaan Muslimiinta u sheegay
goobo badana hada ka hor ka sheegay inaad tiraahdo" Ma arki karaa aqoon sigaaga
waxa aad tahay?" "Fasax ma u haysataa inaad gurigaysa Soo gasho, Mase arki karaa
warqada fasaxa?" Markay kuu cadaato jawaabaha Su'aalahaas ayaa Qareenka oo hadal
kiisii sii wata yiri waxaad leedahay "Waxaan doortay inaanan kula hadlin" Maheli
karaa Business card-kaaga si Qareenkaygu kuusoo waco, ama waa kanaa Business
card-ka Qareenkayga ee la xariir" Qareenka ayaa aad ugu adkeeyey ereyadaas
Muslimiinta, sheegayna hadaadan markaas Qareen lahayn inaad qabsan karto
markasta.
Mar uu Qareen Sherif kala hadlayey Arinta
Shiikha ayuu Muslimiinta ka codsaday kuna adkeeyey inay aad u yimaadaan maalinta
Maxkamada 11/29/05 uu leeyahay Shiikhu iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin
xarigiisa una sheegay inuu saacada iyo Goobtaba dib ka soo sheegi doono.
Shiikh Ibraahim ayaa ah Shiikh aad looga
ixtiraamo Maraykanka oo dhan Khaasatan Gobolka uu dagan yahay ee Seattle
Washington, Shiikhu Ixtiraam iyo Magac dheer ayuu ku leeyahay Muslimiinta reer
Seattle oo dhan, mar ay Muslimintu lahadlayeen Saxaafada oo ugu Tagtay Masjid
Abu bakr ayey u sheegeen inay aad uga xun yihiin Xariga Shiikha uuna yahay
Hogaamiye Diineed oo Wanaagsan kana Shaqeeya Wanaaga Jecelna Nabada, sida uu
siidaayey TV local ah oo Seattle laga leeyahay, Musliniinta reer Seattle ayaa
gudi dag dag ah u magacaabay arinta Shiikha kana codsaday Muslimiinta inay
Shiikha u soo duceeyaan, gaar ahaana Muslimiinta Maraykanka inay u toog hayaan
hadii loo baahdo taageero dhaqaale inay u soo raadin doonaan.
Dib ayaan idin kala socod sii naynayaa wixii ka
soo cusboonaada Arinta Shiikh Ibraahim.
Faafin:
SomaliTalk.com | Seattle | Nov 18, 2005
“Dowladdii Cabdiqaasim
haddaan been la sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia"
Sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geedi oo...
Guji... Nov 18
Xasuuq Ba,an oo ka
dhacay Qabridaharre
iyo
Sababta keentay gadoodka maxaabiista...
Guji Nov 18
Cid aan aniga
ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo
soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey
labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi...
Guji... Nov
16
Gen. Morgan oo
loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal Gobolka Sh/Hoose
»Maamulihii
Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa
»Dowladda
Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..
»Xildhibaan
Dhimbil “Geedi waxaa uu ku xad gudbay...
»Suudi,
Finish iyo Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..
»1540
qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...

|