Daabaco
Boggan | Print |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Aragtidii Dadweynaha SOOL,
SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....
XASUUQII WAGALA
:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo
nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay
ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey
dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,
Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998..
EEG HALKAN
ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |
-
Gen. Morgan oo
loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal..
-
Dowladda Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa
lacag..
-
Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare
Geedi waxaa uu ku xad gudbay..
-
Muuse Suudi, Cumar Finish iyo Bashiir Raage oo
kulan Albaabadu u xiran yihiin..
-
Maamulihii
Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa oo ku yaal..
-
1540 qoys oo
gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..
Gen. Morgan
oo loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal..
Maxkamad ku taala Magaalada Marka ee Gobalka Sh/hoose ayaa shalay u xukmisay
Gen, Max’ed Siciid Xirsi (Morgan) in dib loogu celiyo beer uu ku lahaa deegaanka
Busley Daa’uud.
Beertaan oo ah 50 Hektar ayaa waxaa xukunkeeda qaaday garsoore xasan Maxamuud
Cabdi, markii uu ridayay Xukunka waxa uu dhex taagnaa beerta dib loogu celiyay
Gen, Morga isagoo halkaasi caddeeyay in beerta uu leeyahay Gen, Morgan.
Garsooruhu waxa uu sheegay in markii ay sameeyeen baaritaan dheer isla markaana
ay heleen markhaatiyaal badan ayuu wuxuu sheegay in ay ogaadeen in beerta uu
leeyahay Gen, Morgan uu horey uga iibsaday nin Ganacsato ah.
Beertaan oo ay ku beernaayeen dalagyo kala duwan ayaa waxay u qaybsaneyd qaybo
qyabo iyagoo qaybo ka mid ah dadkii laga qaaday beertaas ay ku andacoonayeen in
iyagu ay leeyihiin beerta, hase yeeshee garsoorihii Maxkamadda ayaa waxa uu
sheegay in Dukumentiyadii ay keenay dadkaasi ay yihin kuwo been abuur ah.
Waa
beertii labaad oo Gen, Morgan dib loogu celiyo labo todobaad gudahood, waxaana
horey loogu celiyay beer ka koobneyd 100-Hiktar oo iyana ku taalay Gobalka Sh/hoose
.
Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare Geedi waxaa uu ku xad gudbay..
Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa shalay soo hor dhigay Golaha
Baarlamaanka Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay
axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran, sidoo kale waxa uu
sheegay in Xubnaha Dowladda ay soo daabacdeen lacago been abuur ah oo doraad
lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Dubai.
Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu
afkiisa kaga dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka Somaliland, haddii ay aqoonsi
hesho taasoo Xasan Dhimbil ku tilmaamay mid jabineysa lahaanshihii dhuleed ee
Soomaaliya iyo waliba midnimada ummaadda Soomaalieed, isagoo hadalka Ra’isul
Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada
Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in ay baaritaan ku
sameeyaan lacago been abuur ah oo ay soo daabacatay Dowladda Federaalka ah ee
fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar laguna qabtay dalka Imaaraadka Carabta,
lacagtaas oo uu sheegay in ay qaadi lahayd diyaarad lagu magacaabo Mudan una
qaadi lahayd Magaalada Boosaaso.
“Ma garan karo in Dowladdu ay leedahay iyo in Ganacsato leeyihiin,
laakiin waxaan codsanayaa in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Xasan Dhimbil
Warsame. [War dheeraad ah oo lacagtaas ku saabsan hoos ka akhri].
Dowladda Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..
Wararka naga dalka Imaaraadka Carabta waxay sheegayaan in todobaadkii hore
aakhirkiisii Garoonka Diyaaradaha ee Dubai lagu qabtay lacag shillin Soomaali ah
oo been abuur ah, waxaana lacagtaasi la sheegay in uu watay nin ganacsade ah oo
ku soo jeeda Gobalada Puntland. Lacagta oo ku jirtay baakado ayaa waxaa loo
qaadi rabay Magaalada Boosaaso iyadoo la doonay in lagu raro Diyaarad lagu
Magacaabo Mudan Airlines EX-Damal. Ilaa iyo hadda lama oga cidda sida rasmiga ah
u leh lacagtaasi, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Diyaaradaasi ay ku
soo jeeday Magaalada Jowhar oo ay ku sugan xubnaha labada Gole ee Dowladda
Federaalka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in haatan ay baaritaan
ku hayso lacagtaasi, waxaana lagu waramay in Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka
ay ku sii jeedaan dalka Imaaraadka si loo furdaamiyo lacagtaasi. Xubnaha Labada
Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa shalay la soo hor dhigay qabashada lacagtaasi,
waxaana soo hor dhigay Xildhibaan Xasan dhimbil Warsame oo sheegay in Dowaadda
Federaalka ay ku howlan tahay soo daabicidda lacago been abuur ah, isagoo
tilmaamay in Garoonka Diyaaradaha ee Dubai lagu qabtay lacagtaas, taasoo uu
sheegay in la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed oo muddo 15 sano
ah ku jiray dhibaato iyo dagaalo sokeeye, ilaa iyo haatanna Dowladda Federaalka
garabkeeda Jowhar iyo maamul Gobaleedka Puntland kama aysan hadlin qabashada
lacagtaasi.
Muuse Suudi, Cumar Finish iyo Bashiir Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..
Maalintii shalay ahayd xarunta Muuse Suudi uu ku leeyahay Degmada
Kaaraan ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshey Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi
Yalaxow, Wasiirka Owqaafta iyo Arimaha Diinta Cumar Finish, iyo Ganacsade
Bashiir Raage waxaana kulaankaan la sheegay in uu ahaa mid la doonayo in lagu
soo afjaro wixii khilaafaad ah ee u dhexeeyay mas’uuliyiintaasi, ha noqoto
dagaaladii horey u dhex maray.
Waxaa kalloo lagu waramay in kulankaan la iskula soo qaaday qaabka ugu haboon ee
Beesha Mudulood u qaybsan karto 13-ka xubnood ee beesha Mudulood kaga soo aaday
Golaha Baarlamaanka ee Gobalka Banaadir, sidoo kale waxaa kalloo la isku
afgartay in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii loo furi lahaa wadooyinka
xirxiran ee ku yaala deegaano ka tirsan Degmada Kaaraan iyo Degmada Madiina ee
sababay dagaaladii dhex maray mas’uuliyiintaasi.
Maamulihii
Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa oo ku yaal..
Shalay galabnimadii ayaa kooxo dabley ah oo ka koobneyd afar nin waxay horey u
galeen guri uu deganaa Maamulihii Madbacadda Daahir-Printing oo lagu magacaabo
Daahir Ibraahim Cabdi.
Markii ay in cabbaar ah ku jireen kooxdaasi, ayaa waxaa la maqlay rasaas, iyagoo
u soo cararay Gaari Garoolo ah oo u yaalay albaabka Guriga, markii gudaha loo
sii galay ayaa waxaa loo tagay Daahir oo Meyd ah, goobtiina ku ruux baxay.
Kooxdii Dableyda ahayd waa ay fakatay ila iy haddana lama garanayo sababixii loo
dilay Daahir-Printing, waxaana dilkiisa si aad uga xumaaday dadweynaha ku nool
Magaalada Muqdisho oo iyagu weli dhegahooda ka sii yereyso Wiilkii uu dhalay
Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Qadar Cismaan Cilmi Boqore.
Dilalka lala beegsanayo dadka muhiimka u ah bulshada ayaa maalmahan dameb ku soo
badanayay Magaalada Muqdisho ila iyo haddana lama hayo cid loo qabtay dilalkaasi.
Sidoo kale xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaan ilaa iyo hadda
aan waxba ka qaban dilalkaasi oo ah barnaamij dhabar-jab ku ah xubnaha Dowladda
ee kus ugan Muqdisho
1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku
haysa..
Odoyaal, Waxgarad,
Culuma’udiin ka tirsan Beesha Garre ee fadhigeedu yahay Magaalooyinka Afgooye
iyo Ow-Dheegle ee Gobalka Sh/hoose ayaa waxay ka codsanayaan haya’adaha
samafalka Caalami-ga iyo Deeq bixiyayaasha in ay gargaar deg deg ah la soo
gaaraan 1540 qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku hayso 11 tuulo oo ka
tirsan Degmooyinka Afgooye iyo Ow-Dheegel. Waxgaradku waxay sheegeen in
qoysaskaasi ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo, macluul iyo biyo
la’aan, sidoo kale waxay sheegeen in ay u dheertay hoy la’aan, iyagoo sheegay in
ay jiifaan meelo qorax ah, waxaana ka mid ah Tuulooyinkaasi madeyta, Xawaal
Waare, Buuxow, Dheeg, Duduble, Deg Barwaaqo, Warhoor, Buulo Kulan, Deg Dhaaraan,
Ilkooleey iyo Misiq Baduuq, waxana ka mid ah Odoyaasha saaray baaqaan Nabadoon
Xuseen Xasan Ganey, C/llaahi Ibraahim Cabid, Shiikh Aadan Max’ed, Maxamuud
Maxaad, Cismaan Aadan Cabdi, Ibraahim Af-Cadde iyo Max’ed Aadan Barake.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 16, 2005
Rabshado
Ka Dhacay Kampala, Uganda
kadib markii xabsiga loo taxaabay
Hogaamiyaha FDC
Guji..
Shiikh
Shariif: Dagaalka Yaaqshiid waa mid Siyaasadeed
»Xamar:
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay
»Xaaji
Abuukar “waa in maamul loo sameeyo G/Banaadir
»Geedi
oo siimaray Itoobiya, una sii safraya dalka Belgium...
»Cambarayn
loo soo jeediyey dilkii wiilkii uu dhalay Boqore..
Wararka oodhan
ka akhri halkan... Guji... Nov 14

|