SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Somalitalk ayaa wareysi la yeelatay Mudane Maxamuud Nuur Wardheere oo asaga naftigiisa ahaa murashaxii duqa magaalada Minneapolis kalkii hore 2001, hadana la shaqeeya US Senator Coleman –MN.  Wareysigiina sidan ayuuu u dhacay.

  • Minneapolis, MN , USA

Somalitalk:  Ka waran doorashooyinkii ka dhacay dalka maraykanka guud ahaan iyo gaar ahaan Minnesota.

 

Wardheere:  Doorashooyinka wadanka maraykanka xilliga doorashada madaxweynaha ama kan senatoorada ama governorada ayaa ugu xamaasad badan uguna kharash badan.  Doorashada shalay  dhacday waxay ahayd badanaa local government sida duq magaalo ama city councils ama gudoon waxbarasho iwm.  Gobolka Virginia ayaa wax la dhihi karo wax cusub baa ka dhacay taasoo ah in governor demoqradi ah laga doortay gobolka oo lagu yaqaan inuu yahay gobol dadkiisu u codayn jireen badanaa xagga xisbiga jamhuuriga.  New Jersey ayadana waxaa ku guulaysaty governor demoqraadi ah in kastoo aad loo filayey oo uusan ahayn wax la yaab leh.

 

Somalitalk:  Waxaa cad in xisbiga demoqraadiga aad ugu faraxsan yihiin natiijada doorashooyinkii shalay dhacay.  Mala dhihi karaa waa cad cad yihiin?

 

Wardheere:  labadan xisbi ee jamhuuriga iyo demoqraadiga kolay ayagaa isku bed bedela oo marba mid baa soo baxaa.  Waxayna ku xiran tahay hadba kii aad u fahma daruufaha waaqaca ee markaas horta taagan shacabka meesha laga soo doorto iyo hadba sida ay u helaan murashixiin soo jiidasho leh.  Ma dhihi karo xisbigaas ayaa sareeya laakiin waxaa iska cad in doorashadii shalay ay ka turjumaysay raali ka noqoshada maamulka Bush oo aad u hoosaysa (low approval rating) marka laga eego dharbaaxadii shalay ku dhacday xisbiga jamhuuriga.

 

Somalitalk:  Ka waran doorashada duqa magaalada Minneapolis iyo kan St. Paul (twin cities)?

 

Wardheere:  Doorashada duqa magaalada Minneapolis ma ahayn mid indhaha u soo jiidatay si heer qaran ah (national) marka loo eego sida duqa magaalada St. Paul.  Waxaan jirta sabab kala duwanaanshahaas sababatay.  Duqa magaalada Minneapolis waxaa ku tartamayey ninkii hore u sii hayay jagada oo la yiraahdo R. T. Rybak  iyo murashaxa kale ee la yiraahdo Peter McLaughlin oo hadda ah County Commissioner.  Labadan nin oo isku xisbi ah (D) oo ka soo dhex baxay doorashadii hore (primary) kana soo adkaaday ilaa 9 qof oo kale waxaa la dhihi karaa mid walba olole weyn ayuu qaaday laakiin waa doorasho iyo caadigeedii ilayn qof uun baa guulaysan lahaa.  Waxaana si aad ah ugu guulaysaty ninka hore u sii hayey jagada waa R. T. Rybak.


R. T. Rybak (D)

Peter McLaughlin (D)

Chris Coleman (D)

Randy Kelly (D)

 

Doorashada duqa magaalada St. Paul waa ka duwanayd tan Minneapolis waxaana arrinta magaaladaas oo dadkeedu u badan yihiin dad u codeeya badanaa xisbiga demoqraadiga yaabkeeda uu bilawday bartamihii sanadkii la soo dhaafay ee 2004.  Xilligaas  duqa magaalda St. Paul oo ah demoqraadi si lama filaan ah u taageeray madaxweyne Bush  markii uu la tartamayey Senator Kerry.  Duqa magaalada St. Paul oo la yiraahdo Randy Kelly taageeradiisa Bush waxaa ka xanaaqay dadkii u badnaa magaaladiisa ee u codayn jirey xisbiga demoqraadiga.  Waxaa kale oo ka xanaaqay murashax Kerry.  Taas ayaa ka dhigtay doorashada duqa magaalada St. Paul mid heer qaran ah.  Intii uu socday xilligii ololaha doorashada St. Paul waxaa duqa magaalada St. Paul Rady Kelly taagerro ugu yimid  dad laga yaqaan maraykanka oo dhan oo caan ah oo ay ka mid yihiin Duqii hore ee New York Ed Koch iyo kan Chicago Richard Daley.

Murashaxa la tartamayey Kelly waxaa la yiraahdaa Chris Coleman.  Asagana waxaa taageero ugu yimid oo u soo gurmaday dad badan oo caan ah haba ugu weynaadee John Kerry.  Doorashada St. Paul waxaa ku guulaystay Chris Coleman waxaana u soo hambalyeeyey John Kerry oo kaga aar gudanaya George Bush.

 

Somalitalk:  Soomaalida Minnesota sidee uga qayb qaateen?

 

Wardheere:  Waxaa la oran karaa Soomaalida Minnesota si weyn ayey uga qayb qaateen weliba uga dhex muuqdeen hadday ahaan lahayd duqa magaalooyinka mataamaha ama city councilba.  Waxaa ay la kala safnaayeen labada murashax ee duqa magaalada Minneapolis iyo kan magaalada St. Paul.  Murashaxiinta qaarkood ayaa ayaga cod raadin ku tagay goobaha ganacsiga iyo masaajidadaba.  Waxaa xusid mudan in maanta oo ay bisha tahay November 9, 2005 waxaa maanta Minnesota qaatay dhalashada dalka maraykanka 270 qof oo Soomaali ah.  Siyaasiyiinta Minnesota waxaa ay indhaha ku hayaan dadka Soomaalida oo beryahan aad u qaata dhalashada maraykanka oo soo badanaya iyo weliba ka sii darane caruurahooda badan oo gaaraya 18 ayagoo il gaar ah ku haya awooda codkooda ee soo socota.

 

Wardheere waxaa lagala xiriiri karaa email: mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2005

Geeddi oo Soo Dhoweeyey Xafiiska ay Jaamacada Carabtu Ka Furaneyso Jawhar
»Itobiya oo ka xumaatay weerarkii lagu qaaday Geeddi..
»Sweden: Shaaweeye iyo Firimbi oo ka qaybgalaya Shir..
»Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM oo sheegay in..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Nov 10

Musharaxa Duqa Magaalada Minneapolis oo Booqday Masjid Shaafici
Peter Mclaughlin oo ah musharaxa duqa magaaada ayaa lakulmay Sh. C/Raxmaan, Soomaalidana waxa uu weydiistey in ay u codeeyaan Doorashada Maanta (Nov 8) waxana uu ballan qaaday in Guji....


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD