SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Hay'adda UNHCR oo Qaxooti Soomaaliyeed ka qaaday Xerada Nekivali.

  • Qaar ka mid ah Wasiirada ku sugan Muqdisho oo ku biirey kulankii Geedi..

  • Ilaalada Ra’isul Wasaare Geedi oo toogasho ku dhaawaceen wiil dhalinyaro ah..

  • Cali Max’ed Geedi oo qaraxii lala beegsaday ku tilmaamey mid fuleynimo..

  • Qaramada Midoobey iyo Hay’ado Soomaali ah oo Cambaareeyey..

  • Odayaal ka tirsan Beesha Cayr oo ka jawaabay Hanjabaadii loo geystey Idaacadda....

WARARKII TALAADA Nov 8, 2005

Hay'adda UNHCR oo Qaxooti Soomaaliyeed ka qaaday Xerada Nekivali.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Uganda

 
Ku dhawaad 30 qoys oo Soomaali ah ayaa shalay (Nov 7) ka dhoofaya xerada Nekivali oo ku taala dalka Ugandha iyagoo qayb ka ah 600 oo qoys oo bishan gudaheeda loo dhoofinayo Dalka Maraykanka kadib markii ay xeradaas ku jireen muddo ka badan 10 sano.
 
Xerada Nekafali waxaa ku jira qaxooti kala duwan oo kala yimid wadamada Somalia, Ithopia,Sudan iyo Rwanda laakiin waxaa xiligan aad loo siinayaa Muhimada koowaad dadka Soomaalida ah oo ay Sheegtay Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay in aysan Dalka Soomaaliya ka jirin xasilooni iyo dowlad xoogan taasna ay tahay tan keentay in wax loo qabto iyaga marka hore.
 
Dadkan Nov 7 ka baxaya Ugandha oo aan kula kulmay qaarkood magaalada Kampala ayaa ii sheegay in ay aad u danaynayaan in ay ka dhoofaan xerada maadaama ay ku qabeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin xagga nolosha, raashinka ay bixiso UN-ka wax yar ayaa ka soo gaara dadka qaxootiga ah biyaha ay cabaana waa kuwo aan sidaas u nadaafad badnayd laakiin waxaa lagu milaa ama lagu daraa maadada kolorin si ay uga difaacdo cudurada qaarkood ee ka dhashay biyaha sida maleeriyadda.
 
Todobaadyada Soo socda ayaa la filayaa in ay baxaan qaybo kale oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jiray xerada Nekivali,laga soo bilaabo bishii 6aad ee sanadkan ilaa hadda waxa ay Hay'adda UNHCR wadaa diiwaan galinta qaxooti Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo ka kala yimid wadamo kale oo la gaynayo isla xerada Nekivali.

Canab Mumtaz | cmmumtaz@somalitalk.com


Qaar ka mid ah Wasiirada ku sugan Muqdisho oo ku biirey kulankii Geedi..

Waxaa isku soo duwey
Amiin Yuusuf Khaasaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

            Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay (Nov 7) ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Wasiiradii la socday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Wasiiro kale oo iyagu horey ugu sugnaa Magaalada Muqdisho kana mid ahaa kooxihii iyagu horey uga soo horjeeday Dowladda Federaalka garab-eeda Jowhara. Kulankaan oo uu shir-gudominayay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa xubnaha ku biiray waxaa ka mid ah Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur, Wasiiru Dowlaha Badda iyo Dekadaha Max’ed Jaamaca Furux, Wasiir ku xigeenka Badda iyo Dekedaha Xirsi Aadan Rooble, xubnihi kale ee la socday Ra’isul Wasaaraha ee ka qaybgalay kulankaasi waxaa ka mid ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahana Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Waxbarashada Cali C/llaahi Cosoble, Wasiirka Dhulka iyo Deegaanka Mowliid Macaane Maxamuud, Wasiirka Qorsheynta Qaranka C/risaaq Cismaan Jurile, Wasiirka Dastuurka Cabdala Deerow Isaaq, Wasiir ku xigeenka War-faafinta Salaad Cali Jeelle iyo Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Cismaan Jeebo, waxaa kalloo Ra’isul Wasaaruhu la kulmay Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Eng, Max’ed Xuseen Caddow, C/llaahi Geei Shadoor iyo Xildhibaano kale.      Kulankaan waxa kalloo goob-joog ka ahaa Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha gudaha Xuseen Max’ed Faarax Caydiid waxaana looga wada hadlay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho iyo qaabka ugu haboon oo ay Dowladdu uga shaqeyn karto Magaalada Muqdisho.

Ilaalada Ra’isul Wasaare Geedi oo toogasho ku dhaawacay wiil dhalinyaro ah..

            Habeenkii ugu horeeyay oo uu ku hoydo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi Magaalada Muqdisho qaraxii kaddib ayaa ilaalada Ra’isul wasaaraha waxay toogasho ku dhaawaceen mid ka mid ah dhallinyaro ag deganeyd Guri uu Ra’isul Wasaaruhu ka degay Xaafadda Yaqshiid agagaarka Saldhiga Booliiska ee Degamada Yaqshiid.

            Ra’isul Wasaaraha ayaa dhallinyaro ku soo booqday Guriga ayaa waxaa la sheegay in rasaastii lagu kala eryaayay ay haleeshay Wiil lagu magacaabo Max’ed Axmed Barre oo la sheegay in ay xabaddu uga dhacday Feeraha.

            Wiilkaan oo haatan yaala Isbitaalka Madiina ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay ka soo reyneyso, iyadoo madaxa Ammaanka ee Ra’isul Wasaaraha uu sheegay in ay aad uga xumaadeen dhaawaca loo gaystay wiilkaan dhallinyarada ah.

Cali Max’ed Geedi oo qaraxii lala beegsaday ku tilmaamey mid fuleynimo..

            Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Somalia ayaa waxa uu ka hadlay qaraxii lala beegsaday safarkiisii Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid fulaynimo ah oo la doonayo in lagu wiiqo xaaladda nabadgelyada ee Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

            “Howsheena Dowladnimo u hakinmeyno qarax kasta oo la abaabulo” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in xubnaha Wasiirada ee ku sugan Magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay ka qaybqataan xalinta khilaafka du dhexeeyay xubnaha Dowladda.

            Wuxuu sheegay in qaraxaasi ay cambaareeyeen dhamaan hay’adaha caalamiga ah, iyagoo ku tilmaamay mid sii fogeynaya xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya.

            Ra’isul Wasaare Geedi waxa uu sheegay in mucaaradka Dowladdu ay ku soo hareen oo keliya labo xubnood kuwaasoo uu sheegay in ay yihiin Muuse Suud iyo Max’ed Qanyare, wuxuuna sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka, waxaa kalloo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ogaadaan cidda hor taagaan horumarkooda iyo nabadgelyadooda.

            Ra’isul Wasaaraha waxa uu sheegay in uu dib ugu laaban doono Magaalada Jowhar si uu uga qaybgalo kulanka Wasiirada arimaha dibadda ee Wadamada IGAD oo 9-ka bishan ka furmaya Magaalada Jowhar.

Ra’isul Wasaare Geedi iyo Xuseen Caydiid oo loo diidey in ay galaan ..

            Koox maleeshiyo ah oo ku sugan Villa Somalia oo ah xaruntii hore ee Madaxtoonyada uuna haatan gacanta ku hayaan maleeshiyo daacad u ah Xuseen Max’ed Faarax Caydiid ayaa shalay is hor taagay Ra’isul Geedi oo markaas uu wehliyay Xuseen Caydiid oo ah Wasiirka arimaha gudaha si ay u galaan xaruntaasi oo ay doonayeen in ay ku qabteen shirka Wasiirada Dowladda Federaalka.

            Muran dheer kaddib kooxihii maleeshiyada ahayd waa ay diideen in wafdigu uu galo xarunta, waxayna markiiba Ra’isul Wasaaraha iyo Xuseen ay yimaadeen Guriga Xuseen Caydiid, waxaana markiiba baxay Xuseen Caydiid oo u tagay kooxdii maleeshiyada ahayd, labo saac kaddibna waxay ogolaadeen in ay xarunta soo galaan.

            Kooxaha maleeshiyada ah ayaa ka cabanayay balanqaadyo fara badan oo uu uga baxay Xuseen Caydiid saddexdii sano ee uu ka maqnaa dalka iyo waliba imaanshihiisii Magaalada Muqdisho.

            Dhacdadaani waa tii saddexaad uu uu la kulmo Ra’isul Wasaaruhu, waxaana ka horeeyay qaraxii lala beegsaday safarkiisa iyo waliba Wiil dhallinyaro ah oo ay si xun u dhaawaceen ilaalada Ra’isul Wasaraha

Qaramada Midoobey iyo Hay’ado Soomaali ah oo Cambaareeyey..

            Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall ayaa cambaaree-yay falkii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isagu booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

            Francois Fall waxa uu ku tilmaamay qaraxaasi mid sii kala fogeynaya hanaankii nabadda ee Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeyay xubnaha Dowladda Federaalka.

            “markii aan maqlay in Ra’isul Wasaaraha uu ka badbaaday qarax aad baan u farxay” ayuu yiri Francois Fall oo sheegay in dadweynaha Muqdisho looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan xuquuqda aadamiga ayaa cambaareeyey qaraxii lala beegsaday ra'iisul wasaare Geeddi. Dr Ghanim Alnajjar waxa uu yiri "Tani ma ahan arrin la aqbali karo", waxana uu sheegay in falkaasi ka hor imanayo isku dayga nabadaynta Soomaaliya.

Dhinaca kalana Hay’adda isku xirka Nabdda iyo xaquuqda Aadanaha ee INXA iyo Hay’adda Nabadda iyo xaquuqda Aadanaha ee Elman ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxiii lala beegsaday safarka Ra’isul Wasaaraha waxayna ku tilmaameen fal ka hor imaanaya shareecadda Islaamka iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha.

Odayaal ka tirsan Beesha Cayr oo ka jawaabay Hanjabaadii loo geystey Idaacadda Hornafrik

Fadhi ballaaran oo ay shaley isugu yimaadeen odayaal, culumaa’udiin ku abtirsada beesha Ceyr ayaa looga wada hadlay Handadaad, Been abuur, iyo gardaro joogta ah oo lagu hayo qaar ka mid ah mehrada ganacsi oo ay leeyihiin dad ku abtirsada beesha halkaa isugu timid.

 Waxaa fadhiga la keenay Warqad la firdhiyey oo uu ku saxiixan yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed Sh. Maxamuud.

Warqadaas oo wararka ay xambaarsan tahay ay ka muuqanayeen in loola jeedo in lagu waxyeeleeyo Idaacadda HornAfrik iyadoo cidda waraaqdaa qortay si ba’an ay ugu hanjabayaan Idaacadda HornAfrik.

Sidoo kale waxaa hore dad ka tirsan beesha goob joog ugu ahaayeen in Masaajidyo gaar ah looga soo jeedshay warar isla arrintaa la xiriira iyadoo si gaar ah uu ugu cad cadaa Sheekh Cabdinuur oo si aan habooneyn uga been abuuray shirakadda HornAfrik media, isagoo si guubaabo iyo kicin shacab ah Masaajidyo uga ololeeyey cambaareynta Shirkadda, isagoo ugu dambeyntiina Stadium Mogadishu maalintii Ciidul Fitriga uga sii daayey Khudbad cambaareyn iyo colaad HornAfrik xambaarsan.

Waxaa cad in Rag ku hadlaya magaca culumada magaalada Xamar qaarkood ay wadaan olole cadaawad, baas galin Hornafrik ku saabsan oo aan u aragnay inay ka shidaal qaadanayaan shisheeye taas oo keeni karta isku dhac aan laga fiirsan oo hadhow saameyn ku sii yeelan karta beelaha Raggaas ay ka dhasheen iyo cidda ay duulaanka ku yihiin.

sida aan ognahay Idaacadda HornAfrik waxay qabataa howla la xiriira wacyigalinta bulshada, faafinta Diinta iyo hanuuninta, Aqbaaraadka dalka iyo dibadda, barnaamijyada doodaha siyaasadda, fanka iyo suugaanta iyo Sport-ga, adeega bulshada guud ahaan iyo wargalinta bulshada xaaladaha degdega ah ee la xiriira masiibooyinka sida Kadiska u dhaca, sida :- Gubashada, Daadadka, Duufaanada IWM, taas oo ummaddu baahi weyn u qabto hey’adduna si ammaan mudan ay uga howlgasho iyadoo la ogyahay in ummadda kooxiba jeceshahay barnaamijyo ay gaar u xiiseeyaan halka kuwa kalena ay dhibsadaan ayse tahay in anshaxa Warfaafintu uu faaf reeb ku sameeyo Kala Mudnaan siinta.

Gaar ahaan waxaa xusid mudan in HornAfrik ay maxkamadaha dhisitooda kaalin wax ku ool ah ka geysatay sida Hanti u ururinta, Dhiirigalinta, Isku xirka howlaha, la shaqeynta iyo gacan siinta barnaamijyada gaarka ah ee diiniga ah, sidaa awgeed wax kasta oo been abuur ah ee lagula kaco Idaacadda Hornafrik  “Hantideeda Howlaheeda iyo shaqaalaheeda” waxaan u aragnaa gef loogala jeedo shaqo cadilid iyo colaad gaar ahaaneed oo ay wataan dad gaar ah, waxaana u taaganahay inta laga gaaraayo dowlad nabadgalyada sugta,  in aan ka difaacno xadgudubyada nuucaan oo kale ah

Haddaba waxaan la socodiineynaa shaqsiyaadka wada ololahaas.  

1:- In Shirkadda HornAfrik ay ka mid tahay Hantida iyo Mehradaha ganacsi ee Soomaalyeed ayna leeyihiin shaqsiyaad ku abtrsada beesha.

2:- Waxaan cadeyneynaa wixii gaf iyo tacadi ah ee loola soo bareero laguna waxyeeleenayo Shirkadda HornAfrik iyo Shirkadaha kale ay bahdu leedahay in beeshu si toos ah u difaaci doonto.

3:- Waxaan u sheegeynaa ciddii wax ka tabanaysa Idaacadda HornAfrik inaan diyaar garbixiyaa u nahay aana ku wargalinayno inay si rasmi ah noola soo socodsiiyaan cabashadooda.

Odayaasha  iyo waxgaradka Beesha Ceyr ee qoraalkan ku saxiixnaa waxay kala yihiin:-

  1. Xaashi Maxamed Kulane.
  2. Daahir Xirsi Ugaas.
  3. Sh. Cabdullaahi Axmed Rooble.
  4. Cali Shiikhow Xasan.
  5. Maxamuud Cali Barre.
  6. Cumar Warsame Shabeel.
  7. C/lle Cumar Xayle.
  8. Saciid Cali Abuukar
  9. Abshir jimcaale cismaan.
  10. Xasan Yuusuf ibraahim
  11. Axned  Cabdulle Cali
  12. Khaliif Xaashi Ugaas.
  13. Cabdi Muxumad |Xasan
  14. C/raxmaan Muxumad Ciyoow.
  15. Nuur Xiirey Faarax.
  16. C/llaahi Cali Cawaale

Waxaa isku soo duwey
Amiin Yuusuf Khaasaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2005



Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD