SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Waraaqo looga soo horjeedo Idaacad ka hadasha Muqdisho oo ay daadiyeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah..

  • Boqqore oo sheegay in awoodiisii ay isticmaaleen Cumar Xaashi iyo....

  • Wadamada IGAD oo sheegay in ay wakiilo u soo dirsanayaan shirka Jowhar..

  • Muuse Suudi “Saddex baa laqdabo nagu wadey , labo wey nagatagtey..

  • C/llaahi Yuusuf oo oo sheegay in Garoomadda Dayniile iyo Ceel Axmed  laga dhoofiyo Daroogada..

  • Ciidamada ku xareysan Xeryaha Hiilweyne iyo Laanta-Buuro oo la siiyey Xaqu Ciid..

  • Hay’adaha xaquuqda Aadanaha  WAHRO KAHRO oo sheegay in qaar ka mid ah ..

  • Sidee Ciidul-Fitriga Looga Ciiday Nairobi? 

Waraaqo looga soo horjeedo Idaacad ka hadasha Muqdisho oo ay daadiyeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah..           


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Warqado looga soo horjeedo Idaacaddaas uuna ku saxiixan yahay Guddoo-miyaha midowga Maxaakiimta Islaamiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed  ayaa lagu daadiyay Magaalada Muqdisho.

Waxaana waraaqahaasi ku qornaa in Idaacad kamid kua ka hadla Muqdisho ay sii deyso barnaamijyo lidi ku ah Diinta Islaamka, sidoo kale waxay Maxkamaduhu sheegeen in Idaacaddaasi ay u adeegto waxay ugu yeereen Kirishtaanka.

Waxay kalloo midowga Maxkamadaha Isaalamiga ah ku eedeeyeen Idaacaddaas in ay saldhig u tahay in ay difaacdo kooxaha dhaqan xumida ka dhex wada bulshada Soomaaliyeed, waxay kalloo waraaqahaasi ku sheegeen in Idaacaddaasi ay dhaleeceyso fal kasta oo wanaagsan oo ay Maxkamaduhu ku dhaqaaqaan.

Qoraalkaan oo aad u dheeraa ayaa waxa kalloo lagu sheegay in ay Maxkamaduhu sii wadi doonaan howlaha lagu dagaalamayo dhaqan xumida iyo goobaha lagu faafiyo, oo aysan ku ekaan doonin bisha Ramadaan. 

Warqadaan oo wadatay Tiinbaraha midowga Maxaakiimta ayaa waxaa kalloo lagu sheegay in aysan ogolaan doonin waxay ugu yeereen Gadaal ka wareenka ay wado Idaacaddaas iyo maamulkeeda ayna jawaab qancisa heli doonto cid alaala ciddii carabkeeda uu soo dheeraado.  Waraaqahaasna waxaa ku xusan magaca idaacadaas.

Boqqore oo sheegay in awoodiisii ay isticmaaleen Cumar Xaashi iyo....

            Kaddib markii uu Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre uu ku biiray Xubnaha labada Gole ee fadhigoodu yahay Magaaladda Jowhar ayaa  waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan u wareegista ku xigeenka Baalamaanka ee Magaaladda Jowhar, waxaana Khamiistii Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaaladda Jowhar uu ku sheegay in ragga Xamar jooga ay ku fashilmeen arrimo badan oo la xiira dhinacyadda Hub ka dhista, Isbaara-qaadista, Xareynta Maleeshiyaadka iyo nabadeynta Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho oo hore hoggaamiyaasha siyaasadda ee Beesha Hawiye u sheegeen in ay muddo sadex bilood ah Muqdisho ku soo dabaalayaan nabad-gelyo buuxda, hase ahaatee arrintaas fashil xoog leh uu ku yimid.        Sababaha ugu waaweyn ee Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacbiga Boqqore ku qasabtay in uu ka dago Jowhar waxaa ka mid ah in Jagadiisa ay ku tixgelin waayeen Xidhibaanadda ku sugan Hotel-ka Saxafi, taas oo wiiqday awoodiisa Guddoomiye Ku xigeen, waxaana arrintaas la sheegayaa in ay sababteeda leeyihiin Cumar Xaashi Aadan iyo Xildhibaan Suleymaan Colaad Rooble, kuwaas  oo isticmaalay Awoodii Boqqore, iyadoo sidoo kale ay jiraan Xildhibaano marar badan ku gacanseyray amarka Guddoomiye ku xigeenka, waxaana Boqqore uu ka  mid noqday Xildhibaanadda Jowhar. Boqqore wuxuu awoodiisa  sare u sii qaadayaa guddoonka Xubnaha Jowhar, maadaama uu halkaas ku sugan yahay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Dhalxa, wuxuuna dafiray in uu lacag ka qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, iyadoo arintaan ay dhabar jab ku tahay Xubnaha ku sugan Magaaladda Muqdisho.

Wadamada IGAD oo sheegay in ay wakiilo u soo dirsanayaan shirka Jowhar..

            Iyadoo Degmada Jowhar la sheegay in ay martigelineyso shirka Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa haddana wadamada ku jira urur gobaleedkaasi ayan soo saarin war rasmi ah oo ku saasban ka qaybgalka kulankaasi oo dhacaya 9-ka bishan. Warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in wadamada IGAD ay sheegeen in ay wakiilo u soo dirsan doonaan shirkaasi, taasoo ay sheegeen in ay tahay mid tijaabo ah oo la xiriirta xaaladda nabadgelyada ee Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Jowhar. In kastoo Degmada Jowhar ay tahay meel nabadgelyadeeda si aad ah la isugu haylan karo, haddana wadamda IGAD ayaa waxay sheegeen in kulankaasi uu socon doono hal maalin kaddibna ay dib ugu laaban doonaan wadamadoodii. Dowladda Eritrea iyo Dowladdu kale ayaa la sheegay in aysan ka soo qaybgali doonin shirkaasi, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xumaaneyso khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Eritrea sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay shirkaasi u soo dirsan doonaan danjirahooda Soomaaliya wakiilka uga ah C/casiis Axmed, maadaama wadanka Itoobiya haatan ka socdaan rabshado maalinba maalinta ka dambeysa sii baahaya.  

Muuse Suudi “Saddex baa laqdabo nagu wadey , labo wey nagatagtey..

            Muuse Suudi Yalaxow oo wasiirka ganacsiga ee Dowladda Federaalka oo ka hadlayay munaasabaddii ciidul Fidriga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu horeyntii Illaah uga baryay in uu sandkaan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo iyo bash bash.

            Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko tagistii uu Jowhar tagay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka waxa uu yiri “Saddex ayaa laqdabo nagu waday haddii aan nahay kooxda Dowladda ee ku sugan Muqdisho, saddexdaa labo ka mid ah way baxeen midka kalena waxaan rajeynayaa in uu iska tagi doono”. Waxaa la weydiiyay waa kee kan ku sugan Muqdisho ee ka mid ah ragga laqdabada idinku wada, Muuse waxa uu ku jawaabay idiin sheegi maayo, waad garananeysaan. Xubnaha labada ka tagay kooxda Muqdisho Cismaan Cilmi Boqore, Axmed Caraale, Cali Baashi, iyo Qamar Axmed Faarax iyagoo haatan ku sugan Magaalada Jowhar. 

 C/llaahi Yuusuf oo oo sheegay in Garoomadda Dayniile iyo Ceel Axmed  laga dhoofiyo Daroogada..

            Madaxweynaha Dowlad-da Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Maalintii shalay ahayd ka hadlay arimo la xiriira xiritaanka Garoomada gudaha Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhowba iyo canshuurta ay ku soo rogtay Dowladdu Garoomadaas

            Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in arintaan sababta ugu weyn oo ay u sameeyeen ay tahay iyadoo ay jirto waxyaabo aan fiicneyn oo Garoomadaas loo isticmaalo ayna yihiin kuwo dhibaato ku keeni kara jiritaanka Qaran Soomaaliya ay yeelato, waxa uuna Madaxweynuhu ka dhawaajiyay in Garoomada kala ah Ceel-Axmed iyo Deyniile ay yihiin kuwo loo isticmaalo in laga dhuufiyo ama dalka laga soo geliyo waxyaabo mukhaadaraad ah, isagoo sheegay in shakhsiyaad dantooda wata ay gacanta ku yahaan garoomadaas, isla markaana maandooriyaalkaasi ay yihiin kuwo dhibaato u keni  dadweynaha Soomaaliyeed, waxa uuna intaa ku daray in Dowladda Federaalka ahi aysan u dulqaadan doonin waxyaabaha xun xun ee lagula dhaqmayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo Madaxw-eynuhu tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay fahmaan waxa dhibaatadu uga imaan karto, isla markaana aysan taageero siin.

            Si kasta ha ahaatee hadalka Madaxweynaha ayaa ah mid ka hor imaanay hadal uu horey ugu sheegay saxaafadda Guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose Yuusuf Indh-Cadde oo uu ku beeniyay wararka sheegaya in Gobalka Sh/hoose lagu beero xashiishad, isagoo hadalkaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn. balse uu sheegay in maamulkoodu uu u taagan yahay in uu wax ka qabto wixii wax u dhimi kara Bulshada Soomaaliyeed.

Warbixin ku saabsan Dagaal dhex marey Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Itoobiya

            Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya, waxayna dagaaladii ugu dambeeyay ka dhaceen deegaanada kala ah Jiriska Abaaqorow oo ka tirsan gobalka Godey, Yucub oo ka tirsan Gobalka Doolo, Fiiq oo ka tirsan Gobalka Nogob, Xamaro oo ka tirsan Gobalka Nogob, Gasaangas oo ka tirsa Gobalka Nogob, Karin Bil Cille oo ka isna ka tirsan Gobalka Nogob, Qabri Dahare oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Kudnbuur oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Kuus Cowl oo ka tirsan Gobalka Nogob, Duud Ciid oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Bil Cil AFle oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur iyo Aabahey Gablan oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur. Dagaaladaasi waxay dhaceen 6/9/2005 ilaa 27/10/2005 isugu geyn ciidamada Itoobiya oo ay dileen Jabhaddu waxay garayaan 235 waxaana laga dhaawacay 181 askri, waxaana laga furtay hub iyo saanad aad u fara badan.

            Markuu khasaare uu gaaro ciidamada Xabashida waxa ay dhibaato gaarsiiyaan Shacabka Ogaadeeniya waxaana u dambee-yay dhimashadii, dhaawacii iyo xarigii ka dhacay deegaanka Farmadoow, waxaana war-saxaafadeedkaan na soo gaarsiiyay wakiilka Jabhadda ee Soomaaliya Cilmi Muxumad.

Ciidamada ku xareysan Xeryaha Hiilweyne iyo Laanta-Buuro oo la siiyey Xaqu Ciid

            Sida uu inoo sheegay C/llaahi Turunbo oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka ku xareysan Laata-Buuro wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa ciidamada ku xareysan xeryaha Laanta-Buuro iyo Hiilweyne waxa uu gaarsiiyay maalintii ciidda ahayd deeq isugu jirta xoolo, raashin iyo labo gaarioo xalwo iyo buskud ah oo ay si wanaagsan ugu ciideen ciidamada labada xero.

            Muuse Suudi waxa uu balanqaaday in uu isagu diyaar u yahay taakuleynta ciidamada ku jira labada xeryood, isagoo sidoo kalena saxiixay heshiis daawo iyo baaritaan lagu siinayo shakhsi kasta ciidamada, taaso noloshooda lagu xanaaneynayo, waxaan ciidamada oo ka mahadcelinaya deeqdaasi ay sheegeen in Muuse Suudi uu uga sokeeyo xubnaha kale ee Dowladda maadaama uu isagu dhibowga la galay isla markaana uu il gooni ah ku hayo xaaladda ciidamada, wuxuuna C/llaahi Turunbo uu xaqiijiyay in Ciidamada Hiilweyne iyo Laanta-Buuro ay si wanaagsan u qaataan tababarkooda isla markaana uu ka muuqdo is bedel weyn

Hay’adaha xaquuqda Aadanaha  WAHRO KAHRO oo sheegay in qaar ka mid ah ..

            War saxaafadeed ay soo saareen Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Human Right iyo Khaliif Huudow Human Right ee (WAHRO iyo KAHRO) ayaa waxay ku sheegeen in xadgudub aad u baahsan ay ka jiraan Gobalada J/hoose, Sh/hoose, Bay, Gobalka Banaadir, Sh/dhexe, Hiiraan iyo koonfurta Gaalkacyo waxayna sheegeen in Gobaladaasi ay ka jiraan dil, kufsi, dhac iyo barakicin.

            Hay’adahan oo ka wada tirsan isku xirka difaacayaasha xaquuqda aadanaha Soomaaliyeed (IDXAS) ayaa si wada jir ah waxay walaac uga muujiyeen xadgudubyadaas ka dhacaya Gobaladaasi, waxayna cambaareeyeen maamulada ka jira Gobaladaasi oo ay sheegeen in aysan waxba ka qaban tacadiyaadaasi.

            Sidoo kale waxay sheegeen in Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka dhisan Gobalka Banaadir ilaa iyo xad ay wax ka qabteen nabadgelyada haddana waa kuwo ku saleysan qaab Qabiil, sidoo kale waxba kama aysan qaban isbaarooyinka yaala Magaalada gudaheeda iyo dibaddeeda, kuwaasoo qaar ay isku hayb yihiin.

            Waxay kalloo sheegeen in Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo sidii loo sheegay aysan u mideysneyn ciidamadooda, oo aan ahayn kuwo u tababaran qaab ciidan oo ay sheegeen in ay ka muuqaneyso dhaqan dableynimo, iyagoo dadka ula macaamila si aan wanaagsaneyn taas oo ay sheegeen in Maxkamadaha u keeni karto fashil ku yimaada howlagalada ay fulinayaan oo dadka qaarkood ee ku dhaqan Muqdisho ay tuhun ka qabaaan.

            Waxayna ugu dambeyntii sheegeen in loo baahan yahay in loo wada guntado sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa loogana hortagi lahaa tacayadiyada ka dhaca dalka, waxaana ku kala saxiixnaa war saxaafadeedka Eng, Siidow Xasan Mahdi iyo Prof, Cali Macow Dhalxa

W/D Amiin Yuusu Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2005

Sidee Ciidul-Fitriga Looga Ciiday Nairobi? 

__________________________________

Qiyaas ahaan waxaa la sheegaa in somalida halkaan ku nool ay kor u dhaafayaan 100,000kun waxaana lagu sii xantaa in islii oo kaliya ay 2meelood meel dagenyihiin,taas oo ugu wacan baa laleeyahy iskaashigooda somalinimo iyo aygoo dhaqan ahaan leh isladegista ama meel isku gaashaan buureysiga.

Ayadoo Nairobi aana looga baran khilaafadka ciidaha lakiin waxaad moodaa in somalidu ay la soo guurtay dhaqamaadkii iyo is qab-qabsigii lagu yaqiinay.Hadaba waxaa jira dhowr masaajid oo somalidu aad ugu taxntahy,lakiin kala mowqifyo duwan xagga aaraahda.masjidka sida weyn ay soomalidu ugu taxantahy ee 6street,ahna hal-beeg somalidu intabadan ay wax ku cabiraan, markeey timaado arimo nuucaan oo kale,ayuu Fiidnimadii xalay  maamulka masjidka daaha ka qaaday in baritoole ay ciideysandoonaa,ayagoo taa u cuskaday ilo lagu kalsoonayahy,iyo masjidka oo intabadan ku gees-mudan xagaa iyo carabta gaar-ahaan sacuudi arebia.Masjidka ku yaala xaafda 12steert ayaa fikir kaa kayara gadisan qaba,markeey timaado ku teetsanaanta xogkta lagu ciidi karo,ayagoo mabda’ahaan ay isku khilaafsan yihiin kuwa reer 6steert.waxeyna horay u sii afeefteen in ay ku afuridoonaa arkti. lakiin masjidkaan oo aan looga baran khilaafaadaka ciidaha iyo xusaska muhiimka u ah muslimiinta ayaa isna si taxdar leh xalay ugu dhawaaqay ciidul-fitriga.waxaa jira gudi musliimnta ree Kenya iyo kuwa kale oo leh nidaam xaga xusaska nuucaan oo kale ah,taas oo run-ahaantii aan dhihi karo waxa ay uga duwan yihiin dalalka aysan ka jir maamul dhaxe,ayagoo intabadan qaada ama yeesha go’aanka saxda ah ee lagu ciidi karo aygoo lafitigooda ku jaan gooya xoktooda xagaa iyo (Kacbda)gaar ahaan sacuudiga oo ah halbowlaha musliiminta caalamka oo dhan,isla markaasna ah meesha somalidu ay sida weyn ugu dhawyihiin markeey timaado arimaha nuucaan oo kale ah.al-cumuum,si is le’k ayaa looga iiday sanadkaan dalkaan Kenya oo aalaaba aan sidaa ugu sii can-bixin khilaafka mudaxan ee somalidu taqaan.Caalamka oo dhan waxaa la sheegay in ciidani ay aheed mid ku dhamaata sinaan,oo ayasan jirin marin habaab ku yimaada sdii loo cidi lahaa.

    Nairobi &Ciidul-Fitriga. 

Waxaa barxda weyn ee “sir ali club” isugu soo baxay in kabadan 50,000kun oo ruux,waxaana dhamaantooda ka dheehan kartay wajiyadooda farxad & reyn-reyn.dadkii halkaa isugu yimid oo isugu jiray rag &dumar iyo caruur ayaa hal mar soo wada buux-dhaafiyay barxada,waxaana aad u adkeed in aad gudha masjidka horay u sii gasho,ayadoo dadka qaarkii ay ku dukanayeen wadooyinka.Si aan caadi aheen ayaa loo soo camiray,waxaana ku tilmaami karaa in ciidani ay aad uga tirabadntahy tii sandkii hore xaga ka soo qeybgalayaasha salaada ciida,aydoo saakay dadkii nasiibaka u yeeshay in ay ku dukadaan masjidka ay ahaayeen dadkii saakay salaada subax masjidka ku salaadeysatay. subxanimadii ayaa lagu wada waa bariyeysatay takbiirta(Allahu-Akbarta),waxaa bilaawatay u dareerista barxada weyn ee (Sir Ali Club)oo looga bartay martigalinta ciidaha nuucaan oo kale.waxaa xarunta soo buux dhaafiyay jaaliyado kala duwan,oo ay mugeeda ugu weyn ay laheed (Somali)qudbadii salatu-fitriga ayaa ku bilwaatay jawi aad u heersareeya,aydoo caadi ahaan uu halkaa ka akhriyo shiikhii ku balansanaa qudba saakeytoole.saldaaii ka dib ayaan soo dhax maquurtay gudah xaafda islee, oo ah xaafd ay somalidu sida weyn isugu garab biirsatay, islamarkaasna ah xaafad aad u weyn marka loo fiiriyo xaafadha kale.haween,caruur,dhalinyaro,shaybab ayay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee ay qabtaan idhaheyga,waxadna dhamaantooda ka dheehankartay farxad iyo rey-reyn waxaana la isku salamaayay (Ciid Mubaarak).duuduub ahaan ciidani wax ay garabka ku heesay tii kal hore xaga moqifka guud iyo qaabka loowda ciidayba.Yaanan meesha ka saarin,caruurta ayaa ahaayeen kuwii door libaax leh ka ciyaarayay ciidan, ayagoo ku maanshoonayay waxyaabha lagu ciyaaro sida waxyaabaha qarax  (Baaruuda,bistooliyin..Haweenka waxaa aad u hareeyay caruurta oo aley-leh aan dhihi karo looma yareesan xaqul-ciidkoodii sandkaan. Lakiin haweenka qudhooda xubin muhiim ah ayey ka ciyaareen ciidul-fitriga sandkaan, aygoo iskula socday raxan-raxan ayey dhaxjibaaxayeen geesaha xaafada islii.Raguna, sidaa uma sii buurneyn waxaana ka cadad badnaa dumarka, lakiin qeyb weyn bay ka qaateen ciidul fitriga sanadkaan.majiraan ilaa &hada war sheegayo in masuul dowlada FKMG ah oo  ka hadaly munaasabada ciidul-fitriga ama isku soo bax ciideed oo  ka dhaca dalkaan kenya. Ugu  danbeyntii ciidu waxey aheed mid aad loowada sugayay, la ina  isugu hambalyeynaayay dhamaan shacab weynha ku nool dalkaan Kenya gaar-ahaan xaruntiisan Nairobi.waxaana sandkaan uu ku biiray sanadahii kal-hore oo sidaan oo kale ciidu la isgu waafaqay.Iskusooduudubow,dhamaan somalida halkaan jookta wax ay salaan diiran u dirayaan dhamaan Somali weynta kale oo ku nool daafaha caalamka wexyna leeyihiin (Ciid Saciid).Rabbi ayaan ka baryeynaa in uu ciidan-ciideeda kale nagu gaarsiiyo dowlad caadil ah,iyo baraare.

    Aamiin..Aamiin..Aamiin 

Farxaan-Ceynte
Nairobi-kenya
gaaraynte@walla.com

Nov 4, 2005

Nin Soomaaliyeed oo Laga Tarxiilayo New Zealand
Dawlada New Zealand ayaa qorshayneysa in ay dalkeeda ka tarxiisho nin Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo.. Guji..

Minnesota oo Si weyn Looga Ciidey
Minneapolis: Kumayaal Muslimiin ah ayaa isugu soo baxay goobihii lagu tukanayey salaada ciida, Waxaay ahayd isu soo bixi ugu weynaa ee dad Muslimiin ah ay hal-goob isugu yimaadaan Minneapolis oo.. GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD