Ugu yaraan 33 Qof
ayaa Ku Dhintay iska-Hor-Imaad ka dhacay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa....
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | Nov 2, 2005
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa tibaaxay in ciidanka Booliska Itoobiya ay rasaas
ku fureen isla markaasna bombaanooyin ku tuureen dad shacab ah si ay u aamusiyaan mudaharaadka labada maalmood ka socdey Caasimada dalkaasi ee Addis
Ababa. Waxaana shacabku ka mudaharadaadayaan
muranka weyn ee ka dhashay doorashadii baarlamaanka dalkaasi. Waxaa rasaastaas ku dhintay ugu yaraan 33 qof, waxaana dhaawacmay 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay weriyeen hay'adaha xuquuq Insaanku.
Nin deggan Addis Ababa aya u sheegay hay'adda wararka ee AP,
in boolisku ay soo galeen gurigiisii kaddibna waxay rasaasta u ridayeen si aan daymo lahayn iyagoo raadinaya kuwa dhagaxa tuuraya.

Qof dumar ah oo
itoobiyan ah oo barooraneysa markii dhaawacii dadka
la keenay cisbitaalka Blak Lion, Sawirka: AP
|
War ku soo baxay jariidada USTODAY oo soo xiganeysey AP ayaa yiri "In la laayo dadka shicibka ah waxay dib u dhac ku tahay Ra'iisul wasare Meles Zenawi, kaas oo maamulka
Bush ay u muujineen in uu yahay Afrikaan horusocd ah iyo in uu jaal kula yahay dagaalka Argagxisada.
Codbixintii la qabtay bishii May 15keedii, taas oo siisay xisbaga EPRDF in uu xukumo baarlamaanka 60%
, waxaa loo arkay in ay tahay tijaabinta in ay Meles ka go'antahay samayn isbedel iyo in kale.
Xisbiyada mucaaradku waxay sheegeen in codbixintaas iyo
sanduuqyadii codbixintaba ay hareeyey musuqmaasuq, cabsi gelin, iyo rabshado,
waxana ay xisbiga talada haya ku eedeeyeen in uu is-daba-maryeeyey doorshada.
Sawaxanka rasaasta iyo qaraxyayada hoobiyaha ayaa
Arbacadii hareeyey caasimada Itoobiya.
Gawaarida gaashaaman oo ay wataan ciidamo khaas ah ayaa xoog ku muquuniyey wadooyinka ay yaalaan taayirada gubanaya, laguna daadiyey jajabka dhalooyinka.
Rabshaduhu waxa ay ku fideen magaalada Addis Ababa oo ay ku nool yihiin 3 million oo qof, waxaana rabshadahaasi qarka u saarmeen
goobaha ay ku yaaliin safaaradaha
British, French, Kenyan iyo Belgian - safaaradahaas oo
dhammaantood ku kala yaal meelo kala duwan oo magaalada ah.
Shaqaalaha xarunta UN-ka ee Addis Ababa waxaa loo sheegay in aysan ka bixin xafiisyadooda.
Hay'adda AP waxa ay soo werisey in boolisku ay isku xaydaameen Cisbitaalka lagu magacaabo Zewditu Hospital, booliiskaas oo dadka jiidayey, xabsigana u taxaabayey dhallinyarada.
Dad indhohooda arrimaha ka socda Addis Ababa ku soo arkay ayaa sheegay in ciidamadu ay xabsiga u taxaabayeen
dadka dhallinta yar dhammaan daafaha magaalada.
Booliska oo Adeegsadey
Sunta Dadka kaga Ilamaysiisa, rasaas iyo Bombaanooyin
Tigist Daniel, oo 16-jir ah, ayaa tiri
waxaan cisbitaalka keenay hooyaday oo 50-jir ah kaddib markii ay boolisku caloosha ka toogteen.
"Waxa keliya oo ay hooyaday samayneysey waxa ay ahayd in ay badbaadiso walaalkay oo dagaalku meel dhexe ku qabsaday. Wexey kasoo oroday guriga si ay isaga usoo qabato, markaas ayaa boolisku iyadii toogteen"
ayey tiri gabadhaas 16-jirka ahi. "Qofkii guriga ka soo baxa waa tooganayeen".
Abdul Fatal (Waa sida warka AP magaca u dhigaye) waxa uu sheegay in
gabadhiisa oo 13-jir, Arabia, ay rasaas finiin ahi ka dhaawacday caloosha iyo lugaha.
"Booliska oo raadinaay dadkii mudaharaadayey ayaa xoog kusoo galay aaga gurigayaga, kaddibna waxay rideen sunta dadka kaga ilmaysiisa, kaddibna bombaano" ayuu yiri Abdul oo 44-jir ah. "Kaddib boolisku waxay bilaabeen in ay rasaas furaan kuna soo ridaan aaganaga. gabadhaydu weligeed cid wax ma yeelin.".
Urur madax banaan oo ah Itoobiyaan Xuquuqda
aadamiga u dooda ayaa sheegay in ay tiriyeen meydkii 33 qof oo ah dadka meydkooda la keenay qaboojiyaasha meydka la dhigo ee cisbitaalada.
Dhakhaatiirka shan cisbitaal-na waxa ay sheegeen in qaybta gargaarka degdega ah la keenay 27 qof oo meyd ah, iyo ugu yaraan 150 qof oo dhaawac ah, oo uu
ku jiro wiil 7-sano-jir ah oo laga toogtey misigta.
Dawlada Itoobiya iyadu waxa ay dhimashada ku sheegtay 11 qof oo shicib ah iyo hal sarkaal oo boolis ah, iyo in ay dhaawacmeen
54 sarkaal iyo 28 shicib ah.
Hogaamiyaashii Mucaaradka oo la xirxiray
Rabshadihii Arbacada waxaa ka horeeyey rabshado dhacay maalinta
Talaadada kuwaas oo ay ku dhinteen sideed qof ayna ku dhaawacmeen 43 qof. Mudaharaadyadan socdaa waxay bilaabmeen kaddib markii maalintii Isniinta
la xiray 30 taxi-wade oo ka qayb qaadnayey mudaharaad lagaga soo hor jeedey doorashoyinkii baarlamaanka.
Mudaharaadkii maanta (Arcada) waxa uu bilowday saacado kaddib markii xabsiga loo taxaabay
hogaamiyaashii mucaaridka. Dhammaan 15kii xubnood ee xisbiga "Coalition for Unity
& Democracy" iyo 1,000 qof oo taageerayaashooda ah ayaa xabsiga la dhigay, sida uu cadeeyey qareen u
hadlayey xisbiga mucaaridka, kaas oo arrimo ammaan awgeed weydiistey in aan la magacaabin.
Mucaaradku waxa ay sheegeen in kumayaal qof oo taageerayaashood ah iyo xubnaha mucaaradka xabsiga loo taxaabay labadii bilood ee ugu dambeeyey. Ugu yaraan 42 qof ayaa boolisku dileen mudaharaadkii Bishii June, sida ay sheegeen hay'adaha xuquuqul insaanku.
Afhayeenka mucaaradka oo magaciisa la yiraahdo Gizachew Shiferaw
waxa uu booliska ku eedeeyey in ay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah.
Wakiilka Midowga Afrika, Alpha Oumar Konare, waxa uu cambaareeyey rabshadahan cirka isku shareeray iyo nafaha lagu waayey. Waxana uu labada dhinacba ugu baaqay in ay is xakameeyaan.
Wasiirka warfafinta Itoobiya, Berhan Hailu, waxa uu yiri 'dawladu waa ka xuntahay, waana ka murugaysan tahay' rabshadaha, kuwaas oo uu ku eedeeyey xisbiga guud ee Mucaaradka.
ISHA: AP,
usatoday
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |