Daabaco
Boggan | Print
Habnololeedkii
saxaabadii Rasuulka ... |
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey Seankhane
Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed
usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo
aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."
7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa
xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha
Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal
lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay
ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis
ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo
Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka
dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite
Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great
Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya
[Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya
badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey
Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu
aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka
galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay
wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo
Ethiopia.
1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku
qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan
masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada
Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa
xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida
cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii
talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin
oo uu
talyaanigu sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved
Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.
1960 bishii June 26keedii ayaa Somaliland
kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July
1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu
Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood
midoobeen.
ISHA.QORMADAN
Taariikh
Kooban oo Soomaaliya |
|
|
- Ciida sida Looga
DIyaargaroobey magaalada Muqidsho
- Wadaacan yaa
Ramadaan!
- Muslimiinta
Adduunka oo Ciidaya Khamiista
- TORONTO: Goobaha
Lagu Tukanayo Salaada Ciida
- MINNEAPOLIS:
Goobaha Salaada Ciidul-Fitriga
- LONDON, ONTARIO,
CANADA: Meelaha salaada lagu tukanayo...
See bay Ugu Diyaar
Garoobeen Maalinta Ciida Soonfur Dad Weeynaha Kunoo
Magalaada Muqdihso iyo Gabolada Kale Ee dalka Somaliya.
Nov 2,
2005
Diyaar garoow
xoog leh ayaa loogu jiraa maalinta Ciida Soonfur iyadoo
diyaar garoow gaasina uu si weyn uga socdo qeybo kamid ah
gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho ee
xarunta gobolka Soomaaliya.
Bilashada
Ciidu Fitriga ayey siweyn ugu diyaar garoobayaan dadka ku
dhaqan magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka Ku dhow dhow.
goobaha lagu iibiyo dharka, cuntada iyo alaabta ay caruurta
ay ku ciyaaraan iyo waliba isqurxinta, ayaa waxaa buux
dhaafiyey kumanaan dad ah oo reer muqdisho ah oo safaf
dhadheer ah ugu jira gadashada alaabtaasi, si ay ugu
tamashleeyaan maalinta ciida.
Sidoo kale,
waxaa lagu arkayaa suuqyada waa weyn ee magaalada muqdihso
iyo xeryaha qaxootiga oo siweyn loogu bixinayo Zakaatul
Fitriga, laguna deeqayo dadka maskiinta ee ku dhaqan
magaalada muqdisho. Ciidan ayaa u muuqata mid ka duwan tii
sanadkii dhaweyd marka laga eego wax gadashada dadka iyo
waliba qaabka ay ugu diyaar garoobayaan dadka ku dhaqan
magaalada Muqdisho, oo ay imaanayaan goobaha dharka lagu
gado iyo waliba meelaha dharka lagu talo ee harqaamada.
Waxaa dhanka
kale dadka intooda badan saadaalinayaan in maalin qura lagu
wada iidi doono magaalada muqdisho ciidani, iyadoo horeyna
loogu yiqiiney khilaafyo soo kala dhex gali jirey
culumaa’udiinka diinta ee magaalada muqdisho, isla markaana
ay ku kala iidi jireen goobo kala duwan iyo maalmo kala
duwan magaalada muqdisho.
Durba caruurta
magaalada muqdisho ayaa laga dareemay iyagoo ku ciyaaraya
qalabkii ay isticmaali jireen maalinta ciida, halka gabdhaha
yar yar lagu arkayo goobaha qurxinta dumarka, oo ay ugu
jiraan safaf dhaadheer si loogu mariyo cilaanka ama xiniga
maalinta Iida.
Ugu Danbeentii
Shirkadaha lagu soo xawilo lacagaha ayaa waxaa shaley safaf
dhaadheer ugu jirey dadka, oo isla mar ahaan taasi ka
qaadanayey lacagaha loo soo dhigey, isla markaana ay uga soo
direen eheladooda Kunool Qurbaha.
Sidookale
waraka Naga soo gaarayo magalooyinka Galkacyo iyo kismaayo
iyo Gobalada dalka somaliya ayaa siweey looga diyaar
garoobay ciida soonfur, ayadoo la arkayey suuqyada magaalada
Gaalkacyo iyo kismayo ku aad u camirnaa.
C/laahi axmed
Diiriye ''Boore''
Muqdisho, Somaliya
boore3@hotmail.com
Wadaacan yaa Ramadaan!
Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
Maanta oo arbaca ah waa
malintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan ee Ramadaan,
soddon cisho ayey muslimiinta Illaahey ku waajib yeelay
iney soomaan ay guteen waajibaadkii diiniga ahaa.
Bishan inkastoo ay orod ku baxday hadana waxey aheyd bil
uu Illaahey ugu sheegay muslimiinta iney tahay mid uu
isagu leeyahay camal kale oo ay sameystaana ay iyaga
leeyihiin ciddii soontana uu isagu ka abaal marrin doono.
Haddaba dunida Islaamka
Inteeda badan si wadajir ah ayey u ciidayaan iyadoo ay
isku raaceen in maalinta khiis bisha november-na ay ku
beegan tahay 3 ay tahay maalintii ugu horeysay ee bisha
soonfureed. Wadamada ay kamid yihiin Sacuudi, Qadar,
Kuweyt, Baxreyn, Imaaraadka, Yaman, Masar, Tuunis,
Suudaan, Aljeeriya, Muritaaniya, Urdun, Lubnaan, Suuriya,
Falastiin, Indoonisiya, Turkiga, Azerbidjaan,
Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Ostari, Biljinka,
Yukureyn iyo Ruushka. Dhamaan dalalkaasi ayaa haddii
Eebe raali ka noqdo waxaa lugu wadaa iney si rasmi ah
muslimiinta ku dhaqan ay wadajir u ciidi doonaan.Marka
laga reebo dalalka Soomaaliya, Cumaan, Koonfur Afrika
iyo Maleysiya oo iyagu calaamatu su'aal ay ku heereysan
tahay.
Dalka Soomaaliya oo tan
iyo markii ay burburtay dowladii dhaxe ay ka jireen
qilaaf diimeed waxaa suuragal ah iney ciidaan maalinta
jimcaha haddaaney habeenimadan caawa ah ee ciida soo
galeyso aan la arag bisha soonfureed. Qilaaf noocaas ah
ayaa lugu soo waramayaa iney shiicada Ciraaq la wadaagto.
Taas ay ugu wacan tahay duulaankii Mareykanka dalkaasi
ku qaaday oo ay wax walba faraha ka baxeen. Inkastoo
shiicadu ay ahaayeen kuwo weligood muslimiinta kale
qilaafa. Hadana ridistii Saddaam Xuseen ka hor ma aanu
jirin qolaaf diimeed.
Culimadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka
soomaaliyeedba waxaa la gudboon iney ka baxaan qilaafa
iyo kala qod qodbka diimeed ee ay marwalbaa ku jiraan.
Inkastoo hadafkoodu yahay sheegista qowlka san, hadana
qilaafkan 15 jirsaday maahan mid dan u ah masiirka
ummadda Soomaaliyeed waa mid marwlba sii kala fogeyneysa
meeshana ka saareysa walaaleynta ummadda soomaaliyeed.
Haddaba annigoo ka hadlaya magaceyga iyo kan saxaafada
soomaaliyeed ee Gothenburg- Sweden waxaanu leenahay
ummadda Soomaaliyeed ee islaamka ah iyo guud ahaan
muslimiinta caalamka ku ciida farxad iyo reyn reyn. Bishii
Qeyrka iyo farxada iyo dembi dhaafka innaga tageysa/tagtay
maanta waxaanu Allaha awooda weyn ka baryeynaa in
markale sanadka soo socda inugu gaarsiiyo farxad, cimri
dheer iyo nabad ka islaaxda guud ahaan gayigeena
Soomaaliyeed. Waxaanu leenahay Wadaacan Yaa Ramadaan!!
Sammo noogu soo laabo!
كل عام أنتم بخير
Warbixintii
SomaliTalk.com
Muslimiinta
Adduunka oo Ciidaya Khamiista
Maalinta Khamiista oo
taariikhdu tahay November 3, 2005 ayaa ah Ciidul Fidriga,
sida ay isku raaceen badanaa dunida Muslimka.
Muftiga dalka Masar, Ali
Gomaa, waxa uu talaadadii shaaca ka qaaday in maalinta
Arbacadu ay tahay maalintii ugu dambeysey Ramadaanka. Sidas
daraadeedna dalka Masar laga ciidi doono Khamiista.
Magaalada Riyaad ee dalka
Sucuudiga waxaa lagaga dhawaaqay in aan galabnimadii Talaada
la arkin bishii Shawaal, sidaas daraadeedna maalinta ugu
dambeysa ee Ramadaanku ay noqoneyso Arbacada, ciiduna
Khamiista.
Sidoo kale dalalka
Imaaraadka Carabta (UAE), Kuwait, Bahrain, Qatar, Jordan,
Palestine, Yemen, Algeria, Sudan iyo Tunisia waxa ay
dhammaantood sheegay in Ciidu ku beegan tahay Khamiista.
Magaalada Beyruud, Dar-Al-iftaa
(Sunni Fatwa) waxa ay ku dhawaaqeen in aan galabnimadii
Talaadada la arkin bishii shawaal, sidaas daraadeenta in
Arbacada uu dhammaanayo Ramadaanku, ciiduna tahay Khamiista.
Muslimiinta Sunni-ga ee
Ciraaq waxa ay ku dhawaaqeen in Ramadaanku uu dhammaanayo
Arbacada, ciiduna ay ku beegan tahay Khamiista.
Dalalka Pakistan, Malaysia,
Oman, Morocco, Somalia, South Africa Waxa laga sheegay in
bisha shawaal la arki doono Arbacada, sidaasna ay Khamiis ku
noqoneyso Ciid
Yurub:
Dalka Turkey waxa uu ku
dhawaaqay in maalinta ugu dambaysa ee Ramadaan ay tahay
Arbacada, oo la ciidayo Khamiista.
Ururuka Muslimiinta ee
Faransiisku waxa ay sheegeen in ay ciida u dabaaldegayaan
Khamiista.
Muslimiinta Ingiriisku waxa
ay shaaca ka qaadeen in dalalka Yurub laga ciidayo Maalinta
Khamiista.
Muslimiinta Vienna, Austria
waxa ay sheegeen in Ramadaanka maalinta ugu dambaysa ay
tahay Arbacada, Ciiduna Khamiista.
Muslimiinta Slovakia waxa
ay shaaca ka qaadeen in Khamiistu ay tahay Ciid.
Muslimiinta Jarmalku waxa
ay sheegeen in aan maalintii Talaadada larkin Shawaal,
sidaas darteen Arbacada ay tahay maalin Soon.
Muslimiinta Belgium waxa ay
sheegeen in Yurub laga ciidayo Khamiista.
Muslimiinta Albania waxa ay
shaaca ka qaadeen in Arbacadu ay tahay maalin soon,
Khamiistuna Ciid. Sidoo kale Muslimka Ukraine waxa ay
sheegeen ciid-al-fitrigu in ay tahay Khamiista.
Indonesia oo Ku Midowdey
Ciida Sannadkan.
Markii ugu horeysey muddo
sannado ah ayaa Muslimiinta Indonesia waxa ay wada ciidayaan
hal maalin. Dawlada dadka ugu Muslimiinta Badan Adduunku
waxa ay ku dhawaaqday in Ciidu ay ku beegan tahay Khamiista.
Woqooyiga
Ameerika:::
Imam Jamal oo ah Iimaamka
Masjidka London Ontario waxa uu sheegay in Ciidu ay ku
beegan tahay Khamiista Nov 3. Waxaana salada Ciida lagu
tukana doonaa Canada Building oo ku yaal Western
Fairgrounds. (Faahfaahin dheeraad ah eeg ogeysiiska London,
Ontario - hoos)
Masjidka Khaalid Bin Waliid
ee Toronto, Canada waxa uu shaaciyey in Ciidul Fitri ay ku
beegan tahay maalinya Khamiista. [TORONTO:
Goobaha lagu Tukanayo Salaada Ciida].
Sidoo kale Masjidka
Shaafici ee Magaalada Minneapolis waxa uu sheegay in Ciidul
Fitrigu ay ku beegan tahay Khamiista. [MINNEAPOLIS::
Goobaha lagu tukanayo Salaada Ciida].
Australia:::
Muslimiinta Australia sidoo
kale waxa ay Arbacadu u tahay maalintii 30aad ee Ramadaanka,
waxana ay Muslimiinta kale ee dunida dacaladeeda la ciidi
doonaan maalinta Khamiista.
Liibiya oo Ciideysa
Arbacada Khilaaftayna Muslimiinta Kale.
Dalka Keliya oo ilaa hadda
ku dhawaaqay in Ciidu tahay Arbacada waa dalka Liibiya.
***
OGEYSIIS: MUSLIMIINTA
LONDON, ONTARIO:::
Waxaa la ogeysiinayaa Somalida London On iyo dhammaan dadka muslimiinta ah
in Goobta SalaaddaCiidul Fitriga lagu tukandoonto tahey Canada Building (Western
Fairgrounds) at King St. South of Dandus St and East of York St.
Waqtiga Salaadda:-
Takbiirtu waxay bilaamaneysaa 8:00 Am waxaana la tukanayaa 9:00 Am.
Saligaaga horey u soo qaado. Sakaatul Fitrigu qofkiiba waa $8 waxaana
wanaagsan in la bixiyo inta aan Ciidda la tukan ka hor. Maalinta Sabtida
masaajidku wuxuu qabanayaa Xaflad carruuraha muslinka ah oo dhan loogu talo
galey ee ha moogaan waxaana lagu qabandoonaa London Islamic School.
KULLI CAAM WA ANTUM BI KHEYR. Faahfaahin: La xiriir: Yusuf Osman Kenadid.
EMail:
yusufkenadid@hotmail.com
Tarjumadii
SomaliTalk.com | Isha qaar kamid ah macluumaadka:
IslamOnline. Faafin: Nov 1, 2005
DHAMBAALAD ACIIDA:::
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
|