SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


 

Barnaamijkii Radio Xoriyo

01 November. 2005 

  • Ogaadeenya: Dhacdooyinkii dagaal ee u denbeeyay.

  •  

  • Xasuuq dadwayne oo gumaysigu gaystay.

  •  

  • Keligii taliye Zenawi oo isu diyaariyay ka hortagga mucaaradka.

  •  

  • Dabley reer Anuak ah oo maxaabiis soo furtay.

  •  

  • Dad ku dhintay qulqulado ka dhacay Kenya.

  •  

  • Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Midnimadu waa Furaha Guusha)

======================     

22/10/05 Aabahay-gablan oo u dhaw magaalada Farmadow dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 34 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 31 kale. 

20/10/05 Kuus-cawl dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 61 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay tiro badan oo kale. 

26/10/05 dagaal ka dhacay Bilcil-lafle oo Farmadow u dhaw waxaa caodwga lagaga dilay 6 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 8 kale. 

Dagaal aan horay u sheegnay oo ka dhacay Dhadhiin, oo Qabridaharre u dhaw, markii taariikhdu ahayd 29/09/05 waxaa ka mid ahaa saraakiishii lagu laayay ninkii jannaraalka ahaa ee madaxda ka ahaa qaybta siyaasada ee waaxda Hararge ee ciidammada gumaysiga, kaasoo qaabilsanaa ciidammada gumaysiga ee dhulka ay ugu yeedhaan bariga Itoobiya oo dhan. Waxaa kaloo isaguna halkaas ku dhintay kornayl miinayste ahaa, oo loo soo diray inuu wax ka qabto miinada loo adeegsado ciidammada Wayaanaha ee ku sugan dhulka Ogaadeenya. Saraakiishan sarsare waxay Ogaadeenya ku joogeen kormeer hawleed. 

Xasuuq dadwayne oo gumaysigu gaystay. 

Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo caan ku ah inay dadwayhnaha rayadka ah ku gadoodaan marka goobaha dagaalka lagaga itaal-roonaado ayaa xasuuq ba’an ka gaystay magaalada Farmadow markii ay taariikhdu ahayd 26/10/05, halkaasoo ay ku dileen 7 qof oo rayad ah, 2 kalana ay ku dhaawaceen.  

Dadka uu gumaysigu Farmadow ku dilay waxay kala kala yihiin Alla ha naxariistee: 

1.    Cabdi Caydiid Adar

2.    Axmed-wali Maxamed Beddal

3.    Cabdi Haybe Cali

4.    Maxamuud Muxumed Shabeel

5.    Wali Cumar Galbeedi

6.    Anisa Cabdi Soofe Mahdi

7.    Buraale Cabdi Raabi 

Waxay sidoo kale halkaas dhaawaceen labada nin ee kala ah:

1.    Kaafi Maxamed Daahir

2.    Axmed Cabdi Cismaan 

Xasuuqani wuxuu dhacay, ka dib markii ciidammo gumaysiga Itoobiya ah ay magaalada soo galeen, isla markaana ay xabbado aad u badan ku rideen iyagoo argagax ku riday dadwaynihii magaalada ku sugnaa. Ka dibna dadwaynuhu dibada ayay magaalada uga yaaceen, taasoo keentay in ciidammada gumaysigu ay rasaas hoos ugu dhigaan dadkii carayay oo qaarkood ay wateen qoryo ay iyagu leeyihiin. 

Markii ay dadwaynuhu rumaysteen in ciidammada gumaysigu ay ku talagal u laynayaan, ayay dadwaynaha qaarkoodii hubaysnaa isku dayeen inay maatada difaacaan, waxayna halkaas ciidammada gumaysiga kaga dilaan hal askari. 

Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu 20/10/05 dhaawac ugu gaysteen meesha lagu magacaabo Kuus-Cawl, oo Fiiq u dhaw, 5 qof oo rayad ah, kuwaasoo kala ah;

1.    Xasan Sh Cumar

2.    Xuseen Sh Bashiir

3.     Shaafi Maxamed Wiyil

4.    Xaliimo Cabdi Xuseen

5.    Iyo nin kale o magaciisii aanaan wali helin. 

22/10/05 ciidammada gumaysiga ayaa 22 Adhi ku qashay meesha lagu magacaabo Garab-faranji oo u dhaw magaalada Daakhato. Adhigaas waxay ka dhaceen dadwayne halkaas deggan.

 

Keligii taliye Zenawi oo isu diyaariyay ka hortagga mucaaradka. 

Xukuumadda keligii taliye Meles Zenawi ayaa sheegtay inay dhammaysatay diyaargarowgeedii ku saabsanaa sidii ay uga hortegi lahayd bannaanbaxyada ay mucaaradku ku baaqeen, iyadoo sheegtay inaan wixii hadda ka billowda la oggolaan doonin in wax dhaqdhaqaaq ah laga sameeyo meel Itoobiyua ka mid ah. Xukuumadda Zenawi waxay sheegtay inay tallaabo adag ka qaadayso cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinta ”waxa ay ugu yeedhay xasilloonida dalka”.

Xisbiga mucaaradka ah ee CUD ayaa ku dhawaaqay inuu billaabayo dibadbaxyo lagaga soo horjeedo siyaasada Zenawi, kuwaasoo la billaabayo maalinta isniinta ah ee bisha Oktober 31 tahay.

Xisbiga CUD wuxuu ku dhawaaqay in taageerayaashu ay bisha soo socota oo dhan wadayaan bannaanbaxyo lagu muujinayo sida looga xun yahay musuqmaasuqii ay xukuumada Zenawi ku samaysay doorashadii May.

Xisbiga CUD wuxuu sidoo kale dadwaynaha Itoobiya ugu baaqay inay qaaddacaan waxyaabaha laga soo saaro warshadaha xukuumadda, isla markaana ayna dhegaysanin warbaahinta xukuumadda oo ay diidaan inay wax xidhiidh ah la sameeyaan ciidammada ammaanka, laga billaabo maalinta siniinta ah.

Wuxuu kaloo ku baaqay in la sameeyo shan maalmoo oo shaqo joojin ah oo billaabanaya 14-ka Nofember, iyo in bannaanbaxyo waawayn jidadka lagu sameeyo haddii ayna xukuumaddu ka noqonin musuqmaasuqii lixaadka lahaa ee ay ku samaysay doorashadii 15 May.

Dhawaaqa CUD wuxuu ku soo aaday hal maalin oo kaliya ka dib markii ay ciidammada ammaanka ee xukuumadda Zenawi xabsiga u taxaabeen, isla markaana si xun u jidhdileen qaar ka mid xubnaha CUD ee dhawaan Baarlamaanka loo soo doortay.

Qiyaastii 20 xubnood, oo qaarkood ay xildhibaano cusub yihiin, ayaa la xidhay iyagoo laga afduubay xarunta xisbiga CUD. Xisbiga CUD ayaa arrintan ku tilmaamay inay tahay ujeeddo lagu doonayo in lagu burburiyo xisbiga CUD, isla markaana kor loogu sii qaado xadgudubyadii loo gaysanayay xubnaha mucaaradka ah. 

Dabley reer Anuak ah oo maxaabiis soo furtay. 

Dabley u dhashay qabiilka Anuak ee dega gobolka Gambella ayaa weeraray xarun boolis iyo xabsiga magaalada Gambella, iyagoo xabsiga kala baxay maxaabiis badan oo reer Anuak ah oo lagu hayay iyo qaar ka mid ah jabhadda Gabmella ee ka soo horjeeda xukuumadda Itoobiya.

Weerar mir ah oo dagaalyahamiinta Anuak ay ku qaadeen magaalada Gambella waxaa la sheegay in lagu dilay afar askari. 

Dagaalyahamiinta Anuak waxaa dagal hubaysan kula jiraan xukuumadda Itoobiya oo xasuuq ba’an u gaysatay muddo hadda qiyaastii labo sano laga joogo, isla markaana cadaadis wayn ku haysa. 

Diblumaasiyiin lagu waraystay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in dhimashadu ay intaas aad uga badan tahay. Diblumaasiyiintani waxay sheegeen in dagaalyahamiintu ay markii hore weerareen kaniisad Kaatoligu leeyihiin oo magaalada ku taalla, ka dibna ay weerareen xarumta booliska iyo xabsiga, iyagoo oodda ka rogay maxaabiis badan oo halkaas kaga xidhnaa.  

Dad ku dhintay qulqulado ka dhacay Kenya. 

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in 3 qof ay ku dhinteen qulqulado sabtidii ka dhacay magaalada Kisumu oo ku taalla koonfur galbeed ee dalka Kenya. Qulquladahani waxay la xidhiidhaan dastuurka cusub ee Kenya. 

Hase yeeshee madaxa isbitaal maxalli ah oo magaaladaas ku yaalla ayaa sheegay in maydka ilaa iyo 10 qof la keenay isbitaalka. 

Dhibaatooyinakani waxay dheceen, ka dib markii kooxaha taageersan dastuurka cusub ee Kenya ay sabtidii qabteen bannaanbax ay dastuurka ku taageerayaan. 

Magaalada Kisumu waa meesha ay ugu badan yihiin dadka diiddan dastuurka cusub, kuwaasoo ku dhalliilsan dastuurka cusub inuu awood dheeraad ah siinayo madaxwaynaha. 

Madaxa booliska Kisumu aya asheegay in 47 qof xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo isniinta maxkamad la horkeenay. Wasiirka ammaanka gudaha ee Kenya ayaa isaguna axaddii sheegay in si aan naxariis lahayn loola dhaqmi doono dadkii masuulka ka ahaa shaqaaqooyinkan.

QAYBAHA KALE EE BARNAAMIJKA KA DHEGEYSO HALKAN

  Radio Xoriyo

01 November. 2005

Axmed Gaal-Eri 

Info@radioxoriyo.com

raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD