Ma xaqbaa in shariif xasan shiikh
adan uu ku mucaarado shirkii ay gareen barlamaanka DFKM ah?!!!!
Ra'yi :- Shariif xasan shiikh adan oo ah
godoomiyaha baarlamaan dfmkee somalia maha in uu maanta ka horyimaado
xumaada horu markeeda iyo hanaankeeda siyaasadeeda lakiinse waxaa la yaab ah
nin meel ka ah madaxa u sareeya oo meeshuu u ahaa mada usareeya uu
dhuminaayo waxaa la arakay shariif xasan shiikh adan.
Shariifka oo ah Runtii Gudoomiyaha baarlamaanka KMG isla markaana ah awoodda
ugu sareysa ee sharci dajinta ayaa ku gacanseyrey inuu amar ka qaato
Madaxweynaha , isagoo shariifku sheegay in isagu uu yahay hay'ad ka
madaxbanaan hay'adda fulinta ama dowladda oo uu isan marnaba amar ka qaadan
karin Madaxweynaha ama dowladda midna.
Taas na waxay muujinaysaa in shariifku uu yahay mucaarad ama gooni socod
hadii shariciga loo fiirshi shariifku waxaa ku socdaa wada khalada ah oo ka
baxsan qodobada u yaal dfkm ee soamalia markaas sharcigii ayuuu ku tuntay
meel laga batay aqlabiyad ahaan 149 meeshii laga rabay in noqdaan aqlabiyada
u gu hgoraysa 138 balse hada ay dhaaftay xurduntii ama barihii baarlamaanka
marka shariif ka maantay waxaa uu muujiyey kelisocod .
Maanta waxaan filaynay hadaanu nahay ardayda somaliyeed ama dhaam umada
somaliyeed meel kasta ay joogto dowlad somaliyeed oo ane tan ka danbayn
ayaan suagaynay balse maantay Somalidu waxay ku maahmaahdaa (meel lataabo
madaxaa ugu sareeysa ) .
Hadii uu madaxu xumaado inta ka hartay jirka way xumaanayaan ,taasna waxaan
ka wadaa shariika oo an madixii ugu sareeyayey ee dowlada maaha in uu maanta
noqdo qabqable ama uuku biiro raga hogaamiya kooxeedada taasna waa wax hada
soo baxay waa wax layaab leh ,War shariif fekradee ku soconaysaa maataadaa
ku soconaysaa mase fikiradii hii qabablayaashe mase waxaa ku so conaysaa
shariga iyo kala danayta ?.
Ugu danbaytii Waxaan ani taageero seniyaa xubnaha sida wada shaqaynta mudan
,sharafta mudan uga shaqayey midnimada somalliyeed iyo dhaman intaa
sharicigii u oolaaa dowlad raacay.
Waxaan talo usoo jeedinayaa dhaamaan qabqablayaasha shariifka oo isu
magcaabay qabqable misna ah ganacsade oo marsadexad ah godoomiyaha DFKM ah
in uu ka soo noqdo kuwii ku dhaqma tasduurka u yaal dowlada somaliyeed uu
hgaaminayo Mudane:C/laahi Yuusuf Axmed iyo in uu shariifku ku soo noqdo
shaqadiisii uu sida wanaagsan ukala wadi jiray .
War qabqab layalow maxaa ku danbayn mustaqbalka?
By:Mohamed Mohamoud Osman (Qoordheere)
E-mail Address: Mlambo77@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2005
Zenawi:
Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi: Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
kaddib markii ay waraysatay AP...
Guji May 13
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
|