Soomaaliya: Waa dal iyo dad aan
jeclahay..
Bile
Jaamac (Gaagaale)
sharmarke10@hotmail.com
Oslo, Norwey
Soomaaliya, waxaa degan dad muslimiin ah,
sidaa darteed waa jeclahay. Sababtana waxaa waaye aniga muslim baan ahay
sida tirada aadka iyo aadka u badan ee Soomaalida ah, ee muslimiinta ah.
Inkastoo eey jiraan baryahaan danbe dhowr
qofood oo Soomaali u dhashay laakiin si cad ee aan qarsoodi laheeyn u
cadeeystey, in eey ka baxeen diinta Islaamka, sida gabadha Soomaaliyeed ee
magaceeda la yiraahdo Ayaan Xirsi Cali, ee degan wadanka Holand, kana mid ah
xubin mudane baarlamaan.
Soomaaliya, waa jeclahay. Sababtoo ah, waa
wadanka aan ku dhashay; kuna soo koray; waxna i soo baray lacag la`aan.
Soomaaliya, waa jeclahay, maxaa yeelay waa
wadanka kaliya, ee aniga qof ahaan i siiyey fursad aan wax ku barto. Aniga,
qof ahaan waxaa ka soo jeedaa reer aad iyo aad faqri u ah; walina u ah faqri.
Sidaas oo eey tahay, waxaa wadanka Soomaaliya, aan ka helay fursad aad iyo
aad qaali u ah, ee aan meel kale ka heli laheeyn ee aduunkaan ka mid ah
sideey ila tahy.
Soomaaliya, waa wadan eey degan-yihiin dad
daacad ah; qabiil kastaa ama deegaan kastaa ha ka soo jeedaan.
Soomaaliya, waxaa degan gabdhaha iyo
dumarka lagu tilmaao in eey aduunka ugu qurxoon-yihiin.
Soomaaliya, waa wadan dhinaca kheeyraadka
ku jira lagu quudin karo -Bariga Afrika iyo Bartamaha Afrika oo dhan, muddo
aad iyo aad u dheer.
Soomaaliya, waa dal leh "badweyn" aad iyo
aad kheeyraad uga buuxa, hadii si fiican looga faa`ideeystana, Qaaradda
Afrika iyo meelo kale ee aduunka ka mid ahba, aad iyo aad uga baahi tira
karta dhinaca: gaajada iyo faqriga dhaqaale.
Soomaaliya, waa wadan ku fiican kuna
hormaray dhinaca -isgaarsiinta casriga ah-marka loo fiirsho ama loo eego
qaaradda eey degan-yihiin ee Afrika, taas oo eey u dheertahay-dalka
Soomaaliya oo aan dawlad dhexe ka jirin-.
Soomaaliya, waa ummad ka dagaalama
sharaftooda in meel looga dhaco; inkastoo eey faqri yihiin; dhinaca
dhaqaalaha iyo ayagoo xataa aan dawlad laheeyn.
Soomaaliya, waa dal yeelan kara dhawr
dawladood, laakiin isku ummad ah oo hal qoomiyadood wada ah, qoomiyadaasoo
ah -Qoomiyadd Soomaaliyeed.
Soomaaliya, waxaa degan dad aad iyo aad u
tiro yar; laakiin aduunka maanta jira ka muuqda, inkastoo dhibaato uun lagu
bartey.
Soomaaliya, waa dal iyo dad aduunka oo dhan
laga yaqaan.
Soomaaliya, waa dal iyo dad aduunka uu ka
yaabanyahay; sida dhibaatada ku dhacay eey uga dabaalanaayaan marka loo eego
dalka Ruwaanda oo kale tusaale ahaan.
Gabagabo, Soomaaliya waa dal iyo dad aan
aad iyo aad u jeclahay, dhinac kastaaa marka laga fiirsho ama laga eego,
waana ku qanacsahay shacabka Soomaaliyeed in eey yihiin dad lagu faani karo.
Soomaaliya, dhibaatooyin aad iyo aad u
badan ayaa ka jira, laakiin taas macnaheeda ma ahan in uu dalka xun-yahay
ama dadka Soomaaliyeed eey fiicneeyn ee waa duruuf waqtiga xaadirka ah
taagan, waana laga bixi karaa duruufta taagan ee shacabka Soomaaliyeed
dhex-taal; sida meelo badan ee aduunka ka mid ah ee uga talaabsadeen
dhibabkii soo maray, maantana aduunkaas duruufta adaga soo maray eey uga
gudbeen una gaareen barwaaqo iyo baraare; hadeey noqon laheeyd dalkooda ama
hadeey noqon laheeyd dadkooda. Soomaalidana waa gaari doontooda weeyna ku
socotaa wadaaas lagu gaari karo hurumarkaa ee bani`aadamka uu gaaray ama uu
u talaabsaday.
Bile Jaamac (Gaagaale)
sharmarke10@hotmail.com
Oslo, Norwey
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2005
Zenawi:
Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi: Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
kaddib markii ay waraysatay AP...
Guji May 13
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
|