USA: Tartankii Kursiga Bethnal Green (bariga London) iyo
Warbaahinta Maraykanka
Dagaalka Ciraaq ka socda waxuu noqday amase saameeyn weyn
ku yeeshay jahada loo hagayo siyaasadda dalal badan oo ku
dhaqma habka loo fasirto doorashada Dimuqraadinimada. Waxuu
dagaalkaas galaaftay xisbigii hogaamin jiray dalka Spain ka
dib markii raiisal wasaarihii markaas u si weyn u taageeray
dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq; sidoo kale waxuu kufaa
kacaa ka dhigay raiisalwasaaraha dalka Talyaaniga Perlesconi
oo isna ciidan iyo taageero u diray dagaalka Ciraaq.
Labada hogaamiye ee ka badbaaday doorasho dhacday duulintaanka Ciraq
kadib waxay ahaayeen raiisalwasaaraha dalka Austareliya Mr.Howard iyo
madexwene Bush, waxaana indhawaale isha lagu hayay bal sida uu u taabto
doorashada dalka Ingiriiska oo raiisalwasaaraha dalkaas Tony Blair uu
gacanta labaad ka ahaa ku duulaankii wadanka Ciraaq oo dhiig badani ka
qulqulayo.
Haddaba wadanka Britain oo systamkiisu ku dhisan yahay habka soo
dirashada wakiil matela deegaan cayiman, deedna xisbigii hela majoortigu
uu soo dhiso xukuumada, ayaa waxay ku xirantahy hadba deegaankaas dadka
ku nool nooca ay yihiin: midabka, diinta aydiyaloojiyada iyo wixii la
halmaala. Sidaas awgeed saxaafadda wadankan waxay si wayn u
falanqaynayeen oo asbuucyadii la soo dhaafay faalooyin isdaba jooga ka
bixinayeen deegaanka Bethnal Green & Bow oo aad is
oranayso ma degmo ka tiran wadanka maraykankaa sida looga xushay
deegaamada kale.
Yaa ku loolamayay Bethnal Green & Bow
Oona
King oo 37 jir ah waa gabadha ku fadhiday kursiga xaafadaas
8dii sano ee la soo dhaafay waana gabadh madow maraykana oo waxaa dhalay-
nin maraykanka madow oo u doodi jiray xuquuqda dadka dulman, lana
yiraahdo Preston King isagoo ahaa Professor dhiga maadada Plotical
science, waxuuna dalka maraykanka ka cararay sanadkii 1961-dii isagoo
lagu eedeeyay inuu dambi galay, waxaase cafiyay madexweyne Bill Clinton
sanadkii 2000ka, waxaa kaloo xussid mudan in Oona King ay ka qalin
jabisay Jamacadda Berkeley ee Gobalka California ; sidoo kale Oana King
waa gabadh yahuudiyada oo hooyadeed waa yahuuda ka soo jeeda dalka
Hungary waxaana la yiraahdaa Hazel King--sharciga dalka Israil qofkii
hooyadiis tahay yahuudiyad waa asal, laakiin aabaha lama aqoonsana oo
daaqadduu ka baxayaa; sidoo kale waa gabadh Ingiriis ah oo waxay ku
dhaltay sheffeiled oo ah dalka Britania. Oona King waxay caan ku tahay
inay u doodi jirtay dadka laga tiro badan yahay sida madowga iyadoo si
hagar la,aana ugu duuban jirtay inay u dagaalanto dadka ka soo haajira
dalalaka ay ka jiraan dagaalda sokeeye sida Soomaaliya iyo Kosovo, waxaa
kaloo lagu amaani jiray u howlgalka guriyeenta dadka hantida yar,iyo wax
ka qabashad baahida bulshada, waxaase ay si toosa u taageertay fikraddii
uu qabay hogamiyaheeda waa Tony Blair e ee ahaa dagaalkii Ciraaq,
taasoo wixii horumar ah ee ay kasbtay isku fuuqsatay, maadaama degmada
laga soo doorto ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta ah oo aan haba
yaraatee raali ka ahayn ku duulaankii Ciraaq.
George Gallow oo 50 jir ah waxuu 18 sano ku fadhiyay
kursiga degmada Galasgow ee Scot.isagoo ka mid ahaa xisbiga Tony Blair
ee Labourka, balse waxuu si toosa uga soo horjeestay go,aankii
hogaamiyihiisu ku doonayay in la weeraro Ciraaq, waxuuna kamid ahaa
dadkii ka qudbadeeyay mudaharaadkii ka dhacay London oo ay ka soo
qaybgaleen in kabadan 1milyan oo qof. George Gallow waxuu safar ku tagay
sanadkii 1994 tii wadanka Ciraaq isagoo la kulmay Sadaamkii Ciraaq
waxaana laga hayaa inuu ku yiri saddam :" waxaan kuugu immid inaan
muujiyo geesinimadaad iyo adkaysinka aad la timaadeen ", ayadoo
jariidada daily Telegaraph ay ku eedaysay inuu ka qaatay Saddaam 600 kun
doolar,balse George Gallow dacwuu ku soo oogay Jariidadaas isagoo yiri
la imaadaa cadayntaan kaga qaatay lacagtaas Saddaam, aakhirkiina waxaa
loo xukumay oo uu ka helay Jariidadaas 280kun oo doolar,lacagtaasoo
anfacday, waayo loolankiisii ayuu ku kharshgareeyay. Tony Blair oo aan
jeclaysan siduu u diidanyahay dagaalka Ciraaq waxuu ka eryay xisbiga
Labourka. George Gallowna waxuu samaystay xisbi u gaar ah waxuuna
ishaartay kursigii gabadhaas waa Oona kingiye oo is yiri kanaa taageero
ka helaysaa maadaama ay ku badan yihiin Muslimiintu, isagoo ka baqaya in
gobalkiisa Scotland oo wax kastoo la sheego u codeeya xisbiga talada
haya ee Labourka. Sidaas awgeed Gallow waxuu samaystay xisbi la yiraahdo
Respect waxuuna diiradda saaray inuu u ololeeyo xamaasadda dagaal ka soo
horjeesadka lagu wado Ciraaq.
Bethnal Green & Bow yaa ku nool
Wadanka Britain iyo waqooyiga Ireland muslimiinta ku nool waxaa lagu
qiyaasaa boqolkiiba afar(4%) Tirada guud ee dalkaas. Bethnal Green waa
degmada labaad ee ay ugu badan yihiin muslimiintu, badina waa dad kasoo
jeeda wadanka Bangaladhesh oo ka mid ahaa dhulalkii boqortooyada
Ingiriisku ka talin jireen in ka badan 200 sano, ayadoo dadka lagaga
badan yahay wadanka Ingiriisku ay u janjeereen xisbiga garabka
bidixda-dhexe ee Labourka, tusaale xisbiga garabka midig ee Conservatigu
waligii laguma arag qof ku soo baxa xisbigooda oo ah dadka laga
badanyahay, waxaa kaloo xusid mudan in golaha wasiirada dalka Britain ee
hogaanka u hayo Labourka uu ku jiro qof madaw ah ayagoo ka qatanaa
golahaas in kabadan 110 sano dadka madowgu, marka dadku inay arkaan
xaafadaas oo uu kasoo baxo xisbi aan ahayn Labourka waa wax ku fajac ah
dhacdada doorashada Ingiriiska.
Warbaahinta
Wadanka Maraykanku waxay ka qoreen iyo soo noqoshadii Raage O
omaar
Tan iyo markii raiisalwasaaraha dalka Britain Tony Blair uu ku dhawaaqay
inay dhacayso doorashada dalkaas 5tii May, waxay Joornaalada iyo
Telfeshinada wadankaan si wayn uga hadlayeen doorashadaas siiba
xaafaddaas aan ka hadlayno ee Bethnal green & Bow. Jariidada Washington
Post oo lagu tiriyo garabka bidixda-dhexe waxay bogageeda hore ku soo
daabacaysay doorashada Bethnal Green iyagoo sawirada Oana King kusoo
lifaaqayay,sidoo kale Joornaalka ay cakiska isku yihiin ee Washington
Times oo garabka Midig (far right) ayaa sidoo kale aan ka nasan soo
bandhigidda dhacdooyinka ka socda guud ahaan dalka Britain gaar ahaanna
dooda Oona King iyo George Gallow -doodaasoo marar badan hoos loo
dhaadhacayo sida iyadoo la leeyahay George Gallow waxuu ku yiraa
Muslimiinta waa yahuudiyade ha u codaynina, George Gallowse wuu
beeninyay inuu waxaas ku hadlay, dhanka kale George Gallow waxaa lagu
riixayay odaygii la tuuray ee Saddaam.Telefishinda ayaa faalooyin iyo
qormooyin buuxda kasoo lalinayay bartamaha iyo bariga London iyo
dagaalka ugu qadhaadhi inuu ka dhacayo xaafadda Bethnal Green & Bow oo
aad moodaysay inay degamadaasi u ekayd Ohio-yadii Britain.
Haddaba ayadoo dhagahayaga iyo indhuhuba ay ka dhergeen doorashada
xaafaddaas ayaa waxaa la soo gaaray maalmihii ugu dambaysay ee ololihii
doorashada. Telfeshinada iyo wargaysyada waxay nagu asqeeyeen xayaysiis
uu mid waliba uu ku kasbanayo inuu si toosa (Live) uu usoo gudbinayo
natiijada doorashada, kuwaasoo ku beegay marka shaqada laga soo
laabanayo ee 5:30 galabnimo ee saacadda washiongton, DC. Amase 10:30
habeenimo ee saacadda London .
Waxaase aan orankaraa Chanaalka C-span2 ayaa kasbaday daawadayaashii
doorashada maadaama uu si toosa ugu soo qaadanayay BBC News Night oo ay
isugu yimaadeen maqaawiirtii iyo khubaradii tiirarka u ahaa BBC da.
Waxaa qaybinayay ruug cadaagii David, xagga kale waxaa indhahaagu ayna
marna ka libiqsanayn Peter (Peter-dheere) oo kaga yaabiyay
dawadayaashiisa hadba inta uu usoo jiro 3-da tartame 10 Downing Streetka
uu galo raiisalwasaaraha; waxaa kaloo fadhiyay Jeremy oo qofkuu waraysto
dhegta dambe ka dhidido, waxaana hal mar mud soo yiri xidigii wariyaasha
dagaalkii Ciraaq ee Raage Xaaji Cabdillaahi Oomaar oo sii bilay haddana
markii loo doortay inuu kasoo waramo xaafadda aynu ka hadlaynay ee
Bethnal Green & Bow,taasoo muujinaysa inuu soo laba kacleeyay dagaalkii
Ciraaq, marlabaadna uu kasoo waramayo xidigii kasbaday quluubta
dawadayaasha adduunkoo idil waa Raage e. Saacaddu markay ahayd abaarihii
10:00 fiidnimo xagayaga ,Londonna u ahayd 3:00 aroornimo ayuu Raage
A.Oomaar sidii uu usoo gabgabeeyay riditaankii Saddaam,usoo gabgabeeyay
in Ms.King kursigii aan laga daba hadli jirin tan iyo 1997dii maanta
laga tuuray oo nin kasoo hayaamay Galasgow ee Scotland marooqsaday,
waxaana soo afjarmay warbaahinta maalmo ay nagu waalayeen dagaalka ka
socda Bethnal Green & Bow. Qaarkood waxayba yiraahdeen wadadii aabaheed
ma marin waayo aabaheed dambiga uu dalkiisa uga maqnaa 40 sano waxuu
ahaa inuu diiday ka qaybgalka ciidamada loo dirayo dagaallada,iyana
waxay taageeray dagaal aan caddayn buuxda loo hayn ee ah in hub
waxgumaada lagu baabi'inayo.
Tarjumadii SomaliTalk.com | May 13, 2005
Zenawi:
Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi: Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso"
kaddib markii ay waraysatay AP...
Guji May 13
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.