Yaa Baarlamaanka isugu yeeri kara shir?
May 12, 2005
Ma doonayo inaan ka hadlo khilaaf udhexeeya
goloyaasha dawlada, waxaanse jeclaystay inaan wax ka dhaho qodobo dadka lagu
wareeriyo sharci ahaanshahoodana shaki la galiyo. Sida aan la wada socono
waxaan in mudo ah maqlaynay koox hebel baa ku tumatay dastuurkii dalka
uyiilay iyo koox hebel ayaa raba inay sharciga hor istaagaan.
Waxaa ii suura gashay inaan helo, isla
markaana aan akhriyo dastuurka ku meelgaarka ah ee lagu unkay dhismaha
dawladan federalka ee ku meelgaarka ah. Waxaan markaas ka gadaal jeclaystay
inaan usoo bandhigo shacabka lagu khaldo waxyaabaha ku saabsan dastuurka iyo
sharci ahaanshaha wax yaabaha laysku hayaba.
Ma doonayo inaan ka hadlo sidoo kale
khilaafka bilowgiisii ama cida khaladka leh toona, waxaanse wax yar idiinka
iftiiminayaa qodobka xiisaha leh beryahan siiba markii ay xumbanaha
baarlamaanku ay shir uu ka maqan yahay gudoomiyaha isugu yimaadeen kuna
ansixiyiin qodobo sharci noqonaya ansixintaas kadib.
Waxaa laga yaabaa in dad badani isweydiiyo,
shirkii dhacay Arbaco May 11,2005 ma sharcibaa qabsoomidiisa iyo wixii ay
ansixiyeenba, mise waa sharci daro.
Hadaba waakan qodobka sharaxaya sharci
ahaanshaha shirka baarlamaanka iyo qabashada shir baarlamaanku isugu yimaado
.
Sharciga tirsigiisu yahay 34 wuxuu leeyahay
sidan:
Shuruucda baarlamaanka:
1-Baarlamaanku wuxuu shir qaban karaa laba
goor sannadkiiba.
2-Hadii loo baahdo shir aan caadi ahayn
inuu yeesho baarlamaanku, waxaa isugu yeeri kara gudoomiya baarlamaanka
hadii uu codsado shirkaas madaxweynaha ama waxaa shirkaas aan caadiga ahayn
codsan kara xubnaha baarlamaanka tiro dhan sadexmeelood oo meel tirade
xubnaha baarlamaanka.
3-Shirarka baarlamaanku waxay sharci noqan
karaan marka ay goobta shirka soo xaadiraan kala bar tirade guud ee xubnaha
baarlamaanka oo lagu daray hal (taasoo la mida 138 xubnood inay shirka
joogaan)
Xeer Hoosaaska Baarlamaanka FKMG
ah: 2004-2009
Qodobka 4aad: Kalfadhiga Baarlamaanka:
1. Baarlamaanku wuxuu yeelanayaa laba kalfadhi sannadkiiba oo caadi
ah, wuxuu yeelan kaaraa kuwo aan caadi ahayn.
2. Kalfadhi kasta wuxuu soconayaa inta uu ka dhammaanayo ajendaha
hor yaalla oo ay kamid noqon karaan hindisayaasha sharci ee sida
deg-degga ah kuyimaada.
Qodobka 5aad: Kalfadhiyada aan caadiga
aheyn:
1. Fadhiyada aan caadiga aheyn (Extra-ordinary meetinga)
baarlamaanka waxaa soo jeedin kara:-
A. Madaxweynaha Jamhuuriyadda
B. Codsi ka yimaadda Xukuumadda
C. Codsi xubnaha Golaha oo gaaraya 1/3 xubnihiisa.
Qodobka 7aad: Ansixinta Kalfadhiyada Golaha:
1. Fadhiga ugu horreeya ee furitaanka Kalfadhiga Golaha Sharciga,
wuxuu ku ansaxayaa marka ay joogaan ugu yaraan 2/3 xubnihiisa.
2. Fadhiyada kale ee caadiga ah goluhu yeelanaayo wuxuu ku ansaxayaa
marka ay joogaan 50%+1 xubnaha golaha, marka laga reebo xaaladaha u
codeyntooda u baahan tahay cod aqlabiyad fudud.
Taariikh
Kooban ee Soomaaliya: 1960-2005
|
Hadaba waxaa halkaas ka cad in aysan ku
xirayn sharci ahaan shuhu joogitaanka ama ka maqnaanshaha gudoomiyaha
baarlamaanka.
Waxaa cad in hadii intaas oo qodob la helo,
uu shir qabsoomi karo wixii ka soo baxana ay sharci noqonayaan.
Sida aan la wada socono ama aan idaacadaha
iyo xarumaha warbaahinada aan kala soconay, waxaa shir aan cadi ahay markii
hore codsaday madaxweynaha taasoo uu ka dhaga adaygay gudoomiyaha
baarlamaanku. Sidoo kale waxaan markale maqlaynay in xubno ka badan sadex
meelood oo meel inay iyana codsadeen in gudoomiuhu uu shir qabto, iyadana
waa uu ku gacan sayray gudoomiyuhu.
Dad badan oo aan ka mid ahay ayaa waxay
isweyiin jireen yaa khaldan labadan kooxood.
Ka dib helitaankii buuga dastuurka waxaa ii
soo baxday in gudoomiyuhu uu wali ku jiro waayihii jabhadaynta, uuna ilowsan
yahay in dalka ay dawladi udhalatay waxa kaliya ee lagu wada socon karana ay
tahay in dastuurka qoran hada si dhaba loo akhriyo loona fahmo isagana wax
lagu qaybsado.
Waxaan aad ula yaabay gudoomiyaha
waraysigii uu siiyey idaacada BBC shirku markii uu socday, lana weydiiyey
sababta uu shirka ufuri waayey. Gudoomiyaha baarlamanku wuxuu warkiisii
dhaafi waayey kooxda xamar ku maqan ha soo noqoto.
Dib ayaan ugu noqday akhrin qodobkii ka
hadlayey shirarka baarlamaanka, waan ka waayey wax sheegaya hadii xubno
maqan yihiin shir lama qaban karo. Waxaan is iri armaa meel kale aad ka
heshaa qiilkaas gudoomiyuhu xuskaday, meelna waan ku arki waayey.
Hadaba akhristow isku dey sidaydoo kale
inaad hesho nuqul ka mida dastuurka, haduusan jirin mid cusub oo lagu soo
daabacay suuqa bakaaraha oo la iisheegay in wax kasta laga helo. Raadi oo si
fiican u’akhri dastuurka bal inaad wax yarna qiil ugu samayso ka
maqnaanshaha shirka ee gudoomiyaha baarlamaanka.
Waxaan filayaa in shirkii xubanah
baarlamaanku ku yeesheen Nairobi May 11,2005 uu tusaale uyahay dadka fara ku
tiriska ah ee doonaya inay shacabka Soomaaliyeed ee sugaya dawladnimada iyo
kala dambaynta inay khaldaan oo been ka dhaadhacshaan si ay dawladooda uga
horkeenaan,dano iyaga ugaarana ay ufushadaan kooxdaasi.
Ugu dambayntii waxaan warkayga ku soo
xirayaa, yay dani ugu jirtaa burburka dawladan ma inta xukunka haysa oo qura
mise Soomaaliyoo idil?.
Waxaan filayaa inay tahay tii ugu dambaysay
oo Soomaali loo unko, waxaana la inooka baahan yahay inaan ku fara adaygno
gidigeen meel kasta oo aan joognana usaro kacno iska qabashada kuwa usoo
dhar dhigtay dibindaabyada ummada, haday yihiin hogaamiye kooxeedyo iyo
haday yihiin Macalimiin Jaamicadeedba bulshada meeshay doonaan hakaga
jireene waa inaan iska qabanaa kuwa duminta uun yaqaan een wax dhiska aqoon.
Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu
baaqayaa gidigood taageerada dawlada inaan laga daalin inta ay ka sal
dhiganayso. Waxaan filayaa in bogg cusub aan ufuray Soomaaliya. Waxaaan
filayaa in madaxweynaha qudhiisu uu khudbadiisii ugu horaysay codsaday in la
is cafiyo oo waliba bogg cusub loo furo waana taas tan la rabaa in muwaadin
kasta uu ku baraarugo. Kii madaxweynaha mucaaradsanaa sidaydoo kale iyo
kuwii taageersanaaba maanta waa inaan isku meel ka soo wada jeesanaa oo aan
dalka wada dhisanaa cidu nagama lahee mucaarad iyo mu’ayidba. Mucaaradnimada
yaynaan dawlada iyo ishaas Soomaali usoo bidhaantay aynaan ka dumine aan
sugno inta dawladu soo celinayso nidaamkii iyo kala dambayntii, kadibna
ruuxii han siyaasadeed leh uu furtaa xisbi mucaarad ah.
Waxaan illaah nooga rajayn dhamaantayo inuu
wanaaga nagu garab galo oo nagu hanuuniyo xumaantana naga dhaqo gidigeed.
Waxaan eebe ka rajayn in Soomaaliya oo
sidan dhaanta uu dhakhso noo tuso.
Waxaan gidigeen inoo rajayn is cafin iyo is
walaalaysi inaan bilowno oo aan ka baxdo walaahowga aan ku jiro.
Wa billaahi tawfiiq.
Osman Ahmed
isxaaq@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo
aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2005
C/laahi Yuusuf
ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Taageero
Go'aankii Xubnaha Baarlamaanka FKMG ku Ansixiyeen Labada Qodob...
Minneapolis: Qoraal kasoo baxay qaar katirsan Jaaliyada
Soomaalida ee deggan Minnesota ayaa...
Guji... May 12
Ciidamo
ka socda Afrika oo Mogadishu ka bilaabi doona howlgalkooda ugu horeeya
»BFKMG
oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar
»Puntland
oo Beenisey in Ciidamo u Dirtay Gobolo kale
»Kismaayo:
Colaado Lagu soo afjaray tuulada kaanjiroon
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
May 11
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
|