Muhiimada
waxbarashadu u leedahay horumarka wadan.
Qormadaan waxaan kaga hadli doonaa
muhiimada ay waxbarashadu u leedahay horumarka wadan. Balse waxaan ugu
horeyn ku bilaabeynaa muhiimada tacliintu u leedahay shakhsiga caadiga ah.
Qoyl la yiraahdo kan ugu qiimaha iyo qadarinta muddani waa kan ilaahay
subxaanuhu wa tacaalaa.Haddaba eebe isagoo ka hadlaaya qiimaha tacliinta
waxaa uu yiri. “ Miyey siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan waxba aqoon”
Halkaas waxaa inooga cad muhiimada ay waxbarashadu aadanaha u leedahay.
Tacliintu waa mida shakhsiga u suurto gelisa in awooda maskaxeed ee ilaahay
ku minaystay uu si heer sare ah u isticmaalo. Maskaxda aadanuhu ma aha mid
dhisan oo tababaran ilaa inta ay tacliin ku filan ka heleyso. Maskaxda
dhisanina waxaa ay u sahashaa qofka inuu si sax ah u fekero, uuna gaaro
goàano macquul ah oo wax ku ool ah. Qofka jaahilka ahi waxaa uu la mid yahay
qof ku jira qol mugdi ah oo weliba daaqadihii iyo albaabadii loo xiray.
Balse kolkii qofkaasi tacliin helo ay la mid tahay iyadoo daaqadihii iyo
albaabadii loo furay, ka dibna uu dhinac walba iftiin kasoo galay.
Waxaa jira shey ay aqoonyahanadu ugu yeeraan( rationality), taas oo loola
jeedo in wax macquul ah kolkasta la qaato. Tusaale ahaan qofku kolka uu
yahay mid tacliintiihu ay wanaagsan tahay oo miisaaman
( rational), waxaa uu mar walba eegayaa in ficilka uu sameynayaa uu ugu
horeyn isaga faaìido u leeyahay, ka dibna uu bulshada faaìido u leeyahay.
Kolkaa ayuu ku dhaqaaqayaa ficilkii haddii uu labadaas shuruudood buuxiyo.
Hadddii kalese faraha ayuu ka qaadayaa oo wax kale ayuu sameynayaa.
Kolkeynu maanta eegno wadamada horey u maray hantida ugu weyn ee ay heerkaas
ku gaareen waa tacliinta dadkoodu leeyihiin.
Shirkadaha waaweyn ee wadamadaasi waxaa ay ku tartamaan sidii ay gacantu ugu
dhigi lahaayeen qofba qofkii uu ka tacliin wanaagsan yahay.
Kelmadaha sida aadka ah loo isticmaalo waxaa ka mid ah: “ The human capital”
oo loola jeedo hantida aqooneed ee uu qofku leeyahay.
Shirkadha qaarkood waxaaba ay qabaan in hantidaas aqooneed ee qofka
maskaxdiisa ku jirta lagu muujiyo xisaabaadka ay shirkadu sanadkii
diyaariyaan. Maxaa yeelay shirkadaha ay dadka aqoonta lihi ku badan yihiin
waa ka qaalisan yihiin kuwa aan haysan dad aqoon leh.
Wadamada horey u maray waxaa ay sanad walba
arimaha waxbarashada ku bixiyaan hanti aad u tiro badan. Tusaale ahaan
wadanka Iswiidhan oo ah wadan aad u yar waxaa uu sanadwalba waxbarashada ku
bixiyaa boqolkiiba sodoba ( 7%) ee dakhliga guud ee wadanka oo dhan soo
gala.
Halkaas waxaad ka aragtaa sida ay uga goàn tahay dowlada iney lacag tiro
badan ku bixiso arimaha tacliinta.
Haddii aynu taariikhda dib u raacno muddo haatan laba qarni laga joogo ayaa
nin caan ka ahaa kacaankii faransiiska oo la oran jirey Danton uu yiri
oraahdan soo socota. “ Tacliintu waa sheyga ugu muhiimsan ee uu aadanuhu u
baahan tahay kolkii laga reebo cuntada, dharka iyo hoyga”. Hadabada
masiibada ugu weyn ee maanta haysata wadamada soo koraaya waxaa ay salka ku
haysaa tacliin laàanta dadkooda haysata.
Baaritaankii ugu dameeyey ee ay hayàda waxbarashada qaramada midoobey ee
UNESCO samaysay, waxaa lagu sheegay in cadad ku dhow 836 milyan oo qof oo u
dhashay wadamada soo korayaa ay tacliinta asaasiga ah la`yihiin. Xiriir toos
ah ayaana ka dhexeeya fakhrinimada baàn ee wadamadaas haysata iyo tacliin
laàanta dadkooda. Aqoon yahanada baara arimaha saboolnimadu waxaa ay isku
raacsan yihiin in tacliintu ay qayb weyn ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha
wadan.
Madaxda wadamada saboolka ahi waxaa ay ku andacoodaan in aaney dhaqaale u
haynin arimaha waxbarashada. Balse halka uu dhibku ka imanayaa ma aha
dhaqaale xumo ee waa qorshe xumo. Haddii la eego lacagta wadamda saboolka
ahi ay ku bixiyaan soo iibsashada hubka waxaad si toos ah u arki kartaa in
aaney dhaqaale xumo jirin.
Madaxweynihii hore ee tanzania mudane
Julius Nyere ayaa isagoo madaxda africaanka la halaya ku calaacalayaY:
“ Ma caruurtayada ayaan gaajo iyo tacliin laàan ku dilaa si aan u bixino
deynta laynagu leeyahay”
“ Ma caruurtayada oo gaajeysan ayaan soo gadashada hubka kordhinaa”
“ Kolkii ciyaalkeenu saqda dhexe ay gaajo la ooyaan ma qoriga dagaalka ayaan
u dhiibnaa” Hadalada madaxweynaha waxaa ka cad in lacagta ka soo baxda ilaha
dhaqaalaha wadamada saboolka ahi ay meel qalad ah ku baxdo.
Gebagabo
Waxaan ka soo hadalay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay aadanaha iyo
weliba sida ay uga qayb qaadan karto horumarinta wadan.
Waxaan ku soo xirayaa maqaalkan dhiiri gelin iyo talo aan u soo jeedinaayo
dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed iyo waalidiinta. Anigoo ogsoon in waalid
badani ay aad ugu dadaalayaan iney ubadkooda tacliinta kula dadaalaan hadana
waxaan kusii dhiiri gelinayaa waalidkaas iney halkaas ka sii wadaan weliba
ay la tashadaan dadka kale ee iyagu leh takhsusaadka gaarka ah ee arimaha
waxbarashada. Dadkeena soomaliyeed badankeen waxaan umadkeena ka dhisnaa
xaga jirka inaga oo marwalba ugu dadaala xaga cuntada. Balse waxaa iyana
sidaas oo kale muhiim u ah in ubadka laga dhiso dhinaca maskaxda. Maanta
wadankeenii quruxda badnaa waxaa sida uu yahay ka dhigay arimo salka ku hayo
aqoon la àan. Dhalinyarada waxaan kula talinayaa iney xoogooda iyo
xeeladooda isu geeyaan dhinaca tacliinta inta ay da`yar yihiin.
Anigu waxaan ahay aqoonyahan soomaaliyeed mudana ku soo jirey arimaha
waxbarashada, waxaana diyaar u ahay inaan waxii talo ah ee ku saabsan xaga
tacliinta iyo qaabka loo wajahi karo aan kala qayb qaato waalidiinta iyo
dhalinta waxbaraneysaba. Ciwaankeygu halkaan hoose waa kan ku qoran. Waxii
aan wax ka ogahay kaa hagran maayo.
Mahadsanidin
Cabdirisaq maxamed Xuseen
University of Gävle- qaybta dhaqaalaha- Sweden
habdirisak@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo
aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2005
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
|