Boqorka Swaziland oo isku
diyaarinaya inuu guursado Haweeneydii 12-aad muddo ka
yar saddex todobaad

Mswati III
|
“Nin Adduunka joogoow maxaa
aragti kuu laaban”, Tanna waa sheeko layaab leh oo ka
hadlaysa Boqorka Swaziland oo qorsheynaya inuu guursado
xaaskii 12-aad, tanina waa qayb weyn oo ka mid ah diin
la’aanta.
Boqorka Swaziland oo lagu
magacaabo Mswati III ayaa isla qaba haatan 11-haween ah oo
middii ugu dambeysay oo lagu magacaabi jiray Noliqwa
Ntentesa oo 20-jir ah uu guursaday muddo laga joogo saddex
isbuuc ka hor, waxayna haatan ku jiraan bishoodii Malabka,
sidoo kale wuxuu haatan qorsheynayaa inuu guursado
haweeneydii 12-aad oo ah gabar oo 18-jira isla markaana
ardayad ah laguna magacaabo Nothando Dube.

Mswati III (dhexda) oo la
fadhiya mid kamid ah xaasaskiisa (midig)
|
“Waa run inuu Boqorku doonayo
inuu guursaday gabadhan lagu magacaabo Nothando Dube laguna
naynaaso (Inkhosikati La Dube) sabtidiina uu mehersaday”
sidaa waxaa u sheegay warbaahinta dalkaas Jim Gama oo ah
Guddoomiyaha Gobolka Ludzidzini.
Boqorka Mswati III oo haatan
37-jir ah ayaa guursaday tan iyo sidii uu boqorka uga noqday
dalka Swaziland haween tiradoodu gaarayso 11-haween ah oo
uusan midna furin, waxaana boqorka ka hor guurkaan faraha
badan uu muddo dheer ahaa doob aan weligii guursan,
haweeneydii 11-aad ayuu la aqal galay dhammaad bishii May ee
aynu soo dhaafnay, wuxuu haatan qorsheynayaa inuu la
aqal-galo sannad kaddib gabadha uu haatan mehersaday oo
iyadu ah ardayad dugsiga sare fasalkiisa ugu dambeeya,
boqorkuna wuxuu u fasaxay inay dhameysato waxbarashadeeda,
waana caado ka jirta waddamo badan oo Afrikaan ah in
gabadhaha aan la guursan iyagoo ka yar da’da 18-ka amaba
iskuul dhigata.

Mswati III oo hogaaminaya
dagaalyahanada "worrier"
|

Mswati III oo ka khudbaynaya
xarunta qaramada Midoobey
|
Mswati III oo ka hadlayay
guurkiisaan faraha badan ayaa yiri: ”Reer Swaziland ahaan
waxaan leennahay dhaqan iyo caado noo gaar ah, waxaanan
anigu hadda dhowrayaa dhaqanka dalkeyga iyo ka dadkeyga ee
soo jireenka ah”.
Dhammaadkii bishii Ogosto ee
sannadii hore ayuu boqor Mswati III oo ku labisan dhar laga
sameeyay haragga shabeelka ku qabtay guriga Boqortooyada
dalkaas xaflad uu ugu dabbaaldagayo xilligii uu qabtay
boqortooyada dalkaas, waxaana halkaas isugu soo ururay
haween dhallinyaro ah oo aad u fara badan, waxayna
dhammaantood ku dheelayeen boqorka hortiisa, iyadoo mid
walbaahi ay dhoollo-caddeynayso rajeynaysana inay indhaha
boqorka soo jiidato oo ay sidaa uga mid noqoto aqalka
boqortooyada dalkaas, waxayna aaminsan yihiin in
mustaqbalkooda uu sidaa ku jiro.
Xafladdu markay soo
gabagabowday ayay gabar walba u reebtay boqorka masawirro ay
iska qaadeen, wuxuuna halkaas kala baxay gabar ka mid ahayd
gabdhihii ka soo qaybgalay xafladda oo uu sawirkeeda ka
helay, waana caadada boqorka Mswati III inuu sannad walba
guursado gabar ama laba amase saddex gabdhood oo cusub.
Gabar ka mid ahayd 20-kun oo
gabadhood oo ka ciyaarayay xafladdii arooska boqorka ee
dhacday bishii May dhamaadkeedii oo 15-jir ah ayaa tiri:
“Aniga iyo Hooyadey waxaan ku nool nahay nolol aad iyo aad u
ciriiri badan, waxaana raashinka aan nafta ku ceshanno oo
aad u yar aan ka helnaa barnaamijka Cunnada Adduunka ee (FAO),
biyaha aan cabno waxaan ka hoorsannaa guriga aan ku nool
nahay oo ka sameysan dhoobo kor iyo hoos, biyahaas ayaanan
ku qadnaa xilli roobaad illaa xilli roobaad kale, Aabbahay
wuxuu u dhintay cudurka AIDS-ka, hooyadeyna waxay ku
dadaashaa inaan waxbarto ama aan noqto gabar caan ah, waxaan
halkan uga ciyaarayana waa uun armaad ka mid noqotaa
haweenka uu guursan doono Boqorka”. waxay intaas ku dartay
inay doonayso inay noqoto xaaska boqorka ayna ku socoto
gaari Mercedes ah maalin uun.
Dalka Swaziland oo ah waddan
ku dhex yaalla gudaha qariidadda dalka South Africa ayaa ah
dal ay dadkiisu 65% qabaan cudurka AIDS-ka, sidoo kale
dalkaas ayaa ah dal dadkiisu ay faqri la tiicayaan, waxaana
in ka yar hal dollar maalintii ku nool dad gaaraya 1.2
Milyan oo qof, boqorkuna wuxuu xaflad walba oo uu qabanayo
ku bixiyaa lacag gaaraysa 1-Milyan iyo dheeraad Dollar.
Sida ay tilmaamayaan
tirakoobyadii ugu dambeeyay ee laga soo saaray dalka
Swaziland ayaa sheegaya in saddex meelood oo meel dadka
dalkaas ku nool ay qabaan cudurka halista ah ee AIDS-ka,
dhallinyaro gaaraysa illaa 1-Milyan ayaa sannad walba qaada
cudurka AIDS-ka amaba Virus dhaliya cudurkaas halista ah.
sidoo kale faqriga ayaa ah mid si weyn ugu sii fidaya
dalkaas.
Hooyooyinka dalka Swaziland
ayaa ku eedeeyay Boqorka dalkaas Mswati III inuu gabdhahooda
ka ugaarsanayo iskuullada uuna doonayo inuu guursado iyagoo
aan ka bixin xilligii xaaraan-tinimeynayay guurkooda oo jira
15 illaa 18-sano, balse xukun loogu ogolaanayo Boqorku inuu
joogteeyo caadadiisa ah naago guursiga badan ayaa ka soo
baxay maxkamadda sare ee dalkaas.
Taariikhda Boqorka iyo
Boqortooyada hoos ka akhri:::
Waxaa
tarjumay: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)
E-mail:
jantiile12@hotmail.com
Isha Wararka: Wakaaladaha
Wararka
QORAALADII HORE EE
JANTIILE::: GUJI...
Faafin: Somalitalk.com |
June 15, 2005
Sawirada: Google Search
Taariikh Kooban ee Boqor
Mswati III & Boqortooyada Swaziland
Mswati III waxa uu dhashay
April 19, 1968, waxana dhalay boqorkii dalka Swaziland oo
magaciisa la oran jirey Sobhuza II. Waxana uu boqor Mswati
III dhaxalka boqortooyada la wareegey sannadkii 1986 kaddib
geeridii aabihiis.
Mswati III waxa uu ahaa
wiilkii 67aad ee boqorkii da'da weynaa ee King Sobhuza II,
waxana uu ahaa wiilka keliya ee ay dhashay Ntombi Thwala (haweeneydaas
oo loo yaqaan Inkosikati LaTfwala) oo ahayd haweeney kamid
ah xaasaskii boqorka kuwii ugu da'da yaraa. Waxa uu Mswati
III ku dhashay cisbitaalka Raleigh Fitkin Memorial
Hospital, waxana uu dhashay dhawr bilood ka hor
xornimadii ay dalka Swaziland ka qaateen dalka Ingiriska.
Mswati III markii uu dhashay magacii loo bixiyey waxa uu
ahaa Makhosetwe.

Boqor Sobhuza
II |
Boqorkan aabihiis King Sobhuza
II (July 22, 1899 - August 21, 1982) waxa uu ahaan jirey
boqorka Swaziland. Waxaa cajaa'ib ahayd in boqorkaas hore uu
aabihiis dhintay December 10, 1899 xilligaas oo
Sobhuza ay da'diisu ahayd dhawr bilood oo keliya, waxaana
xukunka sii qabtay ayeeyadiis oo lagu magcaabi jirey,
Labotsibeni Gwamile Mdluli, waxaayna xukunka ku simeysey
boqorkaas ilaa laga soo gaarey December 22, 1921. Markaas
ayuu xukunka la wareegey King Sobhuza II waxana uu
boqortooyada haystey in ka badan 60 sano, taas oo ka dhigtay
boqorkii ugu waqtiga dheeraa Swaziland, ilaa uu ka
geeriyoodey 1982.
Markii uu Sobhuza II u dhintay
limooniya (pneumonia) sannadkii 1982, ayaa gudiga
boqortooyadu waxa ay caleema saareen Makhosetwe (waa boqor
Mswati III) oo markaas da'diisu ahayd 14-jir. Afartii sano
ee uga dhinayd 18-jirka waxaa dalka sii xakumey laba haween
ah oo kal aahaa Queen Dzeliwe Shongwe (1982-1983) iyo Queen
Ntombi Thwala (1983-1986) xilligaas waxaa la sugayey inta uu
boqorkan da'da yari soo dhamaystirayo iskuulka uu dhiganeyey,
waxana uu dhigan jirey dugsiga lagu magcaabo Sherborne
School.
Mswati III waxaa si rasmi ah
loogu caleemo saaray boqortooyada Swaziland markey
taariikhdu ahayd April 25, 1986 xilligaas oo uu jirey 18
sano iyo 6 maalmood, taas oo ka dhigeysa boqorkii ugu da'da
ayaraa ee la caleema saaro. Waxaa boqortooyada si wada jir
ah u hagay boqorkan da'da yar iyo hooyadiis oo lagu naanayso
"marioodiga dhediga ah ee weyn".
Maanta waa boqortooyada ugu
dambeysey ee ka jirta Afrika oo xukunka aan cidna la taraxin
fara adagna ku haysa dalkeeda.
Boqorkan waxaa lagu eedeeyaa
in uu dhaqaalihii dalka oo dhan ku bixiyo wax uu asagu ku
raaxaysto, sida gawaarida dhaareer ee xaragada ee loo yaqaan
"limousines", diyaarado farabadan, guryo qurux badan oo ay
ku nool yihiin xaasaskiisa tirada badan, saxaafaduna haba
yaraatyee dalkiisa guduhiisa kama hadli karto. Laakiin waxa
uu soo celiyey baarlamaankii uu aabihiis mamnuucay.
Sannadkii waxaa mar la qabtaa
ciyaar loo yaqaan "Reed Dance" taas oo ay ka soo qayb
galaan 20,000 (labaatan kun) oo gabdho ah oo naasuhu u
qaawan yihiin, waana xilliga uu boqorku halkaas ka xusho
xaas cusub, waana tan sheekada sare ay ku saabsanayd.

Sida dhaqanka u ah
boqortooyada Swaziland lama sii magcaabo qofka bedelaya
boqorka. Marka boqorku dhinto ayaa boqortooyadu waxay
doortaan wiil ay dhashay mid kamid ah xaasakii boqorka
dhintay, xaaskaas oo loo yaqaan 'xaaskii weyneyd' taas oo ay
magacaas kula baxday in ay ahayd qof karti badan, isla ma
ahaataasna boqorka u dhashay hal-wiil oo keliya. Wiilkaas
ayaa noqonaya boqorka cusub, sidaas ayuuna boqornimada ku
helay boqorkan hadda haysta ee la magac baxay Mswati III.
Waa soo ururiyey
SomaliTalk.com
Faafin: Somalitalk.com |
June 15, 2005
|
Akhri qisadii:
Boqorka Belgium oo Taageeray Agaasime Difaacay Gabar
Xijaaban