SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Dagaalo laga dayriyay qasaarooyinkii ay geysteen ayaa mar kale ka bilowday magaalada baladweyne ee Xarunta u ah G/Hiiraan.
  • SAFIIRKA TALYAANIGA EE YEMEN OO SHEEGAY INEYSAN JIRIN SI GAAR AH OO EY MIHIMAD USIINAYAAN ARIMAHA SOOMAALIYA

Dagaalo laga dayriyay qasaarooyinkii ay geysteen ayaa mar kale ka bilowday magaalada baladweyne ee Xarunta u ah G/Hiiraan.

  • W/D: Abdifitahaam Ahmed

June 9: Dagaaladaan ayaa mar kale saakay aroortii ka bilowday Xarunta G/Hiiraan ee Baladweyne, waxaana xalayna galbeedka magaalada ka dhacay dagaal aad u culus oo qasaarooyin maal iyo nafsadeedba geestay.

Waxaana saakay shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ku soo toosee dhawaaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada beelood ee dagaalka ku dhexmaraya Baladweyn.

Waxaana maalintii shalay aheed si lama filaan ah uu ku biloowday dagaalkan oo ilaa habeenimadii xalay si goos goos ah ugu dhex socday labadii beeleed ee halkaasi ku dagaalamayay, waxaanan weli lagu guulaysan waan waantii ay wadeen odoyaasha labada beelood ee dagaalka dhaxmaray waxaana xabad joojintii la dhax dhigay ay noqotay mid burburta.

Waxaana dhinac walba ay ku andaconayaan in dhinaca kale ay bilaabeen rasaasta, waxaana goobaha uu dagaalka ka dhacay ay warar aan ka heleyno ay sheegayaan in dagaalkii ugu dambeeyey ee shalay iyo xalay dhacay ay ku dhinteen “9” ruux oo oo ka tirsan maleeshiyaadkii halkaas ku dagaalamay, lamana oga ilaa hada dhaawaca iyo dhimashda soo gaaray dad rayidka ah lama sheegi karo tirada oo rasmi. [Warar kale ayaa sheegay in 36 qof ay ku dhinteen dagaaladaasi intii ay ka socdeen magaalada Baladweyne oo 300 km woqooyi ka xigta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.]

Guddiga dhexdhexaadinta labadda dhinac oo saaka ku balan sanaa in la dago goobta lagu dagaalamey ciidamana u diyaariyey, ayaa markale walaac ka muujinaya dagaalka bilowday, iyagoo ku tilmaamey sida ay hadalka u dhigeen dagaalka maalintii shaley soo cusboonaadey daacad darada ka muuqata waxgaradka beelaha iska hor-imaadka u dhaxeeyo.

Haddaba shacabka ku nool magaalada Balad Weyne oo si weyn uga walaacsan dagaalka iska soo daba noqdey ayaa sheegay sida ay u arkaan, waxa ay intooda badan kuu sheegayaan in colaada labadda dhinac lagu tilmaami karo mid ka qoto dheer dhul iyo deegaan la isku qabsadey, iyadoo qaarkoodna carabka ku dhufanaya mid siyaasad ay ku lug leedahay.

Wariye: Abdifitahaam Ahmed
E-mail: abdifitahaam@hotmail.com

Mogadishu | SomaliTalk | June 9, 2005 | Sawirka: Middle East Onl.


SAFIIRKA TALYAANIGA EE YEMEN OO SHEEGAY INEYSAN JIRIN SI GAAR AH OO EY MIHIMAD USIINAYAAN ARIMAHA SOOMAALIYA

Jun 9, 2005

 

Mr:Jakumu sanfilish dimuntay furtii
safiirka uu waqtigiisa dhamaaday ee talyaaniga u fadhiya wadanka YEMEN ayaa wareysi gaar ah oo uusiiyay saxiifadda AL-ayaam ee kasoo baxda wadanka yemen cadadkeedii maanta oo khamiis ah 4503-9/6/2005 waxaa uu ku caddeeyay in wadanka yemen uu kala shaqeeyay intii uu joogay arrimo badan oo ay ka mid aheyd arrinta geeska afrika gaar ahaan arimaha wadanka soomaaliya, kadibna waxaa saxiifadda  siiweydiisay in dadka arimahaan u dhuun duleela  u arkaan arimaha soomaaliya iney tahay sababta ciidanka talyaaniga u joogaan gobolka isla markaana soomaaliya oo ah mustacmardii talyaaniga  muhimad gaar ah siinayaan, wuxuuna ku jawaabay markuu uga mahad celiyay su'aasha weydiinteeda kadib ayuu sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegayo in talyaaniga soomaliya uu kaleeyahay muhimad gaar isla markaana qeyb un ay ka yihiin dadaalka caalamka ugu jiro dajinta iyo nabad kusoo dabaalidda wadanka soomaaliya iyo waliba dhowridda madax banaanida iyo midnimada dalka soomaaliya, sidoo kalana wuxuu sheegay in dhibaatada soomaaliya eysan aheyn mid gaar ku ah soomaalida hase ahaatee ey dhibaato ku tahay gobolka oo dhan sababtoo ah dowlada yemen xitaa dhibaato ayey ku  qabtaa waayo waxaa jira qaxooti badan oo soomaali ah  una soo qaxa dhanka wadanka yemen, sidoo kale waxaa meesha kujira ayuu sii raaciyay in soomaaliya ku taallo meel muhiim u ah caalamka gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo kalluumeysiga saas daraadeed caalamka oo dhan wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa sidii soomaaliya looga dhigi lahaa meel amaan ah isla markaa loogu taageeri lahaa in shacabka soomaaliyeed dhibaatada ka baxo uuna sameeyo horumar dhinac walba ah ayaa uu kusoo gaba gabeeyay  ((Mr:Jakumu sanfilish dimuntay furtii)) safiirka talyaaniga ee kasii tagaya safaaradda talyaaniga sanca hadalkiisii

ISha: http://www.al-ayyam.info

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji 
abuukarsom@hotmail.com

Qaahira Masar  

Faafin:  SomaliTalk.com | June 9, 2005

Addis Ababa: 22 Qof ayaa la Diley, Boqolaal Kalena Waa la Dhaawacay
»Labada Gole ee DFKMG oo Laga Saaray Hotel 680, Nairobi
»Isbaarooyinkii Muqdisho oo Qaarkood oo dib loo soo celiyey
»Soomaalida oo ka qeybgashay dood ka dhacday B/Sweden
»Wadahadalladii Beledxaawo & Mandera oo la gabagabeeyey
Wararka oo dhan ka akhri halkan...Guji Jun 8, 2005

Dagaal Ka Dhacay Shilaabo dusheeda
iyo Idaajaa oo ku baaqay in JWXO la taageero Guji...

Cali Geddi oo ka Dagay Jowhar
Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah iyo xubno uu hogaamiyo uuna ka  mid yahay Wasiirka .. Guji Jun 7

Warsaxaafadeed: Gudoomiyaha KMG ee SAMO
Maxamed Mukhtaar Maxamed "Taarey"
ayaa... Guji Jun 7


Maxay isku Khilaafeen C/laahi  iyo Cali Geeddi
Khilaafkan oo hadda la soo afjaray, kaas oo u dhexeeyey Madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Geeddi ayaa guntiisu ahayd kaddib markii.. Guji...

Saxafiyad Soomaaliyeed oo Lagu Diley Wadada Afgooye
Duniyo Muxudiin Nuur waxaa la diley ayadoo Guji

Maalinta Dhirta oo si Weyn Looga Xusay Galkacyo
"Yaynaan Dhaqan Wareegine Kaca Aan Dhir Beeree": waa hal-ku-dheggii munaasabada Galkacyo... Guji...


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD