- Addis
Ababa: 22 Qof ayaa la Diley, Boqolaal Kalena
Waa la Dhaawacay Rabshado ka Dhashay
Doorashadii Ethiopia
- Hotelka
680 oo muddo xarun u ahaa labada gole ee
dowlada FKMG ah oo la faaruqiyay Maanta.
-
Isbaarooyinkii laga qaaday mogadisho Shalay
oo dib loo Soo dhigay maanta qaarkood!.
-
Soomaalida Sweden oo ka qeybgalay dood ka
dhacday Baarlamanka Sweden
-
Wadahadalladii nabadda ee degmooyinka
Beledxaawo- Soomaaliya iyo Mandera-Kenya oo
soo gebageboobay
Addis Ababa: 22 Qof ayaa la Diley, Boqolaal
Kalena Waa la Dhaawacay Rabshado ka Dhashay Doorashadii Ethiopia...
- Kuxigeenka xisbiga CUD: Xukuumadu waxay
argagax gelineysa Shacabka...
Wararka ka
imanaya magaalada Addis Ababa ee caasimada u ah dalka Soomaalida qaybta ka
gumeysta ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 22 qof ay dileen
ciidamada daacada u ah xukuumada ka arimisa Addis Ababa, dadkaas oo ka
mudaharaadayey musuqmaasuqa doorashooyinkii dhowaanta ka dhacay dalkaasi.
Sida laga soo xigtey hay'adda wararka ee
World News, dhakhaatiirta magaalada Addis Ababa waxa ay xaqiijineen in 22
qof oo shacab ah dhinteen kuwaas oo ay toogteen ciidamadu, boqolaal qof oo
dhaawac ahna lagu daweeyey dakhtarka, dadkaas oo qaba dhaaca rasaas ka soo
gaartey.
Rabshadan
hadda ka socota Addis Ababa waxa ay bilaabatay Isniintii kaddib markii ay
ardaydu ka mudaaharaadeen muqus maasuqii doorashaadii dhaacday May 15keedii ee
lagu soo dooraneyey ra'iisul wasaaraha.
Xisibiga Mucaaradka ee CUD waxay ku
eedeeyeen in xisbiga talada dalkaas haysta ee EPRDF in uu ku shubtay doorashada,
isla mar ahaantaasna uu xisbigaasi cagta saaraayo ama caburinayo natiijadii
saxda ahayd ee ka soo baxday doorshada.
Wadamada
midowga Yurub waxay wax laga yaqyaqsado ku tilmaameen bendowga la saaray
hogaamiyaha mucaaradka Hailu Shewal oo gurigiisa lagu xabisay. Waxana wararku
sheegeen in Hailu uu telefoon warbaahinta ugu sheegay in rabshadihii arbacada
kahor loo diidey in uu gurigiisa ka baxo. Xoghaya guud ee Qaramaad midoobey,
Kofi Annan, waxa uu cambaareeyey rabshadaha Addis ababa.
Wasiirka
warfaafinta Itoobiya, Bereket Simon, isla
markaas ah afhayeenka Xisbiga talada haya ee EPRDF, waxa uu rabshadaha ku
eedeeyey in ay ka dambeeyaan mucaaradka. Laakiin waxaa taas ganafka ku dhuftay
kuxigeenka xisbiga CUD, Berhanu Nega, kaddib markii uu sheegay in aan xisbigiisu
ka dambeyn rabshadaha, waxana uu sheegay in xukuumadu ay argagax gelineyso
shacabka, ismarkaasna ay buruburineyso mucaaradka.
Arday
magaciisa la yiraahdo Liya Tsion, oo 17-jir ah, waxa uu yiri boolisku waxay orod
kusoo galeen koleehjada (technical college), waxayna bilaabeen in ay ardayda
garaacaan, isla-mar-ahaantaasna madaxa kaga garaacaan qoryaha baadkooda (Eeg
sawirka). Madaxweyne ku xigeenka Kolejada, Assefa Akirso, waxa uu Talaadadii
sheegay in ay ahayd in ay booliisku macalimiinta la tashadaan ka hor intii aysan
ku soo duulin ama xooga kusoo gelin. Wararka halkaas ka imanaya waxay intaas ku
dareen in booliisku ay banaanka u soo jiidayeen arday dhiig ka daadanayo.
Raadiyaha ay xukuumadu maamusho waxa uu
Isniitii sheegay in ay xabsiga u taxaabeen 370 arday, iyo 50 qof oo kale oo ay
ugu yeereen "rabshoolayaal".
Meles Zenawi waxa uu mudaharadaada mamnuucay
wax yar ka dib doorashadii May 15keedii, doorashadaas oo ah tan ubucda u ah
rabshadaha hadda ka aloosan Addis Ababa.
Isha: World News | Canada News | Sawirada :
Yahoo Search
Hotelka
680 oo muddo xarun u ahaa labada gole ee
dowlada FKMG ah oo la faaruqiyay Maanta.
Ka
bixitaanka Hotelka 680 xubnaha labada gole
ee baarlamaanka iyo dowladda ayaa ka
dambeeyay ka dib digniin dhowr jeer horey
loogu jeediyay Soomaalida in ay ka
baxaan,digniinta ugu dambaysa ayaa timid
kadib qoraal digniin ahaa oo lagu dhajiyay
Albaabka laga soo galo hotelka iyo hoolka
laga cunteeyaba.
Balanta ugu
dambaysay ee ka guuristoodu ayaa ku sinayd Maanta galinkii
hore, waxa ayna guda galeen xubnaha labad
gole in ay ka qaataan boorsooyinkooda
maanta waxa ayna badankooda dageen hotelo
kale oo dhaw kan laga saaray ee 680.
Xubnaha laba
gole ee wali ku harsan Nairobi ayaa waxaa daraad loo
siiyay mid walba oo ka mid ah lacag dhan kun shan boqol iyo lixdan dolar
($1,560)
lacagahaas oo ahaa kuwo loogu qoondeeyay
mushaar ahaan.
Xubnaha
baarlamaanka iyo dowlada waxii ka dambeeyay
dhismohoodi waxaa ka bixinayay qarashyada ay
ku dagan yihiin Beesha caalamka Gaar ahaan
Midawga Yurub, Jaamacada Carabta iyo Hay'addo
kale oo ka tirsan QM,hadana inta badan waxaa
lagu hayay digniin.
Maamulada
Hotelad ay Somalidu dagan yihiin ayaa aad
uga cabanayay Somalida,waxa ayna ku
eedaynayeen in ay dhibaato u keenayaan,waxa
ayna dhinaca amaanka saarayaan waxii ka
dambeeyay markii baarlamaanka ay isku
garaaceen kuraasta, isla hotelkan waxa ay
cabsi wayni ka dhalatay kadib markii mid ah
wasiiro ku xigeenada uu sigaar uu cabayay
dabkii ka soo haray uu qabsaday guriga laba
qolna ay ku gubteen laakiin laga gaaray.
Xildhibanada
halka ay dagayaan in ay jirto cid kale oo
balan qaaday qarashka ku baxayaba waxaan
waydiiyay wasiirka dhawaan loo magacaabay
wasaarada warfaafinta Maxamad Abdi
xayir,waxa uuna sheegay in qaarkood ay
dageen hotelo ku yaala magaalada oo ay iyagu
is dabarayaan,halka qaarkoodna ay dageen
Deegaanka Somalida ee Islii.
Waxa uuna
intaas ku daray Wasiirka warfaafinta in bari
ay wasiiradu kulan iskugu imaanayaan iyagoo
ka wada hadli doona goorta ay dowlada
guurayso iyo halka ay dagaysaba
Isbaarooyinkii
laga qaaday mogadisho Shalay oo dib loo Soo dhigay maanta qaarkood!.
Laba ka mid ah isbaarooyinkii la qaaday shalay
ayaa maanta dib loogu soo celiyay goobihii laga qaaday,waxa ayna sababtay in
gawaarida wadooyinkaas ay maanta sameeyaan shaqo joojin ay kaga cabanayaan
isbaarooyinka la soo celiyay oo waliba ka daran sidii lagu yaqaanay
maalmihii la soo dhaafay.
Isbaarada la soo celiyay mid ka mid ah waxa ay
taalay wadada wadnaha, halka mida kalena ay taalay wadada xamarweyne ee aada
dhinaca mataxtooyada iyo raadiyo mogadisho,waxaana labada isbaaro iska leh
maliishiyaad ay isku hayb yihiin Wasiirka Amniga Maxamad Qanyare Iyo
Wasiirka Arr-Gudaha Xuseen Caydiid.
Dadka Iyo waliba Basaska oo Maalmihii la soo
dhaafay ka muujinayay farxad ayay tani ku tahay caqabad hor leh iyo in ay ka
quustaan dadaalada ay balan qaadayeen hogaamiyayaasha mogadisho ee ku
aadanaa Qaadista Isbaarooyinkaas maalmihii la soo dhaafay.
Isbaarooyinka Mogadisho iyo Meelaha ku dhaw oo
gaaraya in ka badan afartan isbaaro ayaa shalay sideed ka mid ah la
qaaday,waxaana dib loo celiyay maanta laba ka mida ah,waxaan lagu
guulaysanin wali in lawada qaado isbaarooyinkaas sida uu qorshuhu ahaa.
Isku-kalsooni darada Hogaamiyayasha dagaalka
iyo adeegsiga qabiilka ayaa sababtay in talaabo walba lagu guulaysan
waayo,tuug walba oo amaanka ummadda caqabad ku ah waxa uu leeyahay
taageerayaal aanay u muuqanin dhibaatada uu ku hayo dadka Masaakiinta
ah,kuwa ku garab siinaya oo ah inta uu ku abtirsado waxa aysan xisaabta ku
darin in iyaga uu dhibaato ku yahay,dhamaan arrimahan ayaa ah kuwa ay la
dagi la'adahay caasimadda Somaliya ee Mogadisho.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk |
canabmumtaz@yahoo.com
Soomaalida Sweden oo ka qeybgalay dood ka
dhacday Baarlamanka Sweden
Waxaa /D: Ikraam Cali-kaar
Inkastoo
dowladda Sweden ay ilaa xad muujisay sida ay ugu tumatay shuruucda
caalamiga ah ee u dagsan xaqootiga, ayaa hadana waxaad mooda iney
hormuud ka tahay siddii Yurub guud ahaan ay dib ugu celin laheyd
qaxootiga dalalkooda jooga ee Soomaalida ah.
Shalay oo taariikhdu aheyd 7.6.2005, waxaa
Baarlamaanka Sweden ka dhacay kulan ay qabsoomidiisa ka dambeeyeen
gudiga ay dhawaan sameysteen Soomaalida sharcilaawayasha ah ee ku sugan
xeryaha qaxootga dalkan. Kulankan oo cinwaankiisa ahaa "Qaxootiga
Soomaalida iyo xaaladda Soomaaliya" Ayaa haweeneyda dalkan wasiirka uga
ah magangalyo doonka Barbro Holmberg dhageysatay su'aalo ay soo
bandhigeen qaar kamid ah asxaabta siyaasadeed ee sida weyn uga soo
horjeeda siyaasada ka dhanka ah qaxootiga . Inkastoo soomaaliddii
kulankaasi joogtay aaney halkaasi ka hadlin marka laga reebo iney
ahaayeen dhageystayaal.
Haweeneyda la yiraahdo Alice Åström oo
ka tirsan xisibiga garabka biddix ee Vänster partiet-ka ayaa sheegtay in
dalka Soomaaliya uu ka jiray dagaalo qaatay 15 sanno, welina aysan jirin
dowlad awood leh oo wax ka qabata nabadgelyo darrada islamarkaasina soo
celiso hanaankii dowlo iyo kaabayaashii dhaqaale ee burburay. Alica ayaa
iyadoo hadalkeedii sii wadata su'aashay Wasiirada uga ah qaxootiga
sababta ay dowlada Sweden u qaatay go'aan ka dhan ah Soomaalida iyadoo
og in dalku dowladi laheyn..
"Waanu ogsoonahay inaan Soomaaliya ka
jirin dowlad awood badan leh, hadana waxaa jira meelo badan oo nabadi ka
jirto sida Somali Land iyo Puntland, xitaa nusmalyan qof ayaa goobahaas
ku soo laabtay oo ka yimid dalalka deriska la ah Soomaaliya sidaas
daraadeed ma jirto xaalad amaan darri oo dadka la soo qaxi karaan" ayey
tiri haweeneydan oo muujineysa in goobaha ay tilmaantay yihiin kuwo
amaankooda la isku haleyn karto islamarkaasina si weyn u difaaceysay
siyaasadda ka dhanka ah qaxootiga Soomaalida ee dalkan.
Mar
wax laga weydiiyey maadama aysan xog ogaal badan u aheyn arrimaha
Soomaalida cida ay warka ka qaataan, waxey sheegtay iney ka qaataan
urruradda aan dowliga aheyn iyo urrur lugu magacaabo Isbaheygsiga
Ummadda Soomaaliyeed oo Sweden ka dhisan. Taasina ay ku tusineyso iney
tahay isha keliya ay dowladeeda ku howlgasho waxna kaga badasha
go'aanada la xirriira Soomaalida.
Dhanka kale ninka la yiraahdo Gustav
Fredolin oo isagana ka tirsan xisbiga Moderat-ka ee garabka middig ayaa
haweeneydaasi waxa uu weydiiyey sababta kaliftay in la sameeyo waxa la
yiraahdo"baaritaan luqadeed". Waxey taasina ku jawaabtay iney tahay
arrin ay ku kala saarayaan cidda Soomaalida saxda ah iyo kuwaan aheyn,
waayo bey tiri waxaa jira dad aan soomaali aheyn oo ka yimid dalalka
deriska ah sheegtana iney Soomaali yihiin, 90% ay heysan aqoonsi buuxa
oo muujineysa Soomaalinimadooda.
Haweeneydan oo baddi su'aalaha la
weydiinayey ay aad u badnayeen ayaa ka jawaabi weysay su'aal aheyd "sharuucda
adduunka dhigeysa in dad qabiil difaaci karo halka uu ka jiro" Taasi
waxey kaga jawaabtay mid aan dadka u cunntamin oo u dhigtana NO COMMENT.
Kulankii shalay halkaasi ka dhacay
markuu dhamaaday, ayey soomaalida ka qeybshay doodasi sameeyeen
banaanbax ka daba socda kuwii horey baarlamaanka Sweden hortiisa lugu
dhigay ee lugu muujinayey sida qaxootiga Soomaalida loogu tuntay xaqooda
sida uu warkan igu soo gaarsiiyey mid kamid ah gudiga sharcilaawayaasha
Sweden oo magaciisa la yiraahdo Salaad Maxmuud Jaamac.
Waxaa /D: Ikraam Cali-kaar
Foto:Ceelbuurnet.com
Wadahadalladii nabadda ee degmooyinka
Beledxaawo- Soomaaliya iyo Mandera-Kenya oo soo gebageboobay
- cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Wada hadalladan oo ay soo qabanqaabiyeen
guddiga nabadeynta xudduudda ee labadan degmo ee kala ah Beledxaawo-Soomaaliya
iyo Mandera-Kenya ayaa waxa uu ka socday magaalada Mandera ee xudduudda ah.
Wada hadalladan waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday labada
magaalo ee isku magaalada noqday ee Berledxaawo iyo Mandera, dhinaca
Beledxaawo waxaa ka socday ergo 15 xubnood ahaa oo uu hoggaaminayay Xaadle,
halka dhinaca Manderana ay ka socdeen guddigii nabadgelyada mandera xubno ka
socday oo 15 ahaa.
Kulankaas ayaa waxaa shirguddoominayay
guddoomiyaha magaalada Mandera ee martida loo ahaa, waxaana fududeynayay oo
isku dubbaridkiisa lahaa kooxda isku xirka nabadda ee ay hormuudka ka
ahaayeen Cabdiwahaab Xaaji Maxamed Turbac iyo Useebbe.
Kulankan ayaa waxaa ujeeddadiisa iyo
ajendihiisuba uu ahaa in la hagaajiyo xudduud wadaagga, isla markaasna isu
socodku uu ahaado mid wanaagsan, in ganacsiga labada magaalo la
dhiirrigeliyo iyada oo aan wax is hor taag ah lagu sameynaynin, in la isu
celiyo wixii hanti ah ee la kala qaatay, in suuqa xoolaha ee saddexda
magaalo ee Mandera-Kenya, Beledxaawo-Somaaliya iyo Suufta-Itoobiya oo iminka
ku yaalla Mandera loo sameeyo nidaam la wada wadaago oo la isku waafaqsan
yahay iyo in shir kale oo nabadeed oo kan ka ballaaran lagu qabto Mandera
kaasoo ay ka soo qayb galayaan ergooyin ka kala socda Ceelwaaq iyo
Ceelqaaloow, kuwo kale oo ka kala socda labada Dhamase iyo ergooyinkan
Beledxaawo iyo Mandera, shirkaas oo la agaasimi doono dhowaan ayaa loogu
talo galay inuu dhaco 10 beri ka dib.
Guud ahaan kulankii labada maalin ka socday
magaalada Mandera ayaa waxa uu ku soo gebageboobay jawi aad u wanaagsan,
iyada oo xubnihii ka wada hadlay goobtaasna ay ka wada mideysnaayeen
wanaajinta ammaanka xudduudda iyo socodsiinta ganacsiga.
Waxaa maalmihii ugu dambeysay laga
dareemayay xudduudka xasillooni darro ka dhalatay dagaalkii Ceelwaaq oo
saameyn ku yeeshay, waxana jirtay in dadka ka gudbaya magaalada Beledxaawo
ee u gudbaya Mandera laga qaado lacag dhan 20 shilin oo lacagta Kenya ah,
halka kuwa ka soo gudbaya Mandera ee u soo gudbaya Beledxaawo aan wax lacag
ah laga qaadeynin, waxana qaadaya lacagtaas ciidammada Kenya ee xudduudda
fadhiya.
Isku soo wada duuboo kulankan ayaa waxaa la
quuddareynayaa inuu gilgilo maamulka mandera iyo kan beledxaawo kuna hago
eegidda dhaliilaha jira, iyaga oo weliba ka mideysan aragtida ammaanka
xudduudda.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Wararkii shalay ee Isbarooyinka hoos ka akhri::::